Qeybta 2aad

Ikhwaanii inta aanan soo gudbin ama aanan guda galin ujeeddada hayaankayga aan ku laabto qormadii koowaad ee uu ku jirey magaca Geesood.

Geesood waxaa laga yaabaa in la garan waayo. Sidaa darteed waxaan inshaa Allaahu isku dayi in aan muujiyo ninka magacaas leh.

Geesood ma garateen?

Gubniyada haddeer jira (Al-Shabaab) waa raggii gingimay beri, waa raggii Saliid galay, Xingaloolna sii maray, Geedlarifay intuu dagay, Warsangalina (Aadam Siciid) magangalay buurta dheer gunteedii Dabra geesaheedii inuu go’ay la moodoo girligaanka isu dhigay (qoriga boobaha ah) inuu gaaro libin sare. Gablan talo aduuney maxay galaba cayntahay! Haddaan goobnay waxa jira guranaaya odayada (al-Ictisaam) aan gurboodka dhaafayn (dhalinyarada) raadkii wuxuu galay gobollada Sucuudiga.

Gar waynidu ma Salaf baa, ma ku goob aduunyaa, ma masraxa ku gaar baa, maalgashiga shisheeyuhu ma garaad nin wayn baa? Guullaw adaa jira gad-gaddiya naflaha idil qalbigooda gabanka ah waa gunaanad taladuye gaalada Allow jabi iyo qolada garab socon. Aamiin. Aamiin.

Sheeko gaaban

Ma run baa in rag waa hore jiray lagu salladay gabar oo ay xiniinyaha ka bixin jirtay kii dhashaba? Qisadaan waxaa la leeyahay waa qiso dhacday anigana waxaan maqlay anigoo yar. Gabadhu waxay ahayd boqorad waxayna u talin jirtay qoonkii markaas la noolaa. Waxay lahayd ciidan daacad u ah oo fuliya amaradeeda. Waxay ku amartay naag kasta oo wiil dhasha in ay keento wiilka.

Dabadeedna waxay amri jirtay in xiniinyaha laga bixiyo lana koriyo illaa uu xoog ka yeesho. Intaas ka dibna waxaa laga dhigi jiray askari daacad u ah boqoradda. Ilaahay baa wuxuu ka xifdiyay mid yar oo markaas dhashay daalimaddaas ragga goysay. Wiilkii baa koray ama waynaaday inkastoo dhib badan lagala kulmay korintiisii. Gabadhu waxay maalin walba u keentaa ragga xujo aysan furi karin maxaa yeelay waa rag ay ka maqan yihiin xubno muhiim ah waxaana ku adag inay sida nin fayaw u fakaraan. Goortay daalaan oo xujada ay furi waayaan ayay u tagaan rajulkii Ilaahay ka badbaadiyey boqoradda oo god lagu ilaaliyo. Markaasuu u soo sheegaa xaalku siduu yahay.

Kadibna boqoraddii baa la hordhigaa xal u helidda xujadeedii markaasay xanaaqdaa oo u gooddidaa ragga markaasey ku celisaa baaris hor leh si loo hubiyo in ragga ay ku jiraan qaar xiniinyo leh ilayn xujada meesha taal ma furi karaan rag aan xiniinyo laheyne. Markay isugu darto ciqaab iyo inay mar labaad cawradoodii faydo oo moraal ahaan iyo jir ahaanba loo dilo ayay shaqo cusub u dirtaa.

Markii sabankii dheeraaday raggiina go’ay ayuu rajulkii go’aan qaatay. Wuxuu dajiyay khiddadii looga takhalusi lahaa duqdaan baas oo ragga lagu salladay. Wuxuu yiri casuuma boqoradda una sameeya fadhi qurux badan oo xariir lagu goglay ilayn boqor iyo xariir la kala raacye. Wuxuu yiri intaan fadhiga la dhigin meesha ceel dheer ka qoda dabadeedna ku kor gogla xariirta.

Markay damacdo in ay fariisato waxay ku dhici doontaa ceelkaas ee halkaas ku rajmiya. Markaad dishaanna ii yeera. Sidii baa la yeelay waana lagu guulaystay dadkiina wixii ka haray rajulkii baa badbaadiyay. Caddaalad buu ku dhaqey bulshadii wixii intaa ka dambeeyey. Wiilashii xiniinyaha laga bixin jirayna waa badbaadeen.

Ayaan aan tagay gobollada Bari ayaa waxaan arkay dhagxaan meel la tubay oo aad buuro mooddo inta ay la’eg yihiin. Waxaa la igu yiri waa meeshii habartii baas lagu rajmiyay. Dulucdaydu ma ahan in aan sheekada rumeeyo ama beeniyo waxayse shabbahdaa qormada aan soo wado. Sidaas darteed baan gogoldhig uga dhigtay sheekada iyo ninka ka badbaaday habartaas ragga goysay!

Qofna kama qarsoona waxa maanta ka dhacaya hareeraha adduunka. La isumana qariyo wixii waa hore sir ahaan jiray maanta bannaankay yaallaan. Dhammaan waxaa la isu geeyay ciidamadii qalabka siday hadday yihiin gaalo ama kuwa sheegta Muslimiinta. Waxaa la baadi goobayaa hal nin oo lagu tuhmayo in ay xiniinyo ku jiraan. Waana ninka ku dhuumaalaysanaya buuraha Afqaanistaan godadka ku yaalla, Shiikh Usaama bin Laadin (xafidahullaahu).

Gaalada waa gartood mar kasta oo ay is dhahaan wixii Muslimka sheeganayay waad xiniinya bixiseen, oo ma jiri doono cid danihiina ka hor imaan doonta meel aysan ka filayn bay ka bilaabataa. Markaasay raggii agtooda joogay ee buurbuurnaa – ilayn waa koramo la xiniinyo bixiyay – baa la garaaci oo la dhihi yaa idin ku dhex jira? Yaa furay xujadii adkayd? Keena ragga halla baaro mar labaad.

Markaasaa waxaa lagu samayn wixii la doono oo xumaan ah. Illaa haddana dhibku wuu socdaa. Habartii baas oo muddo laga nastayna waxaa baddalay gaalo kibirtay oo aan ehelnimo iyo diin toona kuu dhaafayn. Anigu imtixaankii habarta ma aanan soo gaarin laakiin haddaan mixnadaan dhex fadhiyaa. Ilaahay ha iga badbaadiyo aniga iyo adinkaba. Aamiin. Aamiin.

3 thoughts on “Qeybta 2aad

  1. Maashaa Allaahu. Warqormadaan ama qormooyinkaan halagadhigo buug illayn waadhaxalgal sheekadaanuye. Waa aragtidayda.
    Alla maxaa ragdhibsanaya in lagahadlo wixii aysookharibeen dadkana ay ugu sheekeeyeen
    beenbeen cad iyo uusxabaal waxay haleeyeen!!
    adeer wada Allaha idin barakeeyo.

  2. Salaamun calaykum.
    Baarakallaahu fiikum. Walaalayaal aad iyo aad ayaad umahadsantihiin sida aad wakhtigiina ugu bixinaysaan xogwaranka iyo waxyaabaha qarsoon oo aad soofaagaysaan.
    Siidaaya anaguna waandhuuxaynaa oo dhadhaminaynaa kuna dhaqaaqaynaa dhankii nalagudboon!!

  3. Masoogaadhey gaal iyo wadaad isla daba jooga goobjoog ilaah nagama dhigo waxay gorfeeyene gunkaa laga abaara raggi gararka dheeraaye gobanimo miyey goobayaan waala guursade gam alaha kasiiyee gooye aaqiro eh gabal dumay gacmo laguna dado ee ictisaam geliya laabtiina gaaladaad uwada guuxaysaan geylan carar weeye gubatada huraysaa walee gaarin gurigooda.
    War hooy, yaa gacan idiin fidin waa guracanteene?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *