Qeybta 28aad

Habeenkaa nabadqab ayey ku baryeen. Kolkay cadceeddu soo bax tahay, fardihii ayey biyihii iyo midhihii siiyeen iyana afurkoodii ayey cuneen. Hadday cadceeddii qarka godka kala soo baxdayna waddada ayey cagta saareen. Ha yeeshee intaanay hal maylba malaha socon ayaa buuro yar yar oo geestooda bidix gudboonaa waxa madaxdooda kaga soo baxay goosan rag ah oo ku soo maqan. Waxay ahaayeen ilaa boqol nin oo labaatan ka mid ihi fardo fuushan tahay inta kalena daba guclaynayso. Socotadii markiiba way istaageen. Jetro iyo laba nin oo kale ayaa deeto intay maro yar oo cad qori sudheen, taasoo ah amaraad nabadgalyo, ayey xaggoodii u dhaqaaqeen. Qoladii kalena laba nin ayaa soo dhaqaaqday. Cabbaar markii la is hortaagnaa dabadeed, ayuu Jetro ku soo noqday saaxiibbadii.

“Maxay leeyihiin?” ayuu markiiba Amuba degdeg u weydiiyay, kuye, «kooga madaxda ah ayaa wuxuu leeyahay waxa khasab ahayd in aynnu cashuur bixinno uu innoogu oggolaado in aynnu ku dhexmari karno dhulkiisa. Waxan u sheegay inayan raali ka ahayn in aynnu bixinno; nasiib darrose aynaan kaba war hayn. Deeto waxan u sheegay in aan hadda siinayo dhawr xidhmo oo dharka Masar ah, wuuse igu diiday. Waxaanu si badheedh ah u yidhi in uu doonayo in uu wax alla wax aynnu sidanno uu qaato xataa gaadiidkan dhahoo. Markaa waxaan idhi saaxiibbaday ayaan kala soo tashanayaa. Haddii aan sidaa ku heshiinnana marada cad ayaan kor u sii haynayaa.”

“Hadday arrini halkaaba taagan tahay deji marada,” ayuu yidhi Amuba, “maxaa yeelay hantideenna oo la qaataa geerida kama dhacdo. Waxaana innoo khayr roon innaga oo ku dhimanaa. Haddaad si kale u eegtaan, nimanka waabaynnu u jilib dhigi karnaa; sababta oo ah waxaynu nahay seddex iyo labaatan nin oo hub haysta, waanaynnu jiidhi karnaa.”
“Haa, waa runtaa. Waxanse ka cabsi qabaa in badhkood alaabta innaga boobaan inta aynnu qaar la dagaalamaynno,” ayuu yidhi Jetro, “Markaa waxay ila tahay in aynnu horta meel isugu ururrinno. Adiga iyo Jebron, iyo lix ragga ka mid ihina ilaaliyaan iyaga iyo gabdhaha. Intayada kale haddii aannu fardoolaydooda khaarijinno, waxan filayaa in kuwa lugta ku socdaa cagta wax ka dayi doonaan. Sidaas baa ugu habboon. Waxaan filayaa aniga iyo Jebronna in aannu boqol tallaabo ka badan wax kaga dili karaynno fallaadhaha.” Jetro ayaa dabadeed lix nin oo falaadha si fiican u taqaan ka soocay raggii; waxannu ku amray inay wax ka dhiciyaan labada inan. Gabdhihii iyaga waxa la fadhiisiyey awrtii oo weeqaar loo tu’iyey dhexdooda, raraddii iyo bucsharadiina waa lagu soo wareejiyey, fardihii intii hadhaysayna intay shakaaleen ayey awrta agtoodii fadhiisiyeen.

Jebron, Amuba iyo lixdii ninna weegaarka duleedkiisa ayey jilibka aasteen. Intaasi hadday dhammaatay ayuu Jetro calankii caddaa tuuray. Deeto isaga iyo afar iyo tobankii nin ee kale ayaa dhagac ku siiyey budhcaddii.

Fardoolaydii budhcaduna hore ayey u kaceen. Jetro iyo kooxdiisii iyaga oo isku duuban oo warmihiina hortooda qumaati u dhisay ayey daf la yidhaahdeen safkii cadawga. Markiiba fardo iyo ragba waa la isla qalaama rogtay oo gigtiiba budhcaddii ayaa qaar badan dhulka la dhigay. Jetro baa haddana kooxdiisa isku hagaajiyey oo mar labaad rogaal ku laabay. Raggii budhcadda qaarkood ayaa isla qacdiiba jaanta wadhay. Jetro iyo colkiisii baase kala daba tegay oo madaxooga mijo ka sameeyey; qaarna ilaa ugu danbeystii ayey xarbiyeen, dhulkaase la wada dhigay.

Intaasi hadday dhacday ayaa budhcaddii lugta ahayd soo xoontay. Jetro intuu isku duubtay kooxdiisii ayuu dhex jiidhay. Si dhiirran ayey budhcaddu u dagaalantay oo mararka qaarkood waabay isku xeereen Jetro iyo colkiisa, hasa yeeshee intuu faraskii dhex jiidhsiiyey ayuu bidix iyo midig u nacay faas weyn oo uu sitay. Raggii uu wateyna si quman ayey agtiisa uga dirireen oo cadawgii ayey geestoodii ka miidheen.

Cabbaar haddii sidaa la iskula jiray oo gurxanka, tolaayda, iyo dhiigga shalaxda haya la yaabay ayaa budhcaddii jabtay oo cagaha wax ka dayeen ilaa buurihii ay ka soo dhaceen. Maydkii ay goobtii ka yaaceen wuxuu noqday labaatan lug-ku-socotadii ah iyo fardoolaydii oo dhan.

Jetro hadduu wax kala gartay oo uu hareerihiisii eegay, ayaa wuxuu markii ugu horreysay arkay in aanu cadawgii oo dhan la dagaalamayn ee shaw ilaa konton ka mid ihi u soo daba waydaaratay awrtii iyo dhallinyaradii oo ay ku xeersanyihiin.

Dhawaaq ba’an intuu ugu dhuftay kooxdiisii ayuu fay ku siiyey xaggii dhallinyarada. Markiiba kuwii darafta soo xigay ayuu faashka u nacay. Show diqir iyo tii u danbaysay ayuu kusoo gaadhay oo meeshaba. dagaal xun baa ka socday. Wuxuu arkay Amuba, Jebron iyo mid raggii ka mid ah oo geesta soke sutida u haya dhawr budhcaddii ka mid ah raggii kalena geesta shishe si ba’an ayna u dirirayaan. Kolkay Jetro iyo kooxdiisii soo kuleen goobtii baaba dagaalkii joogsaday.

“Allay lehe goortaan u darrayn ayaad na soo gaadhay,” ayuu yidhi Amuba. “Run ahaantii kulkii dagaalka ayaa banan xaggiinnaba soo dayin. Oo waa sidee si xun baa laguu dhaawacaye? Gabdhihii ma nabad qabaan?” Maysa iyo Ruut oo markuu dagaalku joogsaday sarakacay ayaa halkan ka yeedhay. “Haa laakiin, alla seddexdiinaba waa la idin dhaawacay.”

“Waxba haka baqina,” ayuu Jebron ku yidhi cod taag daran, “Waan yar dhiig baxay uun baan u malaynayaaye. Inta badan gaashaanka ayaa iga dhiciyey tumaatidii cadawga.”

Markuu labadii fiiriyey wuxuu arkay in labaduba dhaawacan yihiin. Jebron isaga seef baa daanka lagu dilaaciyey dhinacana waran baa lagaga dhuftay. Amubana labada garab dhexdooda ayaa dhaawac weyn laga gaadhsiiyey. Halkii baa deeto Jetro intuu nabarradii maydhay maryo nadiif ah ku xidhxidhay. Dabadeed wuxuu u tagey raggii kale oo markaa saaxiibbadood gacanta ku hayaan. Nin ka mid ah lixdii ay awrta uga tageen isaga waa la dilay seddex kalana si xun ayaa loo dhaawacay.

Ninkii awrta lahaa isaga waxba ma gaadhin waayo gigtii la isgalayba wuxuu hoosta ka galay saabaankii iyo raradii awrta. Markii nabarradii la wada dayey ayey sahaydii la soo baxeen oo raggii caano, biyo iyo cuntadii kaleba loo qaybiyey; dabadeedna halkii bay ka tukubeen. Seddex nin oo si xun u dhaawacnayd ayaa fardihii qaban weyday; deeto waxa la saaray awrtii. Waxay tukubaanba waxay yimaadeen Betra. Halkaasoo ay isku baxnaaniyeen toddoba maalmood.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *