Jidka Adari Loo Maro

Guyaashii dagaalku ka dhex socday gumaysigii Ingiriisku madaxa u ahaa iyo Daraawiish, dagaalkiina dhulka Soomaaliyeed gees walba ugu fiday, ayaa dad badan oo Soomaali ah gumaysigii raaceen iyagoo u adeegaya. Markii weerarkii, gabagabihii iyo dooxatadii bateen, nabadgelyadiina geed dheer oo aan laga soo rogi karin lagu laalay, oo ay Daraawiish iyo dad intiisa kale noqotay. Afxumadii iyo edebdarradiina ay tardhaaftay ayaa Sayidku gabaygakan tiriyey. Usagoo dadka colka u ah u gooddinaya, ama Daraawiish ku goobaabinaya dagaal iyo aargudasho, una tilmaamaya dadka uu doonayo in lagu duulo ama waxyeello loo geysto, gaar ahaan Ingiriis, Amxaaro iyo dadkii raacay ayuu yiri:

Xuseenoo ikhwaan baynu nahay, uur ka soo baxaye
Allaa igu ogoo waa rabaa, aynigaad tahaye
Oroh kalana waa eray yaraan, kuu erganayaaye

Wax alifka lagu qaadayaa, aayadaha diine
Waa kuu iftiimayn sidii, oogta waaberiye
Afar halaan kuu alaladey, balaan adiga kuu sheego

Haddii aanan Majeerteen sidii, ari u iideynin
Ararsamiyo iiddoor haddaan, iranka loo qaadin
Oo aanan irbaha dheer ka jarin, eyda reer Hagara

Awlaxa haddii aanan la dhicin, niman Ogaadeena
Nin ankiray shareecada haddaanu, eedin taladiisa
Kii oroh xumaan jiray haddaanan, aabbe kaga yeerin

Ololaha colkaan wado haddaan, laga ashaatoobin
Jidka Adari1 loo maro haddaan, laga ugaaroobin
Meesha iyo Iimey2 haddaanan, weerar ku ekaynin

Ilkadheere3 iyo Luuq4 haddaanan, lagu awaareynin
Ajiga Waama joogow haddaan, oloku soo gaarin
Adduunyada haddii anan ka shabin, tan iyo Aw-Dheegle5

Nin adduunyo foofsada haddaan, uunka laga waayin
Bullaxaar6 agteediyo hadaan, Awdal7 yaacin
Ooryaha Amxaaradu haddaanay, Cadan ka awlaynin

Ingiriiska eyga ah hadduusan, baqe ku aynfaadin
Goortaan awaawiyo hadduusan, oogsan oo cararin
Agabtiyo haddii uusan qubin, aaladdiyo seefta

Haddii aan islaaxi Berbera8, lagu abaaroobin
Oo anan albaabada qufulin, ila xirkii daarta
Oo ayan eber noqon kobtii, la istareexaayey

Igarriyo9 haddii aanu rag kale, aakhirow hoyannin
Oo aanan sidii aar libaax, wax u unuun goynin
Soomaaliyoo idil haddaan, laga imiil qaadin

Ab uu yahayba aadamigu haddaanu, eeratuu diririn
Oo aanan u aar gudin raggii, naga afdhowraayey
Allaylehe islaan baan ihiyo, umalku waa beene.

 


 

*Waxaan ka qoray Cabdi Axmed Tuuhe.
1. Adari: (Herer) Waa magaalo ka mid ah kuwa ugu filka weyn Soomaaliya. Taliskii Axmed Gurey waxay u ahayd xarun, xagga islaamkana horukiciisa caan bay ku ahayd. Hadda waxay ka mid tahay dalka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya maamusho.
2. Iimeey: Waa buur go’an oo ku taal webiga Shabeelle xaggiisa sare. Daraawiish baa degtay 1920 oo ka dhistay laba daarood oo dagaal waana meeshii SAyidku ku geerioodey oo lagu aasay.
3. Ilkadheere: Waa tuulo webiga Weeb la yiraahdo ku taal oo Lebishilindi iyo Hilimadow u dhaxeysa, jeerkii horena xeri fadhiyi jirtay.
4. Luuq: Waa magaalo caan ah. Waxaa loo yaqaan Luuq-Ganaane, waxayna ku taalla webiga Jubba bartamihiisa.
5. Aw-Dheegle: Waa magaalo webi Shabeelle ku taal oo u dhaxaysa Afgooye iyo Jannaale.
6. Bullaxaar: Waa magaalo fil weyn oo ku taal xeebta u dhaxaysa Berbera iyo Saylac.
7. Awdal: Waa magic waayadii hore la oron jirey Saylac.
8. Berbera: Waa magaalo fil weyn oo u taal xeebta badyarada Cadmeed.
9. Igarre: Xaaji Muuse Igarre. Wuxuu ahaa la-taliye Ingiriiska daacad u ahaa, ciidamadiisana ka tirsan, waxaana lagala tashan jirey arrimaha Soomaalida, gaar ahaan Daraawiish iyo sidii loo baabbi’in lahaa iyo sida dagaalka loo maammulayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *