Xadiiska 33aad

CADDEYN KEENISTA WAA AASAASKA DOODAHA

[arabic-font]عَنْ ابْنِ عَبَّاسٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم قَالَ: “لَوْ يُعْطَى النَّاسُ بِدَعْوَاهُمْ لَادَّعَى رِجَالٌ أَمْوَالَ قَوْمٍ وَدِمَاءَهُمْ، لَكِنَّ الْبَيِّنَةَ عَلَى الْمُدَّعِي، وَالْيَمِينَ عَلَى مَنْ أَنْكَرَ” . [/arabic-font]
[arabic-font]حَدِيثٌ حَسَنٌ، رَوَاهُ الْبَيْهَقِيّ [في”السنن” 10/252]، وَغَيْرُهُ هَكَذَا، وَبَعْضُهُ فِي “الصَّحِيحَيْنِ”.[/arabic-font]

Waxaa laga weriyey Cabdullaah ibn Cabbaas (Allaha ka raalli noqdee), in uu Rasuulkii llaahay yiri (s.c.w.):
Haddii dadka la siin lahaa waxay u dacwoodaanba rag baa sheegan lahaa xoolaha dadka iyo dhiggooda, lakiin, inuu caddeyn keeno waa waajibka ruuxa dacwada soo oogay, haddii ruuxa ashtakada keenay wax caddeyn ah keeni waayo, ruuxa u soo dacweeyeyna wixii inkiro waa la dhaaran dacweysanaha.
Waa xadiis Xasan ah, waxaa weriyey al-Beyhaqi iyo kuwo kale.

SHARAXA
Xadiiskani wuxuu inoo sheegay aasaaska xeerka
ah ee ay ku socdaan dacwooyinka maxkamadaha la hor keeno, waano saldhig sharci ah. Wuxuu xadiisku sheegay inaan qofna la siineyn waxa uu qofka kale ku sheeganayo, isagoon caddeyn keenin, haddiise la siin lahaa qofku waxa uu sheegto caddeyn la’aan, waxaa dhici lahaa in qof kastaa xoolo qof kale sheegto oo uu yiraahdo ha la iiga qaado. Marka waxaa loo shardiyay qofkii xaq sheeganaya in uu caddeyn la yimaado iyo xujo u sugeysa in xaqaa isaga ah laga qabo, ha noqoto xujadaasi marag, warqad rasmi ah iyo waxyaalo kaleba.
Qofka xaqa lagu sheeganaayo isaga lagama rabo caddeyn inaanu xaqaa qabin, ee waxaa laga rabaa in uu ka dhaarto inaanu xaqaa lagu sheeganayaa qabin, haddii dhinaca kale caddeyn laga waayo.

FAA’IIDADA XADIISKA
1. Inaan qofna la siin xaqa uu u dacwoonayo, haddii aannu u sugnaanin;
2. Dacwoodaha waxaa korkiisa ah caddeyn;
3. Dacweysanaha waxaa korkiisa ah dhaar, haddii dhinaca kale caddeyn laga waayo;
4. Inaan qofka waxba qabin ilaa lagu sugo xaqa lagu sheegtay;
5. Garsooruhu waa in uu raaco mabda’aa isaga ah markuu dacwad qaadaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *