Faallo ka Bixin

Qoraa Faysal Axmed Xasan, oo deggan magaalada Toronto ee dalka Canada, waxaa uu si huffan oo cajiib ah ugu tarjumay afka Soomaaliga buugga caanka ah ee la yiraahdo The Adventures of Jonathon Gullible: A Free Market Odyssey
– qorayna professor Ken Schoolland oo wax ka bara Jaamacadda Hawaii Pacific University. Nuxurka sheekaxariirta buugga oo ah mid ku saleeysan sheekooyin goo-goos ah oo dacaayadeeynaysa siyaasadaha iyo hab-dhaqameedka dowladeed ee faragelinta ku haya suuqyada ganacsiga-xorta-ah. Haddaba, sida ay ila tahay, ujeeddada buuggan uu u tarjumay qoraa Faysal waxa ay tahay in uu ku dhiirageliyo ama baro dhallinyarada Soomaaliyeed “fikradaha xorta ah”, ideas of liberty – siiba gaar ahaan dhallinyarada doonaysa in ay noqdaan ganacsato ama siyaasiyiin. Sheekada buuggan oo lagu tarjumay in ka badan shan iyo labaatan afaf, Faysal waxaa uu si cad oo aan mugdi ku jirin ugu tarjumay af Soomaali dhacdooyinka goos-gooska ee buugga, kuwaasoo badankoodu yihiin kuwa ifinaya waxyaabaha faraha badan ee aan sida dhabta ah loo fulin karin
– sida caydha (welfare) iyo waxbarasho lacag la’aan ah (public education).
Xudunta sheekada buugga waa mid si sahlan loo dejiyay: nin dhallinyaro ah oo la yiraahdo Yoonis Maskiin oo doon yari ku shiraacayo ayaa duufaan xooggan ku tuureysa, isaga iyo doontiisaba, jasiirad uu la yaabay oo la yi- raahdo Booliqaran. Yoonis Maskiin waxa uu halkaasi kula kulmayaa dad ay u taliso dowlad awood sheegasho badan oo faragelin iyo xukumid ku haysa nolol maalmeedka dadka, ha ahaato canshuur qaadid iyo dejin sharciyo maandhaaf lehba. Waxyaabaha uu ka bartay Yoonis Jasiiraddan yaabka leh waxaa ka mid hantiwaaag-ku-sheegga ay dowladda sharciyaysay oo runtii carqalad ku ah kobcinta wax soo saarka dadka. Dowlad-ku-amartaaglaynta noocan ahi waa mid ay dadka Soomaaliyeed ay yaqaaniin oo ay haddaba haysato. Sidaa darteed, waxaan ku guubaabinayaa in akhristayaasha Soomaaliyeed, yar iyo weynba, in ay akhristaan buuggan maaweelada iyo wacyi gelinta badan.
Cabdifataax Saciid Ismaaciil, waa aqoonyahan aqoon dheer u leh Cilmiga Siyaasadda. Toronto, Kanada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *