Category Archives: Afartanka Xadiis

Xadiiska 42aad

KHATARTA SHIRKIGA

 

عَنْ أَنَسِ بْنِ مَالِكٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: سَمِعْت رَسُولَ اللَّهِ ﷺ يَقُولُ: قَالَ اللَّهُ تَعَالَى: “يَا ابْنَ آدَمَ! إِنَّكَ مَا دَعَوْتنِي وَرَجَوْتنِي غَفَرْتُ لَك عَلَى مَا كَانَ مِنْك وَلَا أُبَالِي، يَا ابْنَ آدَمَ! لَوْ بَلَغَتْ ذُنُوبُك عَنَانَ السَّمَاءِ ثُمَّ اسْتَغْفَرْتنِي غَفَرْتُ لَك، يَا ابْنَ آدَمَ! إنَّك لَوْ أتَيْتنِي بِقُرَابِ الْأَرْضِ خَطَايَا ثُمَّ لَقِيتنِي لَا تُشْرِكُ بِي شَيْئًا لَأَتَيْتُك بِقُرَابِهَا مَغْفِرَةً” .

رَوَاهُ التِّرْمِذِيُّ [رقم:٣٥٤٠]، وَقَالَ: حَدِيثٌ حَسَنٌ صَحِيحٌ.

 

 

Waxaa laga weriyey Anas (Allaha ka raalli noqdee) in uu yiri: Waxaan maqlay Rasuulkii llaahay ﷺ oo leh:
Wuxuu yiri llaahay: Ina Aadamow intaad ii yeeraysid oo aad iga rajo qabtid waan kuu dhaafayaa wixii dembiyo kaa dhaca, anigoon u dan gelin badnaantooda iyo xumaantooda. Ina Aadamow haddii dembiyadaadu cirka taabtaan, kaddibna aad i weydiisato dembi—dhaaf waan kuu dembi dhaafayaa. Ina Aadamow haddii aad iila timaaddid dhulka muggiis oo dembiyo ah; kuna dhimatid adigoon ii shariikyeelin, cibaadada, hoggaansanka, iyo maqalka cid kale ila wadaajin, waxaan ku siinayaa dhulka muggi oo dembi dhaaf ah.”
Waxaa weriyey at-Tirmidi oo yiri waa Xadiis Xasan oo saxiix ah.

SHARAXA
Xadiiskani wuxuu inoo caddeynayaa khatarta iyo halisnimada shirkiga iyo sida llaahay ugu geesi gelinayo dadka in ay ka soo noqdaan gafafkooda ugana towbad keenaan.
Dembiga waxaa loola jeedaa ku xad— gudubka qodob ama qodobbo ka mid ah Sharciga Islaamka. Asalka dembi kastana kama baxsana saddex nooc:
1) Ku xad—gudub wax llaahay xaaraantinimeeyey in la falo sida ku xadgudubka xuquuqda dadka, xoolahooda iyo sharafkooda ama ku xadgudubka xuquuqda llaahay sida inaad cid wax la wadaajisid isagoo keli ahaan u yeeshay abuurka iyo maamulka kownka, ahna midka qura ee xaq u leh in la raaco, loo hoggaansamo ee wuxuu amray lagu fartoomo, wixii uu reebayna laga reebtoomo.
2) Gudasho la’aanta waajibaadka llaahay faray sida salaadda, sekada, soonka, xajka.dhowritaanka xuquuqda waalidiinta.inay dumarka xidhaan maryo oogadooda wada astura oo ay ka xijaabtaan gayaankooda, inay is dhex gelin, isku dhafnaan sida xoolahii, ragga iyo dumarka is gaya ee aan guur xalaal ah ka dhaxeyn iyo arrimaha kale ee Rabbi ama rasuulkiisii ina fareen ee laga heli karo qur’aanka kariimka ama sunnada rasuulka (SCW).
3) U—gudashada waajibaadka si aan sharcigu farin, sida bidcada oo ah in lagu daro sharciga wax aan llaahay iyo Rasuulkiisu midna jideyn.
Haddii si kale loo fiiriyo cidda xuquuqda lagu xadgudbayo iska leh, waxaad arkays^a in ay qaar yihiin xuquuq llaahay sida cibaadada, qaama ay aadamigu iska leeyihiin, marka dembiga lagu sheegay Xadiiskan ee llaahay dhaafayo marka laga toobad—keeno waa kuwa llaahay, laakiin, xuquuqda aadamiga waa in qofku gudo marka uu toobad—keeno.
Xadiisku wuxuu caddeeyey qofkii ku dhinta dembiyo aanu ka toobad—keenin, ha yeeshee markaa u dhimanayey llaahay u hoggaansanaa, ku mideynayey maqalka iyo adeecidda, kitaabkuu soo dejiyey iyo nebiguu soo diray dhab u raacsanaa, shirki nooc iyo waji u yeeshaba ka fogaa in llaahay qofkaa shirkiga ka marnaa wixii dunuub kale ka dhacay dhaafi doono, ama ka goyn doono. Halkaana waxaa ka muuqda in qofkii ku dhinta shirki inaan llaahay u dhaafayn dembigiisa ee la marin doono ciqaabta uu mudan yahay, laguna waarinayo, maxaa yeelay, wuxuu Nebigu Xadiis kale ku sheegay in dembiga Sadamigu galo shirkigu ugu weyn yahay. Aayad Qur’aan ah oo ku jirta Suuradda an-Nisaa, aayaddeeda 116aad, waxaa lagu sheegay in llaahay qofkuu doono u u dembi dhaafi doono, laakiin, ninkii llaahay cibaadada oo noocyo iyo wajiyo badan cid kale la wadaajiya aanu u dembi dhaafi doonin. Marka si looga digtoonaado dembigaa qofka gafsiinaya dembi— dhaafka Alla waa in la barto waxa uu yahay si aan loogu dagmin.
Shirkigu asal ahaan waa wadaajin sida loo wadaago caanaha, cuntada iyo xoolaha, shirkigana waxaa loola jeedaa in xaqa llaahay gaarka u ah lala wadaajiyo cid khalqigiisa ah.
Waxaa waajib ku ah dadka in ay Alle keligi caabudaan. Tusaale ahaan, haddaad salaadda u tukato in lagugu ammaano ama aad sadaqada u bixisid in lagugu faaniyo, ama wax Haahay laga baryo ood cid kale la barrdid ood tiraahdid llaahay iyo Hebelow arsaaq i siiya ama ilmo i siiya ama darajo i siiya i.w.m., marna ma bannaana in llaahay cid kale lagu ladho, maxaa yeelay, ma jirto cid kale oo wax la wadaagta.
Nebiguna (s.c.w.), isagoo dadka uga digaya sida shirkigu ugu dhuunto camalka, ayuu yiri shirkigu waa ka dhuuman og yahay Qur’aansho madow oo habeen gudcur ah ku ko socota dhagax sallax ah oo siman,marka Qur’aanshada sidaas ah, shanqarna aan lahayn laga maqli karo, sidaas oo kale ayuu shirkigu ugu dhuuman karaa camalka qofka.
Haddaba taasi waa in ay ku xambaarto qofka muslimka dhabta ah digtoonaan iyo feejignaan, si uu uga badbaadiyo cibaadadiisa in shirki soo galo ama ku dheehmo, marka qof kasta isagaa ka mas’uul ah siduu shirkiga isaga ilaalin lahaa.

FAA’IIDADA XADIISKA
1) Wuxuu xadiiskani faa’ideynayaa in qofkii ku dhinta dembi aan shirki ku jirin llaahay u naxariisan doono, xataa haddii lagu ciqaabo dembiyada qaarkood, inuu janno ku dambeyn doono sida ay sheegeen xadiisyo kale.
2) Ninkii ku dhinta dembi shirki ku jiro isagu llaahay ka sugi maayo naxariis sida lagu sheegay Aayad Qur’aan ah oo ku jirta Suuradda Al—Baqara, oo micnaheedu yahay ninkii llaahay u shiriig yeeta ama xaq llaahay cid kale ku ladha in jannada laga xaaraantinimeeyey, hoygiisuna noqon doono naarta, oo meel hoog ah. llaahay ha innaga badbaadiyo.

 

DHAMMAAD

Xadiiska 41aad

HAWADA MU’MINKA

 

عَنْ أَبِي مُحَمَّدٍ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرِو بْنِ الْعَاصِ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا، قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ “لَا يُؤْمِنُ أَحَدُكُمْ حَتَّى يَكُونَ هَوَاهُ تَبَعًا لِمَا جِئْتُ بِهِ”. 

حَدِيثٌ حَسَنٌ صَحِيحٌ، رَوَيْنَاهُ فِي كِتَابِ “الْحُجَّةِ” بِإِسْنَادٍ صَحِيحٍ.

 

Waxaa laga weriyey abuu Muxammad Cabdullaah ibn Camar ibn al—Caas (Allaha ka raalli noqdee), Rasuulkii llaahay ﷺ wuxuu yiri:
Qofkiin ma rumeeyo (Diinta), ilaa hawadiisu raacdo wixii aan la imid.”
Waa xadiis Xasan ah, saxiix ah, waxaa lagu weriyey Kitaabka Xujada.

SHARAXA
Xadiiskani wuxuu aasaas u yahay ku dhaqanka Islaamka runta ah. Qof kasta wuu iska sheegan karaa Islaamnimada, laakiin, waxaa lagu kala soocayaa marka la yirahdo ha lagu dhaqmo. Muslimka runta ah, wuxuu jecel yahay uu ku farxayaa in uu raaco wuxuu Nebiga la yimid oo ah Qur’aanka iyo Xadiiska, marka qofkii aan qalbiga u furin ee aan ku kalsoonaan, kuna dhaqmin sharciga Islaamka barasho dabadeed ma aha muslim quman oo dhab ah.
Haddaba, naftaada la xisaabtan in hawadu raacsan tahay wixii Nebigu (s.c.w.) la yimid iyo in kale, waxaana jira astaan aad isku garan karto oo ah marka adigoo ku kacaya ficil, ha ahaado mid xun ama mid aad ula niyeysato cibaado ee lagu yiraahdo arrinkan sidaa ah Nebigu wuu reebay ama sidaa uguma dhaqmi jirin, maxaad iska dareemaysaa?
Haddii hawadaadu raacsan tahay wuxuu Nebiga la yimid, halkaasaad ku joogsanaysaa markaasaad hubsanaysaa wuxuu Nebigu faray ama Qur’aanka faray, haddiise aad tahay qof hawadiisa raacay waad dafiraysaa markaasaad sanka taageysaa oo aad la diriraysaa qofkii kugu baraarujin lahaa jidkii Rasuulka ama waxaad ku hadlaysaa erayo aan ku habboonayn halkii aad xaqa ka baari lahaydna waad sii baadiyoobaysaa oo aad xaqa uga sii fogaanaysaa.
Haddaba, ogow haddaad doonaysid inaad noqotid Muslim quman, isku day inaad ficilkaaga ku miisaantid wixii Nebi Muxammad (s.c.w.) la yimid llaahay ha innagu toosiyo tubtii Rasuulka iyo tii Khulafadii hanuunsanayd.

FAA’IIDADA XADIISKA
1. Qofka Muslimka ah waa in uu waafajiyo camalkiisa wixii Nebiga la yimid;
2. Waa in lagu dadaalo in la raaco Nabiga ficilkiisa iyo habka uu u dhaqmi jirey;
3. Ka jeedsiga iyo nicidda raacidda Nebiga waa gaalnimo;
4. Muslimka xaqa ah, waa kan ku dayda Nebigiisa iyo asaxaabtiisa, waa kaa midka keli ah ee lagu hubo nabadgelyo iyo qumanaan in Jannada lagu gelaayo.

 

Xadiiska 40aad

INAAN LAYSKU HILMAAMIN DUNIDA

 

عَنْ ابْن عُمَرَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا قَالَ: أَخَذَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ بِمَنْكِبِي، وَقَالَ: “كُنْ فِي الدُّنْيَا كَأَنَّك غَرِيبٌ أَوْ عَابِرُ سَبِيلٍ”. وَكَانَ ابْنُ عُمَرَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا يَقُولُ: إذَا أَمْسَيْتَ فَلَا تَنْتَظِرْ الصَّبَاحَ، وَإِذَا أَصْبَحْتَ فَلَا تَنْتَظِرْ الْمَسَاءَ، وَخُذْ مِنْ صِحَّتِك لِمَرَضِك، وَمِنْ حَيَاتِك لِمَوْتِك. 

 

 

Waxaa iaga weriyey ibn Cumar (Alla ha ka raalli noqdee), in uu yiri:
Rasuulkii llaahay ﷺ ayaa garabka iga qabtay oo yiri:
“Ku ahow dunida sidii nin marti ah ama socoto ah,” ibn Cumar (isaga iyo aabbihaba ilaahay ha ka wada raalli noqdee), wuxuu oran jirey haddii aad galbaysato ha sugin waaberiga, haddii aad waabariisatona ha sugin galabnimada, intaad fayowdahay u sahay—qaado cudurka, intaad nooshahay wax u hormarso dhimashada.
Waxaa weriyey Bukhaari

SHARAXA
Waxaa jira in qof kasta oo ku nooi dunida og yahay in uu ka tegi doono, iaakiin, qofna ma oga waqtiga uu ka tegayo, waxaa kaloo jira in qofka muslimka ah og yahay in dunidu tahay beerta aakhiro, qofkuna goosan doono wuxuu beertaa ku abuurtay.
Xadiiskani wuxuu innagu baraarujinayaa inaan maalinta aan joogno wixii aan qabsan karno aan fulinno oo aynaan dib u dhigin, sababtoo ah ma hubtid inaad berri gaari doonto. Marka qofkii lagu yiraahdo berri shaqo laguuma hayo ee maanta waxaad shaqaysato ayaad berri ku noolaanaysaa, waxaa hubaal ah in uu shaqada laban laabi lahaa.
Sidaa awgweed waa inaan waqti iska lumin ee ilbiriqsi kasta ka faa’iideysanno waqtigeenna
qaaliga ah, kuna tebinno falal wax inoo tara if iyo aakhiraba. Waxaannu innooga digay inaan dib u dhigno ficil aan maanta fulin karno.
Tusaale ahaan, intaad is—tiraahdo berri ayaad towbad keeni doontaa, berri ayaad salaad billaabi doontaa, berri ayaad wax sadaqaysan doontaa, berri ayaad aasaasi doontaa masaajid, dugsi, warshad ama wax kale oo bulshada wax u taraya. Marka wuxuu xadiisku ina farayaa haddii aad subax joogtid lama hubo inaad galabta gaareysid, haddaad galab joogtid lama hubo inaad waabariisanayso, marka ficilka kheyrka ah ee maanta aad qaban karto dib ha u dhigin.
Xadiis kale wuxuu sheegayaa inaan qofku seexannin ilaa dardaarankiisu barkinta ugu hoos jiro, sababtoo ah haddii aadan sidaa yeelin oo tii Alle kuu timaado lama garan karo xaqa laguugu leeyahay iyo kan kaa maqan midna. Xadiis kale wuxuu ahaa haddii adigoo tallaalaya geedwax tar leh saacaddu kacdo oo aad ka gaarsiin karto tallaalka geedkaas tallaal, maxaa yeelay, ficilkaa aad gacanta ku hayso laftiisa ayaa lagaa ajar siinayaa.
Cabdullaahi Ibnu Cumar, wuxuu dadka ku waanin jirey in ay carnal fashaan intay fayow yihiin iyo in ay wax wanaagsan u hormarsadaan aakhiro intay nolosha ifka ku raaxaysanayaan.

FAA’IIDADA XADIISKA
1. Inaan leysku halleyn adduunyada;
2. In fayoobida looga faa’iideysto jirrada;
3. In aakhiro loo hormarsado wax ku anfaca;
4. In lagu degdego towbada oo aan dib loo dhigin;
5. In saacad kasta loo diyaar—garoobo dhimashada;
6. Inaan waqtiga hal ilbiriqsi leyska dhumin oo looga faa’iideysto in la qabsado wax ku anfacaya if iyo aakhiraba.

 

Xadiiska 39aad

XAALADAHA AAN QOFKA LOO QABSANAYN DEMBIGA UU FALO

 

عَنْ ابْنِ عَبَّاسٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم قَالَ: “إنَّ اللَّهَ تَجَاوَزَ لِي عَنْ أُمَّتِي الْخَطَأَ وَالنِّسْيَانَ وَمَا اسْتُكْرِهُوا عَلَيْهِ” . 

حَدِيثٌ حَسَنٌ، رَوَاهُ ابْنُ مَاجَهْ [رقم:٢٠٤٥]، وَالْبَيْهَقِيّ “السنن٧

 

Waxaa laga weriyey Ibn Cabbaas (Allah ka raalli noqdee), in uu yiri Rasuulkii llaahay ﷺ:
“llaahay wuu ka dhaafay ummaddiisa gafafka aan ula kaca loo falin, hilmaanka iyo waxa lagu qasbay.”
Waa xadiis Xasan ah, waxaa weriyey Ibnu Maajih al-Beyhaqi iyo kuwo kale.

SHARAXA
Qofka dembiga lagu ciqaabayo waa in uu qaan—gaar yahay oo caqligiisa qabo, oo uu kas iyo maag u falo dembiga ama waajib uu ka tago. Haddiise saddex arrimood midkood ku dhacdo loo qaban maayo dembigii.seddexdaa arrimood oo kala ah:
1. Haddii si aan ula—kac lahayn uu dembiga ku galo;
2. Haddii isagoo hilmaansan ama jaahil ka ah in falkaasi dembi yahay uu dembiga galo;
3. Haddii lagu qasbo in uu dembiga falo.
Saddexdaa xaalo midna lagu ciqaabi maayo qofka dembiga uu la yimaado amase waa laga cafinayaa.
Marka waxaan ka garan karnaa halkaas in qofka dembiga lagu ciqaabayaa yahay midka uu qofku awood iyo karti u leeyahay kas iyo ogaalna u galo.

FAA’IDADA XADIISKA
1. Xaaladaha aan lagu ciqaabeyn qofka dembiga uu galo;
2. Qofku wuxuu ku qaadayaa mas’uuliyadda waa caqligiisa;
3. Waxa ka mid ah xaaladaha aan qofka loo ciqaabin dembigiisa waallida, caruurnimada iyo xaalad kasta oo qofka caqligu kaga maqan yahay sababo awooddiisa ka baxsan, haddiise uu iska

Xadiiska 38aad

QOFKA COLAADIYA MU’MINIINTA JIDKA ILAAHAY KU TOOSAN

 

عَنْ أَبِي هُرَيْرَة رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُول اللَّهِ ﷺ إنَّ اللَّهَ تَعَالَى قَالَ: “مَنْ عَادَى لِي وَلِيًّا فَقْد آذَنْتهُ بِالْحَرْبِ، وَمَا تَقَرَّبَ إلَيَّ عَبْدِي بِشَيْءٍ أَحَبَّ إلَيَّ مِمَّا افْتَرَضْتُهُ عَلَيْهِ، وَلَا يَزَالُ عَبْدِي يَتَقَرَّبُ إلَيَّ بِالنَّوَافِلِ حَتَّى أُحِبَّهُ، فَإِذَا أَحْبَبْتُهُ كُنْت سَمْعَهُ الَّذِي يَسْمَعُ بِهِ، وَبَصَرَهُ الَّذِي يُبْصِرُ بِهِ، وَيَدَهُ الَّتِي يَبْطِشُ بِهَا، وَرِجْلَهُ الَّتِي يَمْشِي بِهَا، وَلَئِنْ سَأَلَنِي لَأُعْطِيَنَّهُ، وَلَئِنْ اسْتَعَاذَنِي لَأُعِيذَنَّهُ”.
 

 

 

Waxaa laga weriyey Abuu Hureyra (Allaha ka raalli noqdee), in uu yiri Rasuulkii llaahay ﷺ wuxuu yiri:
Illahay baa yiri qofkii colaadiya qof mu’min ah ee ii hoggaansan ha u darbado dagaal. Waxa addoonkeygu uu iigu soo dhowaado, waxaan ugu jecelahay wixii aan ku waajib yeelay, waliba addonka fiican waa kii ku dadaala waajibka dabadi la imaanshaha sunnada, marka sifaada laga helo addoonkeyga wuxuu muteysan inaan dhab u sii jeclaado, haddii aan jeclaadona waxaan u noqonayaa dhegaha uu wax ku maqlo, indhaha uu wax ku arko, gacanta uu wax ku qabsado iyo lugaha uu ku socdo, haddii uu wax i warsado waan siinayaa, haddii uu i magan—galona waan magen—gelinayaa.’
Waxaa weriyey Bukhaari

SHARAXA
Xadiiskani wuxuu ka hadlayaa dhowr arrimood oo kala ah: Sida llaahay ugu hiilinaayo Awliyadiisa, waxyaalaha llaahay loogu dhowaanayo, iyo kuwa uu kugu jeclaanayo, qofka guta waajibka iyo sunnada sida llaahay ugu gargaarayo.
Wuxuu xadiisku caddeeyey qofkii colaadiya qof llaahay weli u yahay in llaahay la daggallamayo. Marka qofkii u bareera dagaalka llaahay isagaa yaqaanna siduu isaga dhicinayo. Dadka llaahay weliga u yahay waa mu’miniinta dhabta ah, sida ay caddaysay aayada 258 ee Al—Baqra oo leh: (llaahay baa weli u ah dadka isaga rumeeyey), wuxuu kaloo sheegay xadiisku in wax llaahay loogu dhowaado uu ugu jecel yahay in la fuliyo wixii uu faray. Weliba addoonka fiican waa kii ugu dhowaada Rabbigiisa camalka sunnada ah, si uu llaahay u jeclaado.
Qofkii llaahay jeclaado wuxuu u noqonayaa indho, dhego, gacmo iyo lugo. Qofkii llaahay sidaa u noqdana dhegahiisa waxaan llaahay raalli ka ahayn ku maqli maayo, indhihiisuna ku dhici maayaan waxaan khayr ahayn, gacantiisana ku fidin maayo waxaan wanaag ahayn, lugihiisana ugu tallaabsan maayo meel aan khayr ku jriin, macnaha laxaadkiisa waxaan carnal khayr ahayn ku qaban maayo, kaasoo ah wax isaga ama muslimiinta kale wax u taraya oo dheef u soo jiidaya ama dhib ka saaraya ama carnal kale oo wax u taraya.
Qofkii xaalkiisu sidaa noqdo wuxuu llaahay ka baryo wuu helayaa haddii llaahay magan galo, waxa kasto oo jira oo xumaan ah waa ka magan- gelinayaa, qofkii llaahay magan—geliyana wuxuu ku jiraa guri ammaan ah, cid kale ee uu ka baqayana ma jirto.
Marka wax xumaan ah ama dhibaato ah la kulmi maayo qofkii ku guuleysta imtixaanka adag ee ah in la fuliyo faradka llaahay iyo sunnayaasha.

FAA’IIDADA XADIISKA
1. Qofka mu’minka colaadiya ciqaabta uu mudanayo;
2. Waxa llaahay loogu dhowaado waxaa uu fadli badan hirgelinta sharciga Islaamka iyo ku dhaqankiisa;
3. Qofkii waajibaadka guta, sunnadana ku dara sida llaahay ugu gargaarayo, ducadiisana loo aqbalayo;

Xadiiska 37aad

DEEQSINIMADA ILAAHAY

 

عَنْ ابْنِ عَبَّاسٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا عَنْ رَسُولِ اللَّهِ ﷺ فِيمَا يَرْوِيهِ عَنْ رَبِّهِ تَبَارَكَ وَتَعَالَى، قَالَ: “إنَّ اللَّهَ كَتَبَ الْحَسَنَاتِ وَالسَّيِّئَاتِ، ثُمَّ بَيَّنَ ذَلِكَ، فَمَنْ هَمَّ بِحَسَنَةٍ فَلَمْ يَعْمَلْهَا كَتَبَهَا اللَّهُ عِنْدَهُ حَسَنَةً كَامِلَةً، وَإِنْ هَمَّ بِهَا فَعَمِلَهَا كَتَبَهَا اللَّهُ عِنْدَهُ عَشْرَ حَسَنَاتٍ إلَى سَبْعِمِائَةِ ضِعْفٍ إلَى أَضْعَافٍ كَثِيرَةٍ، وَإِنْ هَمَّ بِسَيِّئَةٍ فَلَمْ يَعْمَلْهَا كَتَبَهَا اللَّهُ عِنْدَهُ حَسَنَةً كَامِلَةً، وَإِنْ هَمَّ بِهَا فَعَمِلَهَا كَتَبَهَا اللَّهُ سَيِّئَةً وَاحِدَةً”. 

[رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ]، [وَمُسْلِمٌ]، في “صحيحيهما” بهذه الحروف.

 

 

Waxaa laga weriyey ibn Cabbaas (Allaha ka raalli noqdee), in uu ka weriyey Rasuulkii llaahay ﷺ in uu yiri: Wuxuu llaahay yiri:
“llaahay baa qoray samaanta iyo xumaantaba, kaddibna wuu kala caddeeyey, marka qofkii isku daya in uu samaan falo oo aan falin, waxaa loo qorayaa llaahay agtiisa samaan dhan. Qofkii isku daya in uu samaan falo ee fala, waxaa looga qorayaa llaahay agtiisa 1( xasano ilaa 700 jibbaar iyo wax ka sii badan Qofkii isku daya in uu xumaan sameeyo ee aan falin, waxaa looga qorayaa llaahay agtiisa wanaag dhan, hadduu isku dayo oc uu falo waxaa loo qorayaa xumaan keli ah.”
Waxaa weriyey Bukhaari iyo Muslim
Bal fiiri walaalow -llaahay xaqa ha ina waafajiyee- naxariistiisa weynaanteeda, u fiirso erayadaas (agtiisa) waa tilmaan sida llaahay u daryeelayc dadkiisa, ereyga (dhan) waa adkeyn; iyo daryeelid xoog leh. Wuxuu yiri, xumaanta qofkii isku dayaee ka joogsada waxaa loo qorayaa xasano dhan, waxaa lagu adkeeyey ereyga dhan, haddii uu falo xumaantii waxaa loo qoray (hal) xumaan ookeli ah, waxaa lagu adkeeyey yaraanteeda hal ee laguma adkeyn (dhan)( sida xasanada. llaahay baa mahad ieh, ceebna ka fog, mana koobi karno ammaantiisa.

SHARAXA
Waxaa jira in llaahay ku abuuray dunida xumaan iyo samaanba, isla markaana kala caddeeyey mid kasta jidka loo maro, dadkana awood u siiyey in ay kala doortaan labadaa jid qofba kuu rabo, haddana, loo caddeeyey qof kasta jidka uu maro abaalgudkiisa oo ah jidka xun in Naar lagu abaalmarinaayo, kan toosanna Janno lagu mutaysanayo,marka xadiiskani arrintaas si fiican ayuu inoogu caddeeyey.
Wuxuu caddeeye/siduu llaahay addoomihiisa ugu roon yahay, wixii wanaag ah waa toban jibbaar ama in ka badan, wixii xumaan ah ee inta leysku dayo laga joogsado waxaa loogu abaal—guday wanaag, iyadoo ka joogsiga xumaanta lagu geesinnimo gelinayo, loona fududeynaayo in uu jidka wanaagsan raaco. Xumaantii uu sameeyeyna waxaa loogu abaalmariyey hal ciqaab oo keliya oo lama laba laabin sidii wanaagga loo boqollaal jibbaaray.
Marka qofka garaadlaha ah ee dhiifoon waa in uu ka faa’iideysto nicmada llaahay inoogu roonaaday intaan waqtigu dhaafin oo uu la yimaado camal fiican oo fara badan si loogu boqollaal jibbaaro.

FAA’IIDADA XADIISKA
1. Isku dayga wanaagga waxaa lagu helayaa ajar;
2. Camalka wanaagsan waa kan waxtara, waana kan la boqollaal jibbaarayo;
3. Ka joogsiga dembiga lagu fekeray ee aan la falin, waxaa lagu helaayaa ajar;
4. Deeqda llaahay oo aan xad lahayn;
5. In lagaga daydo llaahay sida dadka loogu abaalgudo, oo qofkii wanaag fala uu helo abaalgud wanaagsan, qofkii xumaan ku kacana lagu abaalmariyo in xumaantiisa wax ku eg, oon lagu xad— gudbin, haddii aan layska cafinba, si loogu geesinimo geliyo in uu ka noqdo jidka qalloocan oo uu ku soo darsamo dadka toosan.

Xadiiska 36aad

BADBAADINTA BULSHADA

 

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ عَنْ النَّبِيِّ ﷺ قَالَ: ”مَنْ نَفَّسَ عَنْ مُؤْمِنٍ كُرْبَةً مِنْ كُرَبِ الدُّنْيَا نَفَّسَ اللَّهُ عَنْهُ كُرْبَةً مِنْ كُرَبِ يَوْمِ الْقِيَامَةِ، وَمَنْ يَسَّرَ عَلَى مُعْسِرٍ، يَسَّرَ اللَّهُ عَلَيْهِ فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ، وَمَنْ سَتَرَ مُسْلِما سَتَرَهُ اللهُ فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ ، وَاَللَّهُ فِي عَوْنِ الْعَبْدِ مَا كَانَ الْعَبْدُ فِي عَوْنِ أَخِيهِ، وَمَنْ سَلَكَ طَرِيقًا يَلْتَمِسُ فِيهِ عِلْمًا سَهَّلَ اللَّهُ لَهُ بِهِ طَرِيقًا إلَى الْجَنَّةِ، وَمَا اجْتَمَعَ قَوْمٌ فِي بَيْتٍ مِنْ بُيُوتِ اللَّهِ يَتْلُونَ كِتَابَ اللَّهِ، وَيَتَدَارَسُونَهُ فِيمَا بَيْنَهُمْ؛ إلَّا نَزَلَتْ عَلَيْهِمْ السَّكِينَةُ، وَغَشِيَتْهُمْ الرَّحْمَةُ، وَ حَفَّتهُمُ المَلاَئِكَة، وَذَكَرَهُمْ اللَّهُ فِيمَنْ عِنْدَهُ، وَمَنْ أَبَطْأَ بِهِ عَمَلُهُ لَمْ يُسْرِعْ بِهِ نَسَبُهُ.“
 
[رَوَاهُ مُسْلِمٌ] بهذا اللفظ.

 

 

Waxaa laga weriyey Abuu Hureyra (Allaha ka raalli noqdee), in uu Nebiga ﷺ yiri:
Qofkii ka feyda qof mu’min ah kurbo ka mid ah kurbadaha dunida, isagana Alla (SW) baa ka feyda kurbo ka mid ah kuwa qiyaamaha, qofkii u xoolo gooya qof sabool ah, isagana llaahay baa u xoolo gooya ifka iyo aakhiraba, qofkii u xil qariya qof muslim ah, isagana llaahay baa ceebihiisa astura if iyo aakhiraba, qofkii jid mara isagoo cilmi doonaya llaahay baa u fududeeya jidka Jannada loo maro, llaahay wuu u gargaaraa addoomadiisa inta qofku u gargaaray walaalahiisa, Haddii ay jamaaca ku kulanto guri ka mid ah guryaha llaahay iyagoo akhrisanaya Qur’aanka oo is—baraya, waxaa ku soo degeysa xasilloonaan, waxaa dabooleysa naxariis llaahay, malaa’iktuna way la safanaysaa, llaahayna wuxuu ku xusayaa kahlqiga agtiisa jooga. Oofkii camalkiisu reebo nasabkiisu meel marin maayo.
Waxaa soo weriyey xadiiskaa Muslim

SHARAXA
Xadiiskani wuxuu ku dhow yahay kii aynu soo dhaafnay, sababtoo ah labaduba waxay ka hadlayaan daryeelka bulshada Islaamka ah, kii hore wuxuu ku saabsanaa ka hortegidda waxyaalaha xubnaha bulshada kala geynaya, kanna wuxuu ku saabsan yahay marka xubin ka mid ah bulshada dhibaato qabsato sidii wax loola qaban lahaa.
Wuxuu soo qaatay xadiiskan saddex xaalo haddii ay qof qabsadaan in uu u baahan yahay in la caawiyo:
1. Waa dhibaato kurbo iyo laxaw ku abuurtay qofka muslimka ah, wax kastaba ha noqotee dhibaatadaasi, sida jirrooyinka iyo arrimaha uu u tabar waayay, xagga qoyska, shaqada iwm, marka llaahay wuxuu u ballanqaaday qofka dhibaatadaa ka saara qof muslim ah, in isagana llaahay ka saari doono dhibaatooyinka kulul maalinta qiyaamaha. Haddaba, qofkii isagoo cudur qaad—qaadayo irbad lagu duro ee ku bogsada, kurbaa laga feyday, waxaana iska leh abaalkaas dhakhtarkii cudurka gartay, kii daawada sameeyey iyo kii bixiyey kharajka lagu sameeyey, sidoo kale qofkii hanuuniya qof baadi ah ee ku toosiya jidka xaqa ah;
2. Xaaladda labaad waa qofka ay dhibaato ka haysato xagga dhaqaalaha ee saboolka ah, waxaa llaahay u ballan qaaday qofkii ciriiriga ka saara in isagana llaahay ka saari doono ciriiriga ifka iyo mid aakhiraba, waxaana jira inaan ciriiriga ka bixinta aan loola jeedin oo keli ah in qofka baahan la quudiyo, waxa looga jeedaa in laga kaalmeeyo siduu ciriiriga uga bixi lahaa oo uu lugihiisa isugu taagi lahaa. Tusaale ahaan, waxaa la bari karaa xirfad ama cilmi uu ku shaqaysto, waxaa loo samayn karaa mashruuc uu ka shaqeeyo iwm;
3. Xaaladda saddexaad waa qofka Muslimka ah ee aad ku aragtid ceebo uu leeyahay oo aanu jecleyn in lagu ogaado marka qofkii ceeb Muslim ogaaday ee qariyay, waxaa llaahay u ballanqaaday in isagana loo qarin doono ceebihiisa if iyo aakhiraba, laakiin, ceebaha la qarinaayo kuma jiraan kuwa xuquuqda dadka kale ku dayacmeyso, matalan qofkii ku xadgudbaya xoolo ama sharaf dad kale inaad qariso ma aha, gaar ahaan, haddii marag laguu qabsado, waxaana caddaynaya aayado iyo axaadiis kale inaan waxyaalaha ceynkaas ah qofka loogu ceeb qarinaynin.
Haddaba, wuxuu xadiiskani ku hanuuniyey Muslimka hubka uu kaga bixi karo dhibaatooyinka dhammaantood, hubkaas oo ah cilmiga, waxaanu ugu baaqay qofkii cilmiga barashadiisa isku shuqliya in lllahay u fududeynaayo jidka Jannada loo marayo, marka faa’iidada cilmigu kuma koobna dunida aynu ku nool nahay iyo danaha aan ku gaareyno maantadan la joogo ee aakhirana waxaad heleysaa Jannadii llaahay.
Cilmigu sida ka muuqata xadiiskan kuma koobna cilmiga diiniga ah oo keliya, bal waxaa soo geli cilmi kasta oo wax tar leh sharcigii ilaahayna aan khilaafsaneyn ee qofka iyo bulshada kurbada lagaga saari karo ama gaajada lagaga bixin karo ama cadowga lagaga badbaadin karo ama wax kheyr ah muslimiinta loogu faa’iideyn karo.
Haddana wuxuu xadiisku sheegay abaalgud weyn in la siin doono qofka walaalkii mar kastaba caawiya, kaasoo ah in gargaarka llaahay la jiri doono muddada uu gargaarka walaalkii wado, ugu dambeyn wuxuu xadiisku sheegay abaal—gudka ay leeyihiin dadka meel ku wada kulma iyagoo akhrisanaya oo baranaya kitaabka llaahay, waxa loogu abaal— gudayaa xasilloonaan iyo naxariis
Alla oo lagu soo dejinayo, Malaa’iktuna hareerahooday fariisanayaan, llaahayna ku ammaani doono Malaa’ikta agtiisa ku sugan.
Wuxuu ku khatimay xadiisku aasaaska dadka lagu kala sooco marka la abaal—marinaayo oo ah qof kasta imaanka iyo camalka suubban uu la yimaado, oo lagu dari maayo xisaabta nasabkiisa, qabiilkiisa iyo xoolahiisa, sababtoo ah, llaahay dadka uma kala dhowa mana kala xigaan dhammaantood waa addoomadiisa, waxaana lagu kala bixinayaa abaalgudkooda qof kasta wuxuCi kheyr shaqaystay iyo siduu Alla uga baqay sharcigiisana ugu hoggaansamay. Qofkii camal xun la yimid waxba nasabkiisu u tari maayo.

FAA’IIDADA XADIISKA
1. Abaalgudka uu leeyahay qofkii muslim dhibaato ka saara;
2. Ceebaha dadka in la asturo;
3. Faa’iidada waxbarashada;
4. Faa’iidada kulanka lagu baranaayo kitaabka llaahay;
5. Qiimaha dadka lagu abaalmarinaayo waa camalkiisa, qabiilkiisa qof la weydiin maayo;
6. Abaalgudka loo ballan qaaday qofkii qof muslim ah dhibaatooyinka ka saara.

 

Xadiiska 35aad

IS—XAQ—DHOWRIDDA XUBNAHA BULSHADA

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم ” لَا تَحَاسَدُوا، وَلَا تَنَاجَشُوا، وَلَا تَبَاغَضُوا، وَلَا تَدَابَرُوا، وَلَا يَبِعْ بَعْضُكُمْ عَلَى بَيْعِ بَعْضٍ، وَكُونُوا عِبَادَ اللَّهِ إخْوَانًا، الْمُسْلِمُ أَخُو الْمُسْلِمِ، لَا يَظْلِمُهُ، وَلَا يَخْذُلُهُ، وَلَا يَكْذِبُهُ، وَلَا يَحْقِرُهُ، التَّقْوَى هَاهُنَا، وَيُشِيرُ إلَى صَدْرِهِ ثَلَاثَ مَرَّاتٍ، بِحَسْبِ امْرِئٍ مِنْ الشَّرِّ أَنْ يَحْقِرَ أَخَاهُ الْمُسْلِمَ، كُلُّ الْمُسْلِمِ عَلَى الْمُسْلِمِ حَرَامٌ: دَمُهُ وَمَالُهُ وَعِرْضُهُ” . 

Waxaa laga weriyey Abuu Hureyra (Allaha ka raalli noqdee), in uu Rasuulkii llaahay yiri:
Ha is—xaasidina, ha isku fallisina badeecadda idinkoo uga dan leh in qof kale lagu qaaliyeeyo sicirka, ama hoos looga dhigo qiimaha, ha isu caroonina, ha isu dhabar jeedinina, badeecad qof baayacayo ha ka hor baayicina. Noqda addoomo llaahay oo walaalo ah, Muslimkuna qofka Muslimka ah ma dulmo, ma hoojiyo, ma heeniyo, ma quursado. Taqwadu waa halkaan isagoo gacanta saaray (SCW) laabtiisa saddex jeer. Waxaa shar ugu filan qofka in uu quursado ama yaso walaalkiisa Muslimka ah, qof kasta oo Muslim ah, waxaa ka xaaraan ah dhiigga Muslimka xoolihiisa iyo sharafkiisa.
Waxaa weriyey Muslim

SHARAXA
Xadiiskani wuxuu ka hadlayaa ka hortegidda waxyaalaha dadka kala geeya ee isku dira, waxaanu xaaraantinimeeyey sagaal (9) arrimood oo ka mid ah waxyaalaha dadku isku naco ee kala fogeeya:
1. Waa xaasidnimada oo ah inaad kahato ama ka xumaato waxa qofka kale u kordha oo kheyr ah, waana dabeecad aad u xun, maxaa yeelay, qofkii isagoon waxba la yeelin, waxba laga dhimin xaqiisii, ayuu ka xun yahay kheyr Rabbi qof kale ku galladaystay, marka xaasidnimadu waa cudur aad u kala fogeeya dadka;
2. Arrinka labaad waa fallisaad badeecad iyadoo qof loogu daneynayo in qiimaha looga kordhiyo ama looga yareeyo, tusaale ahan, wuxuu ku kordhinayaa alaab la naadinayo qiimaha isagoon iibsanayn ee doonaya in qiimuhu u kordho qofka alaabta iska leh;
3. Waa carada, lyaduna waa waxyaalaha dadka isku dira,maxaa yeelay, laba qof oo isu careysan waxba wada qabsan maayaan marka waa in carada laga xoroobo, haddii la caroodana waa in laga soo noqdo oo aan qalbiga lagu haysan;
4. Waa inaan dhabarka leysu duwin oo aan la kala jeesan, marka laba qof oocaloosha wax isugu haya iska hor—yimaadaan, isma arki karaan, wejiganan isma siin karaan, markaasay kala jeestaan, haddey iska hor—yimaadaan, marka laba qof oo aan is—arki karayn siday wax u wada qabsan karaan?

Xadiis kale, wuxuu Nebiga (s.c.w.) ku sheegay inaanay bannaaneyn in laba qof oo Muslim ah saddex maalmood wax ka badan dudmo ku kala maqnaadaan, waxaana kheyr roon labadooda midka salaanta ku hor billaaba kan kale.
Sida runta ah kaasaa geesisan oo ka dadnimo roon, maxaa yeelay, waa nin naftiisa uur—xumadu ka buuxday ka adkaaday oo ka gudbay derbigii sharka ahaa ee sheydaanku ku kala ooday labada qof ee walaalaha ah.

  1. Inaan qaarkiin qaarka kale ka kor iibsan badeecadda. Tusaale ahaan, wuxuu u imaanayaa laba qof oo wax kala iibsanaya, markaasuu mid u il—jibinayaa ama hoos kala hadlayaa, isagoo le, anigaa intaa ka badan kaaga iibsanaya, ama anigaa intaa in ka jaban kugu siinaaya iwm;
  2. Arrinka lixaad waa dulmiga, umana bannaana qof muslim ah in uu kula kaco gardarro iyo dulmi walaalkii;
  3. Muslimku ma hoojiyo walaalki markuu arko isagoo ciriiri ku jira waa in uu gacan ku siiyo siduu uga bixi lahaa, ma aha in uu ku ceebeeyo ama ku wiirsado. Marka hadduu la kulmo qof Muslim ah oo cadow gacanta ugu jira waa in uu ka furto,haddii awooddiisu gaarsiiso nooc kastaba ha noqdee cadowgaas; Cadow gaal ah, cadow gaaja ah, cadow jirro ah, cadow jahli ah, cadow deyn ah iwm.
  4. Arrinka siddeedaad waa inaanu beeneyn. Qofka muslimka ah uma bannaana in uu ku dhaho qofka kale been baad sheegeysaa ama beenaale ayaad tahay, maxaa yeelay, qofka aad sidaa ula hadashid waa coloobeysaan, taasina waa wax islaamku la dagaallamayo marka ma bannaana ficil dadka muslimiinta ah cadaawo dhex dhigaya;
  5. Arrinka sagaalaad waa is—quursiga ama is- yasidda. Qofna uma bannaana in uu walaalkii
    quursado, maxaa yeelay, qofkaad quursatid waa qof aad iska sarreysiisid, waxaana laga yaabaa inaad ka xoolo roon tahay ama aad ka aqoon badan tahay, laakiin, ogow llaahii ku siiyey adiga waxaan walaalkaa haysan,. waa yeeli karaa in uu isku kiin beddelo, ama wax ka khayr roon waxa aad ku faaneyso in isagana la siiyo. Marka is—quursigu waa jirrooyinka ugu daran ee dadka isku dira, sababtoo ah haddii qofku dareemo inaad iska sarreysiinayso, wuxuu kuu qaadayaa cadawnimo, waxaanu ku dadaalayaa siduu kuu boqno goyn lahaa. Waxaa lagu caddeeyey xadiiskan haddii qofku aanu dembi kale lahayn oon quursiga dadka ahayn waa ugu filan yahay ciqaab.
    Wuxuu Nebiga (s.c.w.), amray in ay dadku noqdaan addoomo llaahay oo walaalo ah. Wuxuu Nebigu tilmaamay in arrimaha laga xaaraantinimeeyey muslimka ay qalbiga madoobeeyaan marka waa in qalbiga laga saafi yeelo arrimahaas foosha xun.
    Wuxuu yiri Nebiga (s.c.w.), Taqwado waa halkaan, isagoo saddex jeer farta ku fiiqay laabtiisa, marka saldhigga laga dhowrayo fulinta sharciga waa qalbiga, horayna waxaa innagu soo maray in haddii qalbigu hagaago jirka intiisa kalena hagaageyso.
    Ugu dambeystii waxaa laga xaaraantinimeeyey qof kasta oo muslim ah in uu daadiyo dhiig muslim ama dhaco xoolo muslim ama ku xad—gudbo sharafta qofka muslimka ah iyo xiladiisa.

FAA’IIDADA XADIISKA
1. Wuxuu reebay wax allaale wixii kala geynaya ama isku diraya xubnaha bulshada;
2. Wuxuu reebay in laysku falliso badeecadda, iyadoo loogu danaynayo qof kale;
3. Waxaa la xaaraantinimeeyey kala jeedsiga iyo isu dhabar jeedinta;
4. Waxaa la reebay in badeecadda la iska hor iibsado;
5. Waxaa la reebay dulmiga dhammaantiis;
6. Waxaa ta reebay is—hoojinta marka qofku ciriiriga ku jiro;
7. Ma bannaan in lagu yiraahdo qof muslim ah been baad sheegtay;
8. Waxaa la reebay carada;
9. Waxaa la reebay is—quurisga;
10. Waxaa la xaaraantinimeeyey daadinta dhiigga qofka muslimka ama ku xad gudubka xoolihiisa, iyo xiladiisa;
11. Wuxuu amray nebigu (SCW) muslimiinta in walaalo isu noqdaan oo leys xaq dhowro.
12. Sida Islaamka ugu dadaalaayo daryelidda iyo iskaashiga bulshada.

Xadiiska 34aad

REEBIDDA MUNKARKA

عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيّ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ سَمِعْت رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم يَقُولُ: “مَنْ رَأَى مِنْكُمْ مُنْكَرًا فَلْيُغَيِّرْهُ بِيَدِهِ، فَإِنْ لَمْ يَسْتَطِعْ فَبِلِسَانِهِ، فَإِنْ لَمْ يَسْتَطِعْ فَبِقَلْبِهِ، وَذَلِكَ أَضْعَفُ الْإِيمَانِ” . 

Waxaa laga weriyey Abuu—Saciid Al—Khudri (Allaha ka raalli noqdee), in uu yiri, waxaan ka maqlay Rasuulkii llaahay (s.c.w.) asagoo leh:
Qofkii arkaa wax munkar ah ha ku reebo gacantiisa, hadduu kari waayo, ha ku reebo carrabkiisa, hadduu kari waayo, ha ka kahdo qalbigiisa oo ha isaga tago qolada xumaha xambaarsan markay xumaanta ku jiraan isagoon waxba ka qaban karin, , waana ka ugu iimaan daciifsan.
Waxaa weriyey Muslim.

SHARAXA
Xadiiskani waa saldhigga is—hanuuninta, dhowridda iyo badbaadinta xasilloonaanta bulshada iyo nabadgelyadeeda. Qof kasta oo
Muslim ah, waxaa xil ka saaran yahay ilaalinta sharciga, marka hadduu arko qof sharciga ku xad—gudbaya waa in uu xilkiisa guto oo aanu indhahana ka qabsan, wuxuu qaban karana waa saddex heer:
Kan koowaad waa in uu xumaanta xoog wax kaga qabto. Tusaale ahaan hadduu arko qof dadka dulmaya oo wax dilaya ama wax dhacaya ama wax gubaya iwm, waxaa waajib ku ah in uu qabto oo uu ka joojiyo dulmiga hadduu awoodi karo.
Heerka labaad haddii aanu awoodi karaynin in uu gacanta wax kaga qabto waa in uu la hadlo, Alla ka baq yiraahdo, xaqana u sheego.
Heerka seddexaad haddii uu labadaa midkood kari waayo, waxaa waajib ku ah in uu qalbiga ka kahdo, meesha munkarka lagu hayo ka dheeraado isagoo ka xun sharcigaa lagu tumanayo oo aanu waxba ka qaban karayn, waxaana lagu tilmaamay in heerka dambe yahay ka ugu daciifsan ee liita.
Haddaba, qofka Muslimka ah, waa in uu ogaado in arrin kastoo khilaafsan sharciga Alia oo hortiisa ama gurigiisa ama dukaankiisa lagu falo in waajib ka saaran yahay in uu xumaantaa joojiyo, hadba, sidii u suuragal ah, maxaa yeelay, haddii uu oggolaado xumaantaa hortiisa lagu sameeyey oo sharciga Islaamka lagu xad—gudbay waxay dhibaato soo gaarsiin doontaa bulshada, waxaana laga yaabaa in dhibaatada ama macsiyadaa uu raalli ka noqday gurigiisa ugu soo gasho, sababtoo ah bulshadu wey isku wada xiran tahay. Haddaba, Muslimka runta ah waa kaa diyaarka u ah la jihaadidda xumaanta iyo qaska ama macsiyada dham maanteedba, macsiyadu waa ku xad—gudbidda waxyaalaha sharcigu Islaamka reebay, wax aallaale wixii sharcigu reebayna waa wax lagu daryeelaayo danaha bulshada, ha noqoto xagga nabadgelyada, xasilloonaanta, iskaashiga iwm. Waxaase laga doonayaa ruuxaa reebaya xumaha ee ka hor tagaya ku xadgudubka sharciga inuu yahay qof aqoon u leh sharcigii, si uusan u inkirin una reeban arrin bannaan, ama u qirin arrin reebban. waxaa sidoo kale la doonayaa in waxaa uu reebayo ayan ka dhalaneyn dhibaatooyin iyadii ka badan.

FAA’IIDADA XADIISKA
1. Qofka Muslimka ah, waxaa waajib ku ah in uu macsiyada iyo dulmiga baabi’iyo, hadba inta awooddiisu tahay;
2. Qofkii awoodi kari waaya waajibka wax ka qabashada xummaanta waa in uu qalbiga ka inkiro;
3. Haddii aan xumaanta laga hortegin dhibaatadu waxay soo gaaraysaa bulshda inteeda kale.

Xadiiska 33aad

CADDEYN KEENISTA WAA AASAASKA DOODAHA

عَنْ ابْنِ عَبَّاسٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم قَالَ: “لَوْ يُعْطَى النَّاسُ بِدَعْوَاهُمْ لَادَّعَى رِجَالٌ أَمْوَالَ قَوْمٍ وَدِمَاءَهُمْ، لَكِنَّ الْبَيِّنَةَ عَلَى الْمُدَّعِي، وَالْيَمِينَ عَلَى مَنْ أَنْكَرَ” . 

حَدِيثٌ حَسَنٌ، رَوَاهُ الْبَيْهَقِيّ [في”السنن” 10/252]، وَغَيْرُهُ هَكَذَا، وَبَعْضُهُ فِي “الصَّحِيحَيْنِ”.

Waxaa laga weriyey Cabdullaah ibn Cabbaas (Allaha ka raalli noqdee), in uu Rasuulkii llaahay yiri (s.c.w.):
Haddii dadka la siin lahaa waxay u dacwoodaanba rag baa sheegan lahaa xoolaha dadka iyo dhiggooda, lakiin, inuu caddeyn keeno waa waajibka ruuxa dacwada soo oogay, haddii ruuxa ashtakada keenay wax caddeyn ah keeni waayo, ruuxa u soo dacweeyeyna wixii inkiro waa la dhaaran dacweysanaha.
Waa xadiis Xasan ah, waxaa weriyey al-Beyhaqi iyo kuwo kale.

SHARAXA
Xadiiskani wuxuu inoo sheegay aasaaska xeerka
ah ee ay ku socdaan dacwooyinka maxkamadaha la hor keeno, waano saldhig sharci ah. Wuxuu xadiisku sheegay inaan qofna la siineyn waxa uu qofka kale ku sheeganayo, isagoon caddeyn keenin, haddiise la siin lahaa qofku waxa uu sheegto caddeyn la’aan, waxaa dhici lahaa in qof kastaa xoolo qof kale sheegto oo uu yiraahdo ha la iiga qaado. Marka waxaa loo shardiyay qofkii xaq sheeganaya in uu caddeyn la yimaado iyo xujo u sugeysa in xaqaa isaga ah laga qabo, ha noqoto xujadaasi marag, warqad rasmi ah iyo waxyaalo kaleba.
Qofka xaqa lagu sheeganaayo isaga lagama rabo caddeyn inaanu xaqaa qabin, ee waxaa laga rabaa in uu ka dhaarto inaanu xaqaa lagu sheeganayaa qabin, haddii dhinaca kale caddeyn laga waayo.

FAA’IIDADA XADIISKA
1. Inaan qofna la siin xaqa uu u dacwoonayo, haddii aannu u sugnaanin;
2. Dacwoodaha waxaa korkiisa ah caddeyn;
3. Dacweysanaha waxaa korkiisa ah dhaar, haddii dhinaca kale caddeyn laga waayo;
4. Inaan qofka waxba qabin ilaa lagu sugo xaqa lagu sheegtay;
5. Garsooruhu waa in uu raaco mabda’aa isaga ah markuu dacwad qaadaayo.