Baabka Lixaad: Ciniinnimada Ninka

WAA MAXAY CINIINNIMADU?

Guurku si uu aragga dabool ugu noqdo ibtana gaashaan, waa in labada isqaba mid waliba rabitaankiisa kan kale kaga haqabbeelaa, isna ka haqabtiraa. Haddiise midkood howshiisii gudan waayo, taasi oo ku imaan karta aqoon-darri ama awood-darri (ciniinnimo) amaba iimaan-darri, qoysku waxa uu markaasi qarka u saaran yahay inuu burburo.

Ciniinnimadu waxa weeye kolka uu ninku galmada u gudan waayo ciniinnimo uu ku dhashay ama cillado la soo gudboonaaday aawadood, waxanay leedahay saddex weji oo kala ah:

– Wejiga koowaad: Ninka oo geedkiisu nabadqabo oo uu kacayo, galmana ka qaybgeli karayo, ha yeeshee aan xawo lahayn oo si kastoo uu gacaladiisa ugu galmoodo ay gebagebadu halkii raaxo laga dhowrayey rafaad uun sii noqonayso, waana sida ruux gaari afarta marsho u dhammaystiray, ha yeeshee aan garanayn si loo joojiyo oo kolkuu fariinka qabo is yiraahdaba sii sheellareeya.

– Wejiga labaad: Ninka oo xawo leh, ha yeeshee geedkiisu aanu galmo ka qaybgeli karin. Taa haddaynu sii faahfaahinno, waxa weeye in aanu kacayn marnaba, ama uu damayo intaanay galmadu billaaban amaba inta lagu guda jiro sidaasina aanu ku dhammaystiri karin, amaba intuu degdeg xawada iskaga tuuro, dabeeto raaracsamo, taasi oo haweeneyda ku ridda qalbijab iyo xanuun, mar haddaanay biyihii kusoo joogsaday iska saari karin, maadaama uu ninkii hawsha la waday horteed ka faraxashay oo geedkiisii hurdo bidil la yiri. Kolkay arrintu noqoto mid joogta ahna waxay haweeneyda ku dhalisaa rabitaan la’aan iyo inaanay murugo iyo xanuun mooyee galmada ka qaadin macaantii ay ka sugaysay, sidaasina ay iyada lafteedu ku noqoto ciniin halkay isaga ka ciniin-bixin lahayd.

– Wejiga saddexaad: Isagii oon xawana lahayn, galmana ka qaybgeli karayn, waana wejiyada ciniinnimada kan ugu daran Eebbe ha’inaga hayee.

Abwaan Soomaaliyeed oo ciniinnimo ka gabyayaa wuxuu yiri:

Wax kalaa lagaa caawiyaa cidi ku siisaaye

Cimrigaa ba’ waa qoorohoo caajis kaa galo’e

MAXAA KEENA CINIINNIMADA?

Waxaa jira dhowr waxyaalood oo loo aaneeyo inay iyagu sababaan ciniinnimada ninka iyo carqaladaynta galmada, waana kuwa soo socda:

  1. Niyadda oon joogin: Ninka oo xilliga galmada niyaddiisu aanay joogin oo meel kale ku maqan, amay murugo iyo cabsiyi hayaan sababo galmada ka baxsan awgood, awoodina waaya inuu niyadda hal meel isugu geeyo, sidaana geedkiisu ku kici waayo, galmadana ku dhammaystiri waayo. Umuurtaasi nafsiyanka ah raadkeeda waxaa la dareemi karaa isla habeenka xaaska loo dhiso (aqalgalka), taasi oo ka dhalata cabsi uu ka qabo ninnimadiisa iyo inuu intuu xaaskiisa cusub bekra-jebin waayo ama galmada siday ahayd u gudan waayo, dabeeto ay xaaskiisu fikrad xun ka qaadato (aaminto inaanu iyada waxba dhaamin). Haweeneyda lafteeda ooy cabsi iyo wewel badani lasoo dersaan habeenkaasi, sida iyada oo ka baqda bekra-jebinta, waxay ninka ku reebi kartaa raad kii hore la mid ah.
  2. Qaanuunka Xeerka Qoyska: Qaanuunka xeerka qoyska ooy dalalka Islaamku kaga daydeen kuwa reer galbeedka, waxa uu sheegayaa inaanu qoysku dhali karin wax ka badan hal ilaa iyo laba carruur ah. Haddaba ninka oo qaanuunkaasi u dhega taaga waxaa ka dhasha in kolka uu islaantiisa u tegayo uu si aad ah uga baqo inay uur qaaddo, sidii iyadoo hadday uur qaaddo balaayo ku habsanayso iyaga, maalkooda iyo caafimaadkooda intaba. Cabsida caynkaas ahi waxay saameysaa raaxadii laga dhowrayey galmada, maskaxda oo meel kale ku mashquulsan awgeed.
  3. Xishood: Ninka oo ka xishooda galmada gaar ahaan kolka guurku ku cusub yahay waxay keentaa inu awoodi waayo inuu xaaskiisa far u dhaqaajiyo amaba galmada dhammaystiri waayo.
  4. Turriin dheeraad ah: Ninka oo xaaskiisa si aad ah ugu tura, una suga intay iyadu ka biyabbaxayso, kolka ay biyabbaxdana ay tareenka uga degto, ooy sidaasi xaajadii isaga ugu qalloocato, keligiina u dhammaystiri waayo galmadii.
  5. Cudur-kabaqid: Ninka oo ka baqa inuu qaado cudurrada jinsiga ee aynu maalmahaan dambe maqalno, kuna dhaca dadka sinaysta iyo kuwa iyagoo isku cayn ah isu galmooda, ha yeeshee Eebbe cudurrada caynkaas ah wuu ka dhowraa labada qof ee xalaasha isku doortay.
  6. Nadaafad iyo daryeel la’aan: Haweeneyda oo aan isdaryeelin, jirkeeda daryeelin, nadaafadda daryeelin, ninkeedana kala hortagta qabow jinsiyeed iyo dharkay jikada kula jirtay, tinteeda sidii qof waalan daafiba meel u jeeddo, halkuu caraf iyo udgoon ka dhowrayey shiir iyo ur iska soo hormarisa, kuna salaanta dacwo, qaylo iyo dood. Arrimahaasi waxay mid mid ama kolkay isbiirsadaan keenaan inuu ninku galmada ka soomo.
  7. Shaqo culus oo la qabto: Ninka oo shaqo dheer oo culus qabta, gurigana ku soo laabta isagooba naf ah, raashin iyo jiif waxaan ka ahaynna rabin. Hadduu haddaba sidaasi galmo ku samee isyiraahdo kolkuu billaabo buu tabar iyo taag u waayaa inuu dhammaystiro, waxaana laga yaabaa hawshii oo socota in isaga iyo geedkiisu ay hurdo is barkadaan.
  8. Cillado nafsiyadeed: Dadka qaar baa aaminsan khuraafaad iyo waxyaabo qof caqli bartii lihi aanu aqbali karin, sida labada qof midkood oo aaminsan in maalinta Arbacada aan la’isu galmoon kii kaloo ‘ilkaha ku sida’ ama subaxda xigta habeenka aqalgalka ooy reerka gabadhu dhowrayaan maro dhiig leh, iyagoo aroor hore intay kusoo dheelmadaan qoyska cusub, ka qaadaya maraday huwadeen, kuna waraya aqalka daaraddiisa, si ay dadka u tusaan inay inantoodu bekro daahira tahay. Sidaasina waxa uu ninku kaga baqaa inuu xaaskiisa bekra-jebin waayo iyo inuu ku dhaco imtixaanka weyn ee sugaya (berritto laga waayo maradii dhiigga lahayd ee laga dhowrayey), welwel iyo cabsi dartood buuna markaasi galmadii ku dhamaystiri waayaa.
  9. Hordhac la’aan: Ninka oon wax hordhac iyo istiimin ah galmada u samayn, oo gabadhii oon godlan geedka ku booba, sidaasina laga yaabo inay kaga hortimaado ama shaqada ula garbin weydo, dabeetana kolkuu arko inuu keligii ceel shubayo ku hungoobo oo qabow jinsiyeed ka qaado.
  10. Galmada oo bargo’da: Galmadii oo lagu guda jiro hadday duruufo gaar ihi yimaadaan sida albaabka oo la garaaco, labada qof oo mid loo yeero, ilma yaroo ooya, amaba ay ku baraarugaan urta suugo dabka saarrayd oo gubatay. Waxyaabahaasi oo dhami waxay firdhiyaan fekerka labada qof, kolkaasi oo intuu geedka ninku damo xawadiina ku noqoto markaasi laga yaabo inuu dib dambe u kici waayo, hawshii galmaduna sidaasi ku bargo’do.
  11. Waqtiyada galmada oo la kala fogeeyo: Labadii galmo ee isku xiga oo maalmo badan amaba bilo loo dhaxaysiiyo, ninkuna sidaasi galma la’aanta ku qabatimo oo aanuba u baahan, hadduu is yiraahdo galmo sameena uu geedku si fiican u kici waayo biyuhuna degdeg uga baxaan, una maleeyo inuu cudur haayo. Haddiise uu markaasi kedib galmada joogteeyo oo maalin ama laba u dhaxaysiiyo, waxaa usoo noqota awooddiisii caadiga ahayd.
  12. Galmada oo la sameeyo caloosha oo buuxda: Waxyaabaha kale ee ciniinnimada keena waxaa kamid ah ninka oo xaaskiisa u taga calooshiisa oo raashin ka buuxo, xilligaas oo dhiiggu mindhicirrada ku shubmayo si uu uga qaybgalo shiidista cuntada, maskaxda iyo jirka intiisa kalena uu aad ugu yaryahay. Ninka markaasi oo kale waxay mashaqo ka qabsataa siduu hawsha galmada u gudan lahaa, waxana wanaagsan inuu sugo waqti ku filan si uu dhiiggu ugu soo noqdo xubnaha intoodii kale, geedkuna awood ugu helo kicitaankii loogu baahnaa galmo buuxda. Waxaa la yiri, “Ninkii cimri dheer doonayaa qadada ha dedejiyo, cashada ha daahiyo, dumarna ha yaraysto, hadduu dhergan yahayna haba ka dheeraado.” Haddaba waxa habboon in raashin waxtar leh la cuno, ha yeeshee saddex ilaa iyo afar saacadood loo dhaxaysiiyo waqtiga wax la cunayo iyo waqtiga lagu tala jiro in dumarka loo tago
  13. Qaadashada daawooyinka: Ninka oo cuna daawooyinka qaar jirka iyo geedkaba dabciya sida; daawooyinka loo cuno dhiig-karka, daawooyinka xanuunka joojiya iyo kuwa la siiyo dadka qaba cudurrada dhimirka.
  14. Hormoonnada ragannimo oo liita: Ninka hormoonnadiisa ragannimo oo heerkoodu ka hooseeyo xaddigii looga baahnaa, waxaa ka dhasha rabitaankiisa jinsiyeed oo yaraada iyo geedka oo raaracsama, taasoo dhiillo gaarsiisa dhamaystirka galmada ama uu marka horeba billaabisteeda awoodi waayo.
  15. Cudurka sokorta: Cudurka sokortu waxa uu dhaawacaa qanjirrada maskaxda ee quudiya xubinta taranka, waxana uu keenaa inuu is dhimo istiin qaadashada ninku iyo in geedkiisu u kici waayo sidii la rabay. Waxaa iyana suuragal ah in cudurku aanu qanjirrada waxyeelleyn, balse qabitaankiisu uu keeno cudur nafsiyadeed, maxaa yeelay waxa uu ninka qabaa isdareensiiyaa inaanu cudurka hayaa daawo lahayn. Sidaasi buuna uga qaadaa quus iyo murugo ku keenta rabitaan la’aan jinsiyeed iyo weliba caafimaad darro guud,
  16. Cayilka: Cayilka faraha badani isna waxa uu waxyeelleeyaa jirka, gaar ahaan wadnaha iyo xididdada dhiigga qaada, taasi oo markaasi dhibaato u geysata awoodda jirka guud ahaan iyo ta galmada gaar ahaan. Dhakhaatiirtu waxay sheegaan in ragga sida xad dhaafka ah u cayilan uu iska dhimo hormoonka labnimada ee lagu magacaabo testosteroon uuna ku kordho hormoonka dheddignimada oo isna lagu magacaabo astrojeen. Sidoo kale daawooyinka loo isticmaalo iscaatayntu iyaga laftooda ayaa keena ciniinnimada, maxaa yeelay daawooyinkaasi ama waxa weeye hormoonno qanjirrada waxyeelleeya, ama waa daawooyin ka hortaga cunto qaadashada amaba waa qaar kaadida badiya. Guud ahaan dawooyinkaasi waxay waxyeelleeyaan caafimaadka iyo awoodda ninka oo ay ku jirto tiisa galmo.
  17. Sigaar cabista: Sigaar cabista faraha badan iyana waxaa la caddeeyey inay hoos u dhigto awoodda galmo ee ninka, gaar ahaan kolka uu afartanka ka gudbo, mana laha daawo aan ahayn inuu sigaarka iska daayo.
  18. Cunista qaadka: Qaadka oo in mukhaddaraadka lagu daro iyo in laga daayo ay weli dood weyni ka taagan tahay, dad badan oo Soomaaliyihina cunaan, ka sokow dhibaatooyinkiisa dhaqaale iyo bulshadeed, waxa uu gacan ka geystaa ciniinnimada ragga. Dhibaatooyinkiisa haddaynu wax yar ka taabannana waa sidatan:
  • Ninku kolku qaadka cuno aad buu galmo niyadda ugu hayaa, ha yeeshee geedkiisu ma yeelanayo awood kicitaan raalligelin karta isaga iyo xaaskiisa midna.
  • Ragga qaar baa kolkay qaadka cunaan xawada ceshan kari waaya oo kolkay suuliga galaan ay kaadida raacdaa.
  1. Daawashada dumarka ajnabiga ah: Ninka oon indhihiisa ka dadban dumarka ajnabiga ka ah, amaba daawada aflaamta anshaxa iyo asluubta wax u dhimaa, waxay gayeysiisaa in jirka xaaskiisa uu xiise u qabi waayo, waana taa sirta ku jirta guurka xalaasha ah ee la yiri aragga waa u dabool ibtana waa u gaashaan.

HABABKA LOOGA HORTAGO CINIINNIMADA

  1. Bisqinta oo la xiiro: Bisqintu (shuunku) waxa weeye timaha kasoo baxa xubnaha taranka rag iyo dumarba dushooda. Bisqinta oo la xiiraa waxay gacan ka geysataa koritaanka xididdada dhiigga qaada xilliga kacsiga. Sidoo kale waxay cambarka ka ilaalisaa dhibaatooyinka dibadda kaga yimaada.
  2. Timaha kilkilaha oo la rifo: Kilkiluhu waxay soo daayaan ur aan la jecleysan oo ka timaada taranka malaayiin baktiiriyo ah oo ka dhasha dhididka meeshaa ku uruuraya. Haddaba timaha oo halkaasi laga guraa waxay fududeysaa nadiifinta maqaarka iyo daloollada dhididka.
  3. Gudniinka: Gudniinku waxa weeye in la gooyo qolfada (beejada) ku dahaaran dhalfada geedka ninka iyo in wax yar laga jaro kintirka gabadha. Gudniinka faa’iidooyinkiisa waxaa kamid ah:
  • Waxa uu ka takhallusaa qoyaanka duxda ah ee ay qolfadu soo deyso loona yaqaan baaro, kaasi oo kolka uu bato qurma ayna ka dhalato ur laga yaqyaqsado.
  • Waxa uu yareeyaa cudurka kansarka (kaankarada), waxaana la caddeeyey inu cudurkaasi ku badan yahay waddamada aan ragga laga gudin.
  • Gudniinka carruurtu waxa uu yareeyaa kas la’aan isugu kaadinta habeenkii.
  • Gudniinku waxa uu yareeyaa seegaysiga, maxaa yeelay kurayga qolfada lihi waa uu ku cayaaraa, tiiyoo keenta in geedkii caroodo oo kacsi cirka iskula shareero, dabeetana suu u maraanmarayo una macaansanayo biyihii ka yimaadaan, sidaana seegaysiga ku caadeysto.
  • Ragga la guday muddada galmadoodu waa ay ka dheer tahay kuwa lamidka ah balse aan la gudin, waana ay kaga fiican yihiin raaxaysiga iyo u raaxaynta dumarkooda.
  • Gabadha oo sidaan soo sheegnay loo gudaa, waxa ay ka dejisaa kacsiga faraha badan, kuna dhalisaa dhowrsanaan iyo inay ninkeeda ku koobnaato, isaga laftiisana aanay dusha ka saarin wax aan tabartiis ahayn.
  1. Darab dhaqashada: Waxa loola jeedaa nadiifinta xubinta taranka iyo dabada kadib kolka uu qofku saxaroodo ama kaadiyo, waana umuur waajib ku ah qof kasta oo Muslin ah. Darab dhaqashada waxaa lagu bi’iyaa wasakhda qofka ka timaada, urta xun eey la timaado iyo weliba malaayiinta cudur-side ee isugu soo baxa kuna urura goobahaasi. Waxa kale oo ay yareysaa faafidda dullinka iyo cudurrada.
  2. Qubayska: Qubaysku waxa weeye waajib mar kasta ooy galmo dhacdo. Galmada qubayska waajibisaa khasab ma aha inay noqoto mid dhammaystiran, oo mar haddii inta gudan ee geedka ninku (dhalfadu) ay gasho gudaha cambarka, ha biyabbaxo ama yaanu biyabbixine, qubays baa isaga iyo xaaskiisa labadaba ku waajibay.

QAABKA QUBAYSKA WAAJIBKA AH

  • Niyayso inaad qubays waajib ah qubaysanaysid.
  • Dhaq xubnaha taranka, dabeetana gacmaha iska dhaq.
  • U weyseyso sidaad ugu weyseysan jirtay Salaadda, lugahase katag.
  • Qubayskii billow adiga oo madaxa iyo garka biyaha dhex gelinaya.
  • Si fiican biyaha madaxa ugu shub ilaa ay ka hooraan.
  • Jirka ka dhaq dhanka midig.
  • Dhaq dhanka bidix.
  • Haddaad tahay qof cayilan, biyaha gaarsii meelaha jirku ka laablaabmo ee ay dhici karto in aanay keligood gaari karayn.
  • Dabeeto lugaha iyo cagaha iska dhaq
  • Waad dhammaysay, ha yeeshee biyaha dhabiil oo ha ku dhayalin.

DOORKA DARMAANTA

Ciniinnimada ninka haysaa haddaanay ahayn mid cusbitaal iyo qalliin u baahan, balse tahay mid nafsiyadeed oo waqti ku xiran, u heli meyno ninkaasi dhakhtar kaga wanaagsan darmaan uu jecel yahay iyana jecel oo ku daaweeysa istiimin iyo dhiirri gelin.

Haweeneydu kolka ay aragto in ninkeeda degganaan la’aani hayso, waa inay isweydiisaa haddii ay iyadu sabab u tahay iyo in kale, waana inay tamar iyo taag waxay leedahay isugu geysaa sidii ay gacalkeeda u badbaadin lahayd. Waa inay raaxadeeda qayb ka mid ah u hurtaa sidii ay wax waliba dabeecigoodii ugu soo laaban lahaayeen. Waa inay dib ugu hurisaa qalbigiisa dab jacayl isaga oon dareemin, tiiyoo intay mar waliba miraayadda hor tagto oo hadba meel iska jebiso dhar cusubna qaadato, beddesha habkii ay u shanleysan jirtay iyo barafuunnadii ay isticmaali jirtay. Waa inay ku dadaashaa cuntada ay siiso, iyada oo wax waliba ka hor marinaysa cuntooyinka rabitaankiisa kiciya sida kalluunka, hilibka, beerka, ukunta, cabitaannada la miiro, iyo wixi la mida.

Sidoo kale waa inay guriga quruxdiisa ku dadaashaa, kolka ay ninkeeda la joogtana si waayo aragnimo ah isugu dartaa ereyo jacayl, xodxodasho iyo kaftan. Haweeneyda uu ninkeedu ciniin noqdo waxaa lagama maarmaan ah inay waqtiga galmada u dhaqanto si xilkasnimo ku jirto, sababta oo ah ninka caynkaasi ah oo ka dareema xaaskiisa degganaan la’aan waxaa u kordha dhaawac iyo quus dheeraad ah. Waa inay ismoogeysiisaa ciniinnimada ninkeeda, kaftan iyo faracayaarna ugu dhaqaaqdaa. ninku kolka uu arko xaaskiisa isku darsatay qurux, soojiidasho iyo furfurnaan, waxaa markaasi sare u kaca rabitaankiisa jinsi.

Waxa la’isku raacay in dumarka waqtiga galmada reema, ereyada ay dheguhu ku raaxaystaanna ku aadaaraa ay toosiyaan dareenka ragga kuwa ugu ciniinsan. Waxa la yiri nin baa mid kale weydiiyey, “Dumarkiinna ka warran.” Markaas buu ugu jawaabay, “Waxay ku daran yihiin dhunkashada, dhuuqmada iyo lugo dhinac ka marinta.” Markaas buu kii su’aasha keenay intuu yiri, “Kol haddaanay inta aad sheegtay qaylo dhaan ku dereyn aniga way iga dhinteen,” halkii uga dhaqaaqay.

Waxaa la yiri, nin baa u yimid Cali bin Abii-Dhaalib, kuna yiri, “Amiirul-Mu’miniinow waxaan qabaa naag markaan utegayo tiraahda, ‘Waad idishay, waad idishay!’” Markaas buu Cali ku yiri, “Dil anigaa diyadeeda bixinayee.”

Haddaba haweeneyda, ha qabo nin ciniin ah ama mid calaacul sitaaye, waxaa laga doonayaa inay ninkeeda dareensiiso inuu khatar yahay oon ragannimo u laabnayn, geedkiisana xumaan iska daaye aanay asagaba xamili karin, xitaa haddaanay ayadu xaajo ka lahayn.

TALOOYIN LA SIINAYO NINKA CINIINKA AH

  1. Beddel qaababka iyo xilliyada galmada.
  2. Ahmiyad iyo feker badan ha siin galmada, hana u aabayeelin kutiri-kuteenka dadku isla dhex marayo.
  3. Haasaawaha iyo hadalka macaani waa lama huraan intaanay hawsha galmadu billaaban, iskana jir inaad xaaskaaga kufsato.
  4. Waxaa laga yaabaa inay ciniinnimadu kugu soo gaadhay dhaxal, ayna habboon tahay inaad baaritaan caafimaad samaysid.
  5. Utag xaaskaaga xilli jirkaaga iyo maskaxdaaduba ay deggan yihiin oo aanad dareemeynin wax welwel iyo degganaan la’aan ah toona.
  6. Iska ilaali seegada iyo galmada xaaraanta ah.
  7. Aragga indhahaaga cesho cibaadada Eebbena badso.

DAAWEYNTA DABIICIGA AH EE CINIINNIMADA

Borotiinnada laga helo cuntooyinka ay kamidka yihiin hilibka cad sida kalluunka iyo digaagga iyo weliba caanaha iyo farmaajada cadi waxa ay sameeyaan hormoonno kordhiya kacsiga iyo rabitaanka ragga.

Fitamiin Aa waxa uu kamid yahay waxyaabaha aan looga maarmin tamarsiinta habdhiska taranka ninka, isaga oo awood siiya qanjirka borostaatka iyo qooraha, kana qaybgala cusbooneysiinta unugyada dhinta iyo dardargelinta kuwa tabarta daran. Fitamiin A waxa uu ka buuxaa karootada iyo khudaarta iyo midhaha fareeshka ah inteeda badan.

Fitamiin Bii-1 isagu waxa uu gacan ka geeystaa xoojinta qanjirrada taranka iyo firfircooneynta insiimada qabta shaqooyinka bayolojiyeed ee jirka. Ninka uu fitamiinkaasi ku yaryahay waxaa ku dhaca tabar-darri, rabitaan la’aan iyo geedka oo ka raaracsama hawshii galmadana si wanaagsan u gudan waaya.

Fitamiin Dii, waxaa loogu yeeraa (Fitamiinka Jinsiga), maxaa yeelay waxa uu kamid yahay waxyaabaha ugu waxtarka badan ee lagu daaweeyo madhalaysnimada. Wuxuu door weyn ka cayaaraa daryeelka tubbooyinka xawada ee ku jira xiniinyaha ragga, yaraantiisuna waxay kamid tahay waxyaabaha ugu badan ee ragga madhalaysnimada ku dhaliya. Fitamiinka waxa laga helaa khudaarta caleenleyda ah iyo firileyda sida qamadiga.

Cuntooyinka la caddeeyey waxtarkooda waxa ugu horreeya kuwa caloosha dhaqso ugu shiidma, jirkana degdeg uga baxa:

  • Kalluunka iyo aragoostada: Waxay kamid yihiin waxyaabaha borotiinnada iyo Fitamiinnada laga helo kuwa ugu wanaagsan.
  • Hilibka digaagga iyo ukunta: Degdeg bay xiidmaha ugu shiidmaan, xawadana waa ay kordhiyaan.
  • Shimbiraha: Sida booloboolada, dagiiranka, qoolleyda, iyo wixi la mida, hilibkoodu waxa uu faa’iido gaar ah u leeyahay bekra-jebinta, waxaana arrintaasi bariga dhexe laga ogaaday kumanaan sano kahor. Masaaridu ilaa iyo maantadaan la joogo qoyska cusub hilibka shimbiraha uun bay uqooshaan habeenka aqalgalka.
  • Xummuska: Xummuska keligii ama isagoo malab lagu iidaamay. Caalimkii la oran jiray Ibnu Siinaa waxa uu qoray in xummusku kordhiyo ragannimada iyo rabitaanka jinsiga, sidaa daraadeed waxa calaf looga dhigi jiray faraska labka ah iyo ratiga kolka la rabo inay dheddigooda abaahiyaan.
  • Basasha: Basashu geedka way kicisaa, xawadana kordhisaa.
  • Baqdooniska: Waxaaba loo yaqaan fitamiinka ubad dhalista.
  • Timirta: Timirta waxaa ku jira Fitamiin Dii, madhalaysnimada ka hortaga, waxanay culimada qaar u yaqaannaan Fitamiinka Taranka.
  • Jarjiirka: Waxa uu kordhiyaa samayska xawada iyo awoodda jinsiyeed ee ragga.
  • Karootada: Waxay gacan ka geysataa daaweynta tabar-darrida guud ee jirka oo ay ku jirto ta jinsigu.
  • Karafiska: Waa firfircooneeye jinsiyeed fariid ah, waxaana loo isticmaalaa ansalaato ahaan.
  • Xabbat Sowdada: Xawada ayay kordhisaa.
  • Heylka: Heylka ay Soomaalidu shaaha ku darsadaan, waxa uu firfircooneeyaa wareegga dhiigga iyo rabitaanka jinsi ee qofka.
  • Sacfaraanka: Ubaxa sacfaraanka waxaa ku jira maaddooyin kordhiya awoodda jinsiga.
  • Lowska: Lowska (fuul Suudaaniga) isaga waxaan lagula tartameyn kordhinta tirada iyo tayada xawada, iyadoy weliba intaa u dheer tahay kacsiga ninka iyo culayskiisa oo uu kordhiyo.
  • Sanjabiilka: Sanjabiilku caarkana wuu adkeeyaa calooshana jilciyaa, wuxuuna si gaar ah u cajabiyaa ragga cimrigoodu hore u batay.
  • Cabitaannada: Cabitaannada qaar baa jira kordhiya xawada, mar walba oo uu ninku cabana kacsi la miyir beelo, waxana ugu horreeya qorfaha iyo xulbada.

ROSHEETOOYIN LAGU TALINAYO

  • Soo qaado koob malab ah iyo koob barkii basal la ridqay ah, oo isku kari ilaa iyo inta urta basashu ka ba’ayso, markaa hal macalgo ka qaado raashin kasta dabadii, adigaa wax dareemi doone ee.
  • Macalgo xabbat sowdo shiidan ah intaad ku jebiso toddoba xabbo oo ‘ukun guri’ ah, maalin dhaaf u qaado muddo bil ah, waxaad kala kulantana ha iga qarsan.
  • Saddex gabal oo toon ah dalaq sii raashin kasta dabadii.
  • Saddex macalgo oo saliid xabbat sowdo saafi ah, ku jebi toddoba xabbo oo ukun guri ah, kuna dar saddex macalgo oo malab ah, waxaas oo dhanna makiinad iskula shiid, raashinka dabadiina qaado.
  • Macalgo malab ah ku dar laba garaam oo sanjabiil ah iyo laba garaam oo qarfo la shiiday ah, aroor kastana cun intaadan wax kale carrabkaaga saarin.
  • Caanaha lo’da oo saafi ah ku dar laba macalgo oo sanjabiil shiidan ah, xoogaana dabka isla saar. Hal bakeeri oo weyn ka cab habeenkii hal saac kahor xilliga galmada. Kolkaad sanjabiilkaa cabtana iska ilaali inaad wax cunto ah ka daba geysid ilaa ay galmadu kasoo gebagebowdo.
  • Soo qaado shamaca malabka 25 garaam, miski 5 garaam, cambarka nibiriga oo dabiici ah 10 garaam, saliidda xabbat sowdada 25 garaam iyo sokor 5 garaam. Intaad isku wada qastid ku karkari dab deggan ilaa iyo intay si wanaagsan isu dhex dabaalanayaan, midabkooduna ka noqonayo madow xigeen, dareerihiina isu beddelayo cajiin xigeen. Dabeeto intaad dhalo yar ku shubatid, dhig meel aanay carruurtu ka gaari karin. Galab iyo subax ka qaado qaddar aad u yar oo le’eg madaxa kabriidka kuna cab shaah, saddex beri kadibna ii war keen.
  • Iniinyaha karafiska, jarjiirka, fijilka, karootada, sanjabiilka iyo xabbat sowdada, intaad mid waliba 25 garaam kasoo qaadatid, si wanaagsan u shiid kuna cajiin hal kiilogaraam oo malab saafi ah, dabeetana macalgo yar raashinka dabadii ka qaado, adigoo weliba badsanaya cabista canabka iyo karootada la miiray iyo cunista ukunta guryaha. Kolkaad intaa dhammaysana Eebbe idankii amankaag baad arki.
  • Soo qaado ukunta guryaha oo intaad meel yar ka daloolisid ka daadi xabka cad, daloolkana uga dar malab. Intaa kedib cajiin bur uga dabool daloolkii yaraa oo foornada xoogaa ku shiil ama weel biyo ku jiraan intaad dhex dhigtid dabka la saar. Dabeeto intaad ukunta soo saartid, waxa ku jira ka cab iyagoo kulul, bil walbana hal usbuuc sidaa yeel, daawo kuuma dhinnee.
  • Soo qaado dhowr xabboo ukun ah, intaad caddaanka ka daadisid, shaharka subag ku shiil, dabeeto intaad malab dhex dhigtid ku cun muufo laga dubay bur aan la xashirin. Haddaad subaxdii quraac ka dhigatid ama habeenkii cuntid saacado kahor xilliga galmada, ogow daawo kuuma dhinnee.

FIIRO GAAR AH

  • Intaad cabi lahayd biyo caadi ah, waxaa lagugula talinayaa cabista biyaha macdanta ah, hana ahaato cuntada kadib, maxaa yeelay cuntada oo biyaha lagu dhex cabaa dheefshiidka ayay carqaladeysaa.
  • Cuntadii horoon shiidmin mid kale ha ka daba geyn, aadna ha u dhergin.
  • Adigooy calooshaadu buuxdo isboorti ha cayaarin, kolkaad cayaarta bogatase waxaad doonto cun.
  • Ha illaawin iscarfinta iyo naf ka farxinta.
  • Ha illaawin akhrinta buugaagta ka hadla la dhaqanka dumarka, dhegeysiga sheekooyinka ay naftu ku raaxaysato rabitaankana kiciya.
  • Ha illaawin daawashada quruxda darmaantaada kolkay guriga kolba daaf mushaaxayso, digsi iyo dambiilna hadba dhinac kuula dhaafayso, jirkeedana isu dareensii una sawiro qaybqayb iyo xubinxubin.
  • Dumarka aan kuu bannaanayn indhahaaga ka daboolo, Dikriga Alle iyo cibaadadana badso (Salaadda, Soonka iyo Qur’aan akhriska).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *