Tashan Waydayee Waa Laguu Talin

Gabaygan waxaa tiriyey abwaan Cabdi Muxumed Amiin, wuxuuna abwaanku gabayga kaga hadlayaa sida ay dadka Soomaaliyeed kaalintii wadaninimo ee uu dalkooda uga baahnaa u gabeen. Wuxuuna isaga oo dalka la hadlaya kuna halqabsanaya hal magaceeda Tooyo la yiraahdo yiri:

Adoon tabar hayn, talana aan heyn
Oo tallaab gabay, kolka Tooyooy
Niman turuqyo leh oo tafaafulan
Oo aan kuu turin ku taxaabtaan
Ee lagu tago tashan way day
Waa laguu talin.

Kolka taxanaha taariikhaha guud
Tubta Aadmiga tii uu soo maray
Teena lagu daro abaar togan iyo
Tows colaadeed isku tiirsada
na tumaatiye adna kula taga
Tashan waynaye waa naloo talin.

Walle Tooyooy Taan ogsoonahay
Waxaad taban iyo Toogadaadaba
Dad ku taamoo Soo tukubiyaa
Kuuma taagnoo Kuuma tababaran
Ta ilaahiyo Tiisa kuma darin
Tashan waydaye waa laguu talin.

Inaad tiir iyo Tacab beeshaan
Tuugsataan abid Ceyr la tiriyo iyo
Wax matarayaal Taagan noqoteen
Tuug aan nixin iyo Burcad aan tudhin
Innoo taliyaan Ama tooyooy
Nabad taamiyo Nolol daba taal
Oo wax taransi leh Toobiye cadoo
Ceelka lagu tago
Oon turxaan qabin Labadaa talo
Tii inoo roon Ku tallaabsada
Tashan waydaye Waa laguu talin.

Tagto daayoo Timaadana qabo
Waa tusaalee Wax u taransada
Ha iska tuurina Ma tawaawaca
Tabar li’daan Ku tasownaa?
Allow labo labo Oo mataano ah
Hadba tii roon Noo tilmaanoo
Nagu taageer Tashan waydaye
Waa laguu talin Habaas laga tagay
Oo waxba aan tarin Tookh bilaash iyo
Nin tola’ay yiri Tuulo magansaday
Oo cidla is tubay, tuuray qarannimo
Wallee Tooyooy, tog cagaar liyo
Tigaad kuma furo, oo wax kuma taro
Tashan wayday, waa laguu talin.

Weydiimo

  1. Yaa tiriyey gabaygan?
  2. Muxuu kaga hadlayaa abwaanku gabaygiisan?
  3. Muxuu dalka abwaanka ku tilmaamayaa?
  4. Muxuu ku dhaliilay abwaanku dadka Soomaaliyeed?
  5. Muxuu aaminsan yahay abwaanku haddii ay dadka Soomaaliyeed iyagu tashan waayaan?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *