Qaali Waxaad Tiraahdaa

Waxaa la yiri: gabar ina Sayid Maxamed ah oo la oran jiray Qaali ayaa aabbaheed horey u arki wayday, dabadeedna farriin bay waxay u fartay eeddadeed Jamaad Sheekh Cabdulle oo walaalkeed Sayid Maxamed u yeeray, waxayna tiri:

Jamaadey ayeeyooy, erey yar ma iga geysaa?
Caaqilow adoogey, caaway ma iigu sheegtaa?
Mise waan cawdaayoo, cid kalaan u yeedhaa?
Maro waan qabaaye, qalbigaygu wuxuu rabo
Baftadii caddeyd iyo subeeciyadii guduudneyd,
Ma sheekh baan u leeyahay,
Markay kaanta wayn iyo, marbuucdaanan dooneyn.

Sayidka markii hadalkaasi loo sheegay wuxuu gabadhii u mariyey gabaygaan soo socda, wuxuuna yiri:

Qaali waxaad tiraahdaan, qowlkaagii ii yimid,
Dharkaadu qawadaysiyo, qalbigaagu wuxuu rabo
Qaddar Eebbe mooye, qeyb waa lagaa siin
Qurxi hadalka aad tiri, qarba-boosh ma fiicno e,
Quraankana ha laayicin, salaaddana qalle u diid,
Habartaana qaarido, waalid laguma qooqee,
Qabbaan iyo farsamo baro, yaadan qiimo beeline
Qoyskiina mooye, qolo kalena ha u tagin
Huggaagana qordheeyoo, qalyanimo iska ogow
Quudkana isaga tuur, ninkii raba ha qaatee.

WEYDIIMO

1. Qaali maxay aabbaheed fariinta ugu dirta? Yeyse u sii dhiibtay fariinta?
2. Tuduca shanaad iyo kan lixaad ma kaaga muuqataa baahidi Qaali? Sharrax koobanna ka bixi?
3. Maraykaanta iyo marbuucadu waa maxay?
4. Sayidku markii uu farriintii helay muxuu Qaali u soo diray?
5. Waxyaabaha uu Sayidku gabadhiisa Qaali kula taliyey wax ka sheeg?
6. Ma ku raacsan tahay tuduca tobnaad ee jawaabtii Sayidku Qaali kula taiiyey?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *