Qeybta 2aad

Wax yar ka dib ayuu boqorkii soo fuulay faraskiisii oo uu hor kacay ciidankii, deeto ay ka baxeen irriddii weynayd ee magaalada, Boqorka waxa daba socday Amuba oo fuushanaa gaadhifaras uu wadey nin dheer oo xoog weyni. Ninkaa askariga ihi wuxuu sitay gaashaan weyn oo ballaadhan oo lagu talo galay inuu inanka boqorka dhufays uga dhigo gantaalaha iyo warmaha cadawga. Boqorka ayaa ku amray ninkaa, in aanu marnaba u oggolaan inankiisa in uu safka hore ee ciidanka isku soo maqiiqo.

Wuxuu yidhi Boqorku, “Amuba fulaynimo kuma ogi; hasa yeeshee weli waa inan yar oon u bislaan dagaalka. Sidaa awgeedna kama hortagi karo askarta dagaalyahanada ah ee reer Masar. Haddii an anigu dhintona wuxuu noqon doonaa boqorka reer Reebu, markaa nolashiisu waa qaali.” Deeto intuu jaleecday askarigii Amuba u waday gaadhi faraska ayuu yidhi, “Waa in aad inankayga sida inankaaga oo kale u ilaalisaa. Hana ka ogolaanin haddii uu ku yidhaa iga horgee cadawga.”

Halkii buu markaa ciidankii Reebu u ambabaxay goobtii uu cadawga kaga hor tegi lahaa. Ciidankii oo lug ku socdo, fardoolay, iyo gaadhi farasba isdaba sunsumaya. Goor ay maalintiiba dabayaaqo tahay oo cadceeddii sii dhacayso ayaa waxa ciidanka hortiisii ka soo muuqday nin ilaalo ku maqnaa oo faras ku jooga oo xaggoodii u soo ordaya. Ninkii baa deeto markuu soo dhawaaday, intuu boqorkii hor yimid uu faraskii ka degay warkii uu la ordayey dhiibay. Warkaasi wuxuu noqday in ciidankii Masar uu socodkoodii maalintaasi u dhammaaday oo ay hadda u qalqaalanayaan degmadii ay habeenkaa ku baryi lahaayeen.

Boqorkii warkaa isaga ah aad ayuu ugu riyaaqay, sababta oo ah ciidankiisu weli muu gaadhin goobtii ugu habboonayd in ay cadawga kaga hortagaan. Midda kale dib u dhacaasi wuxuu siinayaa waqti ay askartiisu ku nastaan. Taasoo u suuro galinaysa in ay dagaalka lama huraanka ah ee subaxnimada dhici doona ay ugu diyaar noqdaan.

Boqorkii markaa wuxuu ciidankiisii ku amray in ay socdaalkii joojiyaan oo ay goosan goosan u degaan; isna, intuu koox abbaanduulayaal ah kaxaystay ayuu u baxay halkii uu dagaalku ka dhici lahaa, si uu u soo kormeero sida ay meeshu tahay. Wax yar markay socdeenba waxay ku soo baxeen laag yar oo biyo maraan, meesha isla maalmahaa ayuu roob helay oo laagta labadeeda daanba waxay ahaayeen dhul dhiiqo ah oo mariddiisu adag tahay, waayo fardihii ay boqorka iyo kooxdii uu watay fuushanaayeen ayaaba degi gaadhay dhiidhi darteed. Halkaa wuxuu ka qiyaas qaatay in ay gaadhifarasyada cadawga ku dhib noqon doonto sida ay uga soo tallaabi lahaayeen laagta iyo labadeeda daanba. Xagga midigta waxa laagta ka xigay kayn jiq ah. Xagga bidixdana, ilaa qiyaastii hal mayl, waxa kaga yaallay tuule yar. Waxa halkaa uga muuqatay boqorkii in labada meeloodba ciidan yari ilaalin karayaan. Sidaasina waxay u suuro gelinaysaa in ciidan weynaha laagtu dhufays u noqonayso, labada geesoodna ay tuulada iyo kayntu ka xigaan; sidaa darteedna aanay u suurtoobayn in cadawgu dhanaba ka soo hareereeyo.

Sidaa markuu boqorkii isha uga buuxsaday goobtii uu dagaalku ka dhici lahaa ayuu dabadeed ku soo laabtay halkii ciidan-weynuhu degganaa. Wuxuu halkii yimid ciidankii oo degay oo nasasho nin walba lugaha fidsaday. Isaga, naf-ahaantiisu wuxu iskaga baahnaa waxoogaa iskala-bixin ah inta ka horraysa subaxda iyo dagaalka lama-huraanka ah.

Halkaasuu deeto hurdo foojignaani ka dambayso seexday isaga oo labiskii iyo qalabkii dagaalkaba gashan. Mar mar, faras danano iyo qar-jafta cagta askarta gaadhka haysa ka sokow, waxa sida habeenkii uunka u qariyey, u wada gaadhay, xasiloonaan iyo sanqadh la’aan. Qun yar qun yar ayuu habeenkii u siqay oo waagii ayaa soo dhawaaday. Markuu diiqii u horreeyey ciyey ayuu boqorkii hurdadii ka toosay; isla markiibana wuxuu toosiyey abbaanduulayaashii ciidanka waxanu amar ku siiyey in ay askarta u hor kacaan ilaa meelihii maalintii hore ay soo calaamadsadeen. Markaa, iyada oo weli dunidii mugdi tahay ayaa ciidankii isdaba galay oo u sunsuumay ilaa goobihii calaamadsanaa.

Waxa ugu horreeyey, oo saf ballaadhan galay ciidankii qaansalayda ahaa oo iyaga loogu talagalay in ay laagta qarkeeda ku diyaar ahaadaan, si ay isu-hortaagaan haddii gaadhi faraslayda cadawgu damacdo in ay laagta ka soo tallowdo. Gadaashooda waxa galay colkii warmoolayda ahaa oo iyana u diyaar ah haddii weerarka cadowgu aad u kululaado in ay caawiyaan qaansalayda. Gadaal oo colka xaggiisa dambe ah wax meelo yar taagsin ah iyaga oo koox koox u taagnaa heegan ku ahaa gaadhi-faraslaydii oo haddii ay cadowga u suurtowdo in ay ka soo tallabaan laagta u diyaar ahaa in ay wax xille tusaan.

Tabaabulshahaa la yaabka leh markuu ciidankii reer Reebu dhamaystay ayaa qacdii u horaysay ee waaguna bari ka dilaacday. Boqorkii ayaa markaa taagsin dheer oo xagga danbe ah u baxay waxanu sheedda ka arkay siigada iyo boodhka ka soo baxaya halka ciidanka Masar ka soo gaarufanayo. Deeto intuu wiilkiisii oo ag taagnaa sidaa u jaleecday ayuu ku yidhi, “Hadda waxa inna haya waqtigii ay naftaadu sida yaabka leh ugu ciilanayd. Siigadaa cirka isku shareertay waxa soo kicinaya ciidankii ciidan innagu soo duula kii ugu weynaa inta madaxaygu saan lahaa. Aniga imika xilka i saarani waa in aan dhabbada cagta saaro oo aan colkeena u horkaco dagaalka ee xusuusnow aabbo inkasta oo geesinimo dirirku xaal rag yahay, haddaan dhinto inaad tahay boqorkii dadkeenna.”

Erayadaa tiiraanyada leh markuu yidhi ayuu boqorkii faraskii jug siiyey oo u kadleeyey xaggii safka hore. Markan iyo haatan cadceeddii ayaa fudh soo tidhi oo ciidankii reer Reebu waxay durba ka dhex arkeen siigadii meesha fog ka soo baxaysay laxaadkii ciidankii Masar oo hab weerar u soo siqaya – fardoolay, lug-ku-socoto iyo gaadhifaras – ilaa ay hadba qaansalaydoodii laagta dacaalkeedii shishe soo ba gaadheen.

Boqorkii baa deeto amar ku bixiyey in ay qaansalaydu kiciyaan weerarka. Iyana markii ay heleen amarkii ay sugayeen ayey falaadh roobka kaga dhigeen ciidankii soo darhanaa ee Masaarida. Dhibicaa lama filaanka ihi dib ayuu u qabtay cadawgii, ha ahaatee dib-u-qabashadaa yar ee cadawga ku dhacay wax badan uma kordhin qoladii reer Reebu: waayo Masaaridu way ka qaansooyin waaweynaayeen oo falaadhoodu meel dheer bay gaadhaysay. Markaa markiiba waxaa loogu soo jawaabay duufaan falaadha ah oo halkaa isla qacdiiba waxa ku qudh baxay rag reer Reebu ah oo aan yarayn.

Boqorkii, oo ciidan yaraan awgeed aan in nin kali ka khasaaro oggolayn, baa markaa amar ku bixiyey in safka hore dib u soo kaco si ay uga yar durkaan halka fallaadhaha cadowgu ku beegan yihiin. Halkaa markay marayso ayaa labadii ciidan yara kale maageen; iyada oo midba ka kale u tirrisayo.

One thought on “Qeybta 2aad

  1. Waxaan maqli jiray Biyo kaa badan iyo col kaa badanba way ku qaadaane malaha waa maah maahdii. Balse qaybta 3aad aan ka war sugo.

    Aad baad u mahadsantihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *