Gunaanad

Waxaa ila haboon inaanu arrimaha la xiriira doodaha iyo mucaaradada suugaaneed ee loo hayo abwaan Bacadle oo ka badan inta aanu soo sheegney inala habboon inaanu ku soo gabagabeyno jawaab gaaban uu Bacadle ka bixiyey maansooyinka ka soo horjeeda qaarkood gaar ahaan kuwii la xiriirey xarigii Samsam iyo dooddii abwaannada reer Soomaalilaan, marka haddi jawaabaha abwaannada iyo Abshir Bacadle dib u jalleecno ka hor iyo dib gabaygii hore ee Gob Cunsuri Ahoo ayaa meesha waxaa ka sii socday gabayo badan oo ay soo mariyeen abwaanno badan oo ka soo jeeda degaannada Soomaalilaan kuwaa oo ka dhiidhiyey gabayada Bacadle oo xiriirka la leh xarigii Samsam Axmed Ducaale, Abshir oo garwaaqsanaya gabayada qaarkood iyo carada abwaannada ayaa soo saarey jawaab suugaaneed oo uu garwaaqsanayo dareenka suuganeed ee abwaannadaa Soomaaliyeed, laakiin ku adkeesanaya fikirkiisii hore sida dabeecadda Abshir Bacadle lagu yaqaaney. Abwaanka ayaa waxaa u suuro gashay in uu akhriyo inta badan gabayadii abwaannada wuxuuna halkan uu jawaab ku siinayaa toddoba ka mid ah abwaannadaas, wuxuuna yiri:

Cigow gabay asluubeysan oon garanayaad sheegtay
Garna waad u leedahay inaad gocasho riintaaye
Mase garwaaqsan karo inuu tolkaa gabadha taageeray

Gabayga Maxamed Cali waxaa ka dilay ceebuhuu galaye
Sidii geed salweyn buu u dhisnaa oon la goyn karine
Gadowgiyo sargooyada innaba laguma gaareyne!

Maxamed Xirsi Guuleed tix aan garan ayuu sheegay
Gabay nuxur leh oo gaaban buu gacanta ii saaray
Guuleed gujada beeshu waa gabadha hiilkeeda!

Ina Dhagaafe gabaygiisu waa gar iyo taariikhe
Go’aan adagna wuu qaatay oo gobi ku naalooto
Wuu noo garsooraye cidnana kuma garaafeyne!

Axmed Naasir gabaygiisi waan garanayoo ruugnay
Gar adeegga iyo meel danboo gubad le mooyaane
Gabaygu laaxin male wixii gafana gabadha hiilkeed dhe!

Gabaygi Shiino Guba kama duwana garashadaydiiye
Garaafooyin iyo waxaa ku jiray waa la aar gudane
Halkuu gaaray iigama go’neyn waa dagaal geline

Gabaygi Maxamed Ow Yuusuf uu Baran ka soo giisay
Gocasho iyo hiil buu ahaa gun iyo baar taabtay
Gogol lagu garramayoo kallaa loo gunaanadaye.

Fiiro gaar ah
Ugu danbeentii waxaa amaanadu ku jirtaa ineynu baarayaasha soomaaliyeed ku biirinno in warbixinno badan oo arrimaha aanu ka soo hadalney la xiriirta inay ka sii tixraacaan qormooyinka isugu jira tix iyo tiraab fara badan oo ku soo aroorey boggagga Soomaaliyeed ee internedka, waxaase xusid mudan in dhammaan silsiladda Samsam ee taxanaha ah oo ay ka qayb qaateen abwaanno badan laga heli karo si rasmi ah webka: somalitalk.com/samsam.

Geeridii Bacadle Kaddib
Inkastoo qadarta Alle aanan cidi celin kareyn haddana geeridii ku timid Abshir Nuur Faarax Abshir Bacadle 10kii Oktoobar 2010kii, waxay gilgishey dadkii garanayey ee ka mid ahaa bulsho weynta Soomaaliyeed, qaar ka mid ah qolooyinkaana waxay tiiraanyada kaga aaddan geerida ku timid Abshir Bacadle ay ka cabireen tix iyo tiraabo kala duwan, fara badnida qoraalladaa iyo maansooyinkaa halakan kuma wada soo aroorin karno, laakiin waxaanu ka dooraney qaar ka mid ah maansooyinka iyo anaga oo tilmaami doonna qaar ka mid ah qoraaladdaa inkastoo aanu meeshatan ku soo tabin doonno sida ay ku yimaadeen.

ABSHIR BACADLE, ADDOON IIMAANKIISA KA RUNSHEEGAY OO KU DAYASHO MUDAN!
Qormo xusuus qor ah.

Qormadaan waxaa qorey qoraaga qiimaha iyo qadarinta mudan ee qalinkiisu furan yahay Ustaad Abuukar al-Badri, waxaanu ku talin laheyn in aad aqrisaan qormadaa aad iyo aadka u qiimo badan, waxaana laga daalacan karaa mareegta hoos ku xusan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *