Cabdillaahi Aadan

Sida la wariyey oo gabayganna ka muuqata Hurre Maxamad Liibaan ayaa wuxuu dilay nin loo han-weynaa oo la oron jiray Cabdullaahi Aaden Kiyo, dabadeed Sayidka halkaa waxaa uga muuqatay in haddii labadaa reer colaadi ay dhex marto, uu midkood Daraawiish ku soo biiri doono oo ay guutooyinka dagaalka gaalada u taagan gacan siin doonaan. Sayidka waxaa la ahaatay inuu isku diro si aysan nabadi uga dhex dhalan oo guubaabiyo nimanka nabarka loo geystay. Wuxuu tusay inuu ka xun yahay ninkaa la dilay. Kani waa gabaygii labaad oo Sayidku u mariyey Soomaali iyo dira-diraheeda. Wuxuuna rabay inay wax u tarto dagaalkii ay Daraawiishi gumeysiga Ingiriiska kula jirtay, wuxuuna yiri:

Waxa gabaga loo qeybiyaa, waa qalqaalsamiye
Waxa geela qaaliga ka dhigay, qiimuhuu yahaye
Qarfo hawda waxa loogu wadi, waa qatimayaaye

Waxa qanamka loo dhaqanayaa, waa qabbaan guriye
Lo’da waxa qumbaha looga luli, qaabka dheyda ahe
Fardo qoolka waxa loogu guri, qoob ka orodkiiye

Waxa gabar qaryada loo togtaa, guur ha kuu qumo e
Qoys weyn waxa loo dhistaa, qani gobaadeede
Qadhle awra waxa loo rartaa, qaadka iyo xooge

Waxa qayli loo xiranayaa, qurux asluubeede
Qaraafiicda waxaa loo toshaa, saydho qodaxeede
Masallaha waxaa loo qaabsadaa, qiro salaadeede

Culimada waxaa loo quweyn, waa qob iyo dhowre
Wax munaafuq loo quursadaa, qowlka beenta ahe
Waxa qoorta loo jari kufriga, qiil ku waajibiye

Qeydada waxa loo baxshaa, waa qorshiyo deeqe
Qaraamaadka waxa loo ratibi, waa qubuul duco e
Waxa Quluwallaha loo diraa, waa qubuuraha e

Wax qaddiibka loo tumanayaa, qaarar gooyada e
Qarash waxa magliga loogu guri, qayb ha kuu galo e
Waxa loo qaadan gaashaan, inuu qaashka celiyaaye

Rag wuxuu isu qiimayaa, waa qarfaafada e
Waxa geesi qalabkuu sitaa, waa qabiilniino e
Qayrada wax loo marahayaa, qaylo dirireede

Wax qisaasta loo dhiibayaa, qoomamaa hadhiye
Waxa qaalli loo raadsadaa, waa qisada diine
Qalinduurre waxa looga tegey, waa quraan yariye

Daaroodka waxa loo qur jari, waa qaskay faliye
Iiddoorka waxa loo qateyn, waa qafaalnimo e
Waxa qumayo loo dilahayaa, waa qaxaabnimo e

Cabdillaahi1 waxa loo qur jaray, waa qabiil li’iye
Qoon adag hadduu leeyahaan, loo quturihaynin
Qooq laguma toogtecn ninkii, qaaliga ahaaye

Waraabaha qaloombiyahayaa. kuma qadeeyeene
Qaraddiyo jinaadkii dhurwaa, kuma quraacdeene
Intuu qalamsadoo cuno gadaal, qaaqda ma hayeene

Qalbigey xanuunsada markaan, qaallanow dayo e
Qab iyo luuli qaabkuu ahaa, qeydada midabka
Qarqarrootigii socodka iyo, qalanja laafyoodka

Qun-u-hadalka qaaraanka geed, quudka bixintiisa
Qasadkii buruudkiyo markay, qaawa ololeyso
Qeyraamintii waranka iyo, qabas kuleylkiisa

Fuley baa qammaada e ninkii, qala la’aantiisi
Goortaan qiyaas fiiriyaa, la i qumbiciyaaye
Qori dalab sidiisaa wadnaha, lay qarqariyaaye

Anaa quusan waayaye, bahdiis qoonsan mahayaan
Qaraabada kuwii ugu dhawaa, uma qamiiraane
Nimankii qiyaamaha ku raray, kuma qamaamaane

Qarri2 kuma simaan wccrarkay, qabax ku siiyaane
Qardam kama dhigaayaan intay, subax quraadaane
Qaday kagama yeershaan guntii, qurunka weyneyde

Huwan qoorrigeeda ha xushiyo, qaara geeda lehe
Haw xilato qabay xoor leh iyo, qadow kuraarkeede
Qol dugsoon intay jiifsadaan, qaac ha loo shido e

Giddigoodba qayl-qayl dhaliyo, qaraf ha eedeene
Haaruunku qalalaasuhuu, kala qaxaayaaye
Markay qaraxdo baaruuddu waa, kala qumaayaane

Inkastoo qabniyo maal adduun, laga qaniimeysto
Qormadooda oo idil haddaan, qaydna laga reebin
Waa ila qaraar reer Cismaan, qaan-ka-guradkiisu

Qaraajiinta Doollaal haddaan, qiiqa laga duulin
Ragga qaafadooda ah haddaan, waran la qaadsiinin
Waa qaran maxaa loo lahaa, qolada Liibaana?

Nin qadeeca dhigi waa sidii, qoofka aan falaye

Aniguba quruunoo dhan baan, hoor ka soo qubaye
Ingiriisba qoorriga badeed, qaati kala roorye

Inkastuu qabiil laawe yahay, qaayin iyo daayin
Ninkii qaamilaad lihi dagaal, waa u qumiyaaye
Anaan qaaridayn bah Cabdalladu, inay qotowdaaye

Qacdii hore Camuud3 baan lahaa, qaarashuu tegiye
Qabkii Faarax4 uma soo rogeyn, intuu qaboobaye
Qamuunyada Hudliyo5 Kaahin6 waa, qabay daruureede

Qar buu duminayaa Kabarre7, waa qarow ishaalleeye
Qasadkoodu Deyl8 iyo Khaliif, waa qaboonada e
Maxaa qaaday laba Shiil9 markii, qorigo qiiqaabay

Qaddarkii Ilaah iyo wed baan, layska qarineyne
Qasiraadba wow lumi ninkii, qaamudkiis galaye
Alla qiira darana Jiciir10, Qaaddirkay magane!

Waxaan ka qoray Xaaji Maxamad Cawl, waxaana laaxin tiray Xaaji Cabdiraxmaan Sayid Maxamad 1957kii, gabaygani wuxuu xiriir la Iccyahay gabayga 113aad.
1.Cabdullaahi: Cabdullaahi Aadcn (Kiyo) Maxamad Liibaan.
2.Qarri. Qarri-jiqood, buur ku taal webi Shabeelle xaggiisa sare.
3.Camuud: Camuud Siciid Liibaan.
4.Faarax: Faarax Maxamuud Liibaan.
5.Hudlc: (Boojaalli) Yuusuf Maxamad.
6.Kaahin: Kaahin Maxamad Liibaan.
7.Kabarrc: Maxamuud Kabarrc
8.Dcyl: Dcyl Maxamad Liibaan
9.Laba Shiil: Maxamad Yuusuf Liibaan iyo Shiil Maxamad Liibaan Jiisoow.
10.Jiciir: Jiciir Maxamad Liibaan Jiisoow.

One thought on “Cabdillaahi Aadan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *