Qeybta 5aad

Magaalada reer Reebu waxay ku taallay meel ku habboon dagaalka isdafaaca ah. Waxay ka dul dhisnayd gunbur yar oo ilaa labaatan mitir ka sarraysa dhulka intiisa kale. Geesta bari waxa ka xigtay badda la yidhaa Kasbiyan, seddexda geesood ee kalena waxa kaga wareegsanaa gidaar dheer oo dhagax ka dhisan, oo dhererkiisa soo wareegihi dhan yahay ilaa seddex mayl.

Duhur ku dhawaad hadday tahay, maalintaa, ayaa waxa bannaankii weynaa u soo baxay ciidankii Masar oo siigada iyo gulufka ay soo kicinayaan aad mooddo inay oodo jiidayaan. Inkasta oo dadka Reebu ay ku beer diiranaayeen derbiga weyn ee ku wareegsan, haddana waxa fajac iyo walwal galiyey faraha iyo quwadda cadowga ku soo aaddani leeyahay. Wax ciidda oo dhaqdhaqday aan laga garan waranka, gaashaanka, gaadhifaraska kollaba seddex boqol oo kun oo nin ciidan aan ka yarayn ayaa Ilaahay bannaankii kaga soo daayey.

“Waxani ciidan lama yidhaahdee, ummad dhan baa inna soo weerartay,” ayuu Jetro ku yidhi Amuba oo ag taagnaa oo nafahaantiisu la amakaagsanaa balaayadan ku soo foodle.

Waxanu ugu jawaabay, “Hubaal waa wax la yaable.” Waxase uu u raaciyey, “Inkasta oo ay aad u fara-badan yihiin, haddana lagama yaabo in ay soo jabin karaan darbigeenna.”

“Uma eka inay u suurogalayso in ay inna qabsadaan,” ayuu Jetro ugu celiyey, “Hasa yeeshee, sareeye, waa inaynaan sidaa isa siin. Waxa jirtay inay magaalooyin badan oo teenna ka xoog weyn, kana dayrar dhaadheer soo qabsadeen. Markaa waa in aynnu si kastaba diyaar u noqonnaa. Berri aroortaanaynnu arki doonnaa sida xaal u dhaco. Kollayba lagama yaabo in ay weerarka ku soo degdegaan. Horta waxay iska hubsan derbigeenna, intaanay inna soo weerarin. Waxana suurtowda in ciidanku nasto maalin.”

Habeenkii markuu soo galay ayey saraakiishii ciidanka, wadaaddadii diinta iyo duqaytidii magaaladu shir iskugu yimaadeen. Waxaa halkaa la isku raacay in haddii Amuba iyo hooyadii boqoradda ay oggolaadaan, Amusis loo doorto in uu noqdo taliyaha gaashaandhigga ilaa inta halistaa ay ku jiraan dhammaanayso. Sidii baanay Amuba iyo hooyadiiba ogolaadeen.

Subaxnimadii dambe, goor aroor hore ah ayaa ciidankii Masaaridu guluf weerar soo kiciyey. Markay wax yar u soo jiraan buurtii yarayd ee magaaladu ka dul dhisnayd ayey joogsadeen; dabadeed koox askar ah ayey u soo direen jarkii buurta.

“Tolow maxay sameeyn ayey isleeyihiin?” ayuu yidhi Amuba intuu qaansadii gees iska yar dhigay.

Jetro oo ag taagnaa ayaa madaxa lulay kuye, “Ha deg degsan, waynnu arki doonnaa. Bal dhegeyso.” Guuxii iyo sawaxankii dadka waxa laga dhex maqlayey garaac. “Waxan u malaynayaa in ay isku dayeen in ay buurta soo dalooliyaan! Taasi waa wax aan u suurogalayn, may wax kale la yimaadaan.”

Hasa ahaatee goor aan goor ahayn ayey u dhacday sababta ay Masaaridu u garaacayeen buurta salkeeda. Waayo, mar kali ah uun baa dhowr madax ka soo baxeen jarkii buurta dushiisa show Masaaridu intay qodinno bir ah jarka salkiisa ku taag taageen, ayey marka ka hoose ku taagaan ay kaa fuulyeen oo haddana ku kale la sii laacayeen; ilaa ay wax aan salaanno laga garan jarkii ku taxeen. Deeto kuwii dusha u soo baxay baa xadhko dhaadheer u laaladiyey kuwii hoosta joogay. Waxay sidii qudhaanta isku daba sunsumaanba ilaa jarka dushiisii la madoobaatay madax dad. Markii rag aan dhowr boqol ka yarayn u soo baxay buurta dusheedii, meel la siman gidaarkii magaalada ku wareegsanaa salkiisa, ayey haddana xeelad kale oo aan meeshaba laga filayn la yimaadeen. Waxay shaw siteen salaanno qori ah oo dhaadheer oo ay ugu soo talogaleen in ay ku fuulaan gidaarka. Salaanadii ayey dabadeed markiiba gidaarkii ku tiiriyeen oo halabsadeen sidii daayeer tiirro ka baxaya.

Reer Reebu iyagu inta waxaas oo dhami dhacayeen kor bay ka daawanaayeen. Markay arkeen waxan sidii koronkorada isa soo wada ag salooshay ayey kol kali ah, budh, dhagax, waran, leeb, iyo wax allaale wixii qof walba gacantiisu haleeshay la boobeen. Wixii rag gidaarkii soo abbaaray wax yar baa dushii soo gaadhay; ha yeeshee reer Reebu oo rag iyo dumarba weerarkaa isaga ah u diyaar ahaa ayaa kii gidaarka dushiisa u soo baxabe dhakada goosanayey oo isaga duuduuban jarka ka tuurayey.

Muddo dhowr saacadood ah ayey Masaaridii weerarkaa isdaba jooga ah ee nafhalaagga ah soo qaadayeen; hase yeeshee rag badan baa kaga hoobtay, ugu dambaystiina boqorkoodii baa amar ku bixiyey in weerarka la joojiyo. Cadceeddii markay dhacdayna askari kali ah oo cadawgii ka mid ihi oo nooli kuma hadhin gidaarka dushiisii.

Habeenkii baa galay. Wax qulqulad ah oo cusubna lama iman. Raggii reer Reebu ee ilaalinayey gidaarka magaaladuse waxay maqleen sawaxan iyo buuq ka soo baxaya bannaankii weynaa ee hoostooda ee ciidanka Masaaridu degganaa. Waxanay halkaa ka maleeyeen in waagu amuuro hor leh la beryi doono.

Iftiinkii u horeeyey ee cadceeddu markuu ifkii wada gaadhay ayaa nimankii reer Reebu hoostoodii ku arkaan aragti la yaab leh. Show Masaaridu, qayladii iyo sawaxankii xaggooda ka baxayey habeenimadii, waxay magganaayeen xeelad la yaab leh. Habeenimadii ayey intay qoryo iyo looxaan soo guureen ayey gidaarka guntiisii ka dhiseen wax aad qolal yar moodo oo saqafkoodii ku qabsan yahay gidaarka. waxayna u dhiseen si wixii dusha lagaga soo ridaaba ka wilaanwilanayo oo bannaanka hoose u shalwanayo.

“Tolow maxaan yeellaa, Jetro, talo way caddahaye?” ayuu yidhi Amuba, markuu arkay waxay Masaaridii meesha ka sameeyeen, “Hubaal waxa ah sandaqadahaa ay meesha safeen in rag aan la xisaabin karini ku hoos jiraan. Raggaasi wax kale ma qabanayaane waxay hoosta ka qodayaan gidaarka. Waqti aan fogaynna, sidaan u arko, waxay bannaysan doonaan dalool weyn oo ay si xoog leh uga soo galaan.”

“Halistu waa taa,” ayuu ugu jawaabay Jetro, “Laakiin ilama aha in wax didmo inna geliyaa weli inoo muuqdaan. Waxay ila tahay in ay garansan yihiin in hadday gidaarka hoostiisa marriin ka soo jabsadaan oo ay soo jiidh isku dayaan in aynnu halkaa kaga hortagi doonno oo halkaa waxa xilla ku tusi doonno. Waxase uun kollay aan meesha ka maqnayn in aanay iyagu waxaas oo dhib ah dheel dheel u marayn.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *