Nimanyahow Dembow Lama Hadlo

Sayidka siyaasaddiisu waxay ku dhisnayd, ninkuu doonaayo inuu soo dhaweeyo ama soo xero geliyo ama xiriir la yeesho, iyo dadkuu jeclaado inay Daraawiish ku soo biiraan ama reerkii qabno iyo qooro mid kastaaba ha ahaatee qarannimo iyo waxtar lagu ogaado, inuu gabdho wacan u dhiso xoolo iyo xarragana ugu daro, ama isaga iyo madaxda Daraawiisheed ka guursadaan. Ujeeddadu waxay ahayd si labadaa dhinac xiriiku u fiicnaado, kadibna laysu afgarto oo wax loo wada qabsado, maxaa yeelay waayadaas iyo ka horba Soomaalida guurku qaayo iyo qiimo weyn buu la lahaa. Sidaas daraadeed ayaa Sayidku saddex gabdhood oo walaalihiisa ah u kala dhisay saddex nin. Kan u horreeya waxaa la oron jiray Ciise Dhoollawaa, wuxuu ka dhashay guriga reer boqor (Maxamuud Yuusuf), waxaana loo dhisay Rooxo Shiikh Cabdille, ninka labaad wuxuu ahaa Shiikh Ismaaciil oo ahaa nin buuni ah oo cilmi badan, waxaana loo dhisay Jamaad Sh. Cabdille. Kan saddexaadna waxaa la oron jiray Nuurxaashi Cali lbraahin, oo ka dhashay guriga Reer Garaad, wuxuu u dhisay Cambaro Shiikh Cabdille.
Haddaba, horaa waxaa loo yiri: “Fiqi bahdii kama janno tago e, Sayidku markuu nimankaa ka waayay siduu ka doonayay, ayuu gabaygan calaacalka ah mariyay, oo wuxuu yiri:

Nimanyahow dembow lama hadlee, daa’imaan ahaye
Doqonniimo kaliyaan u mari, dabin ciriiryoone
Haddii aan digatoonahay, sidaa uma dufoobeene

Dubaaqii waxaa igala tegay, daqarradii show e
Nin i dagaya doog iyo abaar, deris ma moodeene
Darajooyin kama buuxiyeen, daallin ii cola e

Dugaye Rooxa1 deeq uma baxsheen, dahab la mooddiiye
Deynqaad Jamaad2 uma dhiseen, dakhalkii dheerayde
Daan yacay ma siiyeen Cambaro3, daadduf reer Bariye

Daaldaaladkii guri markay, dan u dhaqaaqayso
Xubna daaci goortay sidii, dani u laafyooto
Cagta debec leh daandaansintiyo, dininix yeeraysa

Dad kale daleel kagama tago, durriyaddiisiiye
Daayacaadda anigaa ku falay, dawladdii Nebiye
Dulbaaxdii nin raga loo ogaa, daaddufyaa helaye

Bal haddaanan duunyo ugu xilan, dabadyadaan siiyay
Oo ayan dirir ii galayn, diinna garanaynin
Goortii la dahay maa dhurwaa, dalandalkii qaato!

Gabaygan waxaannu helnay isagoo la qoray 1329 Hijriyad.
1.Rooxo: Rooxo Sheekh Cabdille.
2.Jamaad Jamaad Sheekh Cabdille.
3.Cambaro: Cambaro Sheekh Cabdille.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *