Cali Xaaji Axmed

Gabaygan gaaban waxay ulajeeddadiisu ahayd – in loogu hal daro Darwiish la oron jirey Cali Xaaji Axmed Aaden oo ay Sayidka habrawadaag ahaayeen, Cali waxaa dhasay Balax Seed Magan, Sayidkana hooyadii waxaa la oron jiray Carro Seed Magan.

Waxaa la yiri dagaalkii Ruuga ee Koofil ayaa lagu dilay Cali Xaaji Axmed oo fardaha Daraawiisheed buu madax ka ahaa, markii dagaalka foodda la is geliyey asaan wali la isu jilib dhigin, ayaa gaalkii girligaan Daraawiishta ku afuufay. Halkaas ayuu Cali Xaaji ku yiri, “War fardaha xabbadda dib uga qabta.” Waxaa markiiba loo qaatay inuu baqay, maxaa yeelay Daraawiish waxaa caado u ahayd in haddii tacshiiraad ama laba lays dhaafsado ay cadawga jiiraan.

Hadalkii Cali Xaaji oo ahaa “Fardaha rasaasta ka qabta!” hadii Sayidka loo geeyay ayuu mariyey gabaygan oo wuxuu yiri:

Caliyow habaaskii inaad, hadaftay lay sheegye
Hadalkaagu siduu noogu yimid, waa hagoognahaye
Waa kuu hundhuraayaa siduu, hooggu kuu maraye

Hadda aynu joogniyo intii, horay ka aamiina
Abidkood dagaal ma hargadaan, haybta aan nahaye
Adigaa hinjiga noo wada ee, haaligyaan nahaye

Hulqe aabbahaa baa ahaa, hogoshki dheeraaye
Waa wuxuu Hubeyr ugu fakaday, Haarriyaan dhicine
Maxaa habarwadaaggay ka dhigay, haadka cararaaya?

3 thoughts on “Cali Xaaji Axmed

  1. waxaan jeclahay inan ka midnoqdo webkan maktabadda.com oo ay ku kaydsan yihiin qoraal qiimo badan, oo ay kow kayihiin gabayo halmuceed miidhan ah.

  2. macquul maaha sheekadani. sababta oo ah Haariye waanu naqaan oo dagaal muuse care iyo faarax garaad xulufo ahaayeen oo kaa cali dhuux gabayga ku sheegaya Qoorwaa Jaamac inu gacan qabtay nimankaas .

    Mida kale ninkii hadii u dhintayba sidee gabay qof nool loogu tiriyay? gabayga iyo warku orod badnaa haduu dhintay maalintii dagaalkii Dul Madoobe , hadmaaa warkiisa loo geeyey nin Taleex fadhiya oo u soo gabayay nin dhintay… waar waxaas caqli gal maahe umada ka daaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *