Mahadcelin

Waxaan u mahadcelinayaa Maktabadda SOAS (Rugta Buug-Keydinta Dugsiga Culuumta Bariga iyo Afrika, Jaamacadda Landan) oo oggolaaday in ay i amaahiyaan nuqul buuggaan daabacaaddiisii koowaad ah oo ay ku hayeen qolka lagu ilaaliyo qoraallada aan la heli karin, kuwaasoo aan caado ahaan la oggolayn in qolkaa laga saaro. Waxaan ugu abaal hayaa in ay ii oggolaadeen in aan nuqulkaas maalmo la maqnaado, si dib looga sawiro muuqaalkii koowaad ee galka oo igula habboonaaday in uu saldhig u noqdo galka daabacaddan cusub.

Waxaan kaloo u mahadcelinayaa Cumar Aadan Qaaddi oo gacan weyn ka geystey suurtagalinta daabacaddaan saddexaad, taas oo Cumar la’aantiis u soo baxdeen dhakhsaha ay u soo baxday.

Qoraha

6 thoughts on “Mahadcelin

  1. Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan arko web noocaan oo kale ah ee waad ku mahadsantihiin. Haddaan rabo inaan iibsado buugga Maana-Faay iyo kuwo kale sidee baan ku iibsan karaa?

  2. Anigu waxan qoray buug sheeko, qiso dhab ah oo la magac-baxday “Abaalmarin Jacayl”. Waana sheeko aad u xiiso badan. Sidee kusoo gelinkaraa website-ka maktabaddan Af-Soomaaliga???
    Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf (Raasi).

    1. Buugga kor ku xusan ee “Abaalmarin Jacayl” sidee ku heli karaa?

  3. waan ku faraxsanahay inaan ka aqrisan karo webkaan Sheekadii abid ugu xiisaha badneed oo ah tii aan ugu jeclaa in badana aan raadinaayay.
    waad ku mahadsantiiin saaxiiba yaal

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *