Tallan Baan Qabaa

Nin loo yaqaano Kaahin Feedhole oo 70 jir ah ayaa geelii dhowr bari la raaciyey, markaa wiil bar-baar ah oo geel raaci jiray ayaa dhintay. Maxamed Kaahin Feedhoole oo cidda la joogayna waxuu uga maqnaa caro baadi doon iyo hawla kale oo fara badan. Odaygii markuu geel raacistii dhibsaday ayuu ku calaacalay:

Tallan baan qabaa Maxamadow taawil gooniya e,
Toddobaatan baan jiray haddaan tiraba dheereyne
Haddaan timaha guudkayga sare tini madoobeyne
Tallaabo iyo oradkii ninkaa tiicayaan ahaye
Tows iyo xanuun waa waxaan dhab ula taahaaye
Tooraha aroortii haddii ay taaga hor u dhaafto
Tartan iyo ninkii orad hayaa taani soo raga e,
Taaggaas aan leeyahay haddii tooyo la ii raacshay
Oo aanan tudhaaleba sugeyn tacadi wooyaane
Waa tallo Ilaah leeyahoo laga tallaabeyne.

Maxamed gabaygii aabbihii markuu helay buu gabay jawaab ah u soo celiyey wuxuuna yiri:

Dabuub gabay haddaad Kaahinow adigu daardaartay
Anna dabagalkeedaan aqaan daadka maansade e
Dibnihii tiraabaane rag waa kaga dambeeyaaye
Aniga dabuubteyda maqal waan ku daaficiye
Daal iyo dhibaataad sheegatiyo dogobta aad jiidhay
Dabeyshaad wareegtee haraad ugu dayoobeyso
Dadku aabbo waa kula qabaa dunida joogaaye
Duniba nin seexday ma jiro doobi dhamayaaye
Dar baa kaa gu’ weynoo lamara dibadda koolaa e
Dubbow Nuur Caduur maalin qura deex ka hari waaye
Dumarna waa ka haayiray iyo damacii naagoode
Iyana Diiriye iyo Xaashi wey daajiyaan sulube
Dareertiina subaxdii kabtida kama dambeeyaan
Dirka Maxamed-Deeq waa ogtahay duuda uu dhalaye
Difisyoone idil waa ninkaa daadiyee qubaye,
Mana diro e waw taagan yahay doogiyo abaare
Ma dayaco habeen Heybe Nuur sidigta dawlaabe
Dumar wuxuu ku biirshaba ma jiro rag uu dugaashaaye
Dagmadeenna oo idil haddaan dayay intaan eegay
Duqa geel u feydani ka badan doogan soo baxaye
Da’daadaa adduunkiyo wadiyo daan cirroolaha e
Marse haddaadan dariyo laheyn dooni iyo moodhar
Oo dheef Ilaah kuugu daray waxan dareeraayo
Waa kuu danli’i raaciddeed waxaad ku diiddaaye
Marse haddaadan dhaan kuu direyn ceel u dalandoola
Duleeddada ku celi geelu waa dowladdeeniiye
Dubjirkana ka hoy howsha kale kaaga dabac roone.

SHARAXA ERAYADA

Tallan: murugo.
Taawil: faallo.
Taws: cudur.
Tore: socodka geela
Tooyo iyo Taani: laba halaad magacyadood.
Dogob: qori weyn.
Dayoobeyso: wareereyso.
Doobi: waa dhiilka caanaha lagu shubto.
Eeyaa: erey ilmaha waalidka ugu yeero.
Dhexe: waa hal magaceed.
Haayiray: tagay.
Kabtiga: dagdagga.
Difisyoone: waa af qalaad, gaas ciidan ah ayaa loola jeedaa.
Sidig: nirig qura oo laba halaad jaqda.
Duqa geel u feydani: duqa geel raaca.
Kaaga dabacsane: kaaga fudude.

Weydiimo

1. Gabayga hore kumaa tiriyey? Muxuuse u tiriyey?
2. Tuduca uu da’diisa ku sheegayo tilmaan?
3. Dhibaatooyinka uu sheegay soo sheeg?
4. “Waxbo yaan calaacaline Eebbaa sidan ii gartay.” Tuduca sidaa sheegayana waa kee?
5. Gabayga dambe yaa tiriyey? Sababta uu ku yimidna maxay aheyd?
6. Maxay isugu toosnaayeen labada nin?
7. Gabaygan waxaa ku jira dhowr qof, haddaba sheeg mid waliba hawlaha uu qabto?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *