Hordhac

Taariikhda SAYID MAXAMED waa taariikhda dhaqdhaqaaqa Daraawiishta gudaheeda oo muddo 21 sano ka soo horjeedday qabsashada isticmaarka ee Dalka Soomaaliyeed. Maanta waxaa marag ma-doonto ah in dagaalladii Daraawiishta ay ahaayeen kuwo gobonnimo doon ah oo ku dherarsan jiitintii halganka Ummadda Soomaaliyeed ay u soo martay madax-bannaanideeda kunkii sano oo aynu soo dhaafnay.

SAYID MAXAMAD CABDULLE XASAN wuxuu ahaa geesi aan gabbasho aqoon, xeeldheere diineed oo dood adag iyo gabayaa fiiro iyo fahmaba ku ebyanyihiin. Sifaalahan wada-jirkoodu waxay siiyeen Sayidka shakhsiyad la yaab leh oo tayi sare ah. Shakhsiyaddaa qudheedu waa tan u suura gelisay inuu Sayidku, kor u hayo calankii jihaadka muddo sidaa u dheer.

Si buuxda uma ayaan dareemin taariikh-qoreyaashii hore qiimaha gaarka ah ay leedahay gabayaanimadii Ina Cabdulle Xasan, marna ma ay garan xoogga aydiyoolojiyada iyo doodda caaradda leh ee ku dheehnayd tixihiisa iyo tiraabkiisa. Taariikh-qoreyaashii hore waxay dabciga Sayidka ka falanqeeyeen xagga wadaadnimadiisa, iyagoo taas sabab uga dhigaya ‘DAD-QALAAD-NACAYBKA’ ku jiray iyo arrinta qur ah ay Soomaalidu ku raacday dhaqdhaqaaqa Daraawiishta.

Waxaa run ah inuu Sayidku ka dhiidhiyey Xukunkii Dalka Soomaaliyeed oo dad qalaad gacanta ku dhigay. Wuuna rumaysnaa inuu yahay waajibka sare ee qofka Soomaaligu inuu dhulkiisa xoraynta, una soo celiyo sharaftii iyo maamuuskii Ummadda Soomaalida ay lahayd isticmaarkuna waxyeelleeyay. Sayidku waxay ula muuqatay in Daraawiishtu dagaalkaa ay ku leedahay safka hore. Sidaa awgeed, waxaa xusuus gaar ah mudan IIMEY oo ah meeshuu Sayidku ku geeriyooday 1921kii isagoo ku tala jiray inuu colal cusub isu keeno oo dagaalkii xoogagga gumeysiga uu kula jiray cusboonaysiiyo, isla magaaladaa Iimay waxay ahayd meeshuu 30 sano ka hor 1891 uu qabsaday RAS-MOKANNEN, naa’ibkii MENELIK oo fadhiyay HARAR, si uu u cuna-qabateeyo xornimada Ummadda Soomaaliyeed. Arrimahan wax uun iskooda isugu beegmay ma aha. Waxayna ka markhaati kacayaan tixnaanta halganka Ummadda Soomaaliyeed iyo himilada taaganta ah ay midnimadeeda ugu jirto.

Inkastoo aanu buuggani Sayid Maxamad iyo noloshiisii gaar u ahayn ee uu guud ahaan taariikhdii Daraawiishta uga warramayo, haddana Sayid Maxamad baa Daraawiish abuuray calankana u sidey.

SHEEKH JAAMAC CUMAR ClISE OO wax badan isku taxallujiyay ururinta murtida iyo taariikhda Daraawiishta, wuxuu ku dadaalay inuu buuggan ku soo shaac baxsho dhinacyo badan oo ku saabsan taariikhda Daraawiishta oo aqoon habboon aan hore loogu lahayn; waxaan shaki ku jirin in sidaa aawadeed, aqoonyahannada iyo guud ahaan dadweynaha wax badan buuggani u faa’iidayn doono.

Ugu dambeyntii, SHEEKH JAAMAC CUMAR CIISE wuxuu u garsooray SAYIDKA oo wax badan taariikh-qoreyaashii shisheeyaha ay ka eexdeen, marar kalena ay muunad jebiyeen, iyagoon dhab u garan shakhsiyadda labalafoodka ah ee Ina CABDULLE XASAN.

Dr. SAALAX MAXAMED CALI
Xoghayaha Hiddaha iyo Tacliinta Sare

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *