Duruus Muhiim U Ah Umadda oo Dhan

waxaa qoray Samaaxatu sheekh Cabdulcaziiz bin cabduilahi bin baaz
Waxaa af—soomaali ku turjumay Sheekh cabdi raxmaan maxamed qeyliye
Waxaa dib u’eegay Sheekh cabdulaahi cumar nuur oo kamid ah culimada soomaaliyeed

Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
Ansaxin Cadeyneysa Qoralka Kutubkan Run Ka sheega Kutubkii Sheekh Cabdulcasiis Binu Baaz (i.S) iUjii ‘):
Ilaah baa mahad leh, Ilaahii ina waafajiyey tovvxiidka inana hanuuniyey oo ina garadsiiyey talada cibaadadiisa.
Waxaan akhriyay Kitaabkan yar ee uu tuijumay “Sheekh Cabdiraxman Maxamed Qayliye A1 Soomaali” kaas oo ka mid ah Kutubta muhiimka ah oo uu qoray Sheekh Cabdulcasiis Binu Cabduilahi Binu Baas oo magaciisu yahay “Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo Dhan”. Kitaabkaas oo yar mac no weyna xambaarsan waxaa laga heli karaa wax badan oo looga baahan yahay xagga diinta, kuwaas oo ay ka mid yihiin arimahan:
1) Tiirarka Islaamka (Arkaan),
2) Tiirarka Iimaanka,
3) Towxiidka Qaybahiisa Scidexda ah oo si aad ah u faahfaahsan,
4) Akhlaaqda islaamka iyo usluubta wanaagsan
iS’ iUJ <U^1′
Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
5) Ka fogaansho waxyaalaha uu islaamku reebay
6) Diyaarinta umuuraha maydka oo loo sheegay si faahfaahsan
7) Salaadda iyo axkaamteeda oo balaaran
8) Jidka toosan ee loo siyaarto qubuurah.
Dadaal badan ayuu ku bixiyay sheekhu siduu ugu cadeyn lahaa dadweynaha Soomaaliyeed umuuraha kor ku xusan, Ilaahna wuu waafajiyey. Waxaan Jeclahay inaan ku baraarujiyo culimada qorahaya Kutubta Af Soomaaliga inay sideeda u qoraan erayada carabiga ah oo soomaaliyowday si gaar ahaaneed erayada ku saabsan xaga Diinta, tusaale ahaan sida TOWXIID, SHIRKIGA, ILAAH iyo wixii la mid ah.
Waxaa cadeyntan ku saabsan kutubkan “Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo Dhan” qoray Sheekh Cabdulaahii Cumar Nuur oo ka mid ahaa Culumadii ka qalinjabisay Jaamacada Mediinah. Waxaan ku soo xireynaa cadeyntan “A1 Xamdu Lillaahi Rabil Caalamiin, Wasalaatu Wasalaamu Calaa Rasuulillaahi Nabiyinaa Muxamed (,JL,j Up
i»S’ i*Uj fefLl jtJjjjl Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
HORDHAC:
ilaah baa mahad leh Ailaah Aduunka 00 dhan, cidhibta wanaagsana waxay u sugan tahay dadka Alle ka cabsiga badan. ailaah (-n) ha u naxariisto, nabad gelyana korkiisa ha ka yeelo adoonkiisii 00 ahaa kuu soo dirsaday 00 noo waramahayey NABIGEENIIMUXAMAD, Allah (ii) ha u naxariisto qarabadiisa u dhow iyo asxaabtiisa dhamaantood.
Intaa kadih:
Tani waa hadallo ama erayo la soo gaabiyey 00 ku saabsan umuuro garashadooda ama cadeyntooda ay ku waajibtay dadka dhamaantood inay ogsoonaadan si ay u adkaato garashada diintooda ISLAAMKA ah. Waxaan ku magacaabay qoralkan “Duruusta Muhiimka u ah Umada 00 Dhan Haleelka Dariiqa Toosan”. Waxaan Allaaha Weyn ee ay u sugnaatay Raxmada guud iyo tan Gaarka ahba aan

Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
Muslimiinta ah, oo uu iga aqbalo anigana, ALLAH (i«i) waa deeqbadan yahay waana wanaagsan yahay.
Dersiga Koobaad
Suuradda Faatixada iyo suuradaha gaagaaban:
Suurada faatixada iyo suuradaha gaagaaban laga bilaabo suurada loo yaqaan ZULZILAT (GARGARIIR) ilaa laga gaaro suuradda loo yaqaano AL-NAAS (Dadka) waxaa loo baahan yahay sixidda akhrintooda iyo korka qabashadooda. Waxaa kale oo lagama maarmaan ah in macnaha iyo waajibaadka ay noo soo gudbinahayaan suuradaha aanu horay u tilmaamnay in ay u cadahay qofwalba.
Dersiga Labaad Tiirarka Isiaavnka:
Tiirarka Islaamka oo shan (5) ah cadeyntooda, garashadooda iyo ogaanta waxaay ku saleysan yihiin waa in uu qof walba ay u sugan tahay si uu utoosiyo Alle la xariirkiisa. Walaal u yeelo fiiro gaar ah qodobadan soo socota:
1) Qiritaanka ugu horeya uguna weyn waa in la qiro in uusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo oo aan ahayn ALLAH (-!’), lana qiro Nabi Muxamad (j <-U -it pi- ) in uu yahay kuu ALLAH (jn)soo dirsaday.Cadeynta macnaha shahaadada labada ah oo aan marna kala hadhikarin, isla markaana dadka loo sheegahayo si cad inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo ALLAH (*ii ) moyee. Ujeedadu waxay
tahay arinta aanu hoos ku soo cadeyn doono oo sidan ah:
A) Kalimada (*)! M) LAA ILAAHA waxay macnaheedu tahay in aad diideyso dhammaan waxii aan ahayn cibaadada Allah (ii) ee xaqa ah.
B) Kalimada (in ) ILLA LLAAHU waxay macnaheedu tahay in aad sugeyso cibaadada ALLAAH (*»’) oo aad u sugeyso kaligiis oo aadan la wadaajineyn cibaadadiisa cid ama shay kale.Labadii xubnood ee aanu ka soo hadalay ee ahaa LAAILAAHA iyo ILLALLAAHU shuruudahoodu waxay yihiin Kuwan Imaandoona ee siddeeda xubnood (8) ah:
1) Ogaansho diidahaya aqoon la’aan: Waxaa ruux walba laga rabaa in uu garanhayo micnaha labadii kalimo ee aanu soo sheegnay.
2) Aaminitaan Diidahaya Shaki: Waxaa looga jeedaa in uu ruuxu qalbigiisa ka qiro labada shahaado.
3) Ikhlaas diidahaya wadaaiin: Macnaha ujeedada waxay tahay in aad ALLAH(-i’) dartii aad u cuskaneyso labada shahaado oo aadan cid kale ALLAH(-i’) cibadadiisa la wadaajin.
4) Run Diidahaya Been: Ujeedada qodobkan waxay tahay in uu qofka rumeysan yahay labada shahaado oo ayna jeesjees ka ahayn.
5) Jacayl diidahaya nacevb: Waxa looga danleeyahay in uu qofku jecelyahay DIINTA ISLAAMKA oo uusan jirin wax nacayb ama cadho ah oo uu DIINTA u qabo.
6) Hogaansan diidahaya tagitaan: Waa in uu ruuxu u hogaansan yahay shareecada iyo qawaaniinta diinta Islamka oo uu ka dheeraado waxii laga reebay, waxii la farayna uu qaato oo uu ku dhaqaaqo fulintooda.
7) Aqbalitaan ka hufan Ka horimaad: Waxaa laga doonahayaa ruuxa inuu qaato oo uu ogolaado asaga oo aqbalahaya DIINTA ISLAAMKA oo uusan la imaan wax ka horimaanahaya.
®) Diidmo in la caabudo wax aan ahavn ALLAAH (<>»); Uieedada qodobkan waxay ku saleysan tahay in uu ruuxu ku kufriyo dhammaan waxa la caabudahayo oo aan ahayn ALLAAH (it).
Waxaa lagu kulmiyey shuruudihii aan soo sheegnay labada beeyd ee soo socata
Intaa aanu soo sheegnay waxaa xiga in la cadeyo qiritaanka nabi Maxamed (,U- jj) in uu yahay kii uu ALLAAH (J*1)) s°° dirsaday,
Qiritaankan wuxuu keenahayaa in loo rumeeyo arimaha uu ka waramay oo loo hogaansamo wixii uu amray isla markaana laga dheeraado waxayaabihii uu naga leebay .
Waxaa la’iska doonahayaa in aan lagu caabudin ALAAH wuxuu ALLAAH (») sharciyeeyey mooyee, ALLAAH oo ah ku ka adag adoomadiisa oo weyn, ama uu jideeyey kuu soo dirsaday oo ah Nabi Maxamed (jJ- J^)- Intaa ka dib markii aanu ka soo hadalay labada shahaado iyo sharciyadooda loo baahan yahay in uu ruux walba ogsoon yahay, wuxuu sheekhu (jU yiri asaga oo u cadaynahaya ardayda
TIIRARKA Islaamka ee shanta ah intii hadhay oo ka kooban xubnahan soo socda:
2) SALAADDA («UJ»)
3) Zakada («»
4) Bisha Ramadaan oo la soomo
5) Xajka oo la guto ninkii kari kara

Dersiga Saddexaad
TIIRARKA IIMAANKA;
Tiirarka IIMAANKA (ou^i waxay ka kooban yihiin LIX (6) xubnood:
1) In la rumeeyo ALLAAH ( ibu ji).
2) In la rumeeyo Malaa’igtiisa
3) In la rumeeyo Kutubadii uu soo dajiyey
4) In la rumeeyo Adoomadii uu soo dirsaday
5) In la rumeeyo MAALINTA QIYAAMAHA
6) In la rumeeyo wixii uu ALLAAH kugu XUKMIYO ( KHAYR AMA SHAR)

Dersiga Afaraad
Qaybaha Tawxiidka iyo Shirkiga:
Qaybaha Tawxiidka:
1) Towxiidurrubuubiyah O-W -v-y)-
2) Towxiidka cibaadada ALLE x>-y )•
3) Towxiidka Magacyada iyo Tilmaamaha ALLE
j y’)’
Tawxiidurrububivah ):
Waa in uu Qofku rumeeya in uu Allaah(«;i»v-) kii
abuurtay wax kastaba kuna tasarufa uu yahay. Wax la wadaagana ma jiro arinkaas.
Towxiidka Cibaadada ALLE •***•?)’•
Tawxiid A1 Uluuhiyah waa rumeeyn Allah (^0. waa Kii hufanaaye in uu yahay kii xaq lagu
caabudahayey oo aan lala wadaajin cibaadadiisa cid kale. Tawxiidul Uluuhiyah macnaheedu waa LAA ILAAHA ILLALLAAHU(-i’ vi ) oo xanbaarsan
i»uj 4o jl’ jjJ
Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
macnaha ku xaq lagu caabudo majiro ALLAAH (ii) moyee.
Cibaadada oo dhan oo ay kamid yihiin SALAADA, SOONKA iyo waxii la mid ah waxaa waajib ah in loo kaliyeelo ALLAAH («5n) oo qudh ah. Mabanaana
in loo iilo cibaadada cid aan ALLAAH (i») ahayn. Towxiidka Maeacvada iyo Tilmaamaha AU,F.
(oUUail j
Waxaa weeye rumeyn dhamaan ASMAA WA SIFAAD(ou*»)i J tU-S/i )oo laga soo xigtay kuna
yimid QURAANKA kariimka dhexdiisa amba AXAADIITHTA ka sugnaatay nabigeenii (pi- j * J-°). Sugitaanka ALLE (it) loo sugahayo magacyadiisa iyo sifaadkiisa kaligii jidka ugu haboon, asagaa hufanee (*i), oo aan macnaha
ASMAA wa SIFAAD ay xanbaarsan tahay mama aan la gadiyeen iyadoon la isweydiineyn kaliyeelka magacyada iyo tilmaamaha ALLE (At) cilmiga ay ku saleysan yihiin.
i»Sl’
Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
Waxaa kale oo waajib ah in aan ALLE (*^) loo ekeysiinin ama lagu tilmaamin wax kale anagoo ka ambaqaadeyna hadalka ALLE (^). asagaa hufanee,
oo uu ku cadeeyey Suuradda
AL-IKHLAAS oo sheegaysa Sidan hoos ku qoran:
Magaca Allah yaan ku bilaabaynaa ee naxariista guud iyo mid gaarba naxariista.
1. Waxaad dhahdaa (nabiyow) Ailaah waa Kali
2. Allaah waa Sayid deeqtoon
3. AH3ah wax ma dhalin, asagana lama dhalin
4. Wax la mid ah ama lagu tilmaami karo ma jiro
1. Ma jiro wax asaga oo kale ah, Ailaah waxuuna isku tilmaamay inuu waxna maqlo waxana arko.
Waxay badh culumada ka mid ah ka dhigeen (qaybaha Tawxiidka) laba qaybood oo waxay dhexgeliyeen Tawxiidul asmaa wa Sifaad
Tawxiid AI rubuubiyah(o^i o^y).
Wax dhib ah oo ay keeneyso arintana ma jirto sababta o ah ulajeedadu way cadahay labada
dhinacna wax ay isku diidahayaan ma jirto.
Qaybaha La Wadaaiinta Allah waa sadde*:
1) Wadaajinta (Shirkiga) Weyn^^i
2) Wadaajinta (Shirkiga) Yar((>^i ilyji)
3) Wadaajinta (Shirkiga) qarsoon (,^*#-1 ii_r*ji)
Wadaajinta (Shirkiga) Weyn J^ji);
Wuxuu baaba inayaa falalkii uu ruuxu u samccycy dar ALLE (At), waxuuna keenahayaa cadaab lagu waaro qofkii ku dhinta xaaladaas. Sida uu yiri ALLAH oo uu ku cadeeyey Quranka kariimka ah, %JjU» lyiru ^ v. [AA rui^i],
1 .Haday wax la wadaajiyaan Ailaah waxaa buri waxay fali jireen.
Waxaa kale oo ALLAH (-i’) asagaa Hufane uu ku sheegay Quranka kariimka ah: j—a~.i l^ip it’ JurL-j* Jz> i)& I* ’)
Waxaa kale oo uu keenahaya danbigaas ninkii ku dhinta in uusan ALLAH (J*’) u dhaafeynin oo ay Jannadu ka tahay xaraam. Waxuuna ALLAAH (^0 ku cadeeyey Quraanka Kariimka ah oo uu yiri “( »U- J. lUJli 0>»U Of j»*i 0!)”.
Noocyada Wadaajinta (Shirkiga)WeynG>rt’
Waxaa ka mid ah arimahan soosocda oo kala ah:
1) Yeerashada dadka dhintay

2) Yeerashada Sanamyada iyo cuskashada ay tahay ujeedadu in dhib haysta qofka laga qaado ama laga koriyo.
3) Sharad galid iyo xoolo loo qalo iyo waxii la mid ah.
Wadaajinta (Shirkiga) Yar (^ 4^Ji):
Wuxuu yahay shayga Quraanka ama sunnada ay ku magacawday wadaajinta (Shirkiga) isla markaana aan ahayn wadaajintii weyneed waxaana ka mid ah ISTUSTUSKA oo ah fal acmaasha ka mid ah oo loo sameeyey ha ku arkaan dadku. Waxaa kale oo ka mid ah dhaarta ALLE (ii) oo waxaan ALLAAH
ka ahayn lagu dhaarto iyo hadalka ah“
ALLAAH (*i’) haddii uu doono ama hebel uu
doono”iyo waxii la mid ah. Sida uu sheegay Nabigeenii
Waa la weydiiyey waxuuna ku jawaabay nabigu
Waxaana soo wariyey
xadiithkan -Imaamu Axmed, -Dhabaraani, -Bayhaqi waxayna ka soo xigteen Maxamuud Bin Labiid Al- Ansaari(*^ in oo ka soo gudbiyey RAAFIC Bin
Khadej oo ka soo dhageystay Nabigeenii ((JL- j i» J~?) asalkiisuna wuu sugan yahay.
Nabigu waxuu yiri
oo macnuhu yahay “
Ninkii ku dhaarta Shay aan ahayn ALLAAH (in)
waxuu noqday Mushrik “iJ_rJt-.M(Wadaajiye)”.
Waxaa soo wariyey – Imaaamu Axmed, warintiisuna waa ay saxantahay wuxuuna ka soo jeedaa Cumar Binu-Khadhaab (** iii Sidaa 00 kale waxey soo wariyeen Abu
Daa’ud iyo Tirmiidi asalkiisuna saxanyahay 00 ay ka soo xigteen Ibnu Cumar (l^ ^j) 00 sheegay
in uu yiri nabigeenu(|J- j UP iii ju>):
Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
(“i3j* j( oil jju cib- j*n)
oo macnaha ay xambaarsan tahay uu yahay “ Ninkii ku dhaarta shay aan ALLAAH ahayn wuu gaaloobay ama (ALLAAH buu wax ia wadaajiyey Cibaada gaarka u ah)”.
Waxaa tusaale noo noqonahaya hadalkii nabiga (^ ju*) oo uu ku yiri:
il *U. U J , Mi *U. j ill *U. U: jlji3 ‘i)
Waxay ujeedadu tahay “ ha dhihina ALLAAH(ii) shayga uu doono iyo HEBELNA doono ee waxaad dhahdaan ALLAAH(^i’) shayga uu doono kadibna
uu HEBELNA uu doono”. Xadiithkan waxa soo saaray Abu Daa’uud, asalkiisuna waa saxan yahay oo wuxuu ka soo jeedaa Xudeyfah Binul- Yamaan
(*iP ^j).
Wadaajinta Yar (>~»S/’ d^ji) ma keeneyso diinta oo
laga baxo, waxayna kale oo ayna keeneynin cadaabka oo lagu waaro, waxayse wax u dhimeysaa Kaliyeelka ALLAAH (i’) ee waajibka ah.
i*Sh
[Wadaajinta (Shirkiga) Qarsoon (^i
Nooca sadexaad waa Wadaajinta (Shirkiga) qarsoon waxaana ku tusinahaya hadalkii nabigeena (IJL. j UP it ju) oo u yiri:
d OUe Jjj,i JjfjJl fji , iljJji: Jv» , it J>-j U ^
(*«*! P if 4* Macnaha Xadiithkan waa sidan : “ Maan idiin ka waramo shay aan idiinka cabsanahayo cabsi ka badan cabsida Masiixuddajaal? Waxay dhaheen noo waran Rasuulkii “Allow”, waxuu yiri “waa wadaajinta qarsoon”, waxuuna raaciyey “Nin baa istaagi, wuxuuna tukani salad, wuuna qurxin salaadiisa asaga oo ujeedadu tahay Ruux fiirinahaya darted”.
Waa’ay banaantahay in loo qaybiyo Wadaajinta laba xubnood oo qudh ah oo ah Wadaajin Weyn (jjTV’ Sji-Jt) iyo Wadaajin Yar (yw>St dyJt).
Wadaajinta Qarsoon waxaa la hoos galin kara labada qaybood oo aanu soo sheegnay. Wadaajinta qarsoon waxay dhexgeli kartaa Wadaajinta Weyn sida wadaajinta munaafaqiinta oo gaalnimo
i»Sf’ i*Ul
Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
calooleedka qaba. Ayagu waxay qarinjireen ( amba qarin hayaan) waxyaalaha ay aaminsanaan jireen oo aan xaqqa ahayn, waxaayna rauujin jireen ISLAAMKA ayaga oo dadka istusinhaya, una cabsanhaya naftooda.
Waa’ay banaantahay in Wadaajinta Qarsoon iJjiJi) lagu biiriyo Wadaajinta Yar(
sida ISTUSTUSKA oo kale. Arintan waxaan ku soo shegnay Xadiithkii
Maxamuud Bin Labiid Al-Ansaarii oo aanu horay ooga soo hadalay iyo Xadiithkii Abii Saciid ee aanu soo xusnay. Waafajinta Ailaah bay u sugan tahay.
Darsiea Shanaad
Wanaag Sameyn (OUQM AL-Ixsaan)-] Wanaag
Sameyn oo ah hogaansanaan oo loo hogaansamo ALLAAH(AI) oo qalbiga laga rumeeyo. Wanaag
Sameynta Tiirkeeda waxuu yahay: In aad caabudo ALLAAH oo aad u caabudo isaga oo arkeyso
oo kale, haddii aadan ahayn ku arkahaya asaga ayaa ku arka.
Darsiea Lixaad
Salaadda Shuruudaheeda(sr*-al’
Salaadda sharuudaheeda waa sagaal (9):
1) Waa inuu qoflcu muslim yahay.
2) Waa inuu caqli leeyahay.
3) Waa inuu wax kala soocikaro.
4) Waa inuu wayso qabo.
5) Waa inuu nijaasada iska dhaqo.
6) Waa inuu Cawradda asturo.
7) Waa inuu waqtiga salaadu galo.
8) Qibladana uu u jeedsado.
9) In la niyoodo Salaadda.
Darsiga Todobaad
Salaadda Tiirarkeeda(3’5La!t oifjf):
Salaada tiirarkeedu waa afar iyo toban (14):
1) Istaag Ruuxii kara (}j £* fV^1)
LiuJ ;u$i i/jyJ’
Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
2) Takbiiratul ixraam (f’^ sj*&): (qodobkan
macnihiisu wuxuu yahay qofku markuu salaada xidhan hayo waa in uu ku bilaabo asaga oo ku dhawaaqahaya kalimada ALLAAHU AKBAR (i>5
^’)>) waxaa ka xariman oo aan la ogoleyn in uu ku
kaco fal iyo hadal kale oo aan soo aroorin.
Salaada sideeduba waxaa lagu galaa ALLAAHU AKBAR (J^TI in) wax kale oo ka horeeyana ma jiro.
3) Suuradda faataxada oo la akhriyo
4) Arrukuuc £»
5) In istaaga lagu ekaado rukuucda kadib
6) Sujuuda oo laga sujuudo todobo xubnood
CUIPS/I JU- Jii) oo ah:
A) Wajiga iyo Sanka
B) Labada Low amba Jilbaha
C) Labada gacmood calaacalahooda
D) Labada Lugood farahooda
7) Sujuuda oo laga soo toosoO—Ji j* <*»»
8) Fadhiga u dhexeeya labada sujuudood
i-*S’ i*jd
Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
9) Xasil lagu xasilo dhammaan falalka lagu sameynhayo salaadda dhexdeeda
10) Kalatartiibinta tiirarka salaada oo aan lakala hor marinin.
11) Ataxiyaadka danbe ee salaadda looga baxo.
12) Fadhigiisa oo lala yimaado.
13) Nabigeenii ((J- } oo lagu saliyo
J* i^’)
14) Laba Salaamo naqsi (oua_Ji)
Darsiga Sideedaad
Salaadda Wajibaadkeeda;
Wajibaadka Salaadu waa sideed:
1) Dhammaan Takbiiraha salaada, takbiirta xirashada salaada mooyee.
2) Hadalka “Samicallaahu Liman xamidah” oo macnihiisu yahay ILLAAHAY wuu maqlahayaa ninkii mahadinahaya oo laga doonahayo imaamka iyo ruuxii kaligiis tukanhaya.
i»ul ^Ugll ‘Jt jjjdl
Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
3) Kalimada “ Rabanaa walakalxamdu”oo laga doonahayo in uu ruux walba la yimaado oo ay ka midyihiin Imaamka, ma,muumka iyo ruuxii kaligii tukanhaya.
4) Kalimada “Subxaana Rabiyalcadiim”
(r1^1 <JJ oo lala yimaad kolka uu ruuxu RUKUUCSAN yahay.
5) Kalimada “Subxaana Rabiya Al-Aclaa
j^v-)oo lagu dhawaaqo kolkuu ruuxu sujuudsan yahay.
6) Kalimada “Rabiqfirlii” Q 00 lagu
dhawaaqo labada sujuudood dhexdooda asaga oo ruuxu ah mid fadhiya.
7) Atixiyaadka hore oo la akhriyo
8) Fadhiga Atixiyaadka hore oo lala yimaado
JUS’
Darsiga Saeaalaad
Atixiyaadka Cadeyntiisa;
Atixiyaadka cadeyntiisu waa in uu qofku oola yimaado sida soo socota:
v^.i .±j* .oijLaJt j ,&
, t.u* oi j , it V! *!) 1′ i’ aM- ^ j
Kadib wuxuu u ducayn oo uu barakeyn nabigeenii suubanaa korkiisa (jr^j ^-c>) wuxuuna akhrin ducadan hoos ku qoran:
diil , t-rty ! J* oJU. UT ,»JU* J I J* 3 ,-U* Jf- J-* ^ ’ ’ , pASyX J* viTjU US’ , ^ J T Js.) , J+* J* djU ) 0J-
’ X# JL* dul <»-*’>! J’
Kadib wuxuu mag an geli ALLAH(^i) ATIXIYAADKA danbe dhexdiisa oo uu ka magan gali cadaabka Jahanamo, cadaabka qabriga, fitnada nolasha iyo geeridaba iyo masiixudajaal fidmadiisa
<UUl i«^ll jjl Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
(dhumintiisa). Intaa ka dib, ruuxa salaadda ku jira wuxuu u doorleeyahay in uu baryo ALLAAH (^) oo u baryo sida uu doorbido. Waxaa wanaagsan in uu ku dadaalo ruux walba in uu ducada nabiga (|J— 3 «-U- Jii s_sl») laga soo guuriyey ku
dhaqmo. Ducooyinkaas waxaa ka mid ah ducooyinkan soo socda:
^ j l 1 . ju ^ j njLi. 3 j ^ *
, ii xt- ijikA J ji*1 , cj( *i] vy oh jiAt *J j ,1 jsg Ulfc
Haddii aanu dib ugu noqono Atixiyaadka hore, waa in uu istaago ruuxu kolkuu la yimaado labada shahado »xs- ix*^ oi -ififj iii hi 4)1 y of J+i()
00 u istaago rakcadda sadexaad ee salaadaha: Dhuhur, Casar, Maghrib, iyo cishahaba.
Haddii uu ruuxu Nabiga A ^>) ku saliyo
kolkuu dhameeyo Atixiyaadka hore wa> FIICAN tahay waxaana sidaa sheegahaya ama keenahaya AX AAD 11TH badan dabadeedna uu u istaago ragcadda sadexaad.
JuS’ <uUl
Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
Darsiga Tobnaad
Sunanka Salaadda:
Sunanka Salaadda waxaa ka mid ah:
1) Ducada lagu furfurto Salaadda
2) Gacanta midigta ah in la korsaaro gacanta bidixda ah oo laabta korkeeda la saaro marka uu ruuxu taagan yahay Rukuucda horteed iyo ka dibba.
3) Waa in kor loo qaado labada gacmood iyada oo ay farahoodu isku dhagan yihiin oo ay taagan yihiin oo lala simo labada garab ama labada dhagood marka uu ruuxu arimahan soosocda samaynhayo:
A) Takbiirtul Ixraam (j^i <&>) (takbiirta salaada lagu galo)
B) Marka larukuucayo.
C) Markalaga soo too so rukuucda.
D) mar ka laga sooistaago ataxiyaadka hore.
4) Hal tasbiix wixii kabadan rukuucda dhexdeeda
) iyo hal tasbiix wixii kabadan sujuuda
dhexdeeda ou~-)
i*S’ i*ud i-kji’ JklV
Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
5) Wixii kabadan “Rabanaa walaka A1 xamdu”
(j-J-i siilj Uj) rukuucda kolkii lagasoo tooso waa
sunno, sidoo kale labada sujuudood dhexdooda oo dambidhaaf lawaydiisto ALLE.
6) Madaxa oo lala simo dhabarka rukuucda dhexdeeda.
7) Sujuuda dhexdeeda waxaa muhiim ah in umuurahan sadexda ah la sameeyo:
A) Labada Jimood oo laga fogeeyo dhinacyaha
B) Caloosha oo laga fogeeyo labada bowdyood
C) Dhudhumada oo laga fogeeyo bowdyaha
8) Labada dhudhun oo dhulka kor looga qaado xiliga la sujuud sanyahay ..
9) Qaabka uu ufadhiisanayo qofka tukanaya waa in uu Lugtiisa bidix oo goglan uu ku fadhiistaa iyada oo ay qotonto lugta midigta ah xiliga atixiyaadka hore iyo labada sajuudood dhexdooda.
10) Sin ku fadhiisi attaxiyaadka danbe salaadda sadexleyda iyo afareyda. Sin ku fadhiisigu waa fadhi oo uu ku fadhiisto salka oo uu ka yeelo lugtiisa bidixda ah lugta midigta ah hoosteeda lugta midigtuna ay qotonsan tahay.
4*^1′ <UijU jjjj’
Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
11) Farta murugsatada ah oo lataago labada attixiyaad ilaa laga dhameeyo lana nuux nuuxiyo markii laducaysanayo attaxiyaadka dhexdiisa .
12) Naxariis iyo Barakeyn Nabi Muxamed korkiisa
layeelo ^) iyo ahalka Nabi Muxamed
((?L-j in ^t) iyo Nabi lbraahiim (fV-Ji iyo ahalka Nabi lbraahiim ) atixiyaadka hore dhexdiisa.
13) Baryo ALLAAH (it) la baryo Atixiyaadka danbe dhexdiisa.
14) Akhrinta quraanka oo kor loo qaado salaadda Subax, Jumcada, salaada labada Ciidood, Salaadda Roob doonta, labadda rakcadood ee hore ee salaadaha Maghribka iyo Cishaha.
15) Akhrinta quraanka oo hoos loo dhigo salaadda Duhurka, Casarka, rakcadda sadexaad ee Maghribka iyo labada rakcadood ee danbe ee Cishaha.
16) Akhrinta ka dheeraadka ah Suuratulfaatixa oo ah quraanka kale waa sunno. Waxaa loo baahan yahay ilaalinta intii hadhay oo soo aroortay oo salaadda sunnooyinkeeda ka mid ah inta aanu soo sheegnay mooyee, waxaana ka mid ah
JUS’ <uUl
Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
A) “-uJ-i siJLi _> UJJ “(Rabanaa walakal xamdu) wixii kadheeraad ah kolka ay kasoo istaagaan (Rukuucda) Imaamka (ft.’yi), ma,muumka (rr*iii)
(oo ah ruuxa kuxidhan imaamka iyo kan kaligii Tukanhayaba maxaa yeelay waa sunno sidaa aan soo sheegnay).
B) Waxaa kale oo ka mid ah in la saaro labada gacmood oo farahoodu ay kala baxsan yihiin labada LOW (labada jilib) kolka la rukuucsan yahay.
Darsiga Kow iyo Toban
Salaadaha Waxayaabaha Buriya:
Salaadda waxyaabaha buriya waa sided:
1) Hadal kas ah asaga oo uu ruuxu ogsoon yahay oo uu xasuusan yahay. Ninkii halmaamsani ama cilmi daro ay ka tahay kama bureyso salaaddu.
2) Qosol
3) Cunid raashin
4) Cabid
5) Cawradda oo feydanta
6) Ka ieexasho badan oo qiblada dhankeeda laga leexdo
7) Ciya?’ faraba-dan oc xidhiidhsan salaadda dhexdeeda.
8) Waysada oo burta.
Darslga Laba Iyo Tofaan
Wavsada shuraudaheeda:
Waysada shuruudaheedu waa TOBAN (10): Waxaana weeye:
1) Inuu qofku islaam yahay .
2) Inuu Caqlileeyahay .
3) inuu wax kala sooci karo.
4) Niyad la yimaado 00 niyadu socoto 00 uu san niyoonin inuu gooyo ilaa ay waysaddu ka taam noqoto.
5) Weyseysiga wixii waajibinahayay (sida saxarada iyo kaadida) 00 go’a ama istaaga.
6) In la istijoodo^i*^-.?!) 00 lagu istijoodo Ijiyo ama
dhagax ama shay adag 00 tira nijaasada (jUw^-i) weysada horteeda.
7) Biyuhu waa in ay yihiin kuwo dhaahir ah 00 banaan yahay isticmaalkoodu.
8) Waa in uu san jirin wax biyaha weysada iyo jidhkaada u dhexeeya (sida riinjiga).
9) Waqtiga salaaddu waa in uu galo ruuxii uu san go’aynin waxyaabaha ka socda sida haweyneyda
i*Sli i»ul
Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhao
dhiiga caadiga aan ahayn uu ka socdo iyo ruuxii kaadida aynaka joogsaneyn iyo ruuxii Neefia gadaasha aan ceshan Karin.
Darsiga Sadex ivo Tobanaad
|Waysada FaradyaalkeedaT
Waysada faradyaalkeeda waa Lix ooah sidan soo socota:
1) Wajiga oo la maydho oo ay ka mid yihiin Luqluqasho iyo San daar (Mar kaliyah).
2) Gacmaha oo la dhaqo oo la gaarsiiyo maydhitanka ilaa iyo Suxulada korkooda.
3) Madaxa dhamaantiis oo gacanta la mariyo oo ay dhaguhu ka mid yihiin.
4) Labada lugood oo la maydho oo la dhaafiyo dhaqidda Anqawyaha korkooda.
5) Xubnaha waysada sida ay u kala horeeyaanwaa in loO sameeyo.
6) Falalka waysada waa in loo sameeyaa si xiriir ah oo aan waqti loo dhexeysiin.
iuSh 4*uJ <u$l’ j*
Duruusta Muhiiinka u ah Umadda oo dhan
Waxaa la suneeyey in wajigga, gacmaha iyo lugaha dhaqidooda sadex jeer lagu celiyo. Waxaa kale oo la mid ah Luqluqashada iyo sandaarasiga.
Arimahaas oo dhan waxaa farad ah in la dhaqo mar kali ah. Madaxa lama suneyn wax mar ka badan in gacanta la mariyo sida ay ku tuseyso Axaadiithta Nabigga j ) ka soo aroortay.
Darsiga Afar ivo Tobanaad
Waysada waiyaabaha Burinhaya:
Waysada waxyaabaha Burinhaya waa lixda qodob ee soo socota:
1) Raadi iyo Saxaro
2) Shay Jidhka ka soo baxa oo fool xun oo nijaaso ah sida dhiiga iyo malaxda.
3) kaska (Caqliga) oo taga oy sabab u tahay Hurdo
ama wax kale.
4) Cawradda (Dhadiga iyo Labka) oo gacanta lagu taabto ayada oo ay waxba kaa xigin (sida Mar j OO kale).
auul jJ>Aji
Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
5) Hilibka Geela oo la cunno.
6) Islaamka oo laga baxo Ailaah (A) ha naga
nabadgaliyo anaka iyo muslimiinta oo dhan gaalnimo.
Baraarujin Weyn: Dhanka Ruuxa Dhintay Maydhitaankiisa:
Sida saxiixa ah maydka dhaqidiisa waysadu kuma burayso sida, dadka cilmigga leh ay u badan yihiin, maxaa yeelay daliil ku tusinhaya ayaan jirin. Laakiin haday taabato gacanta mayd dhaqaha cawrada ruxa dhintay (dhadiga iyo labkaba) ayada oo ayna u dhexeynin shay waxaa waajibtay in uu weysa qaato.
Waxaa waajib ah ruuxa maydka dhaqa in uusan taaban cawradda (dhadig iyo labkaba) maydka in uu wax ka xigo mooyee (sida gacmo gashiga oo kale). Waxaa sidaas oo kale ah taabashada dumarka oon weysada burineynin ama shahwo ha ku jirto meeshc. ama shahwo yeyna ku jirin meesha, arintaas oo ah culimadu labada hadal ay qabaan kan ugu saxsan waxaana shardi u ah in uusan shay ka soo bixin
i*Sl’ i*’*!
Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
ruuxa sida minada-oo kale, maxaa yeelay waxaa jirtay nabiggu^iJ^j *4^ in uu dhunkaday
haweynkiisa badhkood
oo uu tukaday asaga oo aan weyso qaadan. Haddii aanu u noqono hadalka Ailaah (it) “ Subxaanahu”
ee labada ayadood ee suurada AL-N1SA (d-J’)
iyo AL-MAATDDA oo uu ku yiri: “tUJi ps—j’“
(Al-Nisa: 43 iyo Al-Maa”idda: 6) waxaa looga jeedaa GALMADA sida saxda ah ee labada hadal ee culimadu leeyihiin, kaasuna waa hadalkii IBNU CABAAS (*^ ^J) iyo koox culimadii hore iyo
kuwii danbe ka mid ah Ailaah waafajinta assagaa iska leh.
Darsiga Shan ivo Tobnaad
Iskuqurxinta Akhlaaqda Wanaagsan ee loo Jideeyey Ninkasta oo Muslim ah:
Iskuqurxinta akhlaaqda wanaagsan ee la jideeyey oo ruux kasta oo muslim ah laga rabo waxaa ka mid ah:
i*S(‘ i»l»l
Duruusta Muhiimka u ah Umadda 00 dhan
1) Run
2) Amaano
3) Dhawrsooni
4) Xishood
5) Geesinimo
6) Deeqsinimo
7) Balan 00 fin
8) Ka Hufanaan waxii Eebbe xarimay 00 dhan
9) Daris Wanaag
10) Kaalmeynta Dhibaateysanaha intii la karo
iyo waxii la mid ah 00 akhlaaqda wanaagsan ah 00 uu ku tusmhayo Kitaabka iyo sunnadu.
Darsiga Lix ivo Tohnaari
Ku Dhaqanka aadaabta Wacan ee Islaamka;
Ku dhaqanka aadaabta wacan ee Islaamka waxaa ka mid ah:
1) salaanta
2) Waji Fumaanta
3) Midigta 00 wax lagu cunno
4) Midigta 00 wax lagu cabo
jJi 3UU5 U*i’
Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
5) Bisinka oo loo qabto falka bilowgiisa (sida cunitaanka iyo Cabitaanka)
6) Mahadin Alle kolka laga baxo Falka (Cunitaanka iyo Cabitaanka)
7) In Lagu Mahadiyo Alle kolka la hindhisoodo
8) Ruuxa hindhisooda oo loduceeyo haddii u ku xamdiyo Alle.
9) Bukaanka oo la booqdo
10) Maydka oo la raaco tukasho iyo xabaalid darted
11) Ducada ay shareecadu jideysay kolka masjidka la galahayo iyo gurigaba iyo marka laga soo baxahayo labadoodaba.
12) Ku dhaqanka aadaabta wanaagsan waqtiga
safarka aad tahay iyo marka aad la joogto ^
waalidiinta, qaraabada, dariska, dadka waaweyn iyo kuwa yaryarba.
13) U hambalyeynta dadka ilmo ay u dhasheen, barakeynta kuwa Isguursaday, samirsiinta kuwa ay dhibaatadu ku dhacday iyo waxii la mid ah oo ay ka mid yihiin dharxirashada, dhar digashada iyo kabo qaadashada.
i»ul i*$lt j, jjoJi Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
Darsiga Toban ivo Todobaad Ka Digtoonaan lawadaajinta Ailaah iyo Qaybaha Macaasida:
Digtoonaan iyo digitaan lawadaajinta ( ama shariikyeelida) ailaah iyo qaybaha caasinimada oo ay ka mid yihiin todobaddan wax halaageysey:
1) Ilaah oo lala wadaajiyo shay
2) Sixirka
3) Naf la gooyo oo dilkeedu xaaraan yahay in si xaq ah lagu dilo mooye
4) Ribo oo 1a cuno
5) Xoolaha agoonta oo la cuno
6) Baqasho ama carar dharaarta muslimiinta iyo gaalada ay isu saftaan dagaal awgeed
7) Gabdhaha wanaagsan oo aan xumaanta aqoon oo Alle rumeeyey oo wax laga sheego oo loo gafo. Waxaa kale oo ka mid ah wax yaabaha la isaga digahayo:
1) Labadii ku dhashay oo caasi lagu noqdo
2) Qaraabada oo la gooyo
3) Markhaati been ah
iuS’ i*Ul
Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
4) Been lagu dhaarto
5) Dariska oo la dhibo
6) Dadka oo la dulmiyo ha noqoto Dhiigooda, Xoolahooda iyo cirdigooda ( sharaftooda )
7) Shay maandooriyg ah oo la isticmaalosida (Khamrida i.w.m)
8) Khamaar la ciyaaro
9) Xan
10) Isku Dir iyo waxii la mid ah oo ka mid ah waxyaabihii uu reebay Ailaah (^’) iyo Rasuulkiisu
j ^ J-*)
Darsiga Sideed iyo Tobnaad
Maydka Qabanqaabadiisa, Ku Tukashadiisa iyo Xabaalidiisa faahfaahinta arinkaana waasidan soosocota :
1) Waxaa la jideeyeyinRuuxa naftuaykabaxayso in loo qabto Ashahaadada Laa Ilaaha illallaahu (it y) waxaana ku tusinhaya hadalkii Nabiga
i*uJ i*$li
Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
“ill IjuJ”
“U qabta kuwiina dhimanhaya ashahaadada,, muslimbaana kuwariyay kitaabkiisa saxiixa ah. Waxaa looga jeedaa xadiithkan kuwiina naftu ay qaad-qaadeyso, kuwaas ooy kamuuqato calaamadaha dhimashadu .
2) Haddii ay cadaato dhimashada ruuxu, Indhaha waa la isugu qabtaa labada Daanna waa la isku adkeeyaa oo la isu keeni, arinkana sunnaha ayuu ku soo arooray.
3) Waxaa waajib ah ruuxa muslimka ah ee dhintay
in ladhaqo haduusan ahyn shahiid ku dhintay dagaal (xaq). Haduu yahay ruuxa dhintay Shahiid loomana Meydhahayo, laguna tukan mahayo, waxaana lagu xabaali dharkiisa maxaa yeelay shuhadadiidagaalkii UXUD lagu laayey Nabigu (^ 4* J+) mana
dhaqin kumana tukanin.
Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
4) Habka Maydka loo dhaqahayo:
Marka ugu horeysa waa in cawradda Ruuxa maydka ah la qariyaa, kadibna wax yar kor loo qaadaa oo caloosha laga majuujiyaa oo ay ahaataa majuujintu mid turid badan ay ku jirto. Kadib ruuxa. maydka dhaqahaya gacantiisa wuxuu ku duuduubi Karin (cad yar oo maro ah) ama wax la mid ah (gacma-gashi), sidaas buu ugu istijeyn, kadibna wuu u weyseyn sida weysada salaada oo uu kadibna meydhi Madaxa iyo Gadhka asaga oo isticmaalahaya BIYO iyo GOB ama wax la mid ah. Kadibna waxuu meydhi dhinaca midigta ah oo uu ku xijin dhinaca bidixda ah. Kadibna sidaas oo kale ayuu mar labaad iyo mar sadexaad ugu meydhi, markastaba gacantiisa ayuu marin caloosha ruuxa maydka ah haddii uu shey ka soo baxo (gadaasha) wuu ka dhaqi meeshana (gadaasha) waxuu ku awdi (gufeyn) suuf iyo waxii la mid ah. Haddii ayna istaagin waxa gadaasha ka socda, maydka waxaa lagu awdi dhoobo kulul ama waxii qalab ah ee cusub ee takhaatiirtu soo saartay oo ay ka mid yihiin sharootada iyo waxii la mid ah. Waxaa kadib lagu celin wayso qaadkii haddii uusan ku meydhmin sadex jeer waxaa loogu darahayaa
1*411
Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
meydhitaan shanaad ama meydhitaan todobaad si tiro isdhaaf ah. Kadibna waxaa maydka lagu ingajin maro, dabadeedna meelaha laabatadda ah sida kilkisha oo kale iyo xubnahii uu ka sujuudijiray waxaa looga buufrn baraafuun.Haddii lagu daadiyo badankiisa oo dhan baraafuunka wey ka sii fiican tahay. Dharka lagu kanfahayo maydka foox baa lagu shiddaa.
Haddii shaarubahiisa ama cidiyahiisa ay dhaadheer yihiin waa laga jari haddii loo daayana dhib ma laha. Qofka maydka ah timaha looma shanlaynhayo, bisqintana loma xiirahayo lamana gudahayo maxaa yeelay ma jirto wax daliil ah oo tusinhaya sidaas Qofka haweynka ah hadey dhimato timaheeda sadex qaybood baa loo gunti oo gadaal baa loo siideyn.
5) Kafanka Maydka:
1) Qofka Ninka ah:
Sida wanaagsan waa in ninka lagu kanfo SADEX MARO oo CADCAD OO ayna khamiis iyo cimaamad ku jirin sidii Nabiga (,0- , in jj) iagU
i*S’ **v«S
Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
sameeyey, waxaana la dhexgelin maydka sadexdaa maro oo lagu duuduubi, haddii lagu kanfo khamiis iyo HOOS-GUNTI iyo maro lagu duuduubo dhib ma laha.
2) Oofka Haweenka ah:
Qofka haweenka ah waa in lagu kanfo SHAN MARO oo ay ka mid yihiin DIRIC SHULUG ah oo gacmo-dheer leh, HAGOOG, HOOS-GUNTI iyo laba maro oo lagu duuduubo.
3) Wiilka Yar iyo Gabadha Yar:
Ilmaha yar ee wiilka ah waxaa lagu kanfi HAL MARO ilaa SADEX MARO,Gabadha Yarna waxaa lagu kanfi HAL KHAMIIS iyo LABO MARO oo lagu duuduubo.
Dhamaan dadka Maydka ah ee aanu soo sheegnay waxaa sugan oo waajibtay in lagu kanfo HAL MARO ooqofka astureysa jidhkiisa oo dhan.
4) ninka muxrimka ah:
‘Hadduu meydku yahay ku MUXRIM ah oo xajinya ama cumreysan haya waxaa lagu Meydhi BIYO iyo GOB, waxaana lagu kanfi go’iisa HOOSE (marada dhexda ugu xiran) iyo go’iisa KORE (marada uu jeeniqaarsan yahay) ama dhar kale oo ka duwan,
^ jjjji
Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
madaxiisa iyo wajigiisa lama daboolahayo loomana marinhayo baraafuun, maxaa yeelay waxaa la soo saari maalinta qiyaamaha asaga oo ku dha waaqahaya: “ A Ha a h u m a Iabbeyka”
Sida xadiithka Rasuulka ka sugnaatay.
5) HAWEENAYDA MUXRIMADA AH:
Haddii uu yahay muxrimka dhintay qof haween ah waxaa loo kanfi sida haweenka kale loo kanfo laakiin baraafuun looma marinhayo, wajigeedana niqaab lagu xiri mahayo, gacmo-gashi loo galin mahayo waxaase lagu dabooli wajigeeda iyo gacmaheeda Kafanta lagu kanfay sidii aanu u soo cadeynay habka haweenka loo kanfahayey.
6) Dadka u xaq leh Meydhitaanka, ku Tukashadda iyo xabaalida Maydka:
A) Qofka Ninka ah:
Waxaa ugu xaq leh in uu meydho, kuna tukado, uuna xabaalo ruuxa ninka ah ee geeriyooday qofkii uu ka dardaarmay, kadibna Aabihii, kadibna
l»u!
Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
awoowgii, kadibna sida ay u kala xigaan dadka qaraabada ah.
B) Qofka Haweynka ah:
Sida fucan haweyneyda waxaa meydhi ruuxii ay ka dardaarantay, kadibna Hooyadeed, kadibna ayeydeed, kadibna haweenka la dhashay sida ay u kala xigaan.
C) Labada Isqabta:
Labada ruux ee isqabta wuu meydhi karaa kuba kan
kale maxaa yeelay ABU Bakaru Sidiiq
(u* in waxaa meydhay haweeneydiisii, ALI
Ibnu Abii Dhaalib(** waxuu meydhay
Haweeneydiisii (Faadumo”’** i>1 ^j”)-
7) Habka loogu Tukanhayo Maydka:
Afar jeer baa lagu Takbiirsan (oo la dhihi Ailaahu
Akbar <&’”)» waxaana la akhrin takbiirta
koobaad kadib:
Suuradda Faataxada, haddii uu ku daro suurad gaaban ama aayad ama laba ayadood wey fiican tahay, waxaana ku yimid xadiith saxiix ah oo IBNU CABAAS (u** in ^j) uu warinhayo, kadibna
i»uJ jjjJi Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
wuu takbiirsan takbiir labaad waxuuna raacin Saliga Nabiga in ^J-e) sida saliga ataxiyaadka oo
kale, kadibna wuu takbiirsan takbiir sadexaad waxuuna odhan:
M/ ij ,Up,f j U j ,U^- ij U j j jib I
C^1 ^ ^ j*) u* i>* ‘i j1’1
j till* ,*! jit
4^(j IkrioJi J, jaJi Vji)i ^ uf V»U-‘ J» } , ijS J glilt . V’-W- J* ,1+1 *l>ol j ,<ul JA tjs*¦ ^jlj Jjt |
¦ tj*t ULW Vj »yt *ji y t4^ *J jy} i4jJ J Jg-Jlj ,jUll
Kadibna Takbiir Afaraad buu takbiirsan, waxuuna kaga bixi hal salaan(hal salaamo naqsi) oo MIDIGTA ah. Waxaana wanaagsan (oo sunna ah) in uu kor u qaado gacmaha kolkasta oo uu ruuxu takbiirsan hayo.
Haddii uu meydku yahay qof haween ah waxaa la odhan:
Haddii Meydku yahay Labo qof, waxaa la odhan:
i>S’ J*
Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
(… UA jit’t p-iJJ’
Haddii meydku laba ka badan yahay waxaa ia odhan:
Haddii meydku Ilmo yar yahay waxaa la odhan badalkii ducadda danbi dhaafka ahayd:
,, y ja ^ ,vv# uJij M jJ’jJ ‘s>-h <*#)
j *jur j *i«rij ,&»p ^ tUfl< uA->-,r< **
Sida sunnada ah waxaa weeye in uu Imaamku
Madaxa Ninka maydka ah ku hagaago,
Haweeneydana dhexdeeda isku aadiyo. Haddii Maydadku ay badan yihiin oo ay ka kooban yihiin RAG iyo DUMAR, raggu waa in uu soo xigaa dhanka Imaamka oo ay haweenkuna ka danbeeyaan oo ay qibladda ka xiggaan.
Haddii Meydadka caruur ku jiraan, wiilkii yaraa baa laga hormarin haweeneyda, kadibna Haweeneyda ayaa ku xigi, kadibna gabadha yar ayaa ku xigi oo qibladda ka sii xigsan.
Wiilka yar Madaxiisu wuxuu ku hagaagi Ninka Madaxiisa, Haweeneydu badhtankeedu wuxuu ku
iVsh oU! U4I1 Duruusta Muhiimka u ah Umadda 00 dhan
hagaagi Ninka Madaxiisa, sidaas 00 kale gabadhii yareyd madaxeeda waxuu ku hagaagi madaxa haweeneyda, waxuuna ahaan badhtankeedu Ninka madaxiisa.
Dadka ku tukan haya maydka dhamaantood waxay ahaan Imaamka gadaashiisa in uu yahay mid kaligii ah mooyee 00 aan helin meel uu ka istaago safka, kaas waxuu istaagi Imaamka Midigtiisa.
8) Maydka Habkii loo Xabaali lahaa:
Sida shareecadu jideeysay waa in xabaasha la qodo in dhan Nin badhtankiis 00 dheerarkiisu yahay nin aan gaabneyn 00 aanan dheereyn. Waxaana sunna ah 00 kale in uu xabaasha dhexdeeda ahaado IIL 00 dhanka qibladda ah. Waa in la jiifiyo Maydka IILka dhexdiisa 00 loo jiifiyo dhinaca midigta ah, waana in la furfuro kafanka meelihii la gunguntay kafankana maydka lagama siibahayo ee waa laga tagi, wajiga Maydka laga feydi mahayo ha ahaado RAG ama DUMAR, Kadibna waxaa lagu qarin hayaa dhoobo ingagan 00 hadana lagu dhajin dhoobo qoyan ilaa ay ka adkaato 00 ay ka ilaaliso carrada in ay IILka u gudubto.
4J«UJ
Duruusta Muhiimka u ah Umadda 00 dhan
Dhoobo adag haddii la waayo waxaa lagu sameyn

hayaa sheygii kale oo ay ka mid yihiin: Alwaax, qoryo ama dhagaxyo oo ka ilaalin maydka carrada. Kadib ayaa waxaa lagu rogi carradii, waxaa sunno ah in la dhoho markaas:
Xabaasha kor ayaa loo qaadi in dhan TAAKO, waxaana lagu duldaadin qaruurax haddii ay suurtowdo, biyona waa lagu dulfirdhin. Waxaa loo jideeyey kuwa sagootin hayay maydka in ay Istagaan xabaasha agteeda oo ALLAH u baryaan maydka , maxaa yeelay Nabiga j”
waxuu ahaa Maydka hadduu xabaalo ku dul istaaga, waxuuna odhan jiray:
(Jt—i ti^|i t ijlUi 1 j , ‘)
Taas 00 macnaheedu yahay: Danbi dhaaf u waydiiya walaalkiin 00 u weydiiya sugnaansho 00 uu Ailaah hadalka wanaagsan ku toosiyo maxaa yeelay haddaa la su’aalahayaa.
9) Waxaa loo jideeyey ninkii aan ku tukan maydka in uu ku tukado xabaasha korkeeda maxaa yeelay
49 __
JUUJ
Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
Nabiga (^j *J+ Ai baa arinkaa sameeyey.
Laakiin waxaa shardi ah in uusan maydku duugnayn muddo bil kabadan. Haddii ay muddadu ka badnaato BIL, lama jideeynin salaadda xabaasha dusheedda, maxaa yeelay lagama soo guurinin nabiga -in S^L#) isaga oo ku tukadday xabaal
BIL kadib waqtigii ruuxa la xabaalay.
10) Uma banana dadkii uu maydku ka dhintay in ay CUNNO dadka u sameeyaan maxaa yeelay hadalkii JARJIR BIN Cabdillah A1 Bajali oo ahaa saxaabi qiimo badan & ^>j):
JA ^ Jjl J*i fUUl 1aiw> j c4′ uT)
Macnuhu waa: Waxaanu ku tirin jiray dadka ku kulmahaya guriga dadka laga dhintay iyo cunadda samaynteeda waqtigii maydka la xabaalay ka dib, baroor, waxaana wariyey xadiithkan Imaam Axmed oo sanad wanaagsan kuwariyay.
Haddii loo sameeyo cunto dadka laga dhintay ama martidooda dhib ma laha. Waxaa loo jideeyey qaraabadoodii, dariskoodii in ay u sameeyaan cunto dadkii lagadhintay maxas yeelay nabiga
i*UJ
Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
((tJL-j AJLP ^U>) kolkay u timid geeridii ,JACFAR
BIN ABII DHAALIB (<* & oo ku dhintay
SHAAM waxuu amar ku siiyey Ahalkiisa
in ay u sameeyaan cunto Ahalkii Jacfar waxuuna
yiri:
U (4jj)
“ Waxaa U yimid shey Mashquuliyey”
Dadkii laga dhintay haddii ay ugu yeeraan cuntaddii loo keenay dariskooda ama dad kale dhib ma laha, waqti go’anna ma laha inta aan shareecada ka ogahay.
11) Uma banaana haweeneyda in ay isubasanbasiso Ruux dhintay wax ka badan sadex dharaarood inuu ruuxa dhintay ninkeeda yahay mooyee. Haddii uu ninkeedu dhinto waxaa waajib ku ah in ay is basan baasiso AFAR BILOOD iyo TOBAN BARI, in ay UUR leedahay mooyee. Haddii ay UUR leedahay BAS ANBAASrNTU waxay ku joogsan kolka ay dhasho, maxaa yeelay Nabiga *4* i*1 »)
sunihiisa saxiixa ah baa daliil u ah. Ruuxa laga dhintay hadduu yahay Rag uma banaano in uu
i»Sf’
Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
ISUBASANBAASIYO ruux qaraabadiisa ah ama cid kale.
12) Waxaa loo jideeyey raga in ay siyaartaan xabaalaha markay doonaan si ay ugu baryaan ilaahay naxariisna ugu weydiiyaan dadka dhintay oo ay geeridana ku xasuustaan iyo waxa geerida ka danbeeya oy ka mid tahay XI SAAB iyo SU’AAL qabri maxaa yeelay hadalkii Nabiga 4JU. ^Lo) ayaa u daliil ah oo ahaa:
0/-V’ ^/ iJ uy , 1 ‘jjjj)“siyaarta qubuuraha
waxay idin xasuusin Akhiro”
Xadiithkan waxaa soo saaray Imaam Muslim waxuuna ku soo saaray Saxiixiisa. Waxuu ahaa rasuulku ku bara asxaabtiisa haddii ay xabaalaha tagaan in ay dhahaan:
, jjir-Y it’ t<-!< Ol Uj j j jji*jl I j* jU jjl J*t fV—Ji)
j Xi–.ll <6ll (?’”ji .M’*)’ j L) 411 Ji-J
Ducadan Waa: ( Nabad gelyo dushiina ha ahaato dadka xabaasha ku jirow oo Mu’mim iyo muslim lahoow, anaguna haddii EBBE idmo waanu idiin imaan doonaa, waxaanu Ilaahay
JUS’ irfUl
Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
idiin weydiineynaa idinka iyo anagaba dhibaato la’aan, Ilaahay ha u naxariisto kuweena horeyey iyo kuweena danbeeyey).
Haweenka uma banaano inaysiyaartaan xabaalaha maxaa yeelay Rasuulku (,»Uj -it J-+) wuu
lacnaday Haweenka xabaalaha siyaaran haya .Waxaana looga cabsanahayaa xabaalaha hadday tagaan in ay ku FIDNOOBAAN kuna SAMIRi waayaan.
Sidaas oo kale waxaan haweenka u banaaneyn in ay Maydka xabaalaha u racaan, maxaa yeelay rasuulku in jw) wuu ka reebay arintaas Haweenka.
Haddii salaad lagu tukanhayo maydka meel masjid ah dhexdiisa ama meel loogu tala galay tukasho, salaadda waa loo jideeyey raga iyo haweenka dhamaantood.
Kani waxaa weeye darsiggii ugu dabbeeyey eekitaabakan iina fududaaday uruurintiisu
¦Wj ^ pl~tj ill j
Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
Waano:
Kalimad waano ah oo aan u jeedinhayo nafteeyda iyo walaalahayga Somaliyeed oo ah cabsidda Alle asagaa Hufanee. Walaal ahow ku la yimaada oo ku noolaada in uu ku dhaqmo falalka wanaagsan ee Allah uu farahayo, ahowna ku ka dheeraada oo ka reeban waxii uu Allah asaga Hufanee uu kaa reebay.
Waxyaalaha uu Allah ku faray waxaa ugu weyn umuurahan:
1) Cibaadada oo Allah loo kaliyeelo
2) Nabiga 3 it ju») Risaaladiisa oo la
rumeeyo.
3) Salaadana la oogo
4) Zakadana la bixiyo
5) Bisha Ramadaanna la soomo
6) Guriga Alle (Makkah) oo loo xajiyo Umuuraha Alle uu kaa reebayna waxaa ugu weyn kuwan:
1) Alle cibaadadiisa oo lala wadaajiyo shay kale.
2) In la gooyo Naf Alle u hogaansan in si xaqnimo ah lagu dilo mooyee.
L»Sl’
Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
3) Gabdhaha uu Alle xumaanta ka ilaashay ee (muxsinaadka ah) oo la masabido.
4) Dhabarka oo la jeediyo (Baqasho awgeed) waqti dagaal ah oo Muslimiinta iyo Gaalada dhexmarahaya.
5) In lagu caasiyo labadii ku dhashay
6) In loo tago naag aan kuu banaaneyn
7) In la cuno shay RIBO ka soo jeeda
8) In la cuno agoonta xoolaheeda
9) In la sameeyo makhraati been ah
10) In dadka la sixro
11) In Been lagu dharto
12) In khamrada iyo waxii la mid ah la cabo
13) In Meel aan banaaneyn looga galmoodo haweeneyda xaaska kuu ah
14) In Been sheeg, Iskudir iyo Xan la caadeysto
15) Aiimahaas iyo kuwo foolxun oo la mid ah oo lagu dhaqmo.
Waxaan kale oo aan isku baraarujineynaa kuligeenba in uu Allah noo abuurtay in aan caabudno oo waxuu Alle yiri:
Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
(Uma abuurin jin iyo insi illaa inay icaabudaan mooyee). Waxuu kale oo aayad kale ku yiri Allah asagaa Hufanee:
(Lf- lei
(Ma waxaad u maleyneysaan in aan idiin abuurnay ciyaar). Walaal Alle waa ku ogsoon ninka wanaagsan iyo ninka xun, haddana si ay xujaddu ugu ooganto makhluuqa dhexdiisa waxaa cad in dadkii loo abuuray in la mariyo imtixaan aduunka korkiisa oo loo kala baxo qof yeelay wixii uu faray Alle iyo ku diida. Ogsoonow in uu Alle Banii Aadamka siiyey caqli aynan lahayn makhluqaadka kale sida uu ku sheegay Quraanka Kariimka ah:
(fi( &
(Waxaan Ku Dhaartay in aan Karaameynay Aadam caruurtiisa). Meel kale Allah waxuu noogu sheegay oo uu yiri:
(Waxaan ku Dhaartay In aan Insaanka u abuurnay sida ugu qurux badan). Karaameyntaas waxay keentay in dusha laga saaro Bani Aadamka
i»S> i-*UJ
Duruusta Muhiimka u ah Umadda 00 dhan
takaaliif badan 00 laga doonahayo in uu guto mudada uu nool yahay.
Kuligeenba waan ogsoon nahay in Insaanku leeyahay waqti xadidan 00 aan arkeyno had iyo jeer kuwo waqtigoodii uu dhamaaday 00 loo sii wado god madow. Allah waxuu yiri:
(Naf la arkaba waxay dhadhamin Geeri).
Geerida sideedaba waxaa lagu magacaabaa Qiyaamaha Yar 00 xabaasha waxaa ka danbeeya su’aal iyo xisaab. Qiyaamaha Weyn 00 aan loo kala hareyn 00 saameyn doona makhluuqa 00 dhan.
Ilaahay wuxuu yidhi (***_) VI JJJL*
(Makhluuqa 00 dhan waa la halaagi 00 way dhiman Alle moyee). Sidaa owgeed waxaa waajib ah in uu insaanku ka dheerado xumaanta kana toobad keeno dunuubta ka dhacday inta aynan qiyaamaddii yareyd la soo gudboonaan 00 aynan NAFTU qaad- qaadin. Xiliga Banii Aadamka ay Naftu qaad- qaadeyso wax towbad ah 00 laga aqbali ma jirto sida uu noo sheegi Quraanka 00 uu Alle ku yiri:
i*Sn i*ui iu^ii k/jj-Ui Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
W ii C(>l til jr ot,Jl 0^ jlU 1,^1 c—J j)
(OVt
(Uma ahaaneyso towbadu kuwa ku kacahaya falalka xun oo oran haya waan towbad keenay markay Geeridu mid ka raid ah u timaado).
Waxaa kale oo aan isfareynaa in laga digtoonaado oo nafta la xakameeyo iyadoo insaanka laga dooni in uu towbad keeno inta aynan dhicin Qiyaamaha Weyn sida uu noo sheegay Alle oo uu ku yiri Quraanka:
Jk tji stiij Vi>v( j1 jfr j! J&li’ j! “Si) Jjjkit»
(>y- J c-^S } ^ j, Jj j, Uuj Uii fJn 1 ^j jui
(Nabi Muxamadow mlyey sugahayaan inuu u yimaado Rabigaa, ama Malaa’igta ama qaar ka mid ah ayaadka Rabigaa moyaane, dharaarta ay imaneyso qaar ka mid ah Nabi Muxamadow ayaadka Rabigaa waxba uma tarahayo nafta iimaankeedu iyo carnal wanaagsan oo ay sameysay haddii aynan horay iimaan u lahayn).
Walaal waxaad ogsoonaata dharaartaas in uu Alle kulminhayo Makhluuqa oo dhan oo uu ku kulminhayo hal meel oo ruux walba ay soo
4j»Sl’
Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
foodsaari dhibaato weyn. Imaatinka maalintaas iyo sifadeeda Allah wuu noo sheegay oo w^axuu yiri: fjuLU 3j ^J’-d ^ dU 3)
(Waa Dharaar dadka la soo kulminhayo waana dharaar la imaandoono). Waxaa dharaartaas la miisaami mux walba camaikiisa uu la yimid khayr iyo shar sida uu Alle noo sheegay oo ah:
(J^-l j±Ay_ Oj^j)
(Miisaanku waa xaq dharaartaas). Walaal ogsoonow’ dadku dharaartaa in ay u kala bixi laba kooxood sida uu ku cadeeyey Allah quraankiisa oo uu yiri:
(Koox Jannadda ayey galeysa, Kooxna Naarta Saciiro ah ayey galeysa). Allah ha naga yeelo kuwa uu janeyndoono oo ku waara Fardowsa. Allahuma Aamiin… Allaahuma Aamiin… Allahuma Aamiin.
Walaalahayga Somaliyeed waxaan u sheegahaya in ay iska ilaaliyan oo ay ka digtoonaadaan falalka xun ee ka leexinhaya waddada toosan oo ninkii qaada u horseedi Naar galid iyo halaag. Ailaah worn noo cadeyey oo waxuu yiri:
<uSh <uuJ iu^ii ^ jjjJ’
Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo dhan
JJt& J—Jl I’i} »jaJ) ^J~e IX» j|j)
(Kani waa jidkeyga toosan ee qaada, Ha qaadina wadooyinka yar-yarka ah ee idinka leexinhaya waddada toosan).
Walaal wadadda toosan waxaa ka leexin kara QABIIL. Nabigu (^L. } JLJ>) waxuu ku
tilmaamay qabiil oo gardaro ioogu hiiliyo Jaahilnimo ureysa. Hadalkaa waa hadal Nabi ka soo yeeray ee ha dhayalsanina oo ogaada in la idiinka digahayo aakhiro xumo iyo dhibaato aduun. Walaal qabiilka lama diidana oo Allah waxuu ku yiri Quraanka Kariimka ah sidan:
(tyjUs) JAi j
(Waxaan idinka yeelnay Shucuub iyo Qabiilooyin ka farcamahaya). Waa in ay kaa dhaadhacdaa in loo la jeedo macnaha ar intan ku saabsan qabiilka in uu Alle ugu talagalay in la isku aqoonsado oo ruuxa nasabkiisa aan la garan waayin. Walaal naftaada ha Dulminin oo ogsoonow Quraanka uieedadiisu in aynan marna ahayn in la isku xadgudbo si DULMI ku saieysan Qabiil awgiis. Waxaad kale oo aad ogaata walaalkayow oo an isku baraarujineynaa kuligeen hadii aad gardaro
qabiilka garab ku siiso in uusan qabiilku waxba kuu tareyn kolka qabriga lagu galiyo oo camalkaadii ku raaci. Mama yuusan ku sirin aduun oo ogsoonow in uu qabrigu kugu noqon god Naareed ama Janno hadba sida uu yahay camalka aad aduunka ka soo kasbatay oo mama ha hilmaamin in ay dadkaad taqaanay iyo qaraabadaadii ay ka soo noqon markay carada kugu gadiyaan. Waxaa soo aroortay oo sugan haddii uu geeriyoodo insaanku in ay raaceyso sadex shay:
1) Dadkisii
2) Xoolihisii
3) Camalkisii
Dadkisii iyo Xoolihisii way ka soo noqon oo waxaa ku hari Camalkisii. War ogsoonow in dharaarta Qiyaame dadkaadu waxba ku tareyn. Waxay ku tar an iskaba daayee waad ka carari adoo ka cabsanhaya in ay wax kuu qabsadaan sida uu Allah kitaabkisa noogu sheegay:
(Dharaarta qiyaameed wuu ka cararahaya ruuxu walaalkii, hooyadii, aabihii, xaaskiisii iyo caruurtiisii, QOF walba oo kuwaa ka mid ah dharaartaa waxaa ku filan dhibaatada haysata).
Waxuu yiri oo kale Alle Subxaanahu:

(Wuxuu jecelyahay kan Allah diiday dharaarta qiyaame cadaabkeeda awgiis in uu isku furto Wiilashiisa, xaaskiisa, walaalihii iyo qabiilkiisii dadka ka celin jiray xaq iyo baadhilba iyo dadka dhulka ku noolaa si uu uga badbaado dhibaatada haysata). Walaal qof ay sugi taas maxaa ubanaan, jidkaadu ma toosan yahay, xisaabi naftaada inta aan adiga lagu xisaabinin oo ku dadaal in aad xaqa midigta ku qabsato, xumaantana aad ka dheerato.
Allah Subxaanahu wa tacaalaa xumaanta ha naga dheereyo kuligeenba oo wadada toosan ha na garansiiyo, waanadan ha naga yeelo kuwii qaata oo ay anfacdo. Allah ha naga yeelo kuwii ku dhinta khaatuma wanaag oo ku biira saabiqiinta.

Jeediyaha Waanadan waa walaalkiin:
Sheekh Cabdurahmaan Muxamed Qayliye.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *