Gogoldhig

HORDHAC

Mahad Allaa leh, naxariistii iyo nabadgelyadii Alle ha ahaadeen Nabigayagii Muxammad  korkiisa, ehelkiisa, asxaabtiisii iyo intii samaanta ku raacday ilaa maalinta qiyaamaha.

Kaddib:

Waxaynu ogsoonnahay in labada asal ee loo noqdo si loo fahmo diinta Islaamka, saldhiggana u ah nolosha qofka Muslimka ahi inay yihiin Qur’aanka kariimka iyo Sunnada dahiran ee Nebiga .

Midka hore ee ah Qur’aanka, waa hadalkii Alla ; midka labaadna oo ah sunnada ama xadiiska Nebiga ﷺ hadba kan loo yaqaan waa tusaalooyinkii Nebiga  ee waajibka ah in la raaco, siduu Allahii Casiiska ahaa yiri:

[arabic-font][وَمَا آتَاكُمُ الرَّسُولُ فَخُذُوهُ وَمَا نَهَاكُمْ عَنْهُ فَانتَهُوا][/arabic-font]

”Wixii uu Rasuulku idin siiyana ee amar ah qaata wixii uu idinka reebayna ka hara.”

Sunnaduna waa tan bayaanisa Qur’aanka, dhammeystirkana u ah hanuunka iyo kheyrka xagga Rabbigeen inoo laga soo dejiyey.

Qofkuna hadduusan darsin Sunnada kama qaadan karo suurad dhan ee sax ah axkaamta diinta, mana fahmi karo xaqiiqda Islaamka iyo kheyrka ku laran.

Sidaa awgeed ayaa waxaa ii muuqatay inaan walaalaheen Soomaaliyeed u soo gudbinnaa qaybo ka mid ah axaadiistii Nabigeennii suubbanaa oo afkooda hooyo ugu tarjuman, si looga haqabtiro baahida ka haysata xagga axaadiista Rasuulka .

Waxayna doorashadu ku dhacday inaynu ku billowna daabacaadda iyo fidinta kitaabkan uu qoray walaalkeen Sheekh Cabdul-Raxmaan Xuseen Samatar, kaddib kolkaan naqtiimay kitaabka; wixii khaladaad ahina aan ka saaray. Kaddibna waxaan jecelnahay inaan soo saarno kitaabka Riyaadu Saalixiinka uu qoray al-Imaam an-Nawawi isagoo af Carabi – Soomaali ah, haddana aannu ku howlannahay.

Waxaana suurta gal ah in Ilaahay kheyrka ina waafajiyo oo aan dadaalka meesha ka sii wadno oo qaybo kale ee xadiiska Rasuulka ﷺ soo saarno sida Saxiixul Bukhaari iyo Saxiix Muslim.

Waxaan u rajeynaynaa dadweynaha Soomaaliyeed inay ka faa’ideystaan, kuna camal falaan mabaadida toosan ee Rasuulkeennu inoogu yeerayo.

Allaana u wakiilannay inuu wax ka dheefsiiyo walaalaheen dadaalkayaga, innagana innaga aqbalo camalkayagan, kana dhigo mid khaalis u ah Wajigiisa Kariimka ah.

Naxariistii iyo nabadgelyadii Allana ha ahaadeen nabigeennii Muxammad korkiisa, ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo intii samaanta ku raacday ilaa maalinta qiyaamaha. Aamiin. Aamiin. Aamiin.

Cabdul-Casiis Xasan Yacquub

 

HORDHACA TARJUMAHA BUUGGA

Wuxuu ku sheegay mu’allifka kitaabkani Imaam an-Nawawi, gogoldhiggii ugu horreeyey inuu jiro xadiis aan sugneyn oo leh:

”Qofkii xafida 40 Xadiis, waxaa la soo bixinayaa qiyaamaha isagoo shahiid ah oo shafaaca qaadaya, waxaana lagu yiraahdaa: Jannada ka gal irridda aad doonto.”

Marka culumo tobnaad dhan ayaa ururiyey afartameeyo xadiisyo, si ay dadka ugu fududaato inay xafidaan, laakiin waxay xuleen badankoodu xadiisyo hal mowduuc ka hadlaya, qaar waxay ka allifeen xagga caqiidada, qaarna xagga jihaadka, qaarna xagga aadaabta iyo arrimo kale oo fara badan.

Marka waxaan goostay inaan afartan xadiis ururiyo anigoo ku dayanaya culumadaas faraha badan oo arrimahaas oo dhan wada koobaya. Xadiis kasta oo ka mid ah kuwaan aan soo xulay waa saldhig weyn oo ka mid ah asaaska diinta Islaamka, culumaduna ku tilmaameen inay murtida Islaamku ku dhan tahay ama Islaamka barkii ama waaxdii, waana xadiisyo dhammaan wada saxiix ah oo sugan.

Sida dhabta ah arrimahaas Imaam an-Nawawi ku tilmaamay kitaabkan waa xaqiiqo dhab ah, waana arrimahaas waxa igu xambaaray inaan kitaabkan u soo tarjumo af Soomaaliga.

Waxaan la kulmay dhallinyaro badan oo af Soomaaliga si wacan u taqaanna, laakiin af Carabigu ku culus yahay, isla markaan aad uga fiirsadayna kitaabka ugu habboon ee fikrad run ah oo fudud ka siinaya diinta Islaamka ayaan ku qancay in kitaabkani kaalintaa buuxin karo, sababtoo ah wuxuu kulansaday axaadiis ka hadleysa arrimo badan oo qofka iyo bulshadaba si qoto dheer u saameyneysa sida axaadiista ka hadleysa tiirarka Islaamka, Iimaanka, iyo Ixsaanka, sida niyada, daacadnimada, hagar la’aanta iyo inaan lagu labin camalka Ilaahay loola jeedo wax aan sharcigu farin.

Axaadiis kale waxay ka hadleysaa waajibaadka qofka ka saaran bulshada uu ku nool yahay, sidii uu u gudan lahaa waajibaadkaas iyo haddii uu guto abaalgudka uu leeyahay.

Axaadiis kale waxay ka hadleysaa sida xiriirka bulshadu ku toosi lahaa, waxayna tilmaameysaa wixii bulshada isu soo dhoweyn lahaa ee ku xambaaraya xubnaha bulshada inay is-afgartaan oy wax wada qabsadaan.

Axaadiis kale waxay ka digeysaa waxyaalaha isku diraya dadka ee kala geynaya ama colaad iyo uur xumo isugu abuuraya iyo dhibaatada uga imanaysa kala tagga iyo is-khilaafka if iyo aakhiraba. Waxaa jirta axaadiis kale oo kala qeexaysa jidka toosan iyo kan qalloocan ama xaqa iyo baadilka, iyo qof kastaba abaalgudka uu helayo hadba jidka uu raaco.

Waxaa jirta oo kale axaadiis ka hadleysa anshaxa iyo aadaabta fiican ee ku habboon ruuxa rumeysan diinta Islaamka iyo sida uu ula dhaqmayo dadka xiriirku dhex marayo iyo arrimo kale oo ku baahsan oo lala kulmi doono marka la akhristo.

Sida dhabta ah waa kitaab mudan in la xafidsiiyo dhallinta soo koreysa, waxaanna filayaa qofkii si fiican u fahma inuu wax weyn ka tari doono dadnimadiisa iyo aayatiinka noloshiisa inta uu jiro.

Xagga tarjumada waxaan isku dayay inaan aad ugu soo dhoweeyo garaadka dadka aan aqoon qoto dheer u laheyn diinta.

Xagga sharaxa marka hore waxaan fasiray ereyada Rasuulka ﷺ laga soo weriyey oon af- Soomaali ku tarjumay. Kaddibna waxaan sharxay macnaha guud ee xadiiska loola jeedo, waxaan ugu dambeysiiyey faa’idada xadiiska laga qaadan karo.

Marna ma halmaami karo ugu dambeyntii inaan u mahad-celiyo dadkii ka qayb qaatay sida kitaabkani ifka loogu soo saari lahaa. Waxaan Ilaahay uga rajeynayaa in uu ku abaal mariya guul waarta.

Sheekh Cabdiraxmaan Xuseen Samatar

4 thoughts on “Gogoldhig

  1. Pingback: Afartanka Xadiis

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *