Qeybta 6aad

Reer Reebu waxay isqanciyeen in haddii cadawgu isku dayo in uu derbiga hoostiisa ka soo kudaan ama ay intay seeska derbiga oo dhan qodaan ay gabigiisaba dumiyaan oo dabadeed soo jiidhaan, in ay sutida u qaban doonaan. Sidaa darteedna waxay derbiga hoostiisa oo dhankooda ah ku diyaariyeen rag xoog leh oo halkan wixii ka yimaadda ka hor taga. Hase yeeshee isku kalsoonaanta iyo sugidda ay cadowga halkaa ku sugayeen ayaa jabkoodii ka bilaabmay.

Nimanka Masaaridu waxay ahaayeen niman balo ah oo aad u yaqaan qodidda dhulka iyo buuraha salkooda, kuna bartay markay dahabka raadinayaan ama dhagaxaanta waaweyn bixinayaan. Waxaana u dhacsanayd hadday meel keli ah uun saani uga abbaaraan derbiga oo ay dabadeed halkaa uun ka kudaan in halkaa uun lagu wada gumaadi doono.

Waxanay markaa yeeleen in marka ay gidaarka waxoogaa saani u qodaan ay qodidda bidix iyo midig u wadaan si ay ugu wareejiyaan derbiga salkiisa, oo markaa ay daloolinayaan god weyn oo ballaadhan. Ilaa intaa saqafkii ay isku hagoogayeenna kolba wey sii durkinayeen oo halka ay qodayaan ayey ku dalaalimaynayeen.

Kolkay qodiddu sii ballaadhatana waxa sii badanayey ragga ka shaqaynayey. Markaa intay reer Reebu islahaayeen buulashan yar yar ee looxaha ah ee derbiga ku naban waxa ku hoos jira meeshiiba dhawr nin; kolkay soo dusaanna waydin gumaadi, baaba show muddo habeen iyo dharaar ah waxa qodiddii ka qayb galay ilaa laba boqol oo nin bulkiiba, Boqorka Masaariduna wuxuu amray in ciidanka weerarka u horreeyey kicinaya loo diyaariyo wax allaale waxa qalab uu u baahan yahay ee uu magaalada ku geli lahaa maalin seddexaadda.

Habeen walbana, intii qodiddaasi socotay, rag cusub ayaa shaqada soo galayey oo u shaqaynayey si shayddaanka, marba marka ka dambaysana sii durkinayey godka. Waxanay wax ku qodayeen gudmo yar yar oo gaagaaban. Nimankaa intaa gidaarka jafayey wax juuq iyo jabaq ah ama sanqadh ah oo ka baxaysay ma jirin. Waxay ku shaqaynayeen xasiloonaan iyo aamusnaan.

Mar allaale markii dhulkii madoobaaday ayuu weerarkii isaga ahaana bilowday. Masaaridu xeelad daran ayey dabbireen. Ugu horraystii sidii caadiga u ahayd ayay sallaanno iyo xadhka ku soo fuuleen jarkii buurta oo intaanay qoladii kale waxba dareemin, ku soo ururiyeen darbiga salkiisii dhowr kun oo nin deeto intay sallaanadii ag dhigteen gidaarka ayey weerarkii maalintii hore oo kale qaadeen.

Qoladii reer Reebu iyagu markay arkeen cadowgii oo misoole isku dayeya in uu derbiga dushiisa ka soo dhaco, ayey jac ku siin xaggii derbiga dushiisa, halkii bay misoole wixii gacantoodu haleeshay dhagax, qaare, bir, leeb, waran dusha kaga keeneen cadowgii sallaanada soo saloolanayey. Intii ay weerarkii derbiga u jilib dhigayeen ayaa waxa madaxoogii ka baxday oo ay iska ilaaween, in qayb cadowga ka mid ahi derbiga ay dushiisa difaacayaan, hoostiisa soo qodayaan oo ay wax yar ka dibna ka soo gali doonaan. Qubta iyo qacda, qaylada iyo buuqa aad u weynaa darteed may maqal intii ay Masaaridu soo qodayeen intii godka uga hadhsanayd. Ciidankii ilaalinayey meelaha laga filayey in Masaaridu ka soo kudaanna markii cadowgu weerarka ku soo qaaday darbiga dushiisa ayey u jabeen xagga si ay ugu kaalmeeyaan saaxiibadooda dagaalka xun lagu hayo gidaarka dushiisa. Sidaa darteed cidina ma ay tabin cadowga aamusan ee sida daadka derbiga hoostiisii uga soo jabay.

Reer Reebu iyagu si baas ayey derbiga dushiisii uga dagaalameen oo halistii halkaa kaga soo aaddanayd way iska dhiciyeen, waxabana gashay yididiilo cusub. Laakiinse waanwaanta balaayo ayaa u soo daba martay oo kol keliya ayuum ba dhawaaq aanay isagoo kale maqlin ka yeedhay meel darbiga agtiisa ah oo xaggii gudaha ah. Labaataan meelood oo kale ayaa dhawaaqii la iskaga jawaabay. Markay xaggii dushii ee dagaalku ka socday ka soo yaaceen ee u soo jabeen halkii qayladu ka baxaysay waaba ciidan laxaad leh oo heegan ah; markiibana fallaadh ayey sida roobka kaga dhigeen. Nimankii reer Reebu inkasta oo gaadmadaa fajaca lihi ku dhacday, haddana uma ay jixin jixin ee jilib dhig bay u gaashaanka daruureen oo geesinimo yaab leh ayey ku dirireen. Ha yeeshee Masaaridu weerarkan isaga ah wuxuu ahaa mid raggooda ugu balaysnaa dagaalka ay ugu soo talagaleen, oo aan dhib yaraan loo liicin karayn.

Hadda qafladdii way hirgashay. Ciidan weynihii Masaariduna derbiga hoostiisa godadkay ka soo qoteen ka soo galaa iyo dushiisaba intay sallaan u soo fuulaan ka soo dhacataba magaaladii ayey sidii daadka dhan walba ugu soo qulquleen.

Dadkii reer Reebuna madowgii habeenimo ee kolna derbiga dushiisa u gurmanayeen, kolna xagga hoose u sii jabayeen ayey intay asqoobeen kala garan waayeen askartoodii iyo kuwii cadowga.

Waxayna nimankii reer Reebu ula ekaatay sidii oo ay askarta cadowgu meel walboo magaalada ka mid ah ba ay dhulka ka soo biqlayaan. Ugu dambaystii, markay arrintii xumaatay ee xaalkii quus noqday, ayaa gaashaan dhiggii reer Reebu jabay. Raggii baa deeto badh guryahoodii ku carareen oo lafahoodii u dhuunteen, badh xaggii bari ee baddu ka xigtay ayey nafla-cararkii u jabeen. Doonyihii xeeliga yaallay baa markiiba la buuxiyey oo lagu dafadeeyey xaggii mawjadda. Intii dib u dhacday ee soo gaadhi wayday doonyihiina iyaga si kale oo ay u baxsadaan uma muuqan; waxanay qaarkood la noqotay in intii hubka dhigaan ee ay gacmaha taagaan ay isku dhiibaan cadowga – rag kala tashan oge, kuwana waxay la noqotay in ay iyaga oo diriraya dhintaan.

Dhowr saacadood ka dib ayaa dagaalkii joogsaday. Masaaridu oo iyaga nafahaantooda mugdigu asqeeyey, oo mararka qaarkood iyaga nafahaantoodu isgumaaday, ayaa markii sanqadhii istaagtay is yidhi bal daya sida xaal yahay iyo waxa cadow nool idinku hadhay. Waxay deeto dab qabadsiiyeen dhowr guri oo xagga derbiga soo xigay. Markuu ololkii isqaaday ee u fagaare idille iftiimiyey ayey isyidhaahdeen hore u socda. Intaanay waxba socon baase hadhaa hadhaagii gaashaandhiggii reer Reebu fallaadha oogta kaga qaadeen. Boqorkii Masarna markuu arkay in aanu habeenimada wada qabsan karayn magaalada, ayuu askartiisii ku amray in nin walba habeenkaa halkaa u joogo uun ilaaliyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *