Kombyuutarka – Horudhac

Waxaa laga yaabaa in uusan erayga kombyuutar kuugu cusbayn, hase ahaatee waxaa dhici karta in aadan aqoon badan u lahayn ama aad ka haysatid aragti aan ahayn micnihiisa dhabta ah.

Dad badan ayaa u haysta in uu kombyuutarku yahay aalad wax lagu qorto oo kaliya; qaar kale ayaa iyaguna cuqdad ka qaba oo u yaqaan jaasuus wax walba la socda; kuwo kale ayaa ku xad gudbay oo noloshooda oo dhan ku xiray.

Haddaba, waxa aynu marka ugu horaysa isla eegaynaa waxa uu yahay kombyuutarka. Kombyuutarku waa aalad ku shaqaysa quwadda korontada oo awood u leh in ay xog aqbasho, shaandheyso, kaydiso, isla markaana soo bandhigto natiijada ama fuliso hawsha loo diray, iyada oo raacaysa hadba tilmaamaha la siiyay.

Dhismaha kombyuutarku waxa uu ka kooban yahay qeyb qalab ah iyo qayb barnaamijyo ah. Qalabka ugu muhiimsan dhismaha kombyuutarka waxaa ka mid ah furaha xarfaha, maskaxda, xusuus-hayaha, muraayadda, iyo aaladaha keydinta.

Barnaamijyadu waa shidaalka ka shaqaysiiya qalabka kombyuutarka. Guud ahaan waxaa barnaamijyada loo kala saaraa laba nooc: kuwo hagidda kombyuutarka qaabilsan iyo kuwo lagu qabsado hawlaha kala duwan ee bulshada.

Qalabka iyo barnaamijyada kombyuutarka waxa aysan marnaba ka maarmi karin dadkii soo saari lahaa, kuwi daryeeli lahaa, iyo kuwii isticmaali lahaa. Sidaas darteed, waxa ay dadku ka mid yihiin habdhiska kombyuutarka.

Qalabka kombyuutarka Inkastoo dhismaha kombyuutarradu uu kala duwanaan karo, haddana qalabka kombyuutarrada waxaa aasaas u ah afarta xubnood ee soo socda:

Aaladaha wargelinta – oo ah qalabka aqbala xogta isla markaana u gudbiya maskaxda kombyuutarka si loo shaandheeyo. Aaladahaan waxaa ka mid ah furaha xarfaha iyo hagaha.

Maskaxda kombyuutarka – waxay ka sameysan tahay isku-dhis mareeg ah oo awood u leh shaandheynta xogta iyada oo raacaysa tilmaamaha la siiyey. Qaybtaan waxaa si joogta ah ula shaqeeya xusuus-hayaha. Xusuus-hayuhu wuxuu si ku meel gaar ah u meeleeyaa hadba xogta, barnaamijyada iyo tilmaamaha kale ee ay maskaxda kombyuutarku u baahan tahay.

Aaladaha warcelinta – oo ah qalabka soo bandhigo natiijada ama warka ka dhasha shaandheynta iyo lafaguridda xogta. Aaladahaan waxaa ka mid ah muraayadda muuqaalka iyo madbacadda kombyuutarka.

Aaladaha keydinta – oo ah qalabka sida joogtada ah u kaydiya xogta iyo barnaamijyada kombyuutarka. Aaladahaan waxaa ka mid ah suxuunta iyo cajaladaha birlaka leh.

Barnaamijyada kombyuutarka – barnaamij waa tilmaamo iyo amarro lagu socodsiiyo hawlaha kombyuutarka. Waxay barnaamijyadu ku qoran yihiin luuqad uu mashinka kombyuutarku fahmi karo.

Sida aan horay usoo xusnay, waxaa guud ahaan barnaamijyada kombyuutarka loo kala saaraa laba nooc:

Barnaamijyada isticmaalka – oo uu hadafkoodu yahay in ay xalliyaan baahida cidda adeegsanaysa. Isticmaalkaasi waxa uu noqon karaa qoraal, xisaabaad, diiwaangelin, ciyaaro iwm. Barnaamijyada noocaani ahi waxay ku yimaadaan laba hab. Kuwo si gaar ah loogu soo diyaariyaey hay’ad ama shakhsi, iyo kuwo loo soo nakhshadeeyay in ay daboolaan baahi guud, sida qoraalka, xisaabaadka, diiwaangelinta iyo kuwo isku dhafan.

Barnaamijyada hagidda – oo u xilsaaran isu duwidda hawlaha kombyuutarka, xiriirinta qalabka iyo barnaamijyada kombyuutarka. Qaybtaan waxaa ugu muhiimsan Barnaamijyada Maamulka, kuwaas oo aasaas u ah dhaqdhaqaaqa kombyuutarka.

Bahda kombyuutarka
Aaladaha kombyuutarka waxay maanta martigelin karaan qalab kala duwan oo maqalka, muuqaalka iyo isgaarsiintuba loo adeegsado. Tusaale ahaan, kombyuutarrada ‘ujeeddo badanta ah’ waxaad u isticmaali kartaa qoraal, muuqaal sawirro ah, maqal cod ah iyo isgaarsiin caalamka oo idil ah. Hase ahaatee waxaa uu kombyuutarka u baahan yahay qalab dheeraad ah iyo xawaare dhakhsa badan. Qalabka dheeraadka ah ee kombyuutarka lagu rakibi karo waxaa ka mid ah xiriiriye, saxanka madoorsoomaha ah, madbacadda, cod-abuure, iyo samaacado.

Machadka Sare ee Tababbarka Kombyuutarka ee Dahabi
Golden High Institute of Computer Training
+252907747100 | +252907846262
Garoowe, Soomaaliya

3 thoughts on “Kombyuutarka – Horudhac

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *