Xadiiska 13aad

KALGACEYLKA

[arabic-font]عَنْ أَبِي حَمْزَةَ أَنَسِ بْنِ مَالِكٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ خَادِمِ رَسُولِ اللَّهِ ﷺ عَنْ النَّبِيِّ ﷺ قَالَ: “لَا يُؤْمِنُ أَحَدُكُمْ حَتَّى يُحِبَّ لِأَخِيهِ مَا يُحِبُّ لِنَفْسِهِ”. [/arabic-font]
[arabic-font]رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ [رقم:١٣]، وَمُسْلِمٌ [رقم:٤٥]. [/arabic-font]
[arabic-font][رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ][/arabic-font]
[arabic-font]، [وَمُسْلِمٌ][/arabic-font]

Waxaa laga weriyay Abuu Xamsa Anas ibn Maalik (Allaha ka raalli noqdee), oo ahaa adeegihii Rasuulka ﷺ inuu ka weriyay Nebiga ﷺ inuu yiri:
Qofka iimaankiisu dhab ma noqdo ilaa uu la jeclaado walaalki waxa uu naftiisa la jecel yahay.
Waxaa weriyay al-Bukhaari iyo Muslim.

Sharaxa
Xadiiskani wuxuu ka hadlayaa qiimaha weyn ee iimaanka dhabta ku leeyahay bulshada Muslimka ah. Sida runta iimaanku waa saldhigga iskaashiga iyo xasilloonaanata bulshada laga bilaabo qoyska ilaa heerka dowladnimada, marka la yaab ma laha haddii Nebigeennu ﷺ ku xiray iimaanka qofka inuu walaalihii la jeclaado waxa uu naftiisa u doonaayo, taasoo ah inaanu qofku xaasid ku rtoqon dadka walaalihiis, uusan ka xumaanin ama ku nicin haddii ay qof walaalki ah wax u kordhaan.
Isla markaa wuxuu xadiisku ina tusinayaa inaan qofku u qaadin walaalihi xumaato aanu naftiisa uga raalli aheyn. Mar haddii ay dadku is—jeclaadaan iiaahay dartii wey isku kalsoonaan karaan marka waxa halkaa ka dhalanaya iskaashi, wada—shaqeyn iyo wax wadaqabsi.
Tusaale ahaan waxaad la jeceshahay naftaada caafimaad, maal badan, magac iyo sharaf, sidoo kale la jeclow dadka walaalahaa ah waxyaalahaas oo dhan.

FAA’IDADA XADIISKA
1. Ka dheeraanshaha xaasidnimada iyo xumaanta qalbiga lagu hayo;
2. In qofka iimaankiisa ku xiran yahay waxa uu walaalihiisa muslimka ah qalbiga ugu hayo;
3. Inuu ka dhowro qofka dadka wixii aanu naftiisa u quureyn,
4. Inuu ku dadaalo waxyaalaha u soo jiidaaya jeceylka walaalihi, kana dheeraado wixii naceyb iyo colaad uga abuuraya qalbiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *