Rayidow

Guyaashii Daraawiishi calanwalleyneysay, gumeysiguna dalka iyo dadkaba boobaayey, ayaa Soomaalidu u qeybsantay lix qeybood oo la baxay magacyadaan:
1. Rayid oo ahaa dadka Ingiriisku u talinaayey, Daraawiishina ka soo horjeedday, Berberana laga maamulayay.
2. Gadhcas oo ahaa dadkii boqor Cismaan u talinaayey, Baargaalna xaruntu u ahayd, Boosaaso.
3. Dhabayaco oo ahaa dadkii Keenadiid u talinaayey, magaalo madaxna ay Hobyo u ahayd.
4. Huwan oo dadkii Mililiq iyo amxaaro raacay ahaa, Adarina laga maamulayey, Harar.
5. Daraawiish oo ahaa nimankii gaalada gaashaanka u qabtay xaruntooduna ahayd Taleex.
6. Iyo dadkii xeebta koonfur deggenaa oo Ingiriis iyo Talyaani qeybsadeen, markii dambana laga maamuli jiray Xamar iyo Kismaayo.
Haddaba iyadoo uu Sayidku qolo walbaaba u gabyayey ayuu gabaygan soo socda wuxuu kula hadlayey qolada ugu hoerysa ee ah Rayid. Ujeeddadiisu waxay ahayd mar ay ergooyin isdabajoog ahi ka yimaadeen oo ay doonayeen Daraawiish inay u soo celiso xoolo badan oo laga dhacay. Hase yeeshee, Sayidku wuxuu tusay in Daraawiishtaba xoolo badan xaggooda kaga maqan yihiin oo in wax la isdhaafsadana ay oggol yihiin, hadda kalase waa inoo dagaal iyo duullaan ayuu war ugu dhameeyey. Wuxuuna Sayidku yiri:

Rayidow1 Garaad nimaan lahayn, waa geddaad tahaye
Gardarradiyo maaggii horaa, geeridaa dhigaye
Gef waxaan ka tegin baad tahaye, gaabso hadalkaaga

Galla’ weeye madhan xaajadaad, nagu galeysaane
Waa been gardaato ah halkaad, nagu gubeysaane
Garow kaama helayee Rabbaan, guul ka sugayaa

Godobteyda oo idili waa, gaafo ii maqane
Hadduu Eebbehay igu gallado, goor dhow baan heliye
Maruun baan ku gaaddiyi xaqaad, iga gallaafteene

Afartaasu waa gabayga weyn, gogoldhiggiisiiye
Geesaha ka soo curay sidii, garama roobaade
Gobo’ kalena waa eray yaraan, idin garyaaqsiiyey

Wixii gaalka sheegtaba markuu, igu gadoodaayey
Gubniyaalka fooska ah markii, la igu soo gaashay
Giddigeed nasaarada hadday, gamaska ii qaadday

Maantii gabeyraha cabsida, galowgu eeraamay
Guutooyinkii maalintii, la igu goodaadshay
Gaaskii la ii wacay markuu, igu galaal xooray

Gebagebada xoogga leh markay, gaydho ololeysay
Guuyadeyda oo idil markii, garangar loo waabay
Maantaan genbi iyo ciil iyo, gacal xigaal waayey

Gadhmadoobe gaaguran gadhliyo, gaanne iyo sheybe
Maantaan gurbood iyo dhallaan, gaban la ii dhaafin
Maantuu raggaygii ku go’ay, galangashuu jiifey

Geesaaska naagaha haddii, giida la waashay
Sidii Cawl gantaal qaba maalintaan, gibil madoobaadey
Raggii gibilka ii riday wuxuu, igu gobeynaayey

Anigoo geddaandhaban caraa, lala guhaadaaye
Waxba kaama goynine haddaan, gacanta kuu dhiibsho
Waxaan kaa gunaaftaaba waa, gaadmo oo kale

Gashiyo aan ganbiyo qeyd haddaad, go’na ii sheegan
Anigaaba geer iyo dhaciyo, guuldarrow qaba e
Waxa goobta igu reebay waa, gaanta aad tahaye

Guudkiinna waxa fuushsan, waa gini caskeygiiye
Aan garteenna kale goosannee, gole inoo xeera
Hadda kalase guutooyin iyo, gaas col iga dhowra!

1.Rayid: Waa magac Daraawiishtu u tiqiin dadkii Ingiriisku u talin jiray ee raacsanaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *