Xadiiska 4aad

ABUURISTA AADAMIGA

[arabic-font]عَنْ أَبِي عَبْدِ الرَّحْمَنِ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ مَسْعُودٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: حَدَّثَنَا رَسُولُ اللَّهِ ﷺ -وَهُوَ الصَّادِقُ الْمَصْدُوقُ-: “إنَّ أَحَدَكُمْ يُجْمَعُ خَلْقُهُ فِي بَطْنِ أُمِّهِ أَرْبَعِينَ يَوْمًا نُطْفَةً، ثُمَّ يَكُونُ عَلَقَةً مِثْلَ ذَلِكَ، ثُمَّ يَكُونُ مُضْغَةً مِثْلَ ذَلِكَ، ثُمَّ يُرْسَلُ إلَيْهِ الْمَلَكُ فَيَنْفُخُ فِيهِ الرُّوحَ، وَيُؤْمَرُ بِأَرْبَعِ كَلِمَاتٍ: بِكَتْبِ رِزْقِهِ، وَأَجَلِهِ، وَعَمَلِهِ، وَشَقِيٍّ أَمْ سَعِيدٍ؛ فَوَاَللَّهِ الَّذِي لَا إلَهَ غَيْرُهُ إنَّ أَحَدَكُمْ لَيَعْمَلُ بِعَمَلِ أَهْلِ الْجَنَّةِ حَتَّى مَا يَكُونُ بَيْنَهُ وَبَيْنَهَا إلَّا ذِرَاعٌ فَيَسْبِقُ عَلَيْهِ الْكِتَابُ فَيَعْمَلُ بِعَمَلِ أَهْلِ النَّارِ فَيَدْخُلُهَا. وَإِنَّ أَحَدَكُمْ لَيَعْمَلُ بِعَمَلِ أَهْلِ النَّارِ حَتَّى مَا يَكُونُ بَيْنَهُ وَبَيْنَهَا إلَّا ذِرَاعٌ فَيَسْبِقُ عَلَيْهِ الْكِتَابُ فَيَعْمَلُ بِعَمَلِ أَهْلِ الْجَنَّةِ فَيَدْخُلُهَا”.[/arabic-font]
[arabic-font][رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ][/arabic-font]
[arabic-font]، [وَمُسْلِمٌ][/arabic-font]

 

Wuxuu yiri Abuu Cabdir-Raxmaan Cabdullaah ibn Mascuud (Alla ha ka raalli noqdee): Waxaa noo xadisay Rasuulkii Alla ﷺ isagoo ah runle la rumeeye oo wuxuu yiri:
Qofka waxaa lagu uruuriyaa caloosha hooyadii isagoo candhuuf yar ah 40 maalmood, intaa in la’egna wuxuu ahaanayaa xinjir yar, intaa in la’egna wuxuu noqonayaa waslad yar oo hilib ah, markaasaa loo soo dirayaa malag, wuxuu ku afuufayaa nafta waxaana la farayaa afar eray oo kala ah: inuu qoro arsaaqadiisa, cimrigiisa, shaqadiisa iyo inuu yahay shaqaabad ama saciid. Waxaan ku dhaartay Allahaa aan ilaah kale jirin xaq lagu caabudo isaga ma ahee; qofku wuxuu falayaa camalka reer jannaadka ilaa uu u jirsado in xusul ah, markaas hadduu yahay qof loo qoray Naarta, wuxuu falayaa camalka reer-naareedka, markaasuu gelayaa Naarta. Ama qofku wuxuu falayaa camalka reer-naareedka ilaa uu u jirsado in xusul ah, marka hadduu ahaa qof loo qoray Jannada wuxuu falayaa camalka reer-Jannaadka, markaasuu gelayaa Jannada.
Waxaa weriyay al-Bukhaari iyo Muslim.

Sharaxa
Xadiiskani wuxuu caddeynayaa heerarka kala duwan ee qofku marayo inta uu caloosha ku jiro, heerka ugu horreeya waa isagoo dhibic candhuuf ah ayuu gelayaa minka hooyada, muddo 120 beri ah ayey isu beddelaysaa cad yar oo hilib ah oo in mar la goosto la’eg. Marka ay 4 bilood u dhammaato ayaa lagu abuurayaa nolosha Aadannimada iyo suuraddiisa, isla markaa Allahii aan cilmigiisu xuduudda laheyn oo og qofkaasi wuxuu ku kici doono shar iyo kheyr ayaa wuxuu amrayaa in la qoro xaal nololeedka qofkaa iyo wuxuu abaalmarin mudan doono, arrimahaasna waxaa fulinaya malaggii Alla u xilsaaray.
Waxaa kale oo xadiiskani na tusinayaa inaan Naarta iyo Jannada loo kala dhoweyn oo ay ku xiran tahay khaatuma kheyrka, waxaa la arkaa in qofku gaal ama faasiq yahay, laakiin, marka geeridiisu soo dhowaato iska islaamo ama tooba keeno hadduu caasi yahay.
Haddaba waxaa la gudboon qof waliba inuu Ilaahay baryo, inuu khaatimadiisa kheyr ka dhigo.

FAA’IIDADA XADIISKA
1. Xaaladaha kala duwan oo qofku ku marayo uurka hooyadi.
2. Ilaa 4 bilood laga gaaro inaan qofka lagu abuurin ruuxda Aadannimada.
3. Kheyrka iyo shartu sidey isugu dhow yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *