Tag Archives: Manhajka Waxbarashada Soomaalilaan

Dixdhagaxeed

Gabaygaan waxaa tiriyey Abwaan Suldaan Tima-Cadde 1967kii, mar ay gobollada waqooyi ee Soomaaliya dagaallo sokeeye ee qabyaaladeed ka dhaceen, wuxuuna ku tusayaa sida uu Tima-Cadde uga xoroobay qabyaaladda uguna hanuunsanaa Midnimada Ummadda Soomaaliyeed, Cabdulaahi Suldaan wuxuu qabyaaladda ka necbaa ma jirin, waxaadna ka arki kartaa gabaygaan soo socda. Wuxuuna yiri:

Sida roob kaliil hore da’ay oo dunida maansheeyey,
Oo dagalkii geedaha ka baxay dow la garan waayey
Oo duunyo lagu soofiyayoo lagu dabbaalaayo.
Anna gabayga waan daajiyaa sida dir cowleede
Dadka waxaan ogeysiinayaa dowgu suu yahay e,
Soomaalidayaday wanaag idinka doorsoonye
Docdaa bari dareeriga baddiyo Saylac darafkeeda
Dusha koonfureed iyo ilaa webiga daaciisa,
Degmadiina oo idil haddaan dayey abwaagteeda
Nimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga waaye
Dulmi iyo dhac waa waxa qaribay degelediiniye.
Dul iyo hoosba waan ugu dhigee waa dix dhagaxeede,
Anuun baan damqanayee dheguhu uma dalonaale
Dadkaan la hadlayaan leheyn dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray
Wixii horey u soo daashaday dagashanaysaaye
Doqonnimo kugu baahday baan cidi dabiibayne
Duulkii inkaar qaba jinbaa daasadda u tumo e,
Dab markuu baqtiyo meel kaluu dogob ka qiiqaaye,
Waagii dillaacaa naxdimo dihin la sheegaaye,
Doc hadday u wada jeesatooy dhowrto danaheeda,
Ooy duul walaalo ah tahay oo duunka ka heshiiso,
Dadka kama yaraateene ways dabar jaraysaaye
Dubbe madaxa ways kala dhacnaa daa’in abidkeene
Goortay is wada dooxatay baa daad u soo galay e,
Ubixiinii waad daadiseen waadna dubateene
Dubaaxdiisii waad wada canteen duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliday waa lagaa daday e,
Darajada Ilaahey ninkii doonayaa hela e,
Nin ka duday distoorkiyo waxyiga diinta ka carowye
Haddaynaan xumaantiyo dilkiyo deynin qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe
Dambarkeedu waa jahannamiyo dogobkii naareede
Der-der laysku leeyiyo intaan weerar daba joogno
Oo dumarku weerkii sitaan danabyadii waayey
Debec yaa lahaayey intaa isugu duulayno
Oo sida dareemada u yaal meydka dabadeeda,
Kolla doogsan maysaan haddaad dunida joogtaane.

SHARAXA EREYADA
Kaliil: qorax kulul.
Abwaagteeda: aqalkeeda.
Degeladiiniiye: degmooyinkiiniiye.
Dalfoof: damaan ama doqon.
Dabiibeyne: daweyneyne.
Dix-dhagaxeed: dhagax adag oo aanay biyuhu ka dusi karin.
Duday: carooday.
Dambarkeeda: liskeeda.
Weer: hengef ama asaay.
Debec: hal magaceed.
Danabyadii: geesiyaashii.

WEYDIIMO
1. Yaa tiriyey gabaygaan, goormuuse tiriyey?
2. Maxay aheyd ujeeddada uu abwaanku gabaygaan u tiriyey?
3. Sharax tuduca labo iyo tobnaad?
4. Muxuu ula jeedaa marka uu leeyahay, “Waagii dillaacaba, naxdin dihin la sheegaaye”?
5. Si qoto dheer u sharax tuduca 31aad?

Qaali Waxaad Tiraahdaa

Waxaa la yiri: gabar ina Sayid Maxamed ah oo la oran jiray Qaali ayaa aabbaheed horey u arki wayday, dabadeedna farriin bay waxay u fartay eeddadeed Jamaad Sheekh Cabdulle oo walaalkeed Sayid Maxamed u yeeray, waxayna tiri:

Jamaadey ayeeyooy, erey yar ma iga geysaa?
Caaqilow adoogey, caaway ma iigu sheegtaa?
Mise waan cawdaayoo, cid kalaan u yeedhaa?
Maro waan qabaaye, qalbigaygu wuxuu rabo
Baftadii caddeyd iyo subeeciyadii guduudneyd,
Ma sheekh baan u leeyahay,
Markay kaanta wayn iyo, marbuucdaanan dooneyn.

Sayidka markii hadalkaasi loo sheegay wuxuu gabadhii u mariyey gabaygaan soo socda, wuxuuna yiri:

Qaali waxaad tiraahdaan, qowlkaagii ii yimid,
Dharkaadu qawadaysiyo, qalbigaagu wuxuu rabo
Qaddar Eebbe mooye, qeyb waa lagaa siin
Qurxi hadalka aad tiri, qarba-boosh ma fiicno e,
Quraankana ha laayicin, salaaddana qalle u diid,
Habartaana qaarido, waalid laguma qooqee,
Qabbaan iyo farsamo baro, yaadan qiimo beeline
Qoyskiina mooye, qolo kalena ha u tagin
Huggaagana qordheeyoo, qalyanimo iska ogow
Quudkana isaga tuur, ninkii raba ha qaatee.

WEYDIIMO

1. Qaali maxay aabbaheed fariinta ugu dirta? Yeyse u sii dhiibtay fariinta?
2. Tuduca shanaad iyo kan lixaad ma kaaga muuqataa baahidi Qaali? Sharrax koobanna ka bixi?
3. Maraykaanta iyo marbuucadu waa maxay?
4. Sayidku markii uu farriintii helay muxuu Qaali u soo diray?
5. Waxyaabaha uu Sayidku gabadhiisa Qaali kula taliyey wax ka sheeg?
6. Ma ku raacsan tahay tuduca tobnaad ee jawaabtii Sayidku Qaali kula taiiyey?

Tallan Baan Qabaa

Nin loo yaqaano Kaahin Feedhole oo 70 jir ah ayaa geelii dhowr bari la raaciyey, markaa wiil bar-baar ah oo geel raaci jiray ayaa dhintay. Maxamed Kaahin Feedhoole oo cidda la joogayna waxuu uga maqnaa caro baadi doon iyo hawla kale oo fara badan. Odaygii markuu geel raacistii dhibsaday ayuu ku calaacalay:

Tallan baan qabaa Maxamadow taawil gooniya e,
Toddobaatan baan jiray haddaan tiraba dheereyne
Haddaan timaha guudkayga sare tini madoobeyne
Tallaabo iyo oradkii ninkaa tiicayaan ahaye
Tows iyo xanuun waa waxaan dhab ula taahaaye
Tooraha aroortii haddii ay taaga hor u dhaafto
Tartan iyo ninkii orad hayaa taani soo raga e,
Taaggaas aan leeyahay haddii tooyo la ii raacshay
Oo aanan tudhaaleba sugeyn tacadi wooyaane
Waa tallo Ilaah leeyahoo laga tallaabeyne.

Maxamed gabaygii aabbihii markuu helay buu gabay jawaab ah u soo celiyey wuxuuna yiri:

Dabuub gabay haddaad Kaahinow adigu daardaartay
Anna dabagalkeedaan aqaan daadka maansade e
Dibnihii tiraabaane rag waa kaga dambeeyaaye
Aniga dabuubteyda maqal waan ku daaficiye
Daal iyo dhibaataad sheegatiyo dogobta aad jiidhay
Dabeyshaad wareegtee haraad ugu dayoobeyso
Dadku aabbo waa kula qabaa dunida joogaaye
Duniba nin seexday ma jiro doobi dhamayaaye
Dar baa kaa gu’ weynoo lamara dibadda koolaa e
Dubbow Nuur Caduur maalin qura deex ka hari waaye
Dumarna waa ka haayiray iyo damacii naagoode
Iyana Diiriye iyo Xaashi wey daajiyaan sulube
Dareertiina subaxdii kabtida kama dambeeyaan
Dirka Maxamed-Deeq waa ogtahay duuda uu dhalaye
Difisyoone idil waa ninkaa daadiyee qubaye,
Mana diro e waw taagan yahay doogiyo abaare
Ma dayaco habeen Heybe Nuur sidigta dawlaabe
Dumar wuxuu ku biirshaba ma jiro rag uu dugaashaaye
Dagmadeenna oo idil haddaan dayay intaan eegay
Duqa geel u feydani ka badan doogan soo baxaye
Da’daadaa adduunkiyo wadiyo daan cirroolaha e
Marse haddaadan dariyo laheyn dooni iyo moodhar
Oo dheef Ilaah kuugu daray waxan dareeraayo
Waa kuu danli’i raaciddeed waxaad ku diiddaaye
Marse haddaadan dhaan kuu direyn ceel u dalandoola
Duleeddada ku celi geelu waa dowladdeeniiye
Dubjirkana ka hoy howsha kale kaaga dabac roone.

SHARAXA ERAYADA

Tallan: murugo.
Taawil: faallo.
Taws: cudur.
Tore: socodka geela
Tooyo iyo Taani: laba halaad magacyadood.
Dogob: qori weyn.
Dayoobeyso: wareereyso.
Doobi: waa dhiilka caanaha lagu shubto.
Eeyaa: erey ilmaha waalidka ugu yeero.
Dhexe: waa hal magaceed.
Haayiray: tagay.
Kabtiga: dagdagga.
Difisyoone: waa af qalaad, gaas ciidan ah ayaa loola jeedaa.
Sidig: nirig qura oo laba halaad jaqda.
Duqa geel u feydani: duqa geel raaca.
Kaaga dabacsane: kaaga fudude.

Weydiimo

1. Gabayga hore kumaa tiriyey? Muxuuse u tiriyey?
2. Tuduca uu da’diisa ku sheegayo tilmaan?
3. Dhibaatooyinka uu sheegay soo sheeg?
4. “Waxbo yaan calaacaline Eebbaa sidan ii gartay.” Tuduca sidaa sheegayana waa kee?
5. Gabayga dambe yaa tiriyey? Sababta uu ku yimidna maxay aheyd?
6. Maxay isugu toosnaayeen labada nin?
7. Gabaygan waxaa ku jira dhowr qof, haddaba sheeg mid waliba hawlaha uu qabto?

Ina Xagaa-Dheere

Ina-Xagaa Dheere wuxuu ahaa nin ari badan lahaan jiray. Dharaar dharaaraha ka mid ah ayaa cudur ka galay arigii. Markaasuu aad iyo aad arigii tamootidiisii uga xumaaday, wuxuuna yiri: “Waxaan yeeli si aan aniga iyo Ilaahay xoolo nooga dhaxeyn. Wuxuu iigu soo mar-marsoodaba ha waaye”. Markaasuu hadlay oo yiri: “Eebbow ariga qeybtaa adigaa leh, qeybtaa kalena anigaa leh, haddaba qaybtaada sidaad doontid dheh oo haygu imaan.” Dabadeed waxaa dhacday in arigii uu socdo oo maalin kasta wax ka dhintaan.
Ina-Xagaa Dheere, mar Alla marka arigiisa neef ka dhintaba, isna arigii kale intuu u galo, ayuu qaar ka gawracaa, oo yiraahdaa: “Ari la laayaa ari loo laayuu leeyahay”. Maalin dambe, ayaa roob da’ay. Markaasuu Ina Xagaa-Dheere sallax biyo ku jiraan,
intuu jilbaha dhigay is yiri ka cab. Dabadeedna sallaxiibaa dibnaha kaga dhagay.
Muddo dabadeed, ayuu sallaxii sii daayey, arigii baa sidiisii hore isaga le’day. Ina-Xagaa Dheere waxaa hal-hayn u noqotay markaa “Haddaanu hadalno waa af sallax ku dheggeygii, haddaanu aamusnana ariga sedan laga deyn maayo.”

Sharaxa Ereyada

1. Tamooti: Dhimasho
2. Sallax: Dhagax godan.

WEYDIIMO
1. Ina-Xagaa Dheere ariga qaybintiisa maxaa ku kallifay?
2. Ina Xagaa Dheere diinta wax ma ka yaqaanay?
3. Ma ogaaday inuu qaldan yahay?
4. Wax ma ku qaatay cibaaradii la tusay?
5. Sheekada dulucdeedu waa maxay?

Gogosha Ha Igeynin

Gabaygaan waxaa curiyey gabyaaga weyn ee Qamaan Bulxan, sababtii uu u tiriyey waxay aheyd in gabar uu qabay Qamaan mar ay reerkoodii u soo dhibaad doonatay war been ah loo sheegay oo lagu yiri Qamaan wuu dhintay sidaa daraadeedna gabadhii la guursaay.
Qamaan arrintaa aad ayuu uga xumaaday wuxuuna ka tiriyey arrintaa tixdan soo socota isagoo ku halqabsanaya nin saaxiibkii ahaa oo Haybe la oran jiray, wuxuuna yiri:

Gartay weeye Haybow inaan goroda laadshaaye
Waxba gogosha ha i gaynin hurdadu waygu gibileeye
Rag wax gaara gabadhuu qabay oo guurna lagu sheegay
Iyo gamas mariid leh oo u galay goonjigii hilibka
Ugudboone labadaa hal buu gama’ ladiiyee
Aniguna gaddii baan ahaye gogosha ha i gaynin.
Lo’dii miirta shalay goosataye gaawe laga waayey
Ee gaadh istiribaan ahaye gogosha ha i gaynin
Geenyada bakhtiday kii arkaye dudub uraad gooyey
Ee goobay madaxaan ahaye gogosha ha i gaynin.
Nin ay qaaxo feeraha gashay oo malaxi gaashaysay,
Hadduu gama’ yiraah maydhaqaan gocasho daynayne
Wed gudoonsay seedkana ninkaas guraya weeyaane
Aniguna gaddii baan ahaye gogosha ha i geynin.

SHARAXA EREYADA
1. Goroda laadshaaye: madaxa foorariyaa
2. Gibilay: yar tahay
3. Gamas: waran
4. Goonjiga: bartamaha
5. Gedii: sidii oo kale
6. Gaashaaysay: buuxisay
7. Maydhaqa: dhinaca
8. Gocasho: damqasho
9. Wed: geeri

Waa Xaq

Wuxuu ku barbaaray miyiga, weligiina magaalo
subax kama soo toosin, xoolaha dhaqaalahooda ayuu
aad u yiqiin. Nolosha miyigana mel fog buu ka
gaaray, magaalada haddii wax looga baahdo aabihii
baa reerka u safri jiray.
Ninka aan dhimman dhibaato waa u hurid la’aanc,
maalintii dambe ayuu aabihii allaystay, isagana
irrido hawleed ooh or lihi ku furmeen. Markii jiilaal
caanona
ah
mareen ayaa baabuurkii ay fuushanaayeen mar qura
ah jirjircad iska rogay, intii haruubkoodii buuxsamay
weay geeriyoodeen. Faaraxse dhaawac uu la miyir
doorsoomay oo aan nabar mjuuqda alahay ayaa
a /r__i __ i / i v-4 r ur i i i
X fJL iA X JLVJLJ.
V AV / U V^
___JlZI i j f i r i a i i i <
vy ljlo.
_____________1
i I 1 I l l I
J ______J – –
I I f “—I # 1 1 1 1 _ –
W ‘—I
i – v o c
dhacday u soo gurmaday dadkii beeraha ka dhawraa
iyo baabuurada waddada maraysay, Faarax iyo
dhaawicii kleba waxaa degdeg loogu daadgureeyey
isbitaalkii ugu dhowaa.
Laba maalmood kaddib ayuu miyirsaday oo wax kala
gartay. Markiiba waxay ishiisu ku dhacday waxyaalo
aanu weligii il saarin. Sariiro, dhar cad lagu dedey,
dhalooyin sariiraha qaarkood ka soo kordeldella iyo
dad sariirahaas ku dul jiifay. Isaga oo aad u yaabban
ayuu ninkii sariirta ku jiifay oo ma naxe la oran jira>
waraystay oo yiri; “Waar bal meesha iiga warran •
“Meeshani waa aakhiro” ayuu ugu jawaabay ma-naxe
“waar xaq” Faarax baa is dhiibay, isaga oo aa
naxsan.
Cabbaar markii uu aamusnaa aya
oo cad iyo gabadh kaaliso aheyd
rad xirnevd qolkii Faarax iiifav srw
SS Faarax
vvu.v ^ WvvdaAxda. iYcUC 00 U ctfKciy
gabadh iyaduna dhar cad qabta oo dadka cunto u
qaybinaysay.
Illayn la yaab ma lahee intuu is hayn kari waayey
buu ma-naxe la hadlay oo uu yiri; “Waar kuwanin
maxay ahaayeen”? “Waa malai’gtii oo qof walba
wuxuu kasbaday siineysay Ma-naxaa miskiinkii ka
sii dhalaaliyey. “Waa xaq!” ayuu faarax mar labaaaa
yiri. Waxaanad aqon u lahayniba waa belaayo
adduune. wuxuu haddana QT k Sj” dad qolka qalLiinka
la geynayo oo rarab ama dhooliyaal lagu vvalwaalayey.
Markaasuu mta uu jiifkii sidii wax boodaya
ka hinqaday, ayuu ma-nexe ku yiri; “xageebaa loo
wadaa?” “waa qoladii la xisaabay oo cadaabta iyo
janada ayaa look ala dirayaa” “Waa xaq”! buu misana
sidiisii ku celiyey.
jjaxdin iyo ai’gagax inta uu Ilaahay lsugu Kcciwy
aarax ayuu daqad wejigisiia ku beegneyd eegay,
. uuna arkay awr afar ahayd oo isbitaalka xaabo u
day. Ma’naxe oo markaas in uu kaco oo uu soo
°oldhaqdo u kaankaansanayey ayuu su’aal kale ku
ellyey oo yiri; “Waar awrtaan aakhiro joogtaana
jnaxay aheyd? “Waxay sidaan xaabadii Cadaabta
jidi lahaa” ayuu ugu jawaabay ma-nexe. 1 sna,
flPgdiisii “waa xaq”.
Muddo yar ka dib ayaa dhakhtarkii iyo kaalisadii
sariirtii Faarax soo gaareen oo intay kaarkiisii
qaateen dawooyin ugu qoreen iyagoon aika u kakla
qaadin!. I
Markii ay ka tageen ayuu ma-nexc weydiiycy oo yiri
waar maxay aniga ii qoreen” “Cadaabta” ma naxaa
deg-deg ugu jawaabay,
Mai cabbaar ah markii uu fekeray ayuu Faarax,
intuu xanuunkii hayey iska ilaaway, degdeg u kacay,
oo irrida ku booday. Deetana orod buu isqaaday
isagoo doonayey inuu cadaabta cago kaga baxsado.
Shaqaalihii isbitaalku markay addin ku gaari
waayeen ayaa baabuurkii boolisku lahaa lagu eryey
oo sariirtiisii lagu soo celiyey isaga oo lahaa “haddii
aan ifkii camal fasho, malaai gta cadaabtuna cago
iguma gaadheen”. Faarax dadku waxay u qabeen in
, #
Barbaaray
Allaystay
Dhabartay
Miiraabay
Tooyasho
koray
dhintay
caddaaday, ballaadhay
wax kala gartay
waraysi
WEYDIIMO
Ka dhig may ma-nexe miyi talo ku qabsatay
Faaraxna la joogo. Ka sheekee waxyaalaha ma-nexe
looga maadsan lahaa?
r- yfl –
N-V I

Miyi iyo Magaalo

R E E R M IY I IYO R E ER MAGAAL (gabay)
Qodobada soomaalidu ka gabaydu oo aad caanka u
ah waxaa ka mid ah Xifaalada, Gabayada xifaaladu
waxay ka yimaadaan dhinacyo badan oo kala duwan,
gabayada noocaasi ahi waxay qani ku yihiin Suugaan
nimo xeelad dheer, gabaygan soo socda waxaa isku
xifaalaynaya laba nin oo reer miyi iyo reer magaal ah,
waana kan Gabaygii.
Ninkii reer magaaika ahaa baa ninkii reer miyiga
ahaa ku yiri:
1. Walee daacuflow reermiyaan doocna garaneyne
2. dablashiday aroortii hadduu daamanka is
dhaafsho
3. doqonimo waa wuxuu cadkiis doc uga
in u-ujaaye
4. haddii roob ilaah shubo ooy dunji barwaaqowdo
5. oo doobi caana ah riyaha looga dalaf siiyo
6. oo rodol uu doon doon ku helay uga
dambaysiiyo
7. isagiyo duqdiisii markaa dawlad la ismoodye
8. dam damtiyo hangoolkii majiroo diriri
maayaane
9. maantaas ninkii dan ulahow day so hadalkaaga.
Jawaabtii ninkii reer miyiga ahaana waxay haeyd:*
1. Dunuunucaye goortuu qaxwaha dibinta
saaraayo
2. duuf lulaye goortuu kaluun labada daan
buuxsho
UKlU 1
3. dayn qaatc mccshii nin rag ah debar ka
maalaayo
4, duryan xum< markuu deega buu dunidn
nave
n diintiyo wuxuu caayayaa eebbe daayin e,
6. dat wad aan lagaaraneyn
she eg to
7.
daryeelaaye
ah
S. deeqdana haddii loogu daro darajo weeyaane
I 9. waxaa dowrada magaaliyo ninkii degelkeed
waa joogay
WEYDIIMO
1. Dood an gabay ga ah ee la bad an in dhex martay
keebaad isleedahay waa lagu jilciyey waayo.
1. labada nin waliba sagaal tuduc buu tiriyey,
tuducii kastaba midka u dhigma la doono.
3. doqonimo waa wuxuu cadkiis doc uga
muujaaye, muxuu gabyaagu tuducaasi uga
jeedaa?
Dunuunuc • cabasho
I3uuf lulaye
Durian
Deeg
Darash
Dowdar
siin badaxie
buuq
wax la’aan
belaayo/waxyeelo
meherad laawe

 

Wadaaddo iyo Wiilwaal

W A D A A D D O IYO Wwfufl/W A A L (Sheeko)
Ummad waliba waxay kedahay dhaqa hiddaheeduba
qarannimadeeda, midnima ’ waxa lagu ^aa m
ku dhisan yihiin. Uhism^ udciadii badneyd ee aan
karaa, afka oo la qoro. looyin badan ^
afkeennu qorneyn. & muteen. Wa^cV„vnU
hiddaheena iyo dhaqan raajkaa afkeell;‘ vaftbka
ku ay aan badannahay ^ xnurtideena
qorray, oo dabaqabatayn ;nna dhaafey•
leh, kagana kaban karra ^
Haddaynu u kacno xagga sheekooyinkahiddaha ah,
waxaynu kala kulmaynaa kuwo murti qoto dheeri ku
jirto, kuwo xifaale ah, kuwo maaweelo iyo madadaalo
leh iyo kuwo halxiraale, waxbarasho iyo aqoon
lijaabinba leh. Sheekooyitikaas oo runtii taariikh
ahaan muujinaya sida dhaqankeennu ahaan jiray,
waxa ka mid ah sheekada dhex martay wiilwaal iyo
Aw-samatar leeddo.
W iilwaal wuxuu ahaa nin Garaad ah ooh al adag.
Gecesi gacalna ku hiro, nacabna ka hakado,
seeftiisuna aanay galka ku jirin, oo dood, deeq iyo
dagaalba ku fiican, sida gabayadiisu muujinayaan:.
Gacan iyo in geed laga hadliyo gobanimaan sheegtay.
Wiilwaal oo maalin meel maraya, ayaa jidka kula
kuimay nin wadaad caalima ah, diintana ku xeel
dheer, dadkuna ku wada yagaan oo la oran jiray Awwadaadow,
maxaad dadka ku waanisaan ood u
sheegtaan?”
Aw-Samatar baa intuu garaadkii hor u eegay
dhoosha ka qoslay. Kolkaasuu si fudud u yiri,
“Garaad cabsida Ilaahay baannu dadka ku
waaninaa”.
Wiilwaal baa cabbaar aamusay. Intuu faraskii ka soo
degay oo wadaadkii fool-kafool isu hor taagay, ayuu
waydiiyey, isagoo ilkacaddaynaya, “oo wadaad,
Ilaahay mooyee, cid kale oo laga cabsadaa miyaanay
jirin?”.
Wadaadkii baa naxay oo yaabay oo u qaadan waayey.
Gadaal buu u booday sidii uu dhuxul dab ah ku
joogsaday.
Wiilwaal baa iska dhaqaaqay, faraskiisii dusha uga
dhacay oo wadaadkii ku yiri; “dood baan ka leeyahay
ercygaase, bal haddaba wadaaddadiina oo dhami isu
qaylo dirta oo waa inoo burrito iyo geedkii halkaas
ahaa”.
Meeshii baa lagu kala dhaqaaqay. Wadaadkii baa
qaylo kula dhex dhacay culimadii degmada. Wiilwaal
iyo arrinkiisii buu uga warramay. Halkii baa laysu
wada cid dirsaday. Kutubtii baa la soo gurtay,
la soo qabsaday, iyadoo ballankii lagu soconayo.
o tv/Wiilwaalna muxuu sameeyey. M geed dhibba la yiraahdo, jigjigana u ay< Wuxuu
hadhaca hoostiisa ood dheer . u ^ k eliyan a u
ka sameeyey ardaa ilaxid___ 5 ’ caWS si debecsan
banneeyey, daaftana dareemo iy ^,eg yahay•
loogu gogley, dacalladana c eyr • . o0da bawdka
Aqai-Soomaali weyne, wuxuu to dtaW ^ buu
dhabarkeeda. Ari wanan sooc.< ^aVydkii buu £ceS
keenay. Col fardooley ahna,
kastaba laba nin ka joojiyey.
ee mesha u yimaadeenna u darban,
ayaa Wiilwaal oo ay harcero socdaan laba nin oo xoo>
weyne, dharkii dagaalkana huwan, laba seefoodna
a sita, wadaaddadii irridda iska soo taagay. Intuu
A ^ … ___ __ _ 1 ¦ ^ I mm — —- ‘ -—— iliLUU
faadhumaystay oo lugba meel dhigtay giirna iska
kiciyey oo kelyaha qabsaday, waddaadadiina il xun
ku oegay, ayuu labadiisii nin ku yiri; “qabta” isagoo
gufuurka cirka u taagaya.
Labadii nine xoogga weynaa, ayaa labadii wadaad ee
ugu soo xigay soo qabtay oo kaxeeyey. Aqalkii
bawdka ku dheggenaa bay la galeen. Kolkaasaa qub
iyo qac iyo caacdu yeertay. Wadaadadi oo yaabsan,
oo dhegeha taagaya talana ku firidhaan tahay, ayaa
labadii xoogweyne soo noqdeen. Wiilwaal bay is
hareero taageen iyagoo seefihii oo dhiiggu tifta hayo
gacmaha ku sita.
Wiilwaal oo weld afka circa u taagaya, foolkana
ururinaya, ayaa haddana labadii nin ku yiri, “qabta”
sidii oo kale ayaa laba wadaad lala kala orday, aqalkii
lala galay oo qub iyo qacdu yeertay, seefihii oo dhiig
lehna mar kale lala soo noqday.
Mar Alle markii ay wadaadadii arkeen labadii
xoogweyne oo soo noqday, ayey oodda jebiyeen,
qabac… qayb iyaga ka mid ah, ayaa bawdkii intii
dhere le’ekaa xagga shishe iska dhigtay. Colkii
fardooleyda ahaa ee debedda tubnaa, ayaa soo
qabqabtay wixii fakaday. Wadaaddada intii kalena,
siday isu garbinayeen ee midba kan kale dusha uga
fuulayey, ayaa muskii oogada looga baxay. Iyadoo
raggii la moodo biiq la qabtay oo qaar jidhkoodii
ooddii jeex-jeexday, qaama dubku ka hoolmay sidii
loogu tumanayey oo nin waliba leeyahay, tolow
goormaa adna gacanta lagugu dhigi’.
“waar waa side? Oo maxaa idin helav” saw ;alahaa
Ilaah mooyee cid kale lagama cabsado”.
Goortaasaa wadaaddadii qaylo afka kala waaxeen:
waai garaad nanna dnammayn, waar garaad hanna
dhammayn!” Wfflwaal baa kolkaa yiri; “haddaba ma
ogaateen iii iAUa.Lieiyij.ci laga cabsado, aadmigiisana
laga baqo? Manta ka dib, wadaad hub la yaan arkin,
Wadaad walow Da qalabKaaga cjaado oo dadkaaga
dhinac ka raac”.
Afartii wadaad ee markii hore laga kaxeeyeyna,
iyagoo aan waxba wanankii martiqaadka loo keenay
mid soo gawracaan, ayey seefihii oo dhiig leh la soo
noqonayaan si ay wadaaddada u cabsi geliyaan..
Halkii baa wadaaddadii martiqaad sbaraf leh liogu
sameeyey, kolkii uu casharkii u dhammaaday ee la
garansiiyey in hub ia’aantu ay nacasnimo ieedahay.
Murti Soomaaliyeedna waxay idhaahdaa:
Dagaal gondahaaguu ka dhashaa.
Dooddaa wadaadada iyo Wiilwaal dhex marta> vvaxa>
muujinaysaa in wwiilwaal ujeeday, cu ma u
diintoodana inay haystaan oo ilaahay ka cabsadaE ,
dalkoodana wax ku taraan ai iyo addin a.

Afku Muxuu La Xoog Yahay

Sal aan c.arabay gabaygaan waxa uu mariyey isagoo
magaalada Neyroobi jooga halkaas oo uu nin uu
adeer u ahaa oo uu abaal badan u tirsanayey ugu
tagay, ninkaas oo markaas maal qabeen weyn ahaa
ayaa halkii uu odayga wax ka tari lahaa inta uu
qadiyey ayuu hadana dadkii kale ee Soomaaliyeed ku
diray oo yiri “Waa oday asaasaq ah ee hala hadlina”
Salaan gabayga wuxuu ku sheegay sadex arrimood
oo waaweyn oo uu wiilka u galay, waa tan koowaade
isagoo ninkaas iyo geeiiisiiha col isku ai-duubay ayaa
Salaan col uu watay u gurmaday soona lurtay, waa
tan labaade; mar kale uu ninkaas dowladu xirtay
ayuu Salaad dood iyo maal ku soo furtay, waa tan
saddexaade, Naag uu xoolo ka bixiyey oo laga
qabsaday lagana qaaday uu Salaan u soo furtay,
markii uu gar adag la galay reerkii ay gabadhu ka
asagoo arimahaas wuxuu sheegaya yin.
1.
2.
Qeylada xaduurkii ninkay xaraqJdLratyU Jamab lteydu ninkaan
o xuurtooday
• jilabkii xadhaadhaa ninkaan
¦ guuraha xambaarada ninkui
xidhkii odayodheerood marki
11n fo o n t t
6. xaaraamigii
7. waataan u 2
Q _; O • A r 1 1 I ) I V ( I
lahe
-vtu mgu smsneeyana
diidav
9. mumarkuba xublaxla foosha way xanaf
wareeraane
10. balse in ay xusuus daran yihiin xaylka kale
mooge
1 1. waxba yaanu xeerkav imarin xoolana • • •
12. xaashee nin labin kaa xistiyay xumihii waa
yaabe
13. xeerbeegti murantaa gartay xeeli hadashaaye
3 4. xubin rag isku waajahay h aday xeyga ka
cadaato
15. afku wuxuu la xoog yahay magliga xowda kaa
jara e, #
16. xafiiskii magaalada wixii xaalad iga gaaray
1 7. xabsigii cadaawaha ninkaan xaalan uga saaray
18. xoolaha markay imid ninkaan xulayey geeleyga
19. waxba yaanu xeerkay I marin xoolana I siine
20. xaashaa nin labin kaa xistiyey xumihii waa
yaabe.
Xaduur : baryo
2. Xaraqday : gubtay
1^3. Xuurtoobay : daalay
k4. Jilib : magic geed
5. Xagar : magic geed
1^6. Xidh : kob
7. La is x$niin taabtay : rag isku bareeray
8. U xuubsaday : ku booday
-44-
(). Xuurta . shimbir magaceed
10. Xeebashada
11 Xeeli
12. Xeyga
13. Magliga
14. Xowda
15. Xaalan
16. Olol
cabashada
cilmi ahaan
ubaxa
ableyda
xafta
waa ninki colka geela
dhacay madaxa u ahaa.
WEYDIXMO
1 Si kooban u sharax tuducyada ka hadlaya in
‘ uu salaan inanka ka abaal dhacay iyo
iloshaha dhawaantiisa? ku
2 Immisa waxtar buu oday8u/ a^ f sheeg’
sheegay mid kastaba goonidiisa
3. afKU wuxuu la xoog j ^ tuducaasi
kaa jara e, ma kuia tanay
run yahay?

Dhaadaa Wax Ma Dhaafaan

Guuleed oo safar ah iyo nin tafga xaydan oo awr ka lumay baadidoonkii ah, ayaa meel cidla ciirsi ku kulmaya. Isma gacan qaadayaan, afkayse iska salaamayaan.
Ninkii: War salaamu calaykum.
Guuleed: Calaykuma salaam.
Ninkii: War inay badidaada badbaaddo, awr baadi ah ma ii sheegtay?
GUuleed: Allaa igu og, oo il ma saarin.
Guulseed: Ha sheegin
Ninkii on rl V> o V / W V 4 . JL I C iqaaqid u h1–o1l1l_a_naya haddaa
r > O n r l r r r 1 – r v « JLACtk^CLVA^CLlJ U
Guuleed: Sug awka ma il la’aa?
Ninkii Ilaahey ballankii
Guuleed: Awrku culays ma siday?
Ninkii tilmaantay
Guuleed waan
Ninkii
kaygii.. loo noqon mayo,
oo tallaabo horey u qaac
ee nabadgelyo!
oo yaaban war waa ku side xageed isaga
dhaqaaqday?
Guuleed: Xaggaa iyo meeshaa awalba u socday.
Ninkii:
Guuleed:
Ninkii
oo caro is maray, Awrkaygiina
oo socosho maagan awr ma arag ee aduu
kaa maqan yahaye raaso
oo flad u xanaaox saJv oo Op uuleed hor ”
goynaya: waar aragtayee.. awrkii meel iigu
sheeg.
Guuleed: il ma saarin ee iga hor baydh
Ninkii
Guuleed
N inkii
oo indhuhu soo gal baxsan yihiin:
waar ha isku keen dilin ee awrkii
iska keen.
Allaa igu og inaan war iyo wacaan toona|
ka heyn
Guuleed
Ninkii:
kaamana
kaama
dhan tahay
inkir iga kaa wadi mayo
Goor ay isla il daran yihiin oo qir iyo qir uu xaal
joogo, ayaa oday socoto ahi ku soo baxayaa

Guuleed
Odaygii
Ninkn:
Ninkii:
Odaygii: Kaye.
Ninkii:
Odaygii
Ninkii:
Odaygii
Ninkii:
Odaygii:
Ninkii:
Odaygii:
Ninkii:
Odaygii:
Ninkii:
Odaygii:
war salaamu calayku aa
goor fiican baad timid W?JJ bal Ca8 dhiga’
tahav – ee ee … bal n i n k a T ^ ^ Waad
waa tahay … side w*v
I siiyas. wax u jiraan? Ral warka
laguu warran.Odaygii:qhave
baadl QOOnkii hann ‘
— —
na kala saar
awrku wuu il la’aa.
(oo shaarubta miiqaya) waa tahay
wuu daba go’naa.

Odaygii: haye.
Ninkii: laba moohaaradood oo haruur cad ah
ayuu siday
waa tahay
ninkan ayaan la kulmay waa llaah
mahaddiiye.
haye.
awr baadi ah ma shegtay baan ku iri
haye.
Maya buu igu yiri
waa tahay.

misna awrka tilmaantiisii buu ii shee
L”v 1 / A o 1 1 sankana
haye
Ninkii: waa sida … ee ninku awrkaygii meel ha ku
sheego.
Odaygii- oo guuleed indhalia ku sugaya) war adna
Guuleed:
Odaygii:
Guuleed:
taa soo oog
wax ku dari mayo oo waa siduu kuugu
shegay.
oo
*
bidaarta salaaxaya: awrka maad arag r
haa oo Alla ogyahay.

Odaygii: tilmaantaa
bixisay?
Guuleed: haa hevsto.
v>U
side ku ogaatay?
Guuleed: kuu sheegay.
Odaygii: waa tahay
Guuleed
Guuleed
tiimaantiisa
Odaygii: haye
i raadkiisaan meel aan
baan kaga soo dhacay
intuu il la’yahay, oo waliba tan uu
xaan

Odaygii: hee!
Guuleed: dhirta dhanka bidix ka soo hagaagta wuu
jiidhayey
Odaygii: haa gartay!
Guuleed: deaba la’aantiisa # • wax aan ku dhaaday 11*
Guuleed: saalada ayuu tuuminayey
Odaygii: oo madaxa lulaya: gartay … gartay…
Guuleed: inuu culays sido waxaa aan ku dhaaday…
Odaygii: hee!
Guuleed: cagta ayuu dhulka ku ballaarinayey…
radkiisuna si fiican ayuu u dhignaa.
Odaygii: haa haa gartay … gartay!
Guuleed: waa sidaa. Ee ma ku qanacday?

Odaygii: oo ninkii muddiga ahaa kugu
quusreebaya, ku qanacaye ma ku
qanacday oo wax dhaadiddiisu intay gun
dheer tahay ma ku dhacday!
Ninkii: oo goorahaanba yaabsanaa, ku qancay oo
wuu iga kafiyey siduu tilmaanta awrka ku
helay!

Dhaad id: wax
laba jaw aan wo — ^ ^u.a.uv;
Tuumin: isku meel dhigi