Qeybta 30aad

Dhimashadii Amusis kolkiiba lama ogaan mugdigii iyo qaskii awgeed. Jetro baase u qayliyey colkiisii oo ku amray in ay weerarka joojiyaan. Dabadeedna wuxuu askartii boqorka ka codsaday in ay dhigaan hubka. “Boqorkiina wuu dhintay,” ayuu Jetro ku baaqay, “Amuba ha noolaado, boqorka xaqa ah ee dadka reer Reebu.” Askartii Amusis sidii bay oggolaadeen waayo giddigood way necbaayeen Amusis. Jetrona hadalkii buu sii waday oo wuxuu yidhi, “Ma habboona in aynu gudaheenna ka dagaalno. Cadawga kali ah ee aynnu leenahay waa Masaarida. Waxaan filayaa in qaarkiin i garanayo, waxaan ahay Jetro. Isoo raaca aan Masaarida dalkeenna ka xorraynee. Imikada aan joognana Boqorkeennii yaraa ayaa ku sii socdaa oo weeraraya xeradooda.”

Shaw ragga Amusis baqdin uun baa daba waddaye wax kalgacalba uma ay hayn. Hadduu Jetro hadalkii dhameeyeyba qaylada ayaa gees ka gees is jiibisay, “Ha noolaado Amuba, Boqorka Reebu.”

“Madaxdiina soo dabagala oo isoo raaca,” ayuu ku amray Jetro. Intaanu eraygiiba dhammaynna askartii Amusis ayaa ku soo darsantay kooxdii Jetro. Markiibana waxa gucle weerar lagu qaaday xeradii Masaarida iyo halkuu ka dagaallamayey Amuba. Markuu Jetro soo gaadhay derbigii xerada Masaarida ayaa wuxuu arkay in Amuba mar horeba jiidhay oo uu ilaa seddex guri oo xigayna qabsaday. Halkaase ay dhaafi kari waayeen sababta oo ah colka Masaarida markii hore qaflad ayaa lagu qabtay laakiinse markiiba hab difaac ayey isku nidaamiyeen oo fallaadho ayey ku hakiyeen weerarkii reer Reebu.

“Wax walba si fiican ayey u dhaceen,” ayuu ku yidhi Amuba. “Guryihii reer boqor gacanta ayaanu ku dhignay Amusisna dhegtaannu dhiigga u darnay. Caawana waxay ila tahay in aynnu dagaalka halkaa ku joojinno. Masaaridu labanlaab ayey innaga badan yihiin, marnabana dagaal badheedh ah iskagama xajin karno, sidaa darteed waxaan damcay in aan farriin u diro odayaasha magaalooyinka innagu dhaw; uguna warramo in Amusiskii la necbaa la dilay. Markay maqlaan in aad adigu hadda Boqorka tahay, ciidankii Masaaridana aynnu go’doon ka dhignay, waxaan filayaa in ninkii hub qaadi karayaaba xaggeenna u soo gurman doono. Saddex maalmood waxaan gaadhinna aynnu ilaa labaatan kun oo nin isu gayn doonno. Ciidanka Masaaridana waxay khasab ku noqonaysaa markaa in ay isdhiibaan.”

Subaxnimadli danbe ayuu Amuba amar ku bixiyey in laamo qoyan lala fuulo darbiyada dushooda. Masaaridii markay arkeen calamadii ayey fallaadhii ay soo ridayeen joojiyeen; Deetana Jetro ayaa derbiga guudkiisa fuulay. Wax yar ka danbawna abbaanduulihii ciidanka Masaarida ayaa isna derbigii kale soo fuulay; waxaana fajac ku noqotay markuu maqlay Jetro oo af Masaari kula hadlaya. Wuxuu yidhi Jetro, “Aniga oo ku hadlaya magaca Boqor Amuba, taliyaha xaqa ah ee dadka reer Reebu, waxaan idin leeyahay hubka dhiga. Waxaan idiin sheegayaa in Amusis dhintay, dadkii waddankuna idinku kacsan yahay; ciidankayaguna kiinna laba jibbaar ka badan yahay. Waxaa kale oon digniin ahaan idinku sheegayaa in haddii damac idinka hayo in aad nala dagaalantaan, in taa macnaheedu tahay geeri sugan oo qoorta la idinka wada jaro. Haddaan doonno waxa noo furan in aanaan idin lala diririn ee aannu gaajo idinku dillo.”

“Maxaa yeelay jidadkii wax idiin soo mari lahaayeen oo dhan annaga ayaa haysanna. Meel kaalmo idinka soo gaadhi kartaana ma jirto,” ayuu hadalkii ku sii watey, “meel aad ka qaylo dirataanna ma jiro; kaaga darane, gargaarka idiinku sokeeyaa wuxuu idiin jiraa boqolaal mayl. Waxaa intaa ii raaca, waxaan idiin sheegayaa in Boqorkayagu dalkiinna muddo ku noolaa oo uu og yahay weynida iyo xoogga ay leedahay ummaddiinu. Waxaannu jecelnahay in aynnu heshiis ku wada noolaanno. Sidaa darteed waxa uu idiin oggol yahay inaad si sharaf leh iskaga ambabaxdaan. Haddaan soo qaado lacagtii cashuurta ahayd ee Boqorkiinnu nagu khasbay in aannu sanad walba bixinno, waxaan ogaysiinayaa in lacagtaasi aad noogu badan tahay oo aanaan bixin karayn. Arrintaa ilaa berri aroorta ka soo tashada. Haddaad diiddaanna waxa idinku dhaca kuma jirno.”
Duhurkii ayaa ciidankii Reebu soo batay. Kooxihiiba iyaga oo si habsan u socda ayey soo galeen. Beeraleydii, kalluumaysatadii. iyo xooli-jirkiina iyaga oo si habsan oo mid ama laba isku daba guclaynaya ayey isasoo shubeen; qorraxdiiba intaanay dhicin ayaa waxa ku soo kordhay ilaa toban kun oo nin. Masaaridii maalintaas oo dhan way xasiloonaayeen; Amubana aad buu ugu rajo weynaa in ay yeeli doonaan taladiisii, ha yeeshee habeenkaas oo dhan ciidankiisii heeggan bay u ahaayeen weerar lama filaan ah.

Subaxnimadii ayey Amuba iyo Jetro wada fuuleen derbigii maalintii hore Jetro ka hadlay. Wax yar kadibna abbaanduulihii Masaarida oo dhawr sarkaal la socota ayaa iyana derbigoodii soo fuulay.

“Kani waa Boqor Amuba,” ayuu yidhi Jetro isaga oo ku hadlaya cod uu dadka oo dhan wada maqashiinayo, “waxanu sugayaa jawaabtiinnii.”

“Waxaannu ku goosannay in aannu dalkiinna ka baxno,” ayuu yidhi abbaanduulihii ciidanka Masaaridu, “annaga oo hubkii sidanna, waxase aannu doonaynaa in aannu si sharaf leh u baxno oo aanaa u ekaan ciidan la qabsaday. Waannu dagaalami karnaa hadday sidaasi khasab noqoto oo sharaftayadu halis gasho.” “Sidaa kula gudboon waad yeeli kartaa,” ayuu yidhi Amuba (Taasoo ka yaabisay abbaanduulihii markuu maqlay Boqorkii oo isna af Masri ku hadlaya), “waana laga yaabaa in aad geesi sharaftiisa u dhinta tahay; waxaanse kuu sheegayaa in maanta si walba lagaaga xoog weyn yahay; ta kaliya ee kuu furanina ay tahay in aad qumaati u ambabaxdo, adiga sharaftaadiina wata.”

Muddo hal saac ku siman ayey ciidankii Masar kaga baxeen magaaladii iyaga oo nin walba sahay toddoba maalmood ku filan sito. Amubana wuxuu u ballamiyey in wixii ay u baahdaan laga siiyo meelaha ay ku sii hakanayaan ilaa inta ay dalkooda ka baxayaan.
Hadday Masaaridii libidhay waaba magaaladii oo farxad iyo riyaaq la kala dillaacday.

Amuba isagu intuu maamulkii magaalada kaga tegay Jetro, ayuu Jebron kaxaystay oo u baxay magaaladii yarayd ee ay gabdhaha geeyeen, isaga oo markan si boqornimo oo sharafle u socdaalaya, watana goosan ciidan ah oo fardoolay ah iyo labaataan gaadhifaras.

Magaaladii yarayd markay soo galeen ayaa dadkii si farxad iyo riyaaq ah u soo dhaweeyeen. Kadibna waxay tageen gurigii gabdhuhu joogeen. Wax yar haddii la wada fadhiistay oo inantii Maysa ka yaabban tahay isbeddelka ku dhacay Amuba ayaa labada gees u wada faqday. Go’aankii wuxuu u noqday in Amuba iyo Maysa, Jebron iyo Ruut is guursadeen.

Sidaasaa leebkii bisaddii Bubaysta ku dhacay ayaan wacan ugu dhalay dhallintii.

4 thoughts on “Qeybta 30aad

  1. Run ahaantii waxay ahayd sheeko aan aad ula dhacay. Malahaygee waxayba ku wacnayd in caadi ahaan loo jilo.

    Waxaan u mahad naqayaa marka koobaadd Allah subxaanahuu watacaalaa. Marka 2aadna bahda Maktabadda.com oo suura galisay inaan helno sheekadan. Sidoo kale qiraagii sheekada isaguna aad buu u mahadsan yahay.

  2. Waxaan kaa faa’iday sheekadan in hadaad sabirto aad adigu marka danbe guulaysanaysid. Boqor Amuba runtii wuxuu soo maray nolo aad uqaraar waa la addoon saday balse ugu danbayn wuxuu kusoo noqday xilkiisii uu xaqqa ulahaa.

    Jetro wuxuu ahaa maskaxda sheekada runtii wuxuu ahaa nin waaya arag ah.

    1. Mahad oo dhan Ilaahay subxaanah watacaalaa baa iska leh, marka labaad waxaan u mahad celinayaa qoraaga sheekadaan oo si fiican u qoray una habeeyay sheekada. Casharka aan sheekada ka bartay waxa weeye sabir iyo adkaysiga dhib walba oo kugu timaada, run ahaantii waxa la oran karaa waa geesiyaal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *