Tuduca 1aad

Duufaankii Waynaa
Yoonis waxa uu u ambabaxay badwaynta, markabkiisiina waxa uu ku caariyey jasiirad uusan horay u arag.

Booliqaran waa magaalo qurux badan oo dulsaaran xeebta dusheedda. Waa magaalo ay deggan yihiin dad caan ah oo jila filimada. Waana magaalada uu ku nool yahay wiil yar oo magaciisa la yiraahdo Yoonis Maskiin; ahaana mid dadka oo dhami ay qadariyaan. Marka laga reebo waalid- kiis, oo moodayay in uu yahay xariif, daacad ah oo ku darsaday ciyaartooyn- imo cajiib ah…Madaxiisa carrada midabka boodhka leh, iyo cagahiisa aadka u wayn. Wuxuu ka shaqeeyaa dukaan yar oo iibiya shamacyo, kuna yaalla bartamaha magaalada. Waa magaalo kalluumaysato, dadkuna ku mashquulsan yahay dabashada kalluunka. Dadka ku nool magaaladan waa dad aad u tiro badan oo aad u shaqaysta. Qaarkood waa dad dabeecad wanaagsan, in kaloo badannina waa kuwo dabeecad xun iyo kuwo kale oo aan waxba lagu sifayn karayn.

Marka uusan samaynaynin hawl maalmeedkiisa aan dhibta badan lahayn ama uusan caawinaynin dukaanka waalidkiisa, Yoonis Maskiin waxa uu yahay badmaax, wuxuu doontiisa yar u horseeda socdaaladiisa. Sida caruurta la filka ah wakhtigiisa meel keliya kuma uu lumiyo, maxaa yeelay, waxa uu ogaaday in noloshu aynaan xiiso lahayn, niyaddiisana ka dhaadhiciyay in dadka ay isku magaalo ku nool yihiin aynaan wax cusub isku dayin, wax kalena aynaan ku fikirin. Wuxuu jeclaa in uu arko markab la yaab leh ama kalluun wayn, inta uu safarkiisa ku sii jiro ee uusan gaarin dekedda ugu dhow. Waxaana laga yaabaa in uu tartan ka qayb galo, laguna khasbo in uu xoog uga qaybqaato maridda toddobada bad. Ama, haddii kalluumayste uu u ansixiyo in uu ku biiro kooxdiisa. Bad maristiisuna inta badan waxay u keentaa gaajo ama harraad, waxa keliya oo maskaxdiisana ku jira waa raashin; casho. Iyada uun baa ku soo dhacday madaxiisa.

Wakhtiga xagaaga jawiga waa ay qorrax diirran tahay, badduna waxay tahay mid aad u wanaagsan. Yoonis Maskiin wuxuu is leeyahay xir-xidho qadadaada iyo doontaada yar, si uu badda ugu dhaqaaqo. Dhabarkiisana waxa qariyay dabayl, mana arko ceeryaamadan isku soo ururtay oo cirkii oo dhan qarisay.

Yoonis imminkadan ayuun buu bilaabay in uu badda ku dhaqaaqo, dhaafana agagaarka xeebta horteeda, laakiin wuxuu qabaa kalsooni dheeraad ah. Marka dabayshu ay xoog wayn yeelatay, kama uusan walwalin ilaa iyo wakhti aan waxba laga qaban karin. Markiiba waxa uu bilaabay halgankiisii uu kaga hortagay dabaysha, taasoo xoogeedii kula duldhacday doontiisii, kuna xoog beeshay hirarkii. Wuuna isku dayay wax walba, sidii uu ku badbaadin lahaa, doontiisuna waxay noqotay wax aan waxba ahayn, waxaana burburiyay dabayl xoog culus wadatay. Ugu danbayntiina waxa uu hoos galay hoosta doontiisa, dhinacyadeeda iyo isaga oo rajo aan niyadda ka saarin. Wuxuu kala garan waayay habeen iyo dharaar.

Markii dabayshu baaba’day, doontii Yoonis Maskiin waa ay burburtay, baalasheeddiina waa ay jajabeen, shiraaciina waa uu gogo’ay, iyo iyada oo isku soo noqnoqotay. Badduna hoos bay u dhacday, laakiin ceeryaamadii ayaa qarisay dhinac walba, iskuna ooday. Muddo wuxuu adkaystaba biyihii ayaa ka dhamaaday, wuxuu ku qalajistaa bishimihiisa wixii ku soo duulduula. Kadibna, ceeryaamadii ayaa iska tagtay, Yoonis Maskiin wuxuu ku xoog beelay Jasiirad. Markii uu ku soo dhawaaday, wuxuu yimid dhul ciid badan, buurana leh oo ay qarisay khudrad faro badan.

Hirarkii ayaa soo qaaday, wuxuu soo dhexmaray dhagxaan aan hoosta u dheerayn. Wuxuu goobtii kaga tagay xirfadiisii. Yoonis wuxuu dabaal ku yimid xeebta. Markiibana wuxuu helay raashin; cunto uu quuto, moos iyo khudrad kale gedisan oo macaan, kuwaasoo ka baxa dhanka xeebta, lehna cimiladda qoyan. Markii xoogiisii dib u soo noqday Yoonis wuxuu dereemay kelinimo, inkastoo uu ku faraxsan yahay in uu nool yahay, haddana aad buu dareenkiisu u kacsan yahay. Markiiba wuxuu u dhaqaaqay in uu wax ka ogaado dhulkan ciidda cad, uuna baadigoobo jasiiraddan qalaad ee uu ku cusub yahay.

“Dad noocma ayaa halkan ku nool?” ayuu iswaydiiyay. “Ma noqonayaan dad furfuran, oo la-af garan karo ama aan la-af garanayn? Waa hagaag, si kastaba ha ahaatee kan ma’aha mid fahmo daran!”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *