Dardaaran

1919kii markay taariikhdu ahayd ayaa Ingiriisku ku soo duulay Daraawiish isagoo dayuurad iyo ciidan lixaad leh wata. Dabadeedna waxay Daraawiishi guddoonsatay inay u qaxaan dhanka koonfur iyo webi Shabeelle. Halkaas waxaa degganaa xarunta laanteedii saddexaad oo uu madax ka ahaa Khaliif Shiikh Cabdulle. Ka dib xaruntii weynayd waxaa laga dhigay Qorra, Shinniile iyo Horushagax. In kastoo dayuuradihii iyo ciidamadii Ingiriisku nabarro xun u geysteen, haddana Daraawiishi xooggoodii iyo lixaadkoodii ma dhinmin, waxayna ku tala jireen inay col u qalqaalaan Ingiriis iyo wixii raacsanaa, hase yeeshee, adduunku ma dhammi buu dhashaye, duumo, tacluus iyo furuq baa ku habsaday Daraawiish, markaasay tarab tarab u le’atay. Raggii madaxda ahaa badidoodiina waa geeriyoodeen.
Iyadoo Daraawiishi xaaladdoodu sidaa tahay ayaa Ingiriis iyo dadkii raacsanaa guuto camaaryalay ah ku ballaariyeen, waxay ka heleen geel la baxay Hagoogane. Magacaa wuxuu geelu kula baxay iyadoo la yiri “Geelaa ninkii wax ka saanyooday kibir buu la hagooday, ninkii ka aadayna ciil buu la hagoogtay, ninkii laga dhacayna caloolxumuu la hagoogtay. Dabadeedna Sayidkii iyo wixii Daraawiish ka haray waxay tageen Iimeey oo togga webi Shabeelle xaggiisa sare ah. Rag talo kama dhamaato e, hindiso kaley haanka ku hayeen, hase yeeshee, Sayidka geeridiisa ayaa wax kasta baabbi’isay. Gabayga soo socda ayuu Sayidku mariyey markay Iimeey degeen, dhaawacyadii loo geystayna ka xafaaroobeen. Inkastoo wax si toos ah noogu mariyana aannan helin, kutiri-kuteen waxaan ku maqalnay in Calidhuux gabay digasho ah u mariyey Daraawiish markay jabtay. Waxaa gabayga Calidhuux halkudheggiisu ahaa:

Waa lagu digtaa duul hadduu kuu darraab jiraye
Bal dayooy wadaakii waa kaa sii dabayshadaye.

Sayidku wuxuu ka warramay dad iyo duunyo wixii ka lumay oo dhan, duummadi iyo furuqii neefeeyey, tabaha gumaysiga, tallaabooyinkuu maaggan yahay iyo ciribxumada u dambaysa kuwa gumaysiga u adeega. Waxaannu gabeygan ka soo qornay dad kala duwan oo Daraawiish ah. Wuxuuna Sayidka yiri:

Min daroofle aqal daahya weyn, dedab la heedaamay
Darmo iyo firaash lagu gam’iyo, daalam iyo googo’
Aniga oo waxaan doonayaba, derajaday haysta
Iyo duni wixii nagaga lumay, dararkii Ceeldheero1
Dab wax gubi dayuurado kufrigu, nagu dul gowdiidshey
Dumbuq subaca degalkaan ka kacay, dahab wixii yiillay
Dakhal jabay wixii daar burburay, ama bukhaar duugmay
Didibtii bannaanayd wixii, dad iyo maal jiifay
Diric iyo waxay shiikh dileen, ama duq waayeela
Maxajabad daboollayd wixii, gaal u dukhuulaayey
Dabatoobka Iiddoor wuxuu, dararay caarkiisa
Lo’ durdura wixii deeble geel, nalaka sii daayay
Dullihii shareerraa wixii, daal na caga gooyay
Dirowgii qabsaday reerkayaga, dalankicii gaaray
Dulkuneefle kaan soo ag maro, duullan ka hor geyska
Dan la’aan waxay nagu faleen, darab nijaaseedku
Doonyaha shammalka ah haddii, dakhalka loo laalo
Mar uun baa dabaylahaa sidaa, kor u dandaanshaane
Oo doofaarradii ku jiray. Daraxu caynshaaye

Dabro cudura duumo iyo furuq, waxa dadkii xaaqay
Annagu diidi maynoo mar baa, daayin noo wacaye
Ninkiise tiisa loo deynayaa, haygu diirsado e
K0lna haddaan cid laga deynahayn, mowdka dabaqdiisa
Ninkii haatan nagu diganayow, dan iyo xeeshaa
Dangaraaradii nagu dhacdiyo, webi dabaashiisa
Inkastoo daleel nala dhigaan, doocna nagu cayman
Duuflaalladii naga harow, dan iyo xeeshiinna
Doodna waxaan u leeyahay dadkeer, hadalka deyn waayey
Nimanyahow dammiinimada waa, lagu dulloobaaye
Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan, duxi ka raacayne
Dagaalkii nasaarada anaa, daalib ku ahaaye
Dalka ma lihid anigaa ku iri, doora weynaha e
Daliilkii Rasuulkii anaa, doonayoo helaye
Anaa diiday maantuu lahaa, deeqan iga hooye
Diinkayga anigaan ku gadan, dabaqi naareede
Anaan labada daarood tan hore, derajo moodayne
Markay duushay gaaladu anaan, daabbaddu rarine
Goortay dareeraan anaan, diiradduu qabane
Anigaan dariiqiyo waddada, dowga sii marine
Anaan doora-weynow kufriga, daacadnuu galine
Ferenjiga direyska leh anaan, diiradduu qabane
Sida doxorka Iiddoora anaan, duudxammal noqone
Doofaarka eyga ah anaan, daarihiis geline
Anigaan dillaalkiyo ardiga, duubiguu xirine
Anigaan dariiqada Alliyo, diinta caasiyine
Daarood Ismaaciil ma oga, dowga loo qodiye
Waa ninkii durbaan tumay markaan, dowga sii maraye
Waa wixii dayooy yiri intuu, soo dabbaaldegaye
Dadow maqal dubuubtaan ku iri, ama dan hawl yeelan
Ama dhaha darooryiba jiryaye, doxorku yeelkiisa
Nin ragay dardaaran u tahaye, doqon ha moogaado
Dano lagama helo gaal haddaad, daawo dhigataane
Waa idin dagaayaa kufriga, aad u debcaysaane
Dirhankuu idiin qaybahayaad, dib u go’aysaane
Marka hore dabkuu idinku dhigi, dumar sidiisiiye
Marka xigana daabaqadda yuu, idin dareensiine
Marka xiga dalkuu idinku oron, duunyo dhaafsada e
Marka xiga dushuu idinka rari, sida dameeraaye
Mar haddaan dushii Adari2, iyo Iimeey3 dacal dhaafnay
Maxaad igaga digataan berruu, siin la soo degiye!

Waxaan ka qoray Daraawiish kala duwan, rag kale oo gabayadi Sayidka qoray waxay hayaan gabay ka badan. Daraawiishise Sayidkii waa uu u diiday.
1.Ceeldheero: Ceel 20 mayl u jira Ceerigaabo, kana xiga geesta koonfur-galbeed.
2.Adari(Harar): Waa magaalo fil weyn oo dalka Soomaali Galbeed ka mid ah. Taliskii Axmed Gurey u ahayd xarun, waxay caan ku ahayd Islaamka iyo horukaciisa, hadda waxay ka mid tahay dalka Soomaalida ee xabashidu u taliso.
3.Iimeey: Buur go’an oo ku taal webiga Shabeelle xaggiisa sare, Daraawiish baana degtay 1920kii oo ka dhisatay laba daarood oo dagaal. Waa mceshuu Sayidku ku geeriyooday oo lagu duugay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *