Tag Archives: Shiikh Cabdulqaadir Maxamuud Cismaan

Cutubka Afar iyo Tobnaad – Nidaarka

NIDARKA
Nidarku waa karaahiyo oofintiisuna waa waajib
Haweeney nidartay inay soonto bisha Rajab sanad kasta
Xukunka dib u dhigidda nidarka
Waxay nidartay inay hal geel ah qasho oo aysan hilibkeeda dhadhamin
Xukunka in la beddelo wixii la nidray

NIDARKA
Nidarku waa karaahiyo oofintiisuna waa waajib
Su’aasha 193aad: Maxay diintu ka qabtaa nidarka? Haddii aan la oofin nidarka ciqaab miyaa ka imanaya?

Jawaab: Nidarku waa karaahiyo sharci ahaan, waxaa Nabiga ka sugnaatay inuu reebay nidarka uuna yiri:
“Nidarku sidiisaba khayr ma keeno, ee ruuxa bakhaylka ah ayaa xoolaha looga soo saaraa.”
Dadka qaarkood haddii ay xanuunsadaan ama khasaaraan, ama dhib kale soo gaadho waxay nidraan sadaqo inay bixinayaan ama xoolo qalayaan haddii cudurka ay ka bogsadaan ama khasaarada ay ka badbaadaan, waxayna citiqaadsan yihiin Allaah inuusan caafimaad ama faa’iido siinayn inay nidar galaan mooyaane, sidaas awgeed ayuu Nabigu sheegay Allaah inuusan beddelayn wixii uu qaddaray oo uu xugmiyey, qofka bakhiilka ahna inuusan sadaqo bixin inuu nidar oofinayo mooyaane.
Nidarka waa la oofinayaa haddii uu yahay cibaado, sida salaad ama soon ama sadaqo ama ictikaaf, haddiise uu nidarku yahay wax Alle lagu caasinayo sida dil, sino, khamro cabid, dadka maalkiisa oo dulmi lagu qaato iyo wixi la mid ah ma bannaana in la oofiyo waxaana beddelkiisii la bixinayaa kafaare gudkii dhaarta oo ah quudin toban miskiin, ama waxyaalihii kale ee xadiisku xusay.
Haddii nidarku yahay waxyaalaha bannaan sida cunto, cabbitaan, dhar, safar, hadal caadi ah iyo wixi la mid ah waxaa la kala dooran siinayaa inuu oofiyo nidarkaas iyo inuu kafaare gudkii dhaarta bixiyo.
Haddii nidarku yahay cibaado sida sadaqo, cunto ama xoolo la qalayo waxaa la siinayaa masaakiinta iyo dadka tabarta daran, haddiise uu yahay cibaado xubnaha laga gudanayo ama maal la bixinayo, sida jihaad ama xaj iyo cumro in la oofiyo ayaa waajib ah.
Haddii maalka uu bixinayo uu ku nidray in wax loogu qaban doono meel gaar ah sida masaajid ama xafiis ama mashruue khayri ah uma bannaana inuu ku bixiyo meel kale.

Haweeney nidartay inay soonto bisha Rajab sanad kasta
Su’aasha 194aad: Muxuu yahay xukunka haweenay nidartay inay soonto bisha Rajab sanad kasta kaddibna da’ weynaatay oo kari weydey?

Jawaab: Marka hore waxaan dadka Muslimiinta ah uga digayaa nidarka sababtoo ah Rasuulku wuxuu yiri:
“Nidarku sidiisaba khayr ma keeno, ee ruuxa bakahylka ah ayaa xoolaha looga soo saaraa.”
Allaah wuxuu Qur’aanka ku ishaaray reebiddiisa wuxuuna yiri:
()
Haddii arrintu ay sidaas tahay waxaa habboon in aan waxba la nidrin haddiise aad wax nidartid waxa aad nidartayna yihiin wax wanaagsan, waa kugu waajib in aad nidarkaas oofisid, Rasuulkuna wuxuu yiri:
“Qofkii nidra wax wanaagsan oo uu Alle ku addeeco ha oofiyo.”
Waa isku mid haddii nidarkaasi yahay mid uu balaayo xijaab ka dhiganayo ama uu wax ku raadinayo, ama uu yahay nidar aan shardi lahayn ee uu iska nidray, nidarkuna waa saddexdaas xaalo, haddii uu qofku yiraahdo waxaan nidray in aan berri soomo, nidarkaasi Alle adeecid miyaa mise ma ahan? Jawaabtu waa in nidarkaasi yahay mid Alle lagu adeecayo, nidarkaasi mid shardi leh miyaa mise waa mid caam ah aan sabab lahayn? Matalan haddii qof yiraahdo imtixaanka haddii aan ku baaso waxaa Alle igu leeyahay in aan soomo saddex maalmood, nidarkaasi wuxuu ku xiran yahay helitaan maslaxadeed ama balaayo xijaab, gaar ahaan maslaxaddiisa inuu helo, waxaa iyana taas la mid ah inuu dhaho haddii Alle qofka naga xanuunsan noo caafimaadiyo waxaan nidray in aan bil soomo, nidarka caynkaas ahina waa nidar Alle adeecid ah oo haddana ku xiran dhibaatada haysata in laga faydo, marka nidarka Alle addeecidda ah waxaa waajiba in la oofiyo.
Su’aasha haddaan u soo noqodo waxaan weydiinayaa haweeneyda wax nidartay waxa ay bisha Rajab bilaha kale uga dooratay, haddii ay markaas citiqaadsan tahay in bisha Rajab ay leedahay cibaado u khaas ah nidarkaasil wuxuu noqonayaa karaahiyo lamana oofinayo, sababtoo ah bisha Rajab in lagu khaas yeelo cibaado daliil looma hayo waana karaahiyo, haddiise aanay citiqaadsanayn arrinkaas oo ay bishaas bilaha kale uga dooratay Allaah oo bishaas waxay ku faraxday siiyey iyo wixi la mid ah, markaas waa ku waajib inay oofiso haddii ay kari weydana wuxuu la mid yahay soonkii waajibka ahaa oo kale oo sidii ay yeeli lahayd ayay yeelaysaa.
Waxaanse dadka weydiinayaa su’aal. Matalan haddii uu ruux yiraahdo, “Nidar ayaan bixinayaa haddii aan maradaas mar danbe gashado,” nidarkaas oofintiisu waajib miyaa mise ma ahan?
Jawaabtu waa maya oo waajib ma ahan oofintiisu sababtoo ah waxyaalaha aan xaaraanta ahayn ee Allaah inoo banneeyey haddii uu qofku nidar ku galo inuusan qaar ka mid ah u dhawaanayn nidarka caynkaas oo kale oofintiisu waajib ma ahan wuxuuna la mid yahay dhaarta waxaana laga doonayaa kafaaragudkii dhaarta maradii uu ka dhaartay (maadaama aysan shareecada xaaraan ku ahayn) haddii uu doono wuu labisan karaa maradaas haddii uu doonana ma labbisanayo,
Qofku haddii uu wax ka dhaarto, waxaas uu ka dhaartayna sharci ahaan ay bannaan yihiin wuu ka noqon karaa dhaartiisa waxaana laga doonayaa kafaara gudkii dhaarta oo ah toban miskiin quudintood ama labbiskood ama addoon xorayntiis, haddii uu intaas midna waayo wuxuu soomayaa saddex maalmood oo isku xiga.

Xukunka dib u dhigidda nidarka
Su’aasha 195aad: Muxuu yahay xukunka in dib loo dhigo oofinta nidarka haddii uu qofku gaaro ujeeddadii uu wax u nidray, sida qof yiri, “Waxaan Allaah u nidray in aan soomo shan maalmood haddii aan caafimaado,” kaddibna markii uu caafimaaday dib u dhac sameeyey oo aan soomin, in kastoo markii uu nidarka galayey aanu xaddidin waqtiga uu soonkiisu noqon doono, haddaba shanta maalmood ee uu nadray ma waxaa laga doonayaa inuu xiriiriiyo? Daahitaanka iyo dib u dhaca uu ka dib dhacay soonkaas kafaaro miyaa ku waajibaya haddii uu niyaysnaa inuu soomo oo aanu diidanayn soonku?

Jawaab: Waa waajib in la oofiyo nidarka la nidray wax Allaah loogu dhawaanayo sida soon, sadaqo, ictikaaf, xaj, Qur’aan akhris iyo wixi la mid ah.
Haddii nidarkiisu ku xirnaa shardi sida inuu Allaah caafimaad siiyo ama inuu safar ka soo noqdo, haddii uu helo waxa uu doonayey waxaa ku waajiba inuu dedejiyo oofinta nidarka, haddii uu dib u dhac sameeyo kaddibna uu dib ka oofiyo nidarka wax dambi ah kuma leh dib u dhigidda, haddii uu dhinto isaga oo aan oofin waxaa nidarkaas ka oofinaya dadkii dhaxalkiisa lahaa, waxaase habboon inuu qofku dedejiyo oofinta nidarka si waajibkaasi uga dhaco.

Waxay nidartay inay hal geel ah qasho oo aysan hilibkeeda dhadhamin
Su’aasha 196aad: Haweeney ayaa iyada iyo carruurteedu cudur ku wada dhacay carruurteediina mid ka mid ah ayaa geeriyooday waxayna gashay isbitaal iyadoo aan ka war hayn carruurteedii guriga joogtay xaaladdoodu waxa ay ku sugan tahay, inay nool yihiin iyo inay dhinteen, iyadoo xaaladdaas ku sugan ayay tiri, “Ilaahow haddii aan carruurtaydii guriga joogtay u tago iyagoo nool waxaan qalayaa faadir (waa hal magaceed), hilibkeedana waxba ka cuni mayo, bilna waan soomayaa.”
Nidarkii way oofisay oo waxay soontay bil, hashiina way qashay laakiin hilibkii hasha ayay wax ka cuntay, su’aashuna waxay tahay hashii ay hilibkeeda dhadhamisay ma ka gudaysaa nidarkeedii mise waa inay hal kale qasho? Noo faa’ideeya Allaah ha idinka abaal mariyee?

Jawaab: Neefkaas geela ah oo ay nidartay Allaah dartiis inay u sadaqayso, waxaa ku waajiba inay oofiso nidarka maadaama nidarkaasi yahay mid Alle lagu adeecayo neefkaasna hilibkiisa oo idil way sadaqaynaysaa, haddii ay wax ka cuntay hilibkaas kuma waajib ahan inay neef kale qasho laakiin waxay soo iibinaysaa hilibkii ay cuntay in u dhiganta oo hilib ah kaddibna masaakiinta ayay ku sadaqaysanaysaa, nidarkeediina sidaas ayay uga xalaal noqonaysaa oo waajibkiisii ugu dhacayaa haddii Alle idmo.

In la bedelo wixii la nidray
Su’aasha 197aad: Ma bannaan tahay in qofku beddelo wixii uu nidray haddii uu arko wixii uu nidray wax ka nafci badan?

Jawaab: Inta aanan su’aashan ka jawaabin waxaan oranayaa oraahdan, horta sideedaba ma habboona in wax la nidro sababtoo ah nidarku waa karaahiyo. ama waa xaaraan, Nabigu wuu reebay nidarka wuxuuna yiri: “Khayr ma keeno ee ruuxa bakhiilka ah ayaa xoolaha looga soo saaraa,” khayrka aad u malaynaysid in nidarka aad gashay sabab u yahay, xaqiiqo ahaan wax saamayn ah kuma leh nidarku, in badan oo dadka ka mid ah haddii ay xanuunsadaan waxay nidraan in haddii Allaah caafimaad siiyo waxaas iyo waxaas bixin doonaan, haddii wax ka dhumaan sidaas oo kale ayay nidar galaan inay waxaas iyo waxaas bixinayaan haddii Allaah baadidaas u soo celiyo, haddaba markii uu caafimaado ama baadidii helo ma ahan in uu nidarka wax ku helay ee Allaah ayaa (fadligiisa) ku siiyey, Allaahna waa ka deeqsisan yahay in wixii la weydiisto uu shardi ku xiro, Allaah waa inuu weydiisto inuu caafimaad siiyo ama baadidii u soo celiyo, nidarkuna wax kaalin ah kuma lahan helitaankooda.
Dadka in badan oo ka mid ah markay helaan shaygii ay sababtiisa nidarka u galeen way ka caajisaan inay nidarka oofiyaan waxaana laga yaabaa inayba iska dhaafaan oo aanay oofin nidarkaas waana arrin aad halis u ah, bal maqal Allaah wuxuu ka yiri:
“Waxaa ka mid ah kuwo la ballamay Allaah hadduu wax ka siiyo fadligiis inuu sadaqaysto oo ka mid noqdo kuwa suubban. Markii uu wax ka siiyey fadligiisa ay ku bakhayleen jeedsadeenna iyagoo diidi. Wuxuu ku reebay quluubtooda munaafiqnimo tan iyo maalintay la kulmi ku baajintooda Allaah waxay kula ballantameen iyo beentoodii darteed.”
Maadaama ay arrintu sidaas tahay qof Muslim ah uma habboona inuu nidar galo.
Haddii aan usoo noqono su’aashii nala weydiiyey jawaabteeda waxaan oranaynaa: Haddii qof nidar galo oo jiho gaar ah nidarkaas ula niyoodo kaddibna uu arko meeshii uu ula niyooday nidarkaas meel kale oo ka fadli badan kana ajar badan oo Allaah loogu sii dhawaanayo kana anfici og dadka, xaaladdaas oo kale way u bannaan tahay inuu nidarkiisii beddelo oo ku bixiyo meesha ka fadliga badan meeshii markii hore uu u nidray, waxaana u daliil ah nin u yimid Nabiga oo ku yiri:
“Rasuulkii Allaahoow waxaan nidray haddii Allaah kuu furo oo aad qabsatid Makka in aan ku soo tukado Baytal Maqdis, markaas ayuu Nabigu ku yiri, “Ku tuko halkaan (Masjid al-Xaraam), ninkii ayaa mar kale su’aashii ku celiyey Nabiguna wuxuu ugu jawaabay, “Ku tuko halkaan,” ninkii ayaa mar kale su’aashii ku celiyey Nabiguna wuxuu ku yiri, “Marka sidii aad doontid yeel.”
Arrintaasi waxay daliil u tahay inay bannaan tahay in qofku waxa uu nidray beddeli karo haddii uu arko wax ka fadli badan wixii uu nidray.

Cutubka Saddex iyo Tobnaad – Asayda

ASAYDA
Haweenta asayda sidda way qubaysan kartaa
Haweenta da’da weyn asay way qaadaysaa
Isma udgin karto haweentu inta ay asayda siddo guurna looma ban dhigi karo si sarbeeb ah mooyaane
Guur in loo soo bandhigo haweeney cidadii ku jirta
Saabuunta udgoon iyo asayda
Naag ninkeedii geeriyooday isaga oo aan u galmoon
Dhaxalka haweeney la furay oo rvinkeedii si kedis ah u geeriyooday
Waa gef aan diinta ku banaanayn in haweenta la furo guriga laga saaro ama iyadu ka baxdo

ASAYDA
Haweenta asayda sidda way qubaysan kartaa
Su’aasha 185aad: Maxaa ku waajib ah naagta uu ninkeedii geeriyooday, maxaa xaaraan ah, maxaase u bannaan?

Jawaab: Haweeneyda laga dhintay waxaa ku waajib ah arimaha soo socda:
• Inay gurigeeda ku negaato oo aanay ka bixin inay dan soo gudanayso mooyaane ama ay u baxdo wax daruuriya sida inay isbitaal tegayso haddii ay xanuunsato, ama ay suuqa cunto iyo wax la mid ah ka soo iibsanayso, haddii aysan haysan cid u qabata hawshaas.
• In aysan ku labbisan dhar qurxoon, oo ay ku labisato dharka kale.
• In ay ka fogaato dhammaan waxyaalaha la isku carfiyo oo dhan, laakiin markii ay dhiigga caadada ka mayrato dhib ma Ieh in ay uunsi hoosta gashato oo isku carfiso.
• In ay ka fogaato dhegaha iyo jinjimaha iyo waxyaalaha kale ee haweenku ay xidhaan oo isku qurxiyaan, ha ahaadeen dahab, qalin, dheeman iyo wixi la mid ah.
• In ay ka fogaato indha kuulashada.

Rasuulku wuu ka reebay haweenta laga dhintay arimahaas oo dhan, wayna u bannaan tahay inay dadka ehelkeeda ah iyo haweenka kaleba la fariisato oo la sheekaysato, way la fariisan kartaa dadka maxramka u ah cunto iyo shaah iyo wixi la mid ah way u keeni kartaa, sidoo kale guriga gudihiisa, deydkiisa qaybtiisa kore dhammaan way ka shaqaysan kartaa oo tegi kartaa, hawshii guriga oo dhan way qaban kartaa, haddii ay noqoto cunto karin, dhar tolid, guri xaaqid, dhar dhiqid, xoolo lisid iyo hawsha hablaha caadiga ee la midka ah qabtaan oo dhan, dayaxa way arki kartaa sida haweenka kale u arkaan oo kale, hagoogta madaxa way iska qaadi kartaa markaan rag ajaanib ka ah aysan la joogin.

Haweenta da’da weyn asay way qaadaysaa
Su’aasha 186aad: Haddii uu nin ka dhinto haweeney da’ weyn oo cimrigeedu 70 sano kor u dhaafay, garashadeeduna xumaatay wax adeeg ahna ninka aan u qaban jirin, waajib miyay ku noqonaysaa inay asay qaaddo? Sidaan og nahay haweenka uurka leh ciddadoodu waa inta ay ka dhalayaan kaliya, markaas haddii ujeedada laga leeyahay asaydu ay tahay, in la hubsado haweentu inaysan uur lahayn, haweenta da’da weyni dhalmadii horay ayayba u daysey?

Jawaab: Haweentaasi waxay la mid tahay haweenka kale waxayna ciddo tirsanaysaa afar bilood iyo toban cisho, sida ay haweenka kaleba yeelaan, Allaahna wuxuu yiri:
“Raggga idinka mid ah ee la oofsaday kana tagey haween, waxay haweenkaasi ciddo tirsanayaan afar bilood iyo toban cisho.”
Xikmadda ku jirta in haweenta uurka leh ciddadeedu ay ku xiran tahay dhalmadeeda waxaa ka mid ah, uurka oo ah xaq uu ninka hore leeyahay, markuu ninku geeriyoodo ama furo iyadoo uur leh, haddii ay haweentu guursato nin kale wuxuu ninka labaad ku waraabinayaa manidiisii ilmaha uurka ku jira, arintaasna waa xaaraan Nabiguna wuxuu yiri:
()
Qofka Muslimka ah waxaa ku waajiba inuu ku dhaqmo shareecada, xigmadda ku jirta ha garto ama yaanu garan, isagoo rumaysan Allaah inuu yahay mid xikmad badan, wax kasta oo uu jideeyey ama qadarayna ay xigmadi ku jirto, qofkii Alle u fududeeyo inuu fahmo xigmadda ku jirta waa kayr.

Isma udgin karto haweentu inta ay asayda siddo guurna looma ban dhigi karo si sarbeeb ah mooyaane
Su’aasha 187aad: Ma bannaan tahay haweenta asayda sidda inay carruurteeda cadar u mariso? Guur ahaanse ma loo dooni karaa iyadoon wali ciddadii ka bixin?

Jawaab: Uma bannaana haweenka asayda wada inay is udgiyaan, dhibse malahan haddii ay cadarka carruurteeda ama marti u timid u mariso iyadoon la wadaagayn, mana bannaana inta ay assayda siddo in si cad guur loogu soo ban dhigo, si sarbeeb ahse wax waa loo dareensiin karaa, Allaahna wuxuu yiri:
“Dhib (dambi) korkiina ma aha waxaad sarbeebtaan oo hadal haween ah (doonid).”
Allaah wuxuu banneeyay in sarbeeb guur loo dareensiiyo, mana uu bannayn in si cad guur loogu soo bandhigo, arintaasna Alle xigmad qoto dheer ayuu ka leeyahay.

Guur in loo soo bandhigo haweeney cidadii ku jirta
Su’aasha 188aad: Haweeney ayaa ninkeedii ka dhintay nin kale ayaana soo doonay iyadoo ciddadii ka bixin, haddaba arrintaas miyay bannaan tahay?

Jawaab: Ma bannaana in si cad guur loogu soo bandhigo haweeney ciddo ku jirta, xataa ciddadaasi haddii ay tahay mid geeri keentay oo assay ah, ciddada furniinkuna waa ka sii xag jirtaa, ninkii sidaas yeela iyo naagtaba waa la ciqaabayaa, waxaana ciqaab looga dhigayaa in qasdigooda laga hor istaago oo aysan is guursan.

Saabuunta udgoon iyo asayda
Su’aasha 189aad: Waxaan ahay haweeney ninkeedii geeriyooday muddo dhow, waxaan ku jiraa waqtigii asayda, ma ii bannaan tahay in aan ku qubaysto, ama ilmahayga ugu qubeeyo saabuun udgoon leh?

Jawaab: Asaydu waa inay haweentu ka fogaato wax kasta oo soo jiidanaya ragga iyo la kulankooda sida is udginta, indho-kuusha, iyo dahabka iyo waxyaalaha kale ee la xidho, waxyaalahaas la isku qurxiyo waa isku mid haddii ay ku xirato surka ama dhegaha ama gacmaha, dharkuna waa sidoo kale oo waa ka xaaraan dhar kasta oo la isku qurxiyo, waxaana ku waajiba inay ku nagaato gurigii ay deganayd markii uu ninkeedu geeriyooday, Allaahna wuxuu yiri:
“Raggga idinka mid ah ee la oofsaday kana tagey haween, waxay haweenkaasi ciddo tirsanayaan afar bilood iyo toban cisho, markay gaaraan muddadooda wax dhib ah idinkama saarna waxay ku falaan naftooda si fiican, Eebbana waxaad falaysaan waa ogyahay).
Qawlka Allaah ee ah: () wuxuu tusinayaa in markaas ka hor ay ka xaaraan ahaayeen arimahaas oo dhami, sunnaduna sidaas ayay bayaanisay.
Markaas saabuunta udgoon uma bannaana haweenta asayda sidda, waxayse ku mayran kartaa saabuun aan lahayn caraf iyada ayaana kufilan.

Naag ninkeedii geeriyooday isaga oo aan u galmoon
Su’aasha 190aad: Asay miyay qaadaysaa haweeneyda ninkeedii geeriyooday markii uu nikaaxsaday isaga oo aan wali u galmoon?

Jawaab: Haweentaas waxaa ku waajibaya ciddo tirsasho iyo asay qaadid, sababtoo ah marba haddii la nikaaxshey waxay noqotay marwo, waxayna soo galaysaa haweenka uu Alle yiri:
“Ragga idinka midka ah ee la oofsaday kana tagey haween, waxay haweenkaasi ciddo tirsanayaan afar bilood iyo toban cisho.”
Bukhaari iyo Muslimna waxay wariyeen xadiis uu Rasuulku ku yiri:
“Haweeney isuma basaasin karto qof geeriyooday saddex cisho ka badan, wixii aan ka ahayn ninkeeda oo ay isu basaasinayso afar bilood iyo toban cisho.”
Sidoo kale ahlu sunanka iyo Axmed waxay wariyeen Rasuulka Bardic bint Waashiq, oo ahayd haweeney uu ninkeedii geeriyooday markii uu nikaaxsaday isagoon u galmoon, Rasuulku in uu amray inay ciddo tirsato dhaxalna ay leedahay.

Dhaxalka haweeney la furay oo ninkeedii si kedis ah u geeriyooday
Su’aasha 191aad: Miyay wax dhaxlaysaa haweeney la furay kaddibna uu ninkeedii si kedis ah u geeriyooday iyadoo ciddadii ku jirta?

Jawaab: Haweeneyda la furay ee uu haddana ninkeedii geeriyooday iyadoo ciddadii ku jirta waxay noqonaysaa laba midkood:
Haddii iyadu aysan furniinka dalban, oo aysan kula heshiin inuu furo oo meherkeedii ay u cafinayso, laguna furay hal dalqad oo dalqaddii koowaad ama labaad ah waxay la xukun tahay naagta la qabo oo kale, ciddada furniinka markay dhammaysatana waxay bilaabaysaa ciddadii asayda wayna dhaxlaysaa, Allaahna wuxuu yiri:
“Nabiyow haddaad haweenka furaysaan ciddada ku fura (daahir aan la taaban) ciddadana tiriya, Eebbana ka cabsada, hana ka bixinina guryahooda (ay joogeen marka la furayey) iyana yeyna ka bixin (yeyna ka tegin) inay xumaan cad la yimaadaan mooyee, taasi waa xuduudii Allaah, ruuxii ka tallaaba xuduuda Allaah naftiisa ayuu dulmiyey, ma ogidin, wuxuu Allaah u dhow yahay inuu kaddib xal keeno, (jacayl isku noqosho).”
Allaah wuxuu amray in aan haweenta la furay guriga laga saarin oo ay guriga ninkeeda ku ciddo tirsato, wuxuuna yiri waxaa laga yaabaa inay arrinka wax iska beddelaan oo uu soo ceshado xaaskiisa.
Haddii haweentaas lagu furay saddex dalqadood ama dalqaddii saddexaad ama ay ninkeeda ka dalbato furniin iyadoo u celinaysa meherkii ay ka qaadatay, amaba ay ninkeeda ka fasakhatay oo ay ku jirtey ciddadii markii uu geeriyooday, intaas oo dhami dhaxalka waxba kuma lahan, asayna ma qaadayaan, waxaase jirta haweenka saddexda lagu furay mar ay dhaxalka wax ku yeelanayaan waana marka uu ninku furo isagoo sakaraadaya oo geeri qarka u saaran laguna tuhmayo inuu u furay si aysan dhaxalka wax uga qaadan, wayna dhaxlaysaa xataa haddii ay ciddadeedii dhammaysatay haddii aysan nin kale guursan haddiise ay guursato dhaxalka wax kuma lahan.

Waa gef aan diinta ku banaanayn in haweenta la furo guriga laga saaro ama iyadu ka baxdo
Su’aasha 192aad: Manoo bayaanin kartaa ciddada ay tirsanayso haweenta la furay haddiise haweenta lagu furo furniin soo celin aqbalaya, miyay gurigeeda joogaysaa mise gurigii waalidkeed bay aadaysaa, ilaa uu ninkeedu ka soo ceshado?

Jawaab: Haweenta la furay furniin soo celis leh waxaa ku waajiba inay guriga ninkeeda joogto waana ka xaaraan inay guriga ka baxdo, ninkeedana waa ka xaaraan inuu guriga ka saaro Allaahna wuxuu yiri:
“Ha ka bixinina guryahooda (ay joogeen marka la furayey) iyana yeyna ka bixin (yeyna ka tegin) inay xumaan cad la yimaadaan mooyee, taasi waa xuduudii Allaah, ruuxii ka tallaaba xuduuda Allaah naftiisa ayuu dulmiyey.”
Maanta waxa dadku ay ku sugan yihiin oo ah markii haweenta lagu furo furniin soo celis aqbala inay markiiba guriga ka baxayso oo ay guriga reerkooda aadayso waa arrin gef ah Allaahna wuu xaaraantinimeeye wuxuuna yiri: “Guriga haka saarina iyaguna yaysan guriga iskood uga bixin,” waxaana amarkaas laga soo reebay haddii ay haweentu ku kacdo falal aad u fool xun oo markaas waxaa imaan kara in guriga laga saaro.
Alle markii uu arrintaas bayaaniyey wuxuu nooga digey in aan xuduudiisa ka tallaabno, wuxuuna yiri:
“Taasi waa xuduudii Allaah, ruuxii ka tallaaba xuduuda Allaah naftiisa ayuu dulmiyey.”
Kaddibna wuxuu Alle caddeeyey xikmadda ku jirta joogitaanka ay guriga joogayso wuxuuna yiri:
“Ma ogidin, wuxuu Allaah u dhow yahay inuu kaddib xal keeno, (jacayl isku noqosho).”
Dadka Muslimiinta ah waxaa waajib ku ah inay iska ilaaliyaan Allaah xuduudiisa amarkiisana fuliyaan isla markaana ay gaashaanka ku dhuftaan caado kasta oo amarka sharciga ah khilaafsan, waxaa nagu waajiba in aan mas’aladaan fiiro gaar ah u yeelanno, sideedana haweenta lagu furay furniin noqosho leh waxaa ku waajib ah inay joogto guriga ninkeeda ilaa ay ciddadu u dhammaanayso, waxayna guriga ugu wada noolaan karaan sidii ay horay ugu wada noolaayeen kamana ay xijaabanayso oo iska asturi mayso wayna la sheekaysan kartaa oo la fariisan kartaa wayna isu qurxin kartaa, oo isu udgin kartaa waxaana ka reebban oo qura inay galmood iyo taataabasho iyo wixi la mid ah ay sameeyaan, haddii ay la noqoto inuu soo ceshado xaaskiisa laba arrimoodba waa samayn karaa:
Inuu ku dhawaaqo oo yiraahdo (Raajactu Zowjatii) (waan soo ceshaday xaaskaygii).
Inuu ficil ahaan ku soo ceshado oo u galmoodo isagoo niyaysan inuu soo ceshaday afkana waxba kaga dhawaaqin.
Haweenka lagu furay dalqadaha aan soo celiska lahayn arrinkoodu waa wajiyo badan yahay: Matalan haddii uu ninku xaaskiisa furo isagoon wali u galmoon oo aan la kali noqon lana baashaalin, markaas wax ciddo ah oo ay tirsanayso ma leh, saacadda la furana ninkii ay doonto ayay horay ka guursan kartaa, isagana ay ka xaaraantinimoobaysaa, haddiise uu la aqal galo oo uu la keli noqday ama uu u galmooday waxay tirsanaysaa ciddo, waana sidan soo socota:
Haddii ay uur leedahay cidadeedu waxay ku eg tahay markay dhasho, waana isku mid haddii ay muddadu dheeraato iyo hadday gaabato waxaana laga yaabaa in subixii inta la furo ay duhurkii dhasho, ama inta la furo bisha Muxaram in aysan dhalin ilaa laga gaaro bisha Dul-Xijja oo ay ciddo ku jirto 12 bilood, hadal iyo dabuubtiis xaamilada ciddadeedu waxay ku eg tahay markay dhasho Allaahna wuxuu yiri:
“Haweenka uurka leh ciddadoodu waa inay dhalaan.”
Haddii haweentu aysan uur lahayn ayna ka mid tahay kuwa dhiigga caadada hela ciddadeedu waa inay sadddex jeer dhiig hesho oo ay ka daahir noqoto, macnaha waa inay dhiig hesho oo ay ka daahir noqoto, oo haddana hesho oo ay ka daahir noqoto, oo haddana dhiig kale ay hesho oo ay ka daahir noqoto, saddexdaas dhiig ayay ciddadeedu ugu dhammaanaysaa, haddii ay muddada u dhexaysaa dheeraato iyo haddii kaleba halkaas ayayna ciddadeedu ugu dhammaanaysaa waana isku mid haddii mudada u dhexaysaa dheeraato iyo haddii kale.
Sidaa darteed haddii la furo iyadoo wax nuujinaysa dhiigna aysan helin ilaa iyo laba sano kaddib ama wax ka badan, ciddadu u dhammaan mayso ilaa ay saddex dhiig hesho, Allaahna wuxuu yiri:
“Haweenka la furay waxay sugayaan inay saddex jeer (dhiig) ka daahir noqdaan.”
Haweenka iyagu aan dhiig caado helin da’ yaraan awgeed iyo kuwa da’da weyn ee uu ka go’ay dhiigga caadadu ee aan rajada ka qabin, waxay tirsanayaan saddex bilood, Allaahna wuxuu yiri:
“Haweenkiinna caadada ka quustay haddaad shakidaan ciddadoodu waa saddex bilood, kuwaan caadada lahaynna (gabdhaha yar yar) waa sidaas oo kale.”
Haweenka dhiiggu ka istaagay lana ogyahay in uusan ku soo noqonayn sabab jirta awgeed sida haweenka ilma galeenka laga saaray oo kale waxay la xukun yihiin kuwa dhiiggu ka joogsaday oo aan ka rajo qabin inuu dib dambe ugu soo noqdo ciddadooduna waa saddex bilood.
Haddii ay haweeneydu dhiiggii iska weydo iyadoo og sababka arrinkaas keenay, waxaan soo xusnay inay sugayso intuu dhiiggu u soo noqonayo kaddibna waxay tirsanaysaa saddexdii bilood oo ciddada ahayd.
Haddii ay dhiigii iska weydo iyadoon ogayn sababta uu uga go’ay, culimadu waxay yiraahdeen waxay ciddo tirsanaysaa hal sano, sagaal bilood oo ah inta uurka haweenku ay sidaan iyo saddex bilood oo ciddo ah, waana intaas qaybaha cidooyinka haweenka u qaybsamaan.
Waxaa iyana jira haween raggoodii laga fasakhay ama khulco ha noqota ama si kale ha noqotee kuwaas ciddadoodu waa inay hal dhiig helaan oo ay ka daahir noqdaan, haddii uu ninku haweentiisa furo (iyadoo furniin dalbanaysa) isla markaana uu xujaysto inay siiso hanti uu magacaabay si uu u furo (waa furniinka khulcada loo yaqaan), oo sidaa uu ku furo markaas ciddadeedu waa inay hal dhiig hesho oo ka daahir noqoto.

Cutubka Laba iyo Tobnaad – Furniinka

FURNIINKA
Nin xaaskiisii furay isagoo xanaaqsan
Haweeney saddex lagu furay
Nin xaaskiisa ku yiri waad iga furantahay labo jeer oo wada socda Xukunka haweentu inay dalbato furniin
Furniinka Saddexda dalqadood oo hal mar ah
U wakiilashada furniinka haweenta nafteeda ama cid kale
Furniinka Haween uur leh
Xilo dalaaqa
Xilo dalaaq aan furniin loola qasdin
Ka dhaarashada haweenka
Naag ninkeedii iska xaaraantinimaysay
Furniinka iyo xaaladaha shabbaha
Furniinku ma dhacayaa haddii ninka la khasbo
Khulcada dalqad ahaan miyaa loo xisaabinayaa
Muxuu yahay macnaha hooyaday ayaad iga tahay?
Ma dhacayo furniinka nin sakhraansan
Haddii ninku xaaskiisa furo isagoo xanaaqsan oo xiskiisu joogin
Haddii ninku u ballan qaado xaaskiisa inuu furayo, maka furmaysaa?
Ninku ma furayaa xaaskiisa haddii hooyadiis sidaas ka dalbato?
Saddex dalqo ayuu ku furay isagoo niyaysnaa inuu hal dalqad ku furo
Nin yiri wax walba waa iga xaaraan xaaskiisu ma ka furmaysaa?
Haweenka la furay marka lagu noqonayo shardi ma ahan inay ku raalli yihiin

FURNIINKA

Nin xaaskiisii furay isagoo xanaaqsan
Su’aasha 163aad: Nin ayaa isagoo aad u xanaaqsan lagu yiri, “Xaaskaagii miyaad furtay?” Wuxuu ku jawaabay, “Haa, waan furay,” isagoo ku cariiqsanaya kaddibna maalintii labaad ayuu inta shaydaanka iska naaray oo markhaatiyaal soo kaxaystay haweentiisii soo ceshaday, wuxuuna doonayaa inuu ogaado xukunka arrintaas?

Jawaab: Xaaskaagu way kaa furantay markii ay ku weydiiyeen in aad xaaskaaga furtay oo aad ugu jawaabtay, “Haa!” Soo celinta aad soo celinaysayna way ansaxaysaa haddii markii aad furaysey aadan ku furin dalqaddii ugu dambeysey, haddiise aad ku furtay dalqaddii ugu dambeysey kuuma bannaana in aad soo ceshatid ilaa uu nin kale guursado isagoon uga dan lahayn inuu kuu xalaaleeyo, haddii ay ninkaas kala tagaan, guur cusub iyo meher cusub ayaad ku guursan kartaa, haddii ay ka raalli tahay.

Haweeney saddex lagu furay
Su’aasha 164aad: Nin ayaa xaaskiisii oo labo carruur ah u haysa ku furay saddex dalqadood, isaga ayayna la nooshahay wayna is arkaan, ma u bannaan tahay cuntada ay gurigiisa ka cunayso, mase ku leedahay wax xuquuq ah?

Jawaab: Naagta saddexda lagu furay ninka ajnabi ayay ka tahay, lamana keli noqon karo sida naagaha kale ee ajnabiga ka ah oo kale, umana bannaana inuu fiiriyo, xuquuqna kuma uu lahan, sidoo kale kulama heshiin karo inay nin kale guursato oo uu furo kharashkana isagu uu bixiyo si uu u guursado, haddii nin kale u guursado si shareecada ku bannaan oo kaddibna dhinto ama uu saddex ku furo, uma bannaana ninkii hore inuu guur la soo hadal qaado oo uu si cad ugu soo bandhigo ilaa ay ciddada ka baxayso sida ay Muslimiintu isku waafaqsan yihiin.
“Dhib (dambi) korkiina ma aha waxaad sarbeebtaan oo hadal haween ah (doonid) ama aad ku qarisaan naftiinna, Allaah waa ogyahay in aad sheegaysaan haweenkaas, laakiin hawgu yaboohina qarsoodi in aad dhahaysaan hadal fiican mooyee.”

Nin xaaskiisa ku yiri waad iga furan tahay labo jeer oo wada socda
Su’aasha 165aad: Waxaa dhacday in aan xaaskaygii ku furay hal dalqad, kaddibna aan soo ceshaday, hase yeeshee muddo yar kaddib ayaa hadal na dhex maray oo aan ku iri waad iga furan tahay oo waad furan tahay, ku celcelintana ulama jeedin tiro ahaan ee iyadaan ku aamusinayey, kaddibna afar markhaati hortood baan ku soo ceshaday iyadoo uur leh oo aan wali dhalin, waxaana idinka rajaynayaa in aad ii bayaanisaan arrintaas xukunkeeda?

Jawaab: Haddii ay arrintu tahay sida aad u sheegtay haweentana aad soo ceshatay intaysan dhalin markhaatiyaalna aad u yeeshay way ansaxaysaa soo celintaasi furniinkaasna waxaa laga soo qaadayaa hal dalqad, ku celcelinta aad furniinka ku celcelisay ma noqonayso in aad laba dalqadood ku furtay maadaama aadan sidaas ula jeedin, marka labaad ee aad tiri waad furan tahay wuxuu xoojinayaa kii ka horreeyey, waxaad kaloo sheegtay in aad haweentaas hadda ka hor hal dalqad ku furtay sidaas darteed haweentaas waxaa kuugu haray hal dalqad waana in aad carrabkaaga ka ilaalisid in aad mar kale furtid, oo aad markaas shallaydid iyadoon shallaytadu wax kuu tarayn.

Xukunka haweentu inay dalbato furniin
Su’aasha 166aad: Haweeney ayaa waxay leedahay ninkaygu waa jaahil xuquuqda aan ku leeyahayna ma daryeelo aniga iyo waalidkay ayuu lacnadaa wuxuu igu yiraahdaa Yuhuudiyad iyo Masiixiyad iyo wixi la mid ah, aniguna waan iska sabri jirey maadaama aan awlaad u leeyahay, hase yeeshee kaddib markii ay rumatiisimo igu dhacday ayaan aragtidiisii wax kasta ka necbaystay ilaa aan gaaray heer aanan awoodin in aan la hadlo nacayb dartiis, waxaan xaaladdaas ku sugnaa muddo lix sano ah oo aan ka ahaa agtiisa haweeney la furay ama ajnabiya, waxaan ka dalbaday furniin wuuna diiday, haddaba maxay diintu ka qabtaa dalabkayga aan furniinka dalbanayo?

Jawaab: Haddii ay arrintu tahay sida aad sheegtay wax dhib ah ma leh in aad furniin ka dalbato, haddii aad doontidna waxaad kula gorgortami kartaa in aad maal siinaysid hadduu ku furo, si aad dhibkiisa iyo dabci xumadiisa uga nasatid, haddiise aad aragto in aad u sabri karto adigoo ugu naseexaynaya asluub wanaagsan, Rabbina hanuun u weydiinaya adigoo caruurtaada u danaynaya oo fiirinaya baahida aad u qabtaan biilkiisa, waxaan kuu rajaynayaa in aad arrintaas ajar badan ku helaysid, waana haddii uu ninkaasi yahay nin tukada oo aan diinta caayin, Allaah waxaan u weydiineynaa hanuun iyo toosnaan, haddiise aanu tukan diintana caayo ,kuuma bannaana in aad la sii joogto, jirkaagana aad u oggolaatid sababtoo ah diinta oo la caayo ama lagu jeesjeeso waa gaalnimo diinta looga baxayo sida ay qabaan ijmaaca culimadu, Allaah wuxuu yiri:
“Ma waxaad ku jeesjeesayseen Allaah iyo aayadihiisa iyo Rasuulkiisa? Ha cudurdaaranina waxaa xaqiiq ah in aad gaalowdeen rumayntiinii kaddib.”
Sidoo kale salaadda ka tagiddeedu waa gaalnimo weyn, sida ugu saxsan culimada qowlkooda xataa haddii aanu qofku inkirin waajibnimadeeda waxaana arrintaas sugaya xadiis ku yaal Saxiixa Muslim oo uu Jaabir ka warinayo Rasuulku inuu yiri:
“Qofka iyo gaalnimada iyo shirkiga waxaa u dhexeeya salaadda ka tegiddeeda.”
Imaamu Axmed iyo Ahlu-Sunanku waxay sanad saxiix ah kaga wariyeen Burayda bin Xusayib inuu Nabigu yiri,
“Annaga iyo gaalada waxaa noo dhexeeya salaadda qofkii ka tagaana waa gaaloobay.”
Aayadaha iyo axaadiista arrintaan caddaynaysa way badan yihiin.

Furniinka saddexda dalqadood oo hal mar ah
Su’aasha 167aad: Haddii ninku haweentiisa ku furo saddex dalqadood oo hal mar ah (macnaha uu yiraahdo saddex baad iiga furan tahay) muxuu noqonayaa arrintaas xukunkeedu?

Jawaab: Haddii uu ninku haweentiisa ku furo saddex dalqadood oo hal mar ah (macnaha uu yiraahdo saddex baad iiga furan tahay), jamhuurka ahlu cilmigu waxay qabaan inay haweentaasi ku furmayso saddexdii dalqadood, ninkana ay sidaas kaga xaaraantinimoobayso, ilaa uu ka guursado nin kale isagoon guurkaas ula jeedin inuu naagtaas u xalaaleeyo ninkii horay u furay, guurkaasuna waa inuu noqdo mid ay ninka iyo naagtu ku kulmeen oo galmood ka dhex dhacay, kaddibna ay ku kala tagaan furniin ama geeri, waxayna u soo daliilsadeen arrintaas in Cumar bin Khaddaab uu arrintaas xukmiyey, qaar kale oo ahlu cilmiga ka mid ah waxay qabaan, in furniinkaas laga soo qaadayo hal dalqad ninkuna uu xaq u leeyahay inuu xaaskiisa soo ceshado inta ay ciddada ku jirto, haddii ay ciddada ka baxdana waxay ugu xalaal noqonaysaa inuu nikaax cusub ku soo ceshado, waxayna arrintaas u soo daliilsadeen Muslim inuu Saxiixiisa ku wariyey xadiis uu ka warinayo Ibnu Cabbaas oo oranaya:
“Waagii Nabiga iyo waagii Abuu Bakar iyo labo sano oo ka mid ah waagii Cumar furniinka saddexda dalqadood ah hal ayaa laga soo qaadi jiray, kaddibna Cumar ayaa wuxuu yiri, ‘Dadku arrin ay ka dhowrsan jireen bay ku degdegeen,’ (macnaha inay haweenka ku furaan saddex dalqadood oo hal mar ah), ‘Ee ka warrama haddii aan ku socodsiinno?’ Wuuna kaga dhabeeyey oo wuxuu ku soo rogey ninkii saddex dalqadood hal mar ku fura xaaskiisa, inay saddexdii dalqadoodba ku furmayso.”
Wuxuu kaloo Muslim wariyey in Abuu Sahbaa uu ku yiri Ibnu Cabaas “Xilligii Nabiga iyo xilligii Abuu Bakar iyo saddex sano oo xukunkii Cumar ah, saddexda dalqadood oo hal mar xaaska lagu furo soo lagama soo qaadi jirin hal dalqad?”
Wuxuuna ugu jawaabay, “Haa.”
Waxay kaloo soo daliilsadeen Imaamu Axmed oo Musnadkiisa Ibnu Cabbaas kaga wariyey sanad wanaagsan, in Abaa Rukaana uu ku furay xaaskiisii saddex dalqadood, (arrintiina ay ku cuslaatay) oo aad uga murugooday, markaasna Nabigu uu ku yiri:
()
Waxaa laga soo qaadayaa furniinkaas hal dalqad, xaaskiisiina wuu u soo celiyey, furniinkaas labada xadiis ku xusan waxay ku fasireen saddex dalqadood oo hal mar ah, waxayna is waafajiyeen, labadaan xadiis iyo aayadda uu Alle yiri:
“Haddii uu furo uma bannaana markaas kaddib ilaa ay nin kale guursato.”
Sidaas ayay doorteen koox ahlu cilmiga ka mid ah sida Ibnu Cabbaas warinta saxiixa ah ee laga wariyey, in badan oo ahlu cilmiga ka mid ah waxay qaateen warin kale oo Ibnu Cabbaas ka sugnaatay, ahlu cilmiga qaba in furniinkaas laga soo qaadayo hal dalqad waxaa ka mid ah Cali bin Abuu Daalib, Cabdirraxmaan Bin Cawf iyo Zubayr ibnu Cawaam, waxaa kaloo sidaas qaba koox ka mid ah taabiciintii iyo Imaam Maxamed bin Isxaaq (ee siirada wax ka qoray) waana sida uu doortay Sheekhul-Islaam Ibnu Taymiya iyo ardaygiisii Al-Callaama Ibnu Qayim, Aniguna sidaas ayaan ku raacsanahay oo ku jawaabayaa sababtoo ah waxay waafaqsan tahay ku dhaqan lagu dhaqmayo daliilka sharciga ah dhammaantiis, waxaa kaloo ku sugan turid iyo naxariis Muslimiinta loo naxariisanayo.

U wakiilashada furniinka haweenta nafteeda ama cid kale
Su’aasha 168aad: Waxay shareeecada Islaamku sugtay furniinku inuu yahay xaq uu leeyahay ninku, haddana culimada qaar ka mid ah ayaa waxay qabaan inuu ninku xaaskiisa u wakiilan karo furniinkeeda ama uu nin kale u wakiisho furniinka xaaskiisa, maxaa xukunkeedu yahay arrintaas?

Jawaab: Ma garanayo wax xadiis ah oo uu Nabigu kaga hadlay in furniinka loo wakiisho haweeney ama cid kaleba, culimadu arrintaas waxay kala soo dhex baxeen Kitaabka iyo Sunnada oo ay ku bayaansan tahay inuu ninka caqligiisu dhammaystiran yahay maalkiisa iyo wixi la mid ah u wakiilan karo cid kale, furniinka taas oo kale ayay ka soo qaadeen, sideedana furniinku waa xaq uu ninku leeyahay oo haddii uu xaaskiisa furniinkeeda u wakiisho iyada nafteeda ama cid kale oo mas’uuliyaddaas qaadi karta dhibaato kuma sugna, annaga oo tix raacayna qaacidadii sharciga ahayd ee aan soo xusnay.
Haseyeeshee ma bannaana inuu ninku cid kale u wakiisho furniin saddex dalqadood ah, sababtoo ah isagaba uma bannaana sharci ahaan inuu xaaskiisa saddex ku furo mar kaliya.
Imaam an-Nasaa’i wuxuu wariyey xadiis sanadkiisu xooggan yahay oo laga wariyey Maxamuud bin Lubayd oo yiri, “Nabiga ayaa loo sheegay nin xaaskiisii ku furay saddex dalqadood oo isku mar ah, markaas ayuu Rasuulku inta xanaaqay wuxuu yiri,
“Kitaabka Allaah miyaa lagu dheelayaa anigoo idin dhex jooga?” Labada Saxiixna waxaa ku qoran ibnu Cumar mar wax laga weydiiyey furniinkaas inuu ku jawaabey,
“Haddii aad saddex dalqadood ku furtay, waxaad caasiday Rabbigaa siduu ku amray in aad xaaskaaga u furtid.”

Furniinka haween uur leh
Su’aasha 169aad: Mala furi karaa haweeney xaamilo ah?

Jawaab: Dhib kuma sugna furniinka haweeney xaamilo ah Nabiguna wuxuu ku yiri Ibnu Cumar markii uu xaaskiisa furay iyadoo macduur ah:
“Soo cesho oo hayso ilaa ay ka daahir noqoto oo haddana caado hesho ay ka daahir noqoto, markaas kaddibna haddii aad doontid iska fur iyadoo daahir ah inta aadan taaban ama iyadoo uur leh.”

Xilo dalaaqa
Su’aasha 170aad: Waxaan ahay nin xaas leh, maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaan ku dhaartay saddex dalqadood inay haweentaydu iiga furan tahay haddii aan waxaas mar dambe sameeyo. Tusaale ahaan, haddii aan mar dambe been sheego oo kale. Furniin ugama dan lahayn arrintaas. Haddaba furniinkaasi ma dhacayaa?

Jawaab: Haddii ruuxa Muslimka ah ku dhaarto in xaaskiisu ka furan tahay haddii uu sidaas iyo sidaas yeelo, waxaas uu ka dhaaranayo ha noqdeen wax uu rabo inuu naftiisa u diido, ama ha noqdeen wax uu rabo inuu sameeyo oo uu nafta ku dirqinayo iyo wixi la mid ah, ahlu cilmigu waxay rajaxeen in arrintaas xukunkeed u noqonayo xukunka dhaarta oo kale haddii aanu furniin ugala jeedin, waxaana laga doonayaa kafaare gudkii dhaarta, haddiise uu uga dan lahaa furniin, furniinkaasi wuxuu noqonayaa mid ku xiran wixii uu ka dhaartay oo furniinkii wuu dhacayaa, waxaana u daliil ah xadiiskii Nabiga ee ahaa:
“Ficil kasta oo la sameeyo waa wixii loola niyoodo qof walbana wixii uu niyaystay ayuu leeyahay.”
Haddiise furniinka uu ku dhaartay ahaa saddex dalqadood, hal dalqad keliya ayaa dhacaysa, sababtoo ah Saxiixu Muslim ayay ku qoran tahay arrin laga warinayo Ibnu Cabbaas oo sidaas caddaynaysa, haddii waxa uu ku dhaartay yihiin shardi ku xiran markii waxaasi dhacaan haweentu waa iga furan tahay, matalan haddii uu yiraahdo: Haddii Ramadaan la gaaro ama haweentu ay dhasho way iga furan tahay iyo wixi la mid ah, xaaladdaan oo kale markii shardigaas la helo haweentii way furmaysaa, xukunkii dhaartana ma yeelanayo.

Xilo dalaaq aan furniin loola qasdin
Su’aasha 171aad: Nin dhawaan guursaday ayaa isagoo is hilmaansan ku dhaartay inay haweentiisu ka furan tahay haddii uusan waxaas soo iibsan caadana uma lahaan jirin inuu furniin ku dhaarto, Allaah dambi dhaaf ayuu weydiistay haweentiisu miyay ka furmaysaa?

Jawaab: Arrintaas xukunkeedu wuxuu ku xiran yahay qofka niyaddiisa, matalan haddii uu ula jeeday inuu isku dhiiri galiyo inuu shaygaas soo iibsado oo aanu ula jeedin inuu xaaskiisa furayo haddii aanu shaygaas soo iibsan, xukunkiisu wuxuu noqonayaa kan dhaarta oo kale sida ugu raajixsan qowlka ahlu cilmiga, xaaskiisuna kama furmayso waxaase laga doonayaa kafaare gudkii dhaarta, oo ah inuu quudiyo toban masaakiin ah maskiin kastana uu siiyo saac barkiis oo cuntada waddankaas laga cuno ah sida bariis, timirta iyo wixi la mid ah, waxaana lagu qiyaasi karaa kiilo iyo bar, haddiise uu tobankoodaba qado ama casho u sameeyo ama uu tobankoodaba u labiso dhar cawradooda asturi kara oo ay ku tukan karaan way ka gudaysaa.
Haddii uu dhaarta iyo xila dalaaqa ula jeeday inuu xaaskiisa furayo haddii aanu shaygaas uu ku dhaartay soo iibsan markaas dalaaqu waa dhacayaa.
Dadka Muslimiinta ah waxaa u habboon in aanay adeegsan furniinka caynkaas oo kale ah sababtoo ah in badan oo ahlu cilmiga ka mid ah waxay qabaan labada jeerba furniinku in uu dhacayo, Nabiguna wuxuu yiri:
“Ruuxii waxyaalaha shubuhaadka ah ka dhawrsada wuxuu badbaadsaday diintiisii iyo sharaftiisii.”

Ka dhaarashada haweenka
Su’aasha 172aad: Waxaa muran dhex maray xaaskaygii iyo wiilkayga xaaskiisa markaasaan inta xanaaqay xaaskaygii ku iri xaaraan ayaad iga tahay muddo sannad ah, maxaa ka waajibaya arrintaas?

Jawaab: Haddii ay arrintu sidaas u dhacday haweentiisana uu iska xaaraantinimeeyey muddo go’an oo sanad ah, waxa uu la yimid munkar iyo been abuurasho, waana inuu Allaah u toobad keeno.
Wax kafaaro gud ah laga dooni mayo haddii uusan u galmoon haweentiisa sannadkaas oo idil, haddiise uu u galmoodo inta aanu dhammaan sannadkii uu ku dhaartay waxaa ku waajibaya kafaaro gudkii dihaarka (haweenta oo laga dhaarto) kafaaro gudkaasina waa in uu xoreeyo mu’min addoon ah haddii uu waayana wuxuu soomayaa laba bilood oo xiriir ah oo aanu maalin ka afurin, haddii uu kari waayana wuxuu quudinayaa 60 maskiin isagoo mid kasta siinaya saac barkiis oo timir ama bariis iyo wixi la mid ah, waxayna u dhigantaa qiyaas ahaan kiilo iyo bar, Allaah waxa uu yiri:
“Kuwa haweenkooda kala mid dhiga hooyadood oo kale oo haddana ku noqda [haweenkii] waxaa ku waajib ah qoor xoraynteed intaysan istaaban, arrintaasi waa waano Allaahna waxaad camal falaysaan waa og yahay. Ruuxaan helin qoor uu xoreeyo wuxuu soomayaa laba bilood oo israacsan intaysan istaaban, ciddiise aan karin soonka waxay quudin lixdan miskiin.”

Naag ninkeedii iska xaaraantinimaysay
Su’aasha 173aad: Sidee ayuu xukunku noqonayaa haddii ay naagtu ninkeeda ku tiraahdo haddii aad sidaas yeeshid aabbahay ayaad iga tahay, ama ay lacnado ama ay ka cawdi billaysato ama isagu uu sidaas ku yiraahdo?

Jawaab: Haweentu haddii ay ninkeeda iska xaaraantinimayso ama ay ku masasho qof ka mid ah dadka ehelkeeda ah oo aan gayin, arrintaasi xukunkeedu wuxuu noqonayaa xukunka dhaarta oo kale waxaana laga doonayaa kafaaro gudkii dhaarta oo ah:
Quudin toban miskiin oo la siinayo mid kasta saac barkiis oo u dhiganta kiilo iyo bar, wayna ka gudaysaa haddii ay dadkaas qado ama casho siiso, amaba ay siiso dhar cawradooda u asturaya oo ay ku tukan karaan Allaahna wuxuu yiri:
“Allaah idiin ma qabto dhaar dan la’aaneed (laqwi) laakiin wuxuu idiin qaban dhaartaad u qasaddaan, kafaaradeeduna waa quudin toban miskiin (oo siisaan) kan u dhexdhexaadsan waxaad ku quudisaan ehelkiinna ama arrad bixintooda ama xorayn qoor, ciddaan heli karinna waxay soomi saddex maalmod, taasaana ah kafaarada dhaartiinna markaad dhaarataan, ee dhawra dhaartiinna, saasuuna idiinku caddayn Allaah aayaadkiisa, waxaadna mudan tihiin in aad ku mahdisaan.”
Haddii haweentu iska xaaraantinimayso wixii Alle u xalaaleeyey, waxaa ku waajibaya kafaaro gudkii dhaarta, ninkana waa sidoo kale haddii uu iska xaaraantinimeeyo wixii Alle u xalaaleeyey oo aan xaaskiisa ka ahayn, wuxuu la imaanayaa kafaare gudkii dhaarta, waxaana u daliil ah aayadda uu Alle ku yiri:
“Nabiyow maxaad u xarrimi wax Allaah kuu xalaaleeyey si aad u raalli geliso haweenkaaga? Allaah waa dambi dhaaf badane naxariiste ah. Allaah waa idiin caddeeyey waxa aad dhaarihiinna kaga xalaaloobi, waana wax walba oge falsan.”
Haddii ninku iska xaaraantinimeeyo xaaskiisa waxaa ku waajibaya xukunkii dihaarka sida ugu raajixsan qowlka culimada haddii ay xaaraantinimayntaasi ahayd mid go’an ama ku xiran shardi sida inuu ninku ku yiraahdo xaaskiisa, “Xaaraan ayaad iga tahay,” ama uu yiraahdo, “Xaaskaygu waa iga xaaraan haddii Ramadaan la gaaro,” iyo wixi la mid ah, arrintaasina waxay la xukun tahay ninka xaaskiisa ku yiri, “Hooyaday ayaad iga tahay,” waa arinta dihaarka lagu magacaabo, arrintaas oo ah munkar iyo been abuurasho, qofkii falkaas la yimaadana waxaa ku waajiba inuu Alle u toobad keeno isla markaana uu la yimaado kafaare gudkii inta aanu xaaskiisa u galmoon, waxaana u daliil ah aayaddan uu Alle yiri:
“Kuwa haweenkooda kala mid dhiga hooyadood oo kale haweenkoodu ma aha hooyadood, hooyo waa midda wax dhashay, kuwaasina waxay ku hadlayaan hadal xun iyo been Allaahna waa saamax badane dhaafid badan.”
Waxaa iyana la mid ah aayadda kale ee Alle yiri:
“Kuwa haweenkooda kala mid dhiga hooyadood oo kale oo haddana ku noqda [haweenkii] waxaa ku waajib ah qoor xoraynteed intaysan istaaban, arrintaasi waa waano Allaahna waxaad camal falaysaan waa og yahay. Ruuxaan helin qoor uu xoreeyo wuxuu soomayaa laba bilood oo israacsan intaysan istaaban, ciddiise aan karin soonka waxay quudin lixdan miskiin.”
Quudinta maskiinka waxaa waajib ah in miskiin kasta la siiyo saac barkiis oo cuntada waddankaas lagu cuno ah (kiilo iyo bar cunto ah), taasina waxay imanaysaa marka uu qofku awoodi waayo xoraynta addoonka ama soomitaanka.
Waa ka xaaraan haweenta inay ninkeeda lacnado ama ka cawdi billaysato, haddiise ay sidaasi dhacdo ninkeedu xaaraan kama noqonayo waana inay arrintaas Allaah uga toobad keento ninkeedana ay waydiisato inuu cafiyo, ninkana waa sidoo kale oo haddii uu lacnado xaaskiisa ama uu ka cawdi billaysto kama ay xaaraantinimoobayso waase inuu ka toobad keeno eray xumadaas, xaaskana uu saamaxaad ka dalbado, sababtoo ah ruux Muslim ah in la lacnado ma bannaana haddii ay labada is qaba dhexdooda tahay ama ay cid kale tahay, waxayna ka mid tahay arrintaasi dambiyada waaweyn,
Nabigu wuxuu yiri, () “Ruux muslim ah in la lacnado waxay la mid tahay dilkiisa oo kale.”
Waxaa kale oo Rasuulku yiri:
“Kuwa wax lacnada maalinta qiyaamaha ma noqonayaan kuwo wax u shafeeca iyo kuwo markhaati gala midna.”
Wuxuu kaloo Rasuulku yiri, ([arabic-font span=”yes”]سباب المسلم فسوق وقتاله كفر[/arabic-font]) “Qof Muslim ah caydiisu waa faasiqnimo dilkiisuna waa gaalnimo.”
Allaah waxaan weydiisanaynaa badbaado.

Furniinka iyo xaaladaha shabbaha
Su’aasha 174aad: Muxuu yahay khulciga ku xusan Kitaabka Qur’aanka ah iyo Sunnaha?

Jawaab: Isfurashada Qur’aanka iyo Sunnada ku xusan waa inay haweentu ninkeeda dhibsato oo ay doonayso inuu furo ayna siiso meherkii ay ka qaadatay ama qaarkiis si ay nafteeda ugu furato oo uu isaga furo, haddiise labadoodu ay is rabaan ma bannaana in la kala furo waana arrin cusub oo Islaamka aan horay ugu jirin.
Haddii aysan ninkaas rabin oo doonayso inuu furo waxay isku furanaysaa oo u celinaysaa meherkii ay ka qaadatay wuuna furayaa sida ku sugan Kitaabka iyo Sunnada culimaduna ay isku waafaqeen.

Furniinku ma dhacayaa haddii ninka la khasbo
Su’aasha 175aad: Haweeney ayaa ninkeedii karaahsatay waxayna ka dalbatay in uu furo (khulco) waxay ku tiri, “Haddii aadan i furin waan is dilayaa.” Waxaa ninkii lagu khasbay inuu furo, nin kale ayayna guursatay, ninkii hore wuxuu doonayaa in loo soo celiyo xaaskiisii wuxuuna ku andacoonayaa in khasab looga furay markii hore, iyaduna waxay rabtaa ninka labaad ee guursaday?

Jawaab: Haddii ninkaasi uu ka gaabiyo haweenta xaqeeda ay waajibka ugu leedahay ama uu dhib u geysto ha ahaado dhibkaasi hadal xumo ama gacan-qaad isagoo ka gardarran sidaas awgeedna lagu khasbay inuu furo, furniinkaasi waa ansaxayaa guurkeeda labaadna kuma ay khaldana waxayna u tahay xaas ninka labaad ee guursaday.
Haddiise ninka la garaaco ama la xiro oo lagu khasbo inuu xaaskiisa furo, isaga oo xaqeeda gudanaya oo si wanaagsan ula dhaqmaya furniinkaasi ma dhacayo.
Haddii haweentu ay kahanayso ninka isagoon wax dulmiya ku samayn waxa laga codsanayaa inuu furo iyadoon la khasbayn, haddii uu diidana waxaa haweeneyda la farayaa inay sabirto (oo ninkeeda raaliyo u noqoto) maadaama aanu la imaan wax dulmiya oo looga fasakho.

Khulcada dalqad ahaan miyaa loo xisaabinayaa
Su’aasha 176aad: Khulcada dalqad ahaan miyaa loo xisaabinayaa?

Jawaab: Culimadu mas’aladaan way isku khilaafsan yihiin kuwoodii hore (salaf) iyo kuwa dambaba (khalaf), waxaana jira labo qawl oo kala ah:
Qawlka 1aad: Imaamu Axmed iyo asxaabtiisu waxay qabaan inuu yahay fasakhid nikaaxii la fasakhay oo aan dalqad ahaan loo tirinayn, haddii ay toban jeer khulco ku kala tagaanna wuu ku noqon karaa, Shaaficina labadiisa qawl mid ka mid ah ayaa sidaas qaba asxaabtiisuna ay doorteen, waana sida ay qabaan jamhuurka fuqahada xadiisku.
Qawlka 2aad: Dalqad ahaan ayaa loo xisaabinayaa, waxaana sidaas qaba in badan oo salafka ka mid ah.
Waxaa raajix ah oo aan doortay qawlka Ibnu Cabbaas waxaana dhacday in uu nin xaaskiisii ku celiyey isagoo ku furay laba dalqadood iyo mar khulco ah intaysan nin kale guursan.
Ibnu Cabbaas waxaa arrintaas wax ka weydiiyey Ibraahim bin Sacad bin
Abii Waqaas markii Zubayr u dhiibay maamulka Yaman wuxuuna ku yiri, “Yamantu siday u badan yihiin furniinkoodu waa mid khulco ah.” Ibnu Cabbaas wuxuu ugu jawaabay, “Khulcadu furniin ma ahan ee dadka ayaa magaceedii khalday.”

Muxuu yahay macnaha hooyaday ayaad iga tahay?
Su’aasha 177aad: Nin ayaa xaaskiisa ku yiri, “Hooyaday iyo walaashay ayaad iga tahay.” Muxuu noqonayaa xukunkoodu?

Jawaab: Haddii uu uga dan leeyahay cisaynta iyo karaamaynta hooyada iyo walaasha oo kale ayaan ku cisaynayaa wax dhib ah ma leh, haddiise uu ula jeedo hooyaday iyo walaashay oo kale baad iga tahay guur (geyaan) ahaan, markaas waa dihaar waxaana ku waajiba wixii ku waajibayey ninka dihaarka ku dhawaaqa oo ku yiraahda xaaskiisa hooyaday ama walaashay baad iga tahay, haddii uu haweentaas inuu haysto doonayo uma dhawaanayo ilaa uu kafaare gudkii dihaarka la yimaado.
Dihaarku waa kafaara gudka ku waajiba haddii ninku naagtiisa yiraahdo “Hooyaday baad iga tahay,” iyo wixi la mid ah. Kafaaro gudkaasi waa in uu xoreeyo mu’min addoon ah haddii uu waayana wuxuu soomayaa laba bilood oo xiriir ah oo aanu maalin ka afurin, haddii uu kari waayana wuxuu quudinayaa 60 maskiin isagoo mid kasta siinaya saac barkiis oo timir ama bariis iyo wixi la mid ah, halkii saac wuxuu u dhigmaa qiyaas ahaan kiilo iyo bar.

Ma dhacayo furniinka nin sakhraansan
Su’aasha 178aad: Nin sakhraansan oo caqligiisii maqan yahay haddii uu ku dhaarto inuu xaaskiisa furay ma ansaxayaa furniinkaasi?

Jawaab: Mas’aladaan laba qawl ayay culimadu ka qabaan: kan saxiixa ahna waa inuusan furniinkaasi ansaxayn dhaartiisuna ka soo qaad lahayn, maadaama uu sakhraan yahay.
Sidaas waxaa laga wariyey Cusmaan bin Cafaan saxaabaduna kuma ay khilaafin, intaan ogahay, waana qawlka in badan oo salafka iyo culimadii dambe ka mid ah, sida Cumar bin Cabdulcasiis iyo qayrkiisba, waxaana waafaqsan qawlka qadiimka ee Imaamu Shaafici koox asxaabtiisa ka midi ahna ay doorteen iyo qawlka kale oo laga wariyey Imaamu Axmed koox asxaabtiisa ka mid ahna ay doorteen, waxaa sidoo kale qaba koox ka mid ah asxaabta Abuu Xaniifa oo uu ka mid yahay Daxaawi, madaahib kale ayaa iyaguna sidaas qaba waana sida raajixa ah,
Bukhaari waxaa kitaabkiisa ku qoran in Maacis bin Maalik markii uu Nabiga u yimid oo uu qirtay inuu sinaystay Nabigu amray in la soo baaro inuu sakhraan yahay iyo in kale. Haddii uu sakhraan yahay qirashadiisu ma ansaxayso haddii la aqbali waayey wixii uu qirtayna waxaa la ogaanayaa in aan qawlkiisu qabasho lahayn, sida ruuxa waalan oo kale, qofka sakhraansan in kastoo uu caasi yahay haddana ma uu oga waxa uu ku hadlayo, haddii aanu ogayn waxa uu ku hadlayana ula jeeddo ma lahan hadalkiisu, wax kasta oo la qabanayana waa inay niyadda ka soo fulaan, waxaa taas la mid ah haddii uu cuno shay xaaraan ah oo uu ku waasho, waalidaasi iyadoo ku timid dambi uu sameeyey haddana furniinkiisu ma dhacayo hadalkiisuna qabad ma leh.
Qofkii si dhug leh shareecada ugu kuur gala wuxuu ogaanayaa in qawlkaani saxiix yahay dadka oranaya waxbuu furi karaana qawlkoodu daliil iyo xujo ma haysto, sida saxiixa ahna furniinkaasi ma dhacayo, in uu waxa uu ku hadlayo garanayo mooyaane, sida aysan salaaddiisu u ansaxayn furniinkiisuna ma ansaxayo. Allena wuxuu yiri:
“Kuwa (xaqa) rumeeyow salaadda ha tukanina adinkoo sakhraansan ilaa aad ka garanaysaan waxa aad ku hadlaysaan.”

Haddii ninku xaaskiisa furo isagoo xanaaqsan oo xiskiisu joogin
Su’aasha 179aad: Nin ayaa waxaa dhex maray isaga iyo xaaskiisa dood qallafsan kaddibna wuu xanaaqay oo caqligiisii is beddelay wuxuuna ku yiri, “Saddex baad iiga furan tahay.” Haddaba furniinkaasi ma dhacay?

Jawaab: Haddii xanaaqu ka gaaray heer aanu garanayn waxa uu ku hadlayo, sida ruux waalan, furniinku ma dhacayo.

Haddii ninku u ballan qaado xaaskiisa inuu furayo, maka furmaysaa?
Su’aasha 180aad: Haddii nin xaaskiisa ku yiraahdo kuma doonayee orod oo reerkiinii aad waana ku furi doonaa, oo uu hadalkaas furniin u niyaysto ma u bannaan tahay inuu soo ceshado oo uu meher labaad bixiyo?

Jawaab: Furniinku ballan qaad kuma dhaco, xataa haddii hadalkaasi soo noq noqdo waajibna ma ahan inuu ballantaas oofiyo hadiise uu furay intuusan oran reerkiina aad, hadalkaasna uu furniin ula jeeday ee arrintu aysan ahayn waan ku furi doonaa oo kaliya, waxay uga furmaysaa hal dalqad, haddii markii hore dalqad ka badan aanu niyaysan, wuuna soo ceshan karaa iyadoo ciddada ku jirta, shardina ma ahan inay ka raali tahay soo celinta walina looma baahna, meher cusubna ma bixinayo.

Ninku ma furayaa xaaskiisa haddii hooyadiis sidaas ka dalbato?
Su’aasha 181aad: Nin xaas iyo carruur leh ayaa hooyadiis karaahsatay xaaskiisa waxayna u soo ban dhigtay inuu xaaskiisa furo, haddaba ma u bannaan tahay inuu furo?

Jawaab: Uma bannaana inuu u furo hadalka hooyadiis, waana ku waajib in uu hooyadiis baarri u noqdo, furniinka xaaskiisuna hooyo baarrinimadeed ma ahan.

Saddex dalqo ayuu ku furay isagoo niyaysnaa inuu hal dalqad ku furo
Su’aasha 182aad: Nin iyo xaaskiis ayaa doodi dhex martay, markaas ayaa ninkii wuxuu damcay inuu yiraahdo dalqad baad iiga furan tahay, hase yeeshee afka wuxuu kaga dhawaaqay, “Saddex dalqadood ayaad iiga furan tahay!” Niyaddiisuna sidaas ma ahayn, haddaba furniinkaasi ma dhacayaa?

Jawaab: Haddii afku ka xaday saddexda dalqadood isagoo uga dan leh hal dalqad waxaa dhacaya furniinka hal dalqad oo keliya, sidoo kale haddii uu damco in uu yiraahdo hooyaday bay iga tahay oo afku kaga dhaco waad furan tahay kama ay furmayso.

Nin yiri wax walba waa iga xaaraan xaaskiisu ma ka furmaysaa?
Su’aasha 183aad: Nin ayaa yiri, “Wax walba oo aan hanto waa iga xaaraan,” miyuu xaaskiisu ka xaaraantinimoobayaa?

Jawaab: Mas’aladaan culimadu way ka doodeen in xaasku ka furmayo iyo inay ku waajibayso kafaare gudkii dihaarka.
Mad-habka Imaam Maalik wuxuu qabaa in ay ka furmayso.
Mad-habka Imaam Abii Xaniifa iyo Imaam Shaafici labadiisa qawl ee ugu caansan waxay qabaan inuu bixinayo kafaare gudkii dhaarta.
Mad-habka Imaam Axmed wuxuu qabaa inuuu bixinayo kafaare gudkii dihaarka, haddii aanu si kale wax u niyaysan, waana laga dooday, sida saxiixa ahna furniinku ma dhacayo.

Haweenka la furay marka lagu noqonayo shardi ma ahan inay ku raalli yihiin
Su’aasha 184aad: Nin ayaa xaaskiisii ku furay hal dalqo warqaddii furniinkana wuu siiyey wuxuuna doonayaa inuu ku noqdo, haddaba miyay jiraan wax shuruudo ah oo looga baahan yahay marka uu ku noqonayo xaaskiisa iyadase ma lagu khasbayaa ku noqoshada haddii aysan raalli ku ahayn mise siday rabtaa loo yeelayaa?

Jawaab: Mar haddii ay arrintu sida kor ku xusan tahay oo furniinkaasu aanu ahayn dalqaddii ugu dambeysey ama jirro sababteed aanu ka iman ciddadiina aysan wali dhammaan wuxuu xaq u leeyahay inuu soo ceshado, waana isku mid haddii ay ka raalli tahay iyo haddii aanay ka raalli ahayn, haddiise ay ciddadii dhammaato ama furniinka ay jirro sabab u ahayd markii hore dalqaddii saddexaadna aan lagu furin, waxaa u bannaan inuu ku noqdo isagoo la galaya heshiis cusub, meher hor lehna kula heshiinaya iyo inay ku raali tahay sidaasna ku nikaaxsanaya nikaax cusub.
Labada xaaladood ee aan soo xusnay waa haddii uu furniinkaasi yahay dalqaddii koowaad (ama labaad) haddiise furniinka dhacay uu yahay dalqaddii saddexaad uma bannaana inuu ku noqdo in nin kale guursado una galmoodo mooyaane, haddii ninkaas kale uu furo ama geeriyoodo way u bannaan tahay ninkii hore ee furay inuu ku noqdo, waana meher cusub iyo heshiis cusub iyo ikhyaarkeeda, haweenta uurka leh ciddadeedu waa inta ay ka dhalayso, ha ahaato mid la furay ama mid laga geeriyooday intaba, haweenka aan uurka lahayn ee laga dhintay ciddadoodu waa afar bilood iyo toban cisho, haddiise la furo (iyadoon uur lahayn) ayna tahay kuwa dhiigga caadada hela, ciddadeedu waa intay ka helayso saddex dhiig, haddii ay tahay kuwa uu dhiigga caadadu ka go’ayn ama ay yar tahay oo wali aysan gaarin xilligii dhiigga, ciddadeedu waa saddex bilood.

Cutubka Kow iyo Tobnaad – Wada Dhaqanka Labada Isqaba

WADA DHAQANKA LABADA ISQABA
Eegmada cawrada labada is qaba
Xaaska oo laga maqnaado muddo dheer
Cazliga (Ka Siibidda)
Xadka baashaalka labada is qaba
Ninkeeda ayay si sir ah wax uga qaadatay
Is qaawinta marka la isu galmoonayo
Haddii ninku xaaskiisa lacnado maka furmaysaa?
Xiriirka labada is qaba
Haweenka la isla qabo
Haddii ninka loo xabiso xaaskiisa darteed masruuf ma ku leedahay?
Haddii ay haweentu ninkeeda u hibayso maalkeeda
Ma u khidmayn karaa soddogay
Bixidda ay haween gurigooda ka baxaan iyaga oo ninka ka idan qaadan

Eegmada cawrada labada is qaba
Su’aasha 149aad: Ma bannaan tahay in haweentu eegto jirka ninkeeda dhammaantiis, iyo in isagu eego jirkeeda oo dhan iyagoo ku raaxaysanaya waxa Allaah u xalaaleeyey?
Jawaab: Way u bannaan tahay haweentu inay eegto jirka ninkeeda dhammaantiis, isaguna sidoo kale wuu eegi karaa jirkeeda oo dhan oo aan waxba laga soo reebin, waxaana u daliila qawlka Allaah ee ah:
(Kuwa ka ilaaliya xubintooda (taranka) sino. Waxa ka soo haray xaaskooda ama ay hanteen (addoonta), taasna lagu haaraami mayo. Ruuxii doona wax intaas dhaafsiisan waa mid xad gudbay.)

Xaaska oo laga maqnaado muddo dheer
Su’aasha 150aad: Muxuu yahay xukunka ninka xaaskiisa ka maqnaanaya muddo sanad iyo ka badan ah isagoo ninku ku mashquulsan yahay shaqo iyo siduu reerka biil ugu soo saari lahaa, waxaana jira rag iyagu aan sidaas ahayn oo ku maqan siday saro dhaadheer u dhisi lahaayeen oo ay basas waaweyn iyo wax la mid ah ee dhaldhalaalka aduunka ah u tabci lahaayeen, shakina kuma jiro in ay halis tahay kala maqnaantaas badani inay keento sinaysi iyo foolxumo?
Jawaab: Haddii ninka iyo xaaskiisu ay isaga raalli yihiin kala maqnaanta waqtigu ha dheeraado ama ha gaabnaadee oo ay isugu dul qaadanayaan iyagoo is ilaalinaya dhibaato malahan, haddiise uu midkood naftiisa u cabsado inta la kala maqan yahay iyadoo irsaaqadda dalabkeedu uu daruuri yahay waa inuu kan kale weydiisto xaqa uu u leeyayay kulankooda, oo hadba sidii suurta gal ah oo loo kulmi karo lagu dadaalo si sharafta iyo dhowrsanaanta loo sugo, haddii uu sidaas diido waa inuu kan dacwada qabaa qaaddiga u tago si uu ugu kala saaro si sharciga waafaqsan, khasabna ma ahan ninka iyo xaaskiisu haddii ay muddo kala maqnaadaan inay sinaysanayaan muddaduba ha dheeraatee.

Cazliga (Ka Siibidda)
Su’aasha 151aad: Maxay diintu ka qabtaa cazliga (ka siibidda, oo ah inuu ninku u galmoodo haween kaddibna uu ka siibo oo manidii dibadda ku daadiyo), haddii cudurdaar jiro iyo haddii aanu jirinba?
Jawaab: Haddii ay duruufi keento cazligu waa bannaan yahay sida haddii goob dagaal la joogo oo ninku u baahdo inuu u tago xaaska, ama ay xaaskiisu tahay addoon kana cabsanayo in ilmihiisa la adoonsado, ama ay tahay addoon uu leeyahay uuna doonayo inuu iibiyo isla markaana u baahday inuu u galmoodo, waxaana u daliila xadiis Jaabir laga wariyey oo Saxiixul Bukhaari ku yaal inuu yiri,
“Waan ka siibi jirney waagii Rasuulka iyadoo Qur’aanku soo degayo.” Maalik bin Anas wuxuu ka wariyey Zuhri oo isna ka wariyey Ibnu Muxayriiz oo ka wariyey Abii Saciid Al-Khudri inuu yiri:
“Mid ka mid ah dagaaladii ayaan soo qabsannay haween waana ka siibi jirney markaan u galmoonno, arrintaasna waxaan weydiinay Rasuulka wuxuuna yiri, “Oo ma sidaasaad yeeshaan?” Saddex jeer buu ku celceliyey, “Ma jirto naf imaan lahayd ilaa iyo maalinta qiyaamaha oo aan imaanayn.” Abuu Daawuud wuxuu qoray in Rasuulka uu nin ku yiri,
“Rasuulkii Alloow waxaan leeyahay gabar addoon ah waana ka siibaa, anigoo ka cabsanaya inay uuraysato, una baahan waxa ay raggu u baahan yihiin, Yuhuuduna waxay ku sheekaysataa in ka siibiddu tahay xabaal nololin dahsoon.” Rasuulku wuxuu ugu jawaabay,
“Yuhuudi been bay sheegtay, haddii Alle doono inuu abuuro ma awooddid in aad joojisid.”
Haddii ka siibidda loo samaynayo cudurdaar la’aan way bannaan tahay in addoonta laga siibo iyadoon laga idan qaadan waana qowlka Imaamu Shaafici, Axmed iyo Maalik iyo Abuu Xaniifa, waayo xaq uguma ay lahayn galmood iyo awlaad. Haweeneyda xorta ah ma bannaana in laga siibo oo manida dibadda lagu daadiyo in iyada laga idan qaato mooyaane, Imaamu Axmed iyo Ibnu Maajah waxay qoreen in laga wariyey Cumar ibnu Khaddaab inuu yiri,
“Rasuulku wuxuu reebay haweenta xorta ah in laga siibo iyadoon laga idan qaadan.” Majdi wuxuu yiri, “Xadiiska sanadkiisu ma xooggana. Haweenta xorta ah maadaama ay xaq u leedahay inay ilmo dhasho ka siibidduna dhib u soo jiidayso ma bannaana cazligu in iyadu ka raali tahay ma ahane.”
Ibnu Taymiya wuxuu yiri, “Afarta mad-habood waxay isku raaceen inay bannaan tahay haddii haweeneyda laga idan qaato.”

Xadka baashaalka labada is qaba
Su’aasha 152aad: Maxay tahay xuduudda baashaalka uu ninka xaaskiisa la baashaalo?
Jawaab: Allaah subxaanahu watacaalaa wuxuu yiri:
“Kuwa ka ilaaliya xubintooda (dhalmada) sino. Waxa ka soo haray xaaskooda ama ay hanteen, taasna lagu haaraami mayo.”
Allaah subxaanahu watacaalaa wuxuu aayaddaan ku bayaaniyey in aan ninka eedi ka saarnayn haddii aanu cawradiisa ka qarsan xaaskiisa, Rasuulkuna wuxuu yiri haweentu marka ay macduurka tahay,
“Wixii aan galmood ahaynba ku sameeya.”
Macnaha si kasta ha ula baashaalo hana iska ilaaliyo inuu u galmoodo. Labada is qabta midkoodba kan kale wuu ku raaxaysan karaa xilliga ay haweentu dhiigga qabto, laakiin ninka uma bannaana inuu haweenta u galmoodo xaaladdaas waxaana u daliil ah aayaddan uu Allaah yiri:
“Waxay ku weydiinayaan (Nabi Alloow) dhiigga caadada, ee ku dheh waa wasakh ee ka fogaada meesha caadada, hana u dhawaanina ilaa ay ka daahir noqdaan, haddii ay daahir noqdaan uga galmooda halkuu Alle idin amray (farjiga) Allena wuu jecel yahay kuwa toobad keenidda iyo is daahirinta badan.”
Iyadoo ay sidaasi jirto haddana way bannaan tahay inuu ninku xaaskiisa ku raaxaysto oo uu la baashaalo isagoon u galmoonayn, sidoo kale ma bannaana umusha aan wali daahir noqon in loo galmoodo, waxaa iyana la xaaraantinimeeyey in haweenka dabada looga galmoodo, sida ay caddaynayso aayaddan uu Allaah ku yiri:
“Haweenkiinnu beer ayay idiin yihiin ee ugu taga beertiinna saad doontaan.”
Aayaddu beerta ay tilmaamayso waa farjiga oo keliya.

Ninkeeda ayay si sir ah wax uga qaadatay
Su’aasha 153aad: Ninkaygu masruuf nagu filan nama siiyo aniga iyo carruurtayda waxaana mar marka qaarkood ka qaataa lacag isaga oo aan ogeyn, ee miyaan danbaabayaa?
Jawaab: Haddii aanu ninku siinin biil ku filan iyada iyo carruurteeda way u bannaan tahay inay haweentu ka qaadato wixii daruuri ah oo ay iyada iyo ilmaheedu u baahan yihiin iyadoo ka qaadanaysa waxa ay markaas u baahan yihiin oo kaliya, maalkana aan ku ciyaarayn, sida saxiixaynka ku sugan Caa’isha ayaa waxay warisey inay Nabiga u timid Hinda binti Cutbah oo ay ku tiri, “Rasuulkii Alloow, Abu Sufyaan nama siiyo biil aniga iyo carruurtayda ku filan.” Markaasuu Nabigu ku yiri,
“Ka qaado maalkiisa wax adiga iyo ilmahaaga ku filan si habboon (oo aan xadgudub lahayn).”

Is qaawinta marka la isu galmoonayo
Su’aasha 154aad: Ma bannaan tahay inuu ninku xaaskiisa u galmoodo iyagoo qaaqaawan? Mise waxaa waajiba inay is asturaan?
Jawaab: Rag iyo dumarba waxaa ku waajiba inay cawradooda asturaan, hase yeeshee ninku marka uu xaaskiisa ama addoontiisa la joogo cawro kama qarsanayo iyaguna kama qarsanayaan, waxaa jira xadiis ay wariyeen Axmed, Abuu Daawuud, Tirmidi, iyo Ibnu Maajah oo ay ka wariyeen Bahz bin Xakiim oo ka warinaya aabbihiis oo ka sii warinaya awoowgiis oo yiri,
“Rasuul Alloow cawradayada sidee u maaraynaynaa? Wuxuu yiri, “Ka qarso cawradaada wixii aan ka ahayn xaaskaaga iyo addoontaada.” Saan waxaan iri, “Haddii ay dadku isku dhex qasan yihiin?” Suuye, “Haddii aad awoodi kartid qofna yuusan kaa arkin.” Saan waxaan iri, “Haddii qofkayo kaligiis yahayna?” Wuxuu yiri, “Allaah ayaa u xaq mudan in laga xishoodo.”
Rasuulku wuxuu xadiiskan ku bayaaniyey inay habboon tahay in cawrada la asturo xataa haddii cidla la joogo.

Haddii ninku xaaskiisa lacnado maka furmaysaa?
Su’aasha 155aad: Muxuu yahay xukunka nin xaaskiisii si ula kac ah u lacnaday? Mase ka xaaraantinmoobaysaa mise way ka furmaysaa maxaase arrintaas kafaare gud u ah?
Jawaab: Waa gef aad u weyn oo danbiyada waaweyn ka mid ah ninku inuu xaaskiisa lacnado, Rasuulkana waxaa laga wariyey inuu yiri:
“Ruux Muslim ah lacnaddiisu waa diliddiisa oo kale.”
Xadiis kalena Rasuulku wuxuu ku yiri:
“Ruux Muslim ah in la caayo waa faasiqnino dilitaankiisuna waa gaalnimo.”
Ninkaasna waxaa ku waajiba inuu xaaskiisa ka dalbo saamaxaad caydii uu caayey ruuxii toobad wanaagsan toobadkeena Allaah waa ka aqbalayaa, lacnaddii uu lacnaday xaaskiisu kagama furmayso waxaana ku waajiba inuu macaamalo wanaagsan kula dhaqmo, carrabkiisana ka ilaaliyo wixii Alle caro gelinaya, haweenta sidoo kale waxaa laga doonayaa inay hagaajiso la dhaqanka ninkeeda, Allaahna wuxuu aayad ku yiri:
“Haweenka si wacan ula dhaqma.”

Xiriirka labada is qaba
Su’aasha 156aad: Haweeney ayaa ninkeedii kasoo dacwootay waxayna tiri, “Waxaan ahay islaan la qabo muddo 25 sano ah, waxaan dhalay carruur gabdho iyo wiilalba leh, waxaan ninkayga kala kulmaa dhib fara badan, aad ayuu ii ihaanaystaa iyadoo ay maqlayaan carruurtayda iyo qaraabadayduba, wax tix gelin ah ima siiyo iyadoo aysan jirin wax sabab ah oo arrintaas ku bixinaya, ma raaxaysto intuu guriga ka maqan yahay ma ahane.” Ninkaasi waa tukadaa Allaahna wuu ka cabsadaa. Haddaba maxaa xal noo noqon kara?
Jawaab: Waxaa kugu waajiba in aad sabirtid oo aad u naseexaysid aadna xasuusisid Allaah iyo maalinta qiyaamaha, waxaa dhici karta haddii aad sidaas yeeshid inuu kaa aqbalo oo kasoo noqdo akhlaaq xumada, haddii uu sidaas yeeli waayo dambiga isagaa iska leh adiguna ajar aad u badan ayaad leedahay sabirkaaga darti, waxaa kula gudboon oo sharci ah in aad u ducaysid markaad salaadaha tukanaysid iyo mararka kaleba oo aad Allaah u weydiisid inuu soo hanuuniyo oo uu ku mannaysto akhlaaq wanaagsan adigana uu kaa nabad geliyo sharkiisa iyo shar kaleba.
Adigu waa in aad xisaabtantid oo naftaada dib ugu noqotid oo Rabbigaa si dhab ah ugu toobad keentid, wixii dambi iyo gafaf ah ee kaa dhacay ama xuquuqdii Rabbi kugu lahaa ama tii ninkaaga ama cid kale kugu lahayd oo aad ka gaabisay, waxaa laga yaabaa in ninka laguugu saliday dambiyo aad fashay awgood. Allaahna wuxuu yiri:
“Wixii idinku dhaca oo musiibo ah waa waxaad gacmihiinna ku kasbateen, wuxuuna idinka cafiyaa (Allaah) wax badan.”
Waxaad kaloo samayn kartaa in aad ka dalabtid waalidiintiis ama walaalihiis ka waaweyn ama ciddii kale ee uu qaddarinayo oo qaraabadiisa ama dariskiinna ah inay u naseexeeyaan oo u dardaaarmaan inuu wada dhaqankiina hagaajiyo, kuna dhaqmo aayaddii uu Allaah yiri:

Wuxuu kaloo yiri:

Allaah xaalkiina ha hagaajiyo, ninkaagana ha hanuuniyo, wanaag iyo khayrna ha idinku kulmiyo isaga ayaa kariim ah oo deeqdiisu badantahaye.

Haweenka la isla qabo
Su’aasha 157aad: Nin xaas leh ayaa mid kale guursaday waxayna ka dalbatay haweeneydii hore in la siiyo dahabka haweenta cusub la siiyey oo kale, haddaba ninkaas waajib miyay ku tahay inuu sidaas falo?
Jawaab: Waajib kuma ahan haweentaas inuu siiyo waxa uu siiyey tan cusub oo kale, haddii isagu garto inuu siiyo way wanaagsan tahay, gaar ahaan haddii ay maslaxadi ku jirto oo uu ku raali gelinayo, si uu u hagaago wada dhaqankooda dambe.

Su’aasha 158aad: Nin xaas leh ayaa safray wuxuuna tagey waddan kale isagoo ku nagaaday ilaa uu ka guursaday haweeney kale, wuxuu xaaskiisa cusub la joogay muddo bilo ah, kaddibna wuxuu u soo noqday xaskiisii hore, haddaba miyuu u gudayaa xaaskiisii hore bilihii uu ka maqnaa, mise si caadiya ayuu ugu kaltamayaa?
Jawaab: Nin xaas leh haddii uu xaas kale guursado waxaa sunno ah inuu la joogayo saddex cisho haddii ay garoob tahay, haddii ay inan tahayna toddobaad uu la joogo, markaas kaddib si caddaalad ah ayuu ugu kaltamayaa oo midba habeenkeeda la joogayaa, haddii uu middood ku maqnaado waqti dheeraad ah wuu u qallaynayaa tii kale inta uu taas ku maqnaa oo kale, haddii ay suurta gal tahay inay iyadu u saamaxdo mooyaane.

Haddii ninka loo xabbiso xaaskiisa darteed masruuf ma ku leedahay?
Su’aasha 159aad: Nin ayaa waxaa xabbisay xaaskiisa kaddib markay ku soo oogtay dacwada ku taxaluqda meherkeedii iyo marashideeda, muddo ayuu xabsiga ku nagaaday, haddaba xaq miyay ugu leedahay inay ka dalbato masruuf muddada uu xiran yahay?
Jawaab: Haddii ninkaasi yahay faqiir aan waxba haysan oo ay xabbistay way dulmiday waxayna ka hor istaagtay inuu naagaysto, muddada uu xabsiga ku jireyna wax masruuf ah xaq ugama lahan.
Haddiise ay xaqeedii waajibka ahaa ku leedahay isaguna uu awoodo inuu bixiyo oo uu diido inuu bixiyo markii si sharci ah looga dalbay, wuxuu noqonayaa nin dulmi wada (daalim) masruufna way ku leedahay haddii la caddeeyo in sida ay sheeganayso arrintu tahay.

Haddii ay haweentu ninkeeda u hibayso maalkeeda?
Su’aasha 160aad: Haweeney ayaa ninkeeda siisay maalkeedii aabbaheedna ma noola, haddaba ma u bannaan tahay walaalaheed inay ka hor istaagaan arrintaas?
Jawaab: Uma bannaana walaalaheed inay is hor taagaan arrintaas, haddii caqligeedu taam yahay oo ay maalkeeda sadaqaysan karto, hibayntaas ay maalkeeda hibaysayna way ansaxaysaa haddii walaalaheed ka raali yihiin iyo haddii kaleba.

Ma u khidmayn karaa soddogay?
Su’aasha 161aad: Waxaan ahay haweeney u khidmaysa ninkeeda aabbihiis (soddog) cid kale oo u khidmaysa oo aan aniga ahayn ma uu haysto, haddaba ma ii bannaan tahay in aan u qubeeyo oo xannaaneeyo?
Jawaab: Aad baad ugu mahadsan tahay ixsaanka aad u samaysay ninkaaga iyo aabbihiisba waadna u mayri kartaa wixii aan cawradiisa ka ahayn, waana inuu isagu istinjoodo oo cawradiisa mayrto haddii uu awoodo, haddiise aanu awoodin waad u mayri kartaa, adigoon cawradiisa fiirinayn gacma gashina xiranaya si aadan cawradiisa u taaban sababtoo ah kuuma bannaana in aad cawradiisa fiirisid ninkaaga waxaan ka ahayn.

Bixidda ay haween gurigooda ka baxaan iyaga oo ninka ka idan qaadan
Su’aasha 162aad: Haddii ay haweentu suuq gurigeeda u dhow aaddo ninkeeda oo aan ogayn iyadoo doonaysa inay soo iibiso waxyaalo iyada iyo caruurteedu u baahan yihiin, miyay arrintaas ku dambaabaysaa?
Jawaab: Waxaa habboon haweentu ninkeeda in ay ka dalbato inuu u idmo bixitaanka markii uu maqan yahay haddii ay u baahato wax daruuri ah, si markii ay wax u baahato ay u baxdo iyadoo anshax iyo asluubi ka muuqato oo ku xijaaban dhar aan qurxoonayn, indhahana laabaysa, wax kasta oo tuhun iyo fitno u keenayana ka dheeraanaysa isla markaasna xijaaban oo aan is udgin, marka ay danteeda soo bogato waa inay dhakhse u soo noqoto, arrintaasna dambi uga imaan mayo haddii Alle idmo.

Cutubka Tobnaad – Guurka

GUURKA
Guurka saaniga iyo saaniyaddu waa baadil
Shardiga u wakiilashada nikaaxa qof kale
Muxuu Islaamku ka qabaa xaddaynta taranka iyo nidaamintiisa
Nin diin leh baa isoo doonay laakiin hooyaday ayaa iga hor istaagtey
Guurkaasi waa saxiix
Xaamilada guurkeeda ilaa ay ka dhasho
Isagoo sakhraansan baa loo nikaaxshey
Dumaashigu maxram kuuma ahan
Guursiga Ahlu-Kitaabka gabdhahooda
Gabar uu guur ka doonayo ninkii waliga u ahaa
Nin jirran guurkiisu ma ansaxayaa?
Ma ansaxayaa guurka gabar aan qaan gaarin aabbaheedna aan laga doonin?
Guurka naag la furay oo aan dhiig helin muddo siddeed bilood ah
Haweeney la guursaday iyadoon ciddadii dhammaysan
Shardiga lakala xirto marka la is guursanayo
Ceebta ka soo if baxda labada is guursada midkood
Haweenta aan dhiiggu ka go’in nikaaxeedu ma fasakhmayaa, mase loo galmoon karaa?
Xukunka in haweenka gadaal looga tago
Nin gabar guursaday kaddibna arkay inaysan bikro ahayn
Nin gabadhiisii ku sadaqaystay nin kale meher la’aan
Meherka gabadhaa iska leh qof kale uma bannaana inuu ku tagri falo iyadoon ka raali ahayn
Suldaanku wali ma u noqon karaa haweeneydii aan wali lahayn?
Guurka gabadha aayadu dhashay
Meherka
Nikaaxa Shiqaarka (Beddelka)
Qof dhiig loogu deeqay nikaaxiisa ma saamayso
Naagta lala baxo nikaax cusub ayaa lagu celinayaa
Guurka bikro laga sinaystay
Guurkaani ma ansaxayaa?
Naag nin kale u doonan mala dooni karaa
Xiriirka dhex mara guurdoonka
Wuxuu ka dhaartay isagoon nikaaxsan
Sidee u dooranayaa ninkii aan guursan lahaa
Guurka naag uur leh
Guurka haweenka Ahlu-Kitaabka ah
Guurka nin Ahlu-Kitaab ah gabar Muslimad ah
Nin la waayey oo xaaskiisii la guursaday kaddibna soo noqday
Eegmada haweenku ay ragga eegaan

GUURKA
Guurka saaniga iyo saaniyaddu waa baadil
Su’aasha 111aad: Muxuu yahay macnaha loola jeedo aayaddan?
(Saanigu ma guursado waxaan saaniyad ama mushrikad ahayn, saaniyaddana ma guursado waxaan saani ama mushrik ahayn, waana laga reebay arrintaas mu’miniinta.)
Haddaba qofkii isagu dambigaan ku dhaco mushrig gaal ah miyuu noqonayaa?

Jawaab: Markaan akhrino aayaddan uu Allaah ku soo gabagabeeyey,
(Waa laga reebay arrintaas mu’miniinta), Waxaan ka qaadanaynaa xukun ah inay xaaraan tahay in loo guuriyo nin saani ah ama naag saaniyad ah la guursado. Macnuhu waxaa weeye ninka saaniga ah qofna uma bannaana in uu gabadhiisa u guuriyo, naagta saaniyadda ahna ma bannaana in la guursado.
Arrintaas markaan ogaanay kaddib qofkii dambigaas u bareera laba midkood ayuu noqonayaa:
1. Haddii uu rumaysan yahay inay ka xaaraan tahay inuu guursado isla markaasna uu guursado isagoo hawadiisa raacaya, markaas isaguna saani kale ayuu noqonayaa, sababtoo ah xaaraan buu ku guursaday, mana ansaxayo guurkaasi, sida la ogsoon yahay nikaax xaaraan ah haweentu ninka xalaal ugu noqon mayso, galmood iyo baashaal toona, ninkaasina saani ayuu ku noqonayaa xalaalaysiga uu xalaalaystay haweentaas uu guursaday iyadoo saaniyad ah oo xaaraan ka ah,
2. Haddii uu ictiqaadsan yahay inay u bannaan tahay inuu guursado isaga oo inkiraya xaaraantinimaynta uu Allaah xaaraantinimeeyey guurkaas, wuxuu markaan noqonayaa mushrig sababtoo ah wuxuu xalaaleeyey wax uu Allaah xaaraantinimeeyey Allaahna wuxuu yiri: (Mise waxay leeyihiin kuwo Allaah shurako la ah oo u jideeyey diin iyo (xukun) aan Allaah idmin?)
Allaah kuwa dadka u jidaynaya oo u sharciyaynaya diin aanu isagu u jidayn, wuxuu kala mid dhigay kuwo sheegtay inay isaga shirkad la yihiin, markaas ninka xalaalaystay inuu guursado saaniyad isagoo iska indha tiraya oo ka tagaya xukunkii sharciga ahaa wuxuu noqonayaa mushrik.
Hadal iyo gunaanadkiis ninkii guursada saaniyad, haddii uu citiqaadsan yahay inay ka xaaraan tahay, wuxuu noqonayaa saani, haddiise aanu citiqaadsanayn inay ka xaaraan tahay uuna inkirsan yahay xukunkaas xaaraantinimaynta ah wuxuu noqonayaa mushrik, waayo wuxuu xalaaleeyey wax Alle xaaraantinimeeyey Allaahna wuxuu yiri:
(Ma guursanayo (saaniyadda) waxaan ka ahayri saani ama mushrig.) Waxaa isna kuwaas la mid ah ninka gabadhiisa u guuriya nin saani ah.
Hase yeeshee arrintaasi way ka suulaysaa haddii ay ka toobad keenaan oo saaniyadda iyo saanigu haddii ay dhillaysigii ka toobad keenaan saaninimadii waa ka haraysaa, sida qofka faasiqa ah haddii uu toobad keeno faasiqnimadu uga harto, waana sidaas oo haddii ay saaniyadda iyo saanigu ka toobad keenaan dhillaysiga waa la guursan karaa loona guurin karaa.

Shardiga u wakiilashada nikaaxa qof kale
Su’aasha 112aad: Nin doonaya inuu isu guuriyo gabar uu waligeeda yahay miyay u bannaan tahay inuu qof kale u wakiisho? Shardi miyaa in la magacaabo ninka marka wakiilka la samaynayo? Haddii ay bannaan tahay guurka in wakiil loo sameeyo, maxay tahay shuruudda laga doonayo?

Jawaab: Way bannaan tahay in la samaysto qof nikaaxa kaaga wakiil noqda waxaadna oranaysaa hebel baan u wakiishay inuu igu nikaaxiyo heblaaya, waana inuu gabadha magaceeda sheego, mana ahan inuu yiraahdo waxaan kuu wakiishay in aad gabar ii soo raadisid oo ii meherisid, sababtoo ah arrintaas mugdi baa ku jira (jahli) waxaana ka iman kara dhibaato iyo iyadoo la is dhagro, hadhoowna ay ka dambayso qoomamo iyo labadii la isu guuriyey oo gurigoodii halkaas ku dumo, sababtoo ah ninka wakiilka laga dhigtay wax kasta oo isaga la fiican oo uu ku qanacsan yahay, waxaa la arkaa ninkii isaga wakiishay inuusan sidaas u arkin (ama uu sidaas cagsigeeda u arko), sidaas darteed waxaa daruuri ah inuu magacaabo haweenta loo nikaaxinayo.
Sidoo kale ninka gabadha wilaayadeeda hayaa wuxuu samaysan karaa wakiil isagoo oranayo waxaan kuu wakiishay in aad gabadhaan ku nikaaxiso hebel, isagoo ninka magiciisa sheegaya, waana inuu wakiilku ninkaas garanayo gabadhuna ay ka raali tahay ayna garanayso.
Waxaa halkaas nooga caddaatay inay bannaan tahay ninku inuu samaysto wakiil uga wakiil ah nikaaxiisa ama wilaayada gabadha uu wilaayadeeda hayo.
Shardiga wakiilku waa inuu yahay nin istaahila in arrintaas loo wakiisho oo caqli leh, mana bannaana in haweeney arrintaas loo wakiisho sababtoo ah haweentu iyadu isuma guurin karto.

Muxuu Islaamku ka qabaa xaddaynta taranka iyo nidaamintiisa?
Su’aasha 113aad: Ma bannaan tahay ruux Muslim ah inuu raaco hababka loo adeegsado kala fogeynta dhalmada?

Jawaab: Shareecada Islaamku waxay aad u dhiirri gelisey in taranka la badiyo waxayna ku tirisay inuu ka mid yahay nicmooyinka waaweyn ee Alle dadka ugu gallad sheegto, dhalmda in la joojiyo ama la kala fogeeyaana waa arrin dhan ka ah abuurista Allaah iyo shareecada Islaamka ee uu Rabbi uga raalli noqday addoomadiisa, waana arrin salka ku haysa oo ay soo abaabuleen dad Islaamka cadow ku ah, waana caado jaahilnimo ah mana bannaana in dhalmada la xannibo haddii aysan duruufi keenin, sida haddii ay haweentu ku dhib mudanayso oo aanay si caadi ah u dhali karin in la qalo mooyaane, ama inay tabar daran tahay oo aysan xamili karin uurka sannad kasta oo markaas loo baahdo in la kala fogeeyo dhalmadeeda.
Culimada fiqigu waxay banneeyeen haddii haweentu uur qaaddo iyadoon tabar u hayn oo xannuunsan nafteedana loo baqo isla markaana la dareemo uurkaas iyadoo aan afartan bari ka soo wareegin, in la siin karo daawo baabi’isa oo soo ridda uurkaas, waxaana dhacda in ay waajib noqoto in haweenta laga hor istaago uuraysiga marmarka qaarkood, waana marka si dhab ah loo sugo inay halis ku galayso haddii ay uuraysato.

Nin diin leh baa isoo doonay laakiin hooyaday ayaa iga hor istaagtey
Su’aasha 114aad: Waxaan ahay gabar 24 sano jir ah waxaana isoo doonay inan diin leh oo ka qalin jabiyey jaamacad kana dhashay reer ahlu diin ah, aabbahay wuu ka raalli noqday wuxuuna iga codsaday in aan la kulmo, waan la kulmay oo inta is aragnay sida ay diintu oggoshahay baan isku qanacnay, markii ay hooyaday arrinta ogaatay way dhaaratay oo geed dheer iyo mid gaabanba waxay u fuushay in aan ninkaasi iguursan, aabbahay arrinta inuu xalliyo ayuu isku dayey, wuuse ku guul darraystay, haddaba xaq ma u leeyahay in aan sharciga la tiigsado, si arrintayda wax looga qabto?

Jawaab: Arrintu sida ay gabadhu sheegayso hadday tahay, hooyadu xaq uma lahan inay is hortaagto waana ka xaaraan kumana addeecaysid hooyadaa is hortaaggaas, Nabiguna wuxuu yiri:
(Waxaa la isku addeecaa wanaagga.)
Wanaagguna ma ahan gabar nin kufkeed ah soo doonay in loo diido, waxaa kaloo Nabiga laga wariyey inuu yiri:
(Haddii uu guur idinka soo doono nin aad diintiisa iyo dabcigiisaba ka raalli tihiin u guuriya, haddiise aad sidaas yeeli weydaan waxaa dhulka ka dhacaya fitno iyo fasahaad weyn.)
Wayna u bannaan tahay haddii ay gabadhu ka fursan weydo inay maxkamadda u bandhigto arrinkeeda.

Guurkaasi waa saxiix
Su’aasha 115aad: Nin iyo naag ayaa waxaa dhex maray xiriir aan wanaagsanayn, xiriirkaas oo aan dhaafsiisnayn dhunkasho, muddo kaddibna wuu ka toobad keenay xiriirkiina halkaas ayuu ku dhammaaday wuuna qoomameeyey jaahilnimadii uu ku kici jirey, kaddib wuxuu guursaday islaantii ay xiriirka lahaan jireen gabadheedii.
1. Ma u bannaan yahay guurka gabadhaasi?
2. Horay miyuu ka furayaa ayadoo iminka muddo laba sano ah is qabaan mise Alle waa naxariis badan yahaye xukun kale ayay leeyihiin?
3. Ninkaasi Allaah uyuu u toobad keenay ciqaabkiisana ka cabsanayaa wuxuuna doonayaa inuu jidka wanaagsan maro Allaahna dhammaan waxaan uga rajaynaynaa hanuun, noo faa’ideeya Alle ha idiin naxariistee?

Jawaab: Guurkaasi waa ansaxayaa waana inuu xaaskiisa haysto macaamilada dhexdooda ahna hagaajiyo, waxa dhex maray isaga iyo hooyadeed waa inuusan u sheegin iyada iyo cid kale toona haddii xiriirka ka dhexeeyey isaga iyo gabadha hooyadeed uu ahaa mid ku eg af iska dhunkasho iyo wax la mid ah, oo uusan gaarin xiriirkoodu inuu ka sinaysto (iyadoo sinadu tahay meesha ugu sarraysa xaaraantinimada xiriirka dhex mara nin iyo naag ajnabi kala ah).
Haddii xiriirkoodu gaaray inuu ka sinaysto oo uu si dhab ah ugu galmooday, uma bannaana inuu guursado gabadheeda, waana inuu furo sida raajixa ah in kastoo culimada qaarkood ay yiraahdaan gabadhu xaaraan kagama noqonayso oo galmoodkaasi ma saamaynayo heer uu xaaraantinimo gaarsiiyo, waxaase hubaal ah inuu saamaynayo galmoodkaasi gabadha guurkeeda.

Xaamilada guurkeeda ilaaay ka dhasho
Su’aasha 116aad: Maxay diintu ka qabtaa in la guursado naag garoob ah iyadoo uur leh oo waliba uurkaasi uu yahay mid ay sino ku keentay, haddiise la nikaaxiyo nikaaxu ma ansaxayaa?

Jawaab: Ninkii nikaaxsada haweeney garac riman, nikaaxaas wax kama jiraan, mana ansaxaayo, waana ka xaaraan inuu u galmoodo, Allaahna kor ahaaye wuxuu yiri:
(Ha u qasdina in aad nikaaxisaan ilaa ciddadu dhammaato.)
Wuxuu kaloo yiri:
(Haweenka uurka leh ciddadoodu waa inay umulaan (dhalaan).) Rasuulkuna wuxu yiri:
(Uma bannaana qof rumaysan Allaah iyo maalinta qiyaamaha inuu manidiisa ku waraabiyo beer aanu lahayn [macnaha waa inuusan u galmoon haweeney uur leh oo aanu isagu uurayn].) Imaamu Maalik iyo Axmed sidaas ayay yiraahdeen, Imaamu Shaafici iyo Abuu Xaniifa waxay yiraaahdeen wuu ansaxayaa, wuxuuse Abuu Xaniifa xaaraantinimeeyey in loo galmoodo ilaa ay ka dhalayso, Imaamu Shaafici wuu banneeyey in loo galmoodo wuxuuna yiri: Manida saanigu wax xurmo ah ma lahan, ilmaha uu xaaraanta ku dhalayna kuma abtirsanayaan nasabna ku raaci mayaan, Rasuulkuna wuxuu yiri: ()
Macnaha waxba ma helayo ilmaha uu sinada ku dhalay dadka ugama sokeeyo xaqna kuma leh. Sidoo kale ilmahaasi abtirsi kuma raacayaan ninka guursaday haweenta oo uur leh, waayo wuxuu guursaday iyadoo cid kale soo uuraysay.

Isagoo sakhraansan baa loo nikaaxshey
Su’aasha 117aad: Khamriyacab ayaa khamro soo cabbay saaxiibbadiis oo qaarkood khamro cabsan yihiin ayuu soo watay, waxayna u yimaadeen qaaddi gabar ayaana lagu mehershey, ayaamo kaddib qaaddigu wuxuu ogaaday ninku inuu khamro cabsanaa markii nikaaxu dhacayey, haddaba nikaaxaasi sidee noqonayaa?
Jawaab: Haddii nikaaxu dhacay isagoo sakhraansan nikaaxaasi ma ansaxayo, waxaana taas la mid ah haddii ay iyadu sakhraan tahay, haddiise aysan sakhraan ahayn nikaaxaasi waa ansaxayaa, ficilkaasina waa Allaah nicmadiisi oo laga abaal dhacayo iyo nicmadii oo lagu beddelayo macsi.

Dumaashigu maxram kuuma ahan
Su’aasha 118aad: Ma bannaan tahay inaysan haweentu ka xijaaban ninkeeda walaalihiis iyo ilma adeerradiis, mase bannaan tahay wiilku hadduu qaanqaaro inuu la seexdo hooyadiis iyo gabdhaha walaalihiis ah?

Jawaab: Ninka walaalihiis iyo ilma adeerradiis xaaskiisa maxram uma noqon karaan (haddii aanu jirin xiriir kale oo nasab ama nuugmo ah oo ka dhexeeya), haweentana uma bannnaana dumaashi iyo ina adeer toona inay astur la’aan ku qaabisho, xataa haddii ay yihiin kuwo lagu kalsoon yahay oo xumaan aan looga cabsanayn, Allaahna wuxuu Qur’aanka ku bayaaniyey ragga haweenku aanay ka xijaabanayn wuxuuna yiri:
([Haweenku] quruxdooda yaanay u muujin wixii aan ka ahayn nimankooda, iyo aabbayaashood, iyo nimankooda aabbayaashood, iyo wiilashooda, iyo wiilasha ay dhaleen nimankoodu, iyo wiilasha walaalahood, iyo wiilasha gabdhaha ay walaalaha yihiin, iyo hablaha (Muslimiinta ah), iyo addoomadooda, iyo kuwa raaca ee ay ka guurtay himadii haweenku, iyo carruurta (aan wali caqliyaysan) ee aan cawrada haweenka fiirsanayn.)
Ka mid ma ahan dumaashi iyo ina adeer dadka aayaddu xustay, lamana kala saarin haddii ay yihiin dad wanaagsan oo aan xumaan laga filayn iyo haddii xumaan lagu tuhun san yahay, si sharafta loo ilaaliyo fasaadka iyo sharkana loo hor istaago, waxaa xadiis saxiix ah lagu wariyey, Nabiga in la weydiiyey dumaashiga uuna yiri: () (Dumaashigu waaba dhimasho.) Macnaha isagaaba ugu halis badan, ruuxa Muslimka ahna waa inuu sharaftiisa iyo diintiisa ilaashado.
Wiilashu haddii ay waynaadaan oo da’doodu gaarto toban sano uma bannaana inay hal gogol kula seexdaan hooyooyinkood iyo gabdhaha walaalahood ah, iyadoo sidaas loo yeelayo si looga hor tago sharka iyo wixii fitno ka iman karto oo dhan, loona ilaaliyo cawrada, Nabiguna wuxuu amray in carruurta (wiilasha iyo gabdhaha) loo kala duwo gogosha markii ay da’doodu gaarto toban sano wuxuuna yiri:
(Awlaadiinna salaadda inay tukadaan fara markii ay da’doodu gaarto todaba sano, kuna garaaca markii ay gaaraan toban sano, jiifkana u kala duwa.)
Waxaa kaloo la faray ilmaha iyagu aan wali qaan gaarin, inay saddex waqti gurigooda soo galiddiisa u idan qaataan, waqtiyadaas oo ah waqtiyo loo malaynayo inay dadka cawradoodu muuqanayso, Allaahna wuxuu ku magacaabay waqtiyadaas cawro, wuxuuna yiri:
(Kuwa xaqa rumeeyow ha idan warsadeen (markay guriga soo galayaan) addoomadiina iyo caruurtiina aan wali qaangaarin saddex waqti, salaadda subax ka hor iyo markaad iska dhigtaan dharka duhurkii, iyo salaada cishaha kaddib, waa saddex waqti oo cawro ah (la nasto), ma aha korkiina iyo korkooda midna dhib intaas kaddib, way idin kor socdaan (shaqeeyaan) qaarkiinba qaarbuu ka ahaaday, sidaas ayuuna ku caddayn Eebbe aayaadkiisa Eebbana waa oge falsan.)
(Markay caruurtiinnu qaan gaadhaan haydin idan warsadeen siday idiin idan warsadeen kuwii ka horreeyey, saasuuna idiinku caddayn Allaah aayaadkiisa, Allaahna waa oge falsan.)

Gabar uu guur ka doonayo ninkii waliga u ahaa
Su’aasha 120aad: Waxaa jirta gabar aan ina adeerkeed wali uga sokeeya jirin, isaguna uu doonayo inuu guursado, haddaba wakiil miyuu u samaysanayaa nikaaxiisa sida ku xusan qaar axaadiista ka mid ah, mise isagaa isu meherinaya intuu markhaatiyaal soo kaxaysto, daliil lagu qanco naga siiya?

Jawaab: Haddii ay arrintu tahay sida aad u sheegteen oo aad leedahay gabadha aad ilma adeer tihiin oo aad doonaysid in aad guursatid iyaduna ku raali tahay isla markaana aysan jirin cid wali u ah oo aan adiga ahayn, waxaa kuu bannaan in aad guursato adigoo ka wakiil ah naftaada iyo tan gabadhaba, shuruudihii kale ee nikaaxana dhawraya, waxaana sidaas qaba Xasan, Maxamed bin Siiriin, Rabiica bin Abii Cabdirraxmaan, Maalik bin Anas, Abii Xaniifa, Isxaaq, Abii Thawr, waana sida laga wariyey Axmed bin Xanbal, Bukhaari sida uu wariyey wuxuuna yiri: (Cabdirraxman bin Cawf ayaa wuxuu ku yiri Ummu Xakiim bintu Faarid: () “Ma ii dhiibanaysaa wilaayadaada?” Waxayna ku tiri, “Haa.” Markaas ayuu yiri, “Waan ku guursaday.” Waayo isaga ayaa gacanta ku haya aqbalkii iyo iijaabkii, guurkuna sidaas ayuu ku ansaxay sababtoo ah, waxaa gabadha bixiyey waligeedii iyaduna way ku raali noqotay ninkii guursanayeyna nikaaxeedii waa aqbalay, waxayna la mid tahay sida haddii nin kale gabadha wilaayadeeda hayn lahaa oo kale.
Warin kale ayaa Nabiga laga wariyey inuu xorreeyey Safiyo oo meherkeediina uu ka dhigay xorraynteeda.
Imaamu Axmed waxaa kaloo laga wariyey inuu sheegay inaysan bannaanayn gabadha waligeedu inuu isu guuriyo kaligiis, ayse tahay inuu nin kale u wakiisho gabadha wilaayadeeda uguna guuriyo idankeeda, wuxuuna soo daliilsaday warin laga wariyey Abuu Daawuud oo uu dadka warinayey ku jirey Cabdul-Malik bin Casiir oo ahayd in Muqiira bin Shucba uu wakiishay nin u meheriya haweenta isagoo Muqiira ninkaas kale gabadha uga dhawaa, waase la daciifiyey arrintaas oo Cabdul-Malik bin Casiir wuxuu ka mid ahaa dadka ay caadada u tahay in ay qariyaan daciifnimada xadiiska ay warinayaan (mudalis), sidoo kale waxaa wax ka sheegay xifdigiisa culimada qaar ka mid ah, haddiise warintaasi ay saxiix noqoto ma burinayso arrintii hore ee aan soo xusnay, waxaana suurta gal ah in la kulmiyo labada dhacdo oo ay bannaan tahay inuu isu guuriyo isagoon cid kale u wakiilan ama uu cid kale u wakiisho wilaayadeeda.
Jamhuurka culimadu waxay qabaan in qowlka hore ee Imaamu Axmed uu xoog badan yahay xagga daliilka qowlkiisa labaadna uu ku habboon yahay xagga dhowrsanaanta iyo in tuhun laga dheeraado.

Nin jirran guurkiisu ma ansaxayaa
Su’aasha 121aad: Ma ansaxayaa guurka nin loo guuriyey isagoo xanuunsan?

Jawaab: Nin jirran guurkiisu waa ansaxayaa haweentuna way dhaxlaysaa sida ay qabaan jamhuurka culimadu oo ay ka mid yihiin saxaabadii iyo taabiciintii, waxaana meher loo siinayaa meherka dhex-dhexaadka ah ee loo badan yahay, lagamana badin karo siday culimadu isku waafaqsan yihiin.

Ma ansaxayaa guurka gabar aan qaan gaarin aabbaheedna aan laga doonin
Su’aasha 122aad: Nin ayaa waxaa u joogtay gabar uu dhalay oo aan wali qaan gaarin, isagoo maqan ayaa nin loo guuriyey, weli kalena uma joogin, markhaatiyaal been ah ayay keensadeen oo ka markhaati kacay in abtigeed walaalkeed yahay waxayna ka dhigeen in aabbaheed dhintay, sidaas ayaana lagu meheriyey, haddaba guurkaasi ma ansaxayaa?

Jawaab: Guurkaasi ma ansaxayo waxayna la mid tahay iyadoo weli la’aan la meheriyey, abtiguna sidaas weli uguma noqon karo markhaatiga la furayna waa markhaati beenaale, nikaaxeeduna waa baadil sida ay culimada iyo fuqahada badankoodu qabaan, sida Shaafici iyo Axmed iyo kuwo kale, aabbaheedna wuu u cusboonaysiin karaa nikaaxa (haddii uu doono), ciddii markhaatiga beenta ah ka furtay oo sheegtay in aabbaheed dhintay abtigeedna walaalkeed yahay iyo abtiga qudhiisa waxaa waajib ah in la ciqaabo, gabadha haddii uu ninkaasi u galmooday waxaa laga doonayaa meherkeedii, waxayna culimada badankoodu qabaan sida Shaafici, Abii Xaniifa iyo Axmed qawlkiisa ugu caansan, in aabbaheed u guurin karo iyadoo weli ku jirta nikaaxii baadilka ahaa ciddadiisii.

Guurka naag la furay oo aan dhiig helin muddo siddeed bilood ah
Su’aasha 123aad: Nin ayaa xaaskiisii furay iyadoo wiil u nuujinaysa waxayna kala maqnaayeen siddeed bilood, kaddibna nin kale ayaa guursaday, waxayna is qabeen muddo dhan intay hal dhiig ka hesho, kaddibna wuu furay waxayna joogtay saddex bilood, wax dhiig ahna ma ay helin siddeedii bilood oo hore iyo intii ninka labaad qabey iyo saddexdii bilood ee u dambeyseyba, kaddib waxaa guursaday ninkii hore ee ay wiilka u haysey, haddaba guurkaas maxaa ka ansaxaya?

Jawaab: Ma ansaxayo guurkii hore iyo kan labaadba waxaana ku waajib ah inay furniinkii hore ciddadiisa dhammaysato kaddibna furniinkii labaad ay ciddadiisa dhamaysato, labadaas ciddo markay dhammaysato kaddib ay guursato ciddii ay doonto.

Haweeney la guursaday iyadoon ciddadii dhammaysan
Su’aasha 124aad: Nin ayaa haweeney guursaday waxay is qabeen saddex sano waxayna u dhashay wiil iminka labo sano jir ah, waxay sheegtay in markii la guursanayey ay laba jeer dhiig heshay (oo dhiiggii saddexaad u dhimanaa), waxaa uga markhaati kacay ninkii hore ee furay isagoo ku furay laba dalqadood, haddaba guurkaasi ma fasakhmayaa mise waa in la furo?

Jawaab: Haddii uu ninkeedii caddeeyey isagoo ka run sheegaya in la guursaday iyadoon dhiiggii saddexaad helin, nikaaxeedu waa baadil waana inuu iska furo iyadana waxaa ku waajiba inay ciddadii hore dhammaysato kaddibna ay gasho ciddo labaad oo ah galmoodka uu ninku u galmooday, haddiise ay dhiiggii saddexaad heshay intuusan ninka labaad u galmoon, ciddadii hore way dhammaysatay, marka uu furo ninka labaadna waxay tirsanaysa saddex dhiig oo ciddo ah kaddibna waxay guursanaysaa ninkii ay doonto nikaax cusub, wiilka ay u dhashayna waa wiilkiisii oo xalaal ah, waana loogu abtirinayaa nasabna wuu ku raacayaa maadaama ninku nikaaxa baadilka aanu u war hayn.

Shardiga la kala xirto marka la is guursanayo
Su’aasha 125aad: Nin ayaa haweenay guursaday waxayna shardi ka dhigatay markii la nikaaxinayey inuusan naag kale la guursan, guriga ay deggan tahayna ka rarin, waxaa jirtey gabar ay dhashay oo ay shardi uga dhigtay inay la noolaato gabadhaasi wuuna ku waafaqay, haddaba waajib miyay ku tahay inuu oofiyo ballantaas, haddiise uu ballantaas ka baxo haweentu ma ka furmaysaa?

Jawaab: Waa ansaxayaan shardiyada la kala xirto markii nikaax dhacayo iyaga iyo wixii la mid ahba, waxaana sidaas qaba mad-habta Imaamu Axmed iyo kuwo kale, sida qaar ka mid ah saxaabadii iyo taabiciintii, taabicu-taabiciintii, sida Cumar ibnu Khaddaab, Camr ibnul Caas, Shurayx Al-Qaaddi, iyo Awsaaci.
Mad-habta Maalikiyadu waxay qabtaa haddii ay shardisato in furniinkeeda iyadu gacanta ku hayso (markii ay doonto is furto) in shardigaasi ansaxayo, Imaamu Axmedna sidaas oo kale ayaa laga wariyey.
Bukhaari iyo Muslim waxay ka wariyeen Nabiga inuu yiri:
(Shardiyada waxaa ugu xaq mudan in la oofiyo shardiga la kala dhigto marka la is guursanayo.)
Cumar bin Khaddaab wuxuu yiri:
“Nabigu haweenka waxa lagu xalaalaysanayo farjigooda ayuu ka dhigay tan u xaq mudan shuruudaha in la oofiyo.”

Ceebta ka soo if baxda labada is guursada midkood
Su’aasha 126aad: Haweeney ayaa nin guursaday, markii uu u soo galayna waxay jirkiisa ku aragtay baras, haddaba miyay u bannaan tahay inay ka fasakhato nikaaxaas?

Jawaab: Haddii labada is guursaday midkood ceeb ka soo baxdo sida waalli, juudaan ama baras, kan kale waxaa u bannaan inuu ka fasakhdo nikaaxa, haddiise uu ku raali noqdo ceebtaas ka soo baxday nikaaxu ma fasakhmayo, haddii ay ka fasakhato waxba kama qaadanayso aqalkii loo dhigay, sidoo kalena meherkii lama siinayo haddii ay fasakhato intaanu u galmoon, haddiise uu galmoodo meherkeedii way leedahay.
Haweenta aan dhiiggu ka go’in nikaaxeedu ma fasakhmayaa mase loo galmoon karaa?
Su’aasha 127aad: Nin ayaa guursaday gabar bikro ah, wuxuuna ogaaday (markuu la aqal galay) in aanu dhiiggu ka go’in (mustaxaada), reerkeeduna way u qariyeen iyagoo og, haddaba nikaaxaas ma iska fasakhi karaa? Mase ka soo ceshan karaa meherka dadkii u qariyey? Waajibse ma ku tahay aabbaheed iyo hooyadeed inay dhaartaan haddii ay inkiraan? Mase u galmoon karaa gabadhaas?
Jawaab: Nikaaxu wuu ku fasakhmayaa cilladaan oo kale sida mash-huurka ah labada qawl ee ugu xoog badan Imaamu Axmed iyo qayrkiis.
Qawlka hore waa: Uma galmoon karo inuu dhib kale (sino) ka cabsanayo mooyaane, mana ay dhacdo.
Qawlka labaadna wuxuu oranayaa: Ma bannaana in loo galmoodo waana sida mash-huurka ku ah Imaam Axmed wuxuuna qabaa inaysan bannaanayn daruuro mooyaane.
Waxaa kaloo jira xaalado nikaaxu fasakhmayo sida farjiga oo awdma (la guri), waalida iyo cudurka juudaanka. Xaaladahaas oo dhan Imaamu Maalik, Shaafici iyo Axmed waxay qabaan in nikaaxu uu fasakhmayo, sidaasoo kalana Cumar binu Khaddaab ayaa laga wariyey.
Sidoo kale waxaa laga dooday oo culumada qaarkood ay u arkaan in aan galmoodku bannaanayn haddii ay jiraan wax carqaladaynaya, sida najaaso farjigu leeyahay oo kale, dhiig furankuna waa ka sii xag jiraa.
Haddii uu fasakho intuusan la aqal gelin wax meher ah ma uu bixinayo haddiise uu la aqal galo meher ayaa laga doonayaa, gooni bixidda uu la gooni baxay u dhigankeed.
Qawl kale ayaa oranaya haddii uu u galmooday meherkii waxaa laga doonayaa ciddii markii hore u qarisay jirrada ay haweentu qabto.
Waxaa kaloo la yiri: Meher laguma lahan, wuxuuna xaq u leeyahay inuu dhaarsado ciddii uu sheegay inay ku dageen guurkaas haddii ay inkiraan inay falkaas sameeyeen.
Khilaaf weyn ayaa ka jira in loo galmoon karo haweeneyda dhiig furanka qabta, Imaamu Shaafici iyo qaar kale waxay qabaan in loo galmoon karo. Mad-habta Imaamu Axmed waxay qabaan oo agtooda mash-huur ka ah aan loo galmoon karin inay daruuro timaado mooyaane.
Haddii aanu la iman wax muujinaya inuu ku raalli noqday ceebta ka soo baxday qofta uu guursaday sida hadal ama ficil iyo wix la mid ah, xaq wuxuu u leeyahay inuu guurkii ka noqdo, haddiise uu u galmoodo kaddib markii laga arkay raalli ahaansho, wax ikhyaar ah ma lahan, haddii uu ku andacoodo inuusan ku ogayn dhiig furanka sida mash-huurka ah wuu iska fasakhi karaa.
[Jamhuurka culimadu waxay qabaan in loo galmoon karo, lamana hayo xaddiis ay ku caddahay in aan loo galmoon karin, Ilaahay wuxuu xarrimay galmoodka haweenka xaydka qaba ee ma xarrimin ustaxaada.]

Xukunka in haweenka gadaal looga tago
Su’aasha 128aad: Nin ayaa xaaskiisa ka dalbaday inuu gadaal (dabada) uga galmoodo, haddaba ficilkaas maxay diintu ka qabtaa?

Jawaab: Ficilkaasi waa mid aad u xun oo munkar ah, (oo aan diinta Islaamka ku bannaanayn) Abuu Daawuud iyo Nasaa’i iyo qayrkoodba waxay Nabiga ka wariyeen inuu yiri:
(Lacnadi haku dhacdo ninkii haweentiisa gadaal uga galmooda.)

Nin gabar guursaday kaddibna arkay inaysan bikro ahayn
Su’aasha 129aad: Nin ayaa gabar guursaday isagoo moodaya inay bikro tahay kaddibna waxaa u caddaatay inay garoob tahay oo aanay bikro ahayn, haddaba ma fasakhi karaa nikaaxaas?

Jawaab: Wuu ka noqon karaa nikaaxaas wuxuuna xaq u leeyahay inuu dalbado in la siiyo meherkii uu bixiyey beddelkiisii oo ah faraqa u dhexeeya bikrada iyo garoobka haddiise uu fasakho intuusan la aqal gelin meher ma uu bixinayo.

Nin gabadhiisii ku sadaqaystay nin kale meher la’aan
Su’aasha 130aad: Ma bannaan tahay in uu nin gabadhiisa ku sadaqaysto nin kale wax meher ahna aan la magacaabin gabadhana aan la siin?

Jawaab: Ma bannaana inuu ninku gabadhiisa ku sadaqaysto nin kale, meherkeediina meesha laga saaro, guurka caynkaas ahna ma ansaxayo, waxaana laga doonayaa inay keento caddayn in aan meher laga qaadin ninkaas, waxayna xaq u leedahay meherka haweenka iyadoo kale ah la siiyo, meherkuna waa xaq ay gabadhu leedahay kitaabka Allaah iyo sunnada Rasuulka ayaa caddeeyey inuu meherku waajib yahay Allaahna subxaanahu watacaalaa wuxuu yiri:
(Waxaa la idiin banneeyey wixii intaas kasoo haray in aad ku dalabtaan xoolihiinna adinkoo dhowrsoon oon xumaan (sino) falin.)
Haweenka oo nikaax la’aan la guursado haddii ay naftooda hibeeyaan (heeran yihiin) waxay u khaas ahayd Nabiga, Allaahna subxaanahu watacaalaa wuxuu yiri:
(… iyo haweeney mu’minaad ah hadday nafteeda Nabiga u hibayso, haddii uu doono inuu guursado Nabigu iyadoo ay gaar kuu tahay mu’miniinta ka sokow.)

Meherka gabadhaa iska leh qof kale uma bannaana inuu ku tagri falo iyadoon ka raali ahayn
Su’aasha 131aad: Miyay bannaan tahay inuu ninku ku aqal dhisto meherka gabadhiisa ama walaashiis?

Jawaab: Meherku waa xaq ay gabdhuhu leeyihiin waana qayb maalkooda ka mid ah haddiise ay u hibayso ama ay ugu abaal guddo aabbaheed iyadoon la qasbin way bannaan tahay, haddiise aysan u hibayn uma bannaana inuu wax ka qaato waayo iyada ayaa gaar u leh hantidaas, aabbaheedna wuxuu si gaar ah xaq ugu leeyahay inuu maalkaas ka qaato waxaan iyada dhibayn awlaaddiisa qaar ka mid ahna waa inuusan ku gooni yeelin, sida Nabiga laga wariyey inuu yiri:
(Cuntadiinna waxaa ugu wanaagsan tan aad shaqaysataan, carruurtiinuna waxay ka mid yihiin waxaad shaqaysateen).

Suldaanku wali ma u noqon karaa haweeneydii aan wali lahayn?
Su’aasha 132aad: Gabar ayaa waxay gaartay da’dii guurka mana ay lahan cid ka mas’uul ah oo walaayadeeda haysa, magaaladana qaaddi ma joogo haddaba duqa magaaladu booskii qaadiga ma geli karaa?

Jawaab: Ruuxa dumarka ah waxaa u xaq mudan wilaayadeeda aabbaheed, waxaana ku xiga awoowgeed iyo awoowayaasheed haddii la helayo haddii kuwaas la waayana waxaa ku xiga wiilkeeda iyo wixii raga ah ee isaga ka farcama, waxaa ku sii xiga walaalkeeda ay isku aabbe iyo hooyo yihiin waxaana ku sii xiga walaalkeed ay isku aabbe yihiin intaas kaddibna qaraabadeeda siday ugu kala dhow yihiin oo ay dhaxalka u kala leeyihiin bay isugu xigsanayaan, haddii intaas la waayo waxaa wilaayadeeda qaadaya suldaanka waxaana naa’ib ka noqonaya maxkamadda sharciga ah ninka mas’uulka ah, (qaalliga magaalada).
Duqa maqaalada dawladda ayaa u xilsaartay in uu wakiil uga yahay arrimaha maamulka ee magaaladaas waana kan wakiilka ka ah oo fuliya wixii xukun ah oo la fulinayo.
Waxaa halkaas nooga caddaatay in haweeneydii aan wali lahayn duqa magaaladu aanu qaadi karin wilaayadeeda, balse xilkaas loo dhiibayo qaaddiga sharciga ah, mana jiro magaalo waddankeenna ka mid ah oo qaaddi lahayn, haddii aysan lahaynna magaalada ay hoos timaaddo ayaa qaadigii joogaa sida qaalibka ah.

Guurka gabadha aayadu dhashay
Su’aasha 133aad: Nin ayaa haweeney guursaday kaddibna way kala tageen nin kale ayaana guursaday, ninkii kale waxay u dhashay gabar, kaddibna islaantaasi way geeriyootay ninkii hore ee furayna wuxuu guursaday naag kale waxayna u dhashay wiil, wiilkii wuxuu soo doonay gabadhii ay dhashay aayadiis, muxuu sharcigu ka qabaa arrintaas?

Jawaab: Way bannaan tahay in wiilkaasi guursado gabadhaas, iyadoo waliba aabbihiis uu qabi jirey hooyadeed, waxaana u daliila aayadda uu Allaah ku xusay dadka aan guurkoodu bannaanayn oo marka uu soo tiriyey dhammaantood uu yiri:
(Intaas wixii aan ahayn waa la idiin banneeyey.)
Gabadha aan soo xusnay kuma ay jirin kuwa aayaddu sheegtay, sidaas darteed guurkeedu waa bannaan yahay.

Meherka
Su’aasha 134aad: Haween ayaa waxay ninkeeda ku lahayd meherkeedii, waxayna u cafiday markii ay dhimanaysey, waxaa markhaati ka ahaa arrintaas nin lagu kalsoon yahay iyo naago, waxayna hortooda ka qirtay inay ninkeeda u cafidey meherkeedii, haddaba arrintaasi ma ansaxaysaa?

Jawaab: Ma ansaxayso cafintaasi ilaa dadkii dhaxalka lahaa ay u cafiyaan, maadaama ay u cafiday markii ay dhimanaysey (oo maalkeedu dhaxal wareegayey) iyadoo aan horay u cafin intii ay caafimaadka qabtey.
Haddiise ay u cafiso iyadoo caafimaad qabta way ansaxaysaa, markhaatiguna sida ay sheegeen imaamyada Shaafici iyo Maalik iyo Axmed wuu ku ansaxayaa hal nin iyo dhaar (lagu kabo), sidoo kalena Imaamu Maalik wuxuu sheegay inuu ku ansixi karo laba naagood iyo dhaar (lagu kabo), haddiise markay dhimanayso ay sheegto inay ninkeeda meherkii horay ugu cafiday intay caafimaadka qabtey lagama aqbalayo sida ay qabaan, Abii Xaniifa iyo Axmed iyo culimo kale, Imaamu Shaaficina wuxuu qabaa in laga aqbalo.
Nabigu wuxuu yiri:
(Allaah qof kasta xaqiisii waa uu siiyey, ee yaan loo dar daarmin (wax dheeraad ah in la siiyo) qof dhaxalka wax ku leh.)
Qofka bukaanka ah uma bannaana inuu qof dhaxalka wax ku leh siiyo intii Allaah siiyey in ka badan.

Nikaaxa Shiqaarka (Beddelka)
Su’aasha 135aad: Waxaa jira in culimada qaarkood ay banneeyeen nikaaxa shiqaarka (beddelka) loo yaqaan, haddii meher rasmi ah lagu heshiiyo xilliga nikaaxa, culimada qaarkoodna ay diidaan, haddaba nikaaxaasi ma ansaxayaa?

Jawaab: Nikaaxa shiqaarku ama beddelku waa inuu ninku ninka kale ku yiraahdo gabadhaada ii guuri gabadhaydaan kuu guurinayaaye ama uu yiraaho ii guuri walaashaa walaashay ayaan kuu guurinayaaye ama uu yiraahdo ii guuri gabadhaada walaashay aan kuu guuriyee, iyo wixi la mid ah, meher ha magacaabeen ama yaanay magacaabin ee nikaax caynkaas ahi wuxuu ka mid yahay kuwa la reebay.
Nabigu wuu reebay nikaaxaas waxaana sidaas ka wariyey saxaabada kala ah Ibnu Cumar, Abuu Hurayra, iyo Mucaawiya, axaadiis kalena sidaas oo kale ayay xustay culimaduna way isku khilaafeen nikaaxaasi inuu ansaxayo iyo in kale.
Sida saxiixa ah nikaaxaasi ma ansakayo xataa haddii meher la bixinayo innagoo ka duulayna axaadiista aan soo sheegnay, waliba xadiiska Mucaawiye waxaa ku xusan inuu Madiina amiirkeeda amray inuu kala furo ciddii nikaaxa caynkaas ah isku qabta iyagoo waliba meherkii magacaabay wuxuuna yiri Mucaawiye, “Kaasi waa nikaaxii shiqaarka ee uu Rasuulku reebay.” Sida saxiixa ahna ma ansaxayo nikaaxaasi maadaama uu shardigiisu yahay hablo is waydaarsiga aan soo xusnay ee uu nin walba kan kale ku oranayo ii guuri walaashaa ama gabadhaada ama gabadha walaashaa, anna aan kuu guuriyo gabadhayda ama walaashay ama gabadha walaashay iyo wixi la mid ah, iyadoo xaqiiqo ahaantii mid walba midda kale meher looga dhigayo, taas oo ah dulmi iyo fasaad keenaya khilaaf iyo mashaakil fara badan, iyadoo markii horeba waxa la reebay oo laga hortagayey ahaa fasaadka, Allaahna wuxuu yiri:
(Haddii aad ku dooddaan arrin u celiya (xukunkeeda) Allaah iyo Rasuulka haddaa tihiin kuwo rumeeyey Allaah iyo maalinta dambaysa (Qiyaamaha), sidaas ayaana khayr roon oo wanaag badan xagga abaalmarinta.)
Haddii aan u celinno arrinkaan kitaabka Allaah waxaan helaynaa in Allaah uu yiri:
[Al-Xashr 7]
Wuxuu kaloo yiri:
[An-Nuur 63]
Wuxuu kaloo yiri:
[An-Nisaa’ 80]
Haddii aan arrinkaas sunnada Rasuulka u celinno waxaan ka helaynaa Nabigu inuu axaadiis kala duwan ku mamnuucay guurkaas kagana digay, ruuxa Muslimka ah waxaa ku waajiba inuu qaato awaamirta ku xusan kitaabka Allaah iyo sunnada Nabiga isla markaana aanu jalleecin wax kasta oo khilaafsan.

Qof dhiig loogu deeqay nikaaxiisa ma saamayso
Su’aasha 136aad: Haddii gabar aan guurkeeda doonayo ugu deeqo xubin jirkayga ka mid ah in lagu rakibo ama dhiiggayga wax ka mid ah lagu shubo, xalaal ma ii noqonaysaa in aan guursado?

Jawaab: Allaah wuxuu xaaraantinimeeyey nikaaxa qaraabada sida gabadhaada, walaashaa iyo wixi la mid ah, wuxuu sidoo kale xaaraantinimeeyey guurka hooyada naaska ku nuujisay aanse ku dhalin iyo gabadheeda iyo wixii la mid ah, waxaa sidoo kale la xaaraantinimeeyey guurka wiilkaaga xaaskiisa, sidoo kale waxaa la mid xaaska aabbahaa, intaas kaddibna wuxuu Allaah yiri:
(Wixii intaas ka baxsan waa idiin xalaal.)
Xukunkaasna waa mid sidiisii u taagan.
Haddaba ninku haddii uu dhiig ama xubin jirkiisa ka mid ah qof kale ugu tabarruco waxba ma xaaraantinimeeyaan daliilna looma hayo, dhan kale haddaan ka eegno nuugmada lagu walaaloobayo waxaa shardi looga dhigay inay labada sano ee hore tahay sababtoo ah jirka iyo laftuba way ku kobcaan dhiigguna sidaas oo kale ma ahan xataa haddii ilmaha oo yar lagu shubo oo uu quwad iyo nolol ka helo, kama xaaraantinimoobayo guur ahaan sida muuqata Allaah ayaana xaqiiqda og.

Naagta lala baxo nikaax cusub ayaa lagu celinayaa
Su’aasha 137aad: Gabar ayaa la guursaday iyadoon la ogaysiin ama idan laga qaadan ehelkeeda, culimada Soomaalida qaarkood waxay yiraahdaan haddii naag la nikaaxiyo iyadoon ehelkeed laga idan qaadan nikaaxaasi waa baadil wixii ay isugu tagaanna waa sino haddii masaafo 100 kiilomitir ah aysan u jirin meesha gabadha lagu meheriyey ehelkeedii, haddaba Islaamku muxuu arrintaas ka qabaa?

Jawaab: Nikaaxa waxaa shardi looga dhigay joogitaanka mas’uulkeeda waliga u noqon kara sida ay jamhuurka culimadu qabaan, haweentu wilaayadeeda ma haysan karto haween kalena weli uma noqon karto, wilaayada waxaa iska leh aabbaheed haddii la waayana ehelkeeda kale ayaa hadba siday ugu kala dhow yihiin wilaayadeeda u qaadaya, haddii ehelkeeda la waayo suldaanka ayaa wali u ah haweenka aan ehelka lahayn, mad-habuhu waxay qabaan marka laga reebo mad-habta xanafiyada inuu nikaaxu baadil noqonayo haddii aan gabadha weligeeda la weydiisan.
Haddaba waxaa waajib ah nikaaxaha qarsoodiga ku dhacay oo aan laga idan qaadan ehelkeedii in mar labaad la cusboonaysiiyo iyadoo gabadha aabbaheed laga doonayo haddii uu nool yahay ama qof uu wakiishay haddii la waayana kuwa ugu dhow ayaa la weydiisanayaa, haddii la waayana wakiilkiisa, haddii midna la waayana suldaanka magaaladaas ayaa laga doonayaa ama naa’ibkiisa isaga ayaana meherinaya.

Guurka bikro laga sinaystay
Su’aasha 138aad: Nin ayaa gabar bikro ah ka sinaystay wuxuuna doonayaa inuu guursado ee miyay u bannaan tahay?

Jawaab: Haddii arrintu sida la sheegay u dhacday waxaa labadoodaba ku waajiba inay u toobad keenaan Allaah oo ay ka haraan faaxishada ay sameeyeen isla markaana qoomameeyaan ficilkaas xun ayna goostaan in aanay mar dambe u noqonayn, waa inay badiyaan camalada wanaagsan, markaa waxaa laga yaabaa inuu Allaah ka toobad aqbalo oo uu ugu beddelo xumaantii wanaag, wuxuuna yiri Alle:
(Kuwa aan Allaah la caabudin ilaah kale, oo aan dilin naf Allaah xaaraantinimeeyey in loo dilo waxaan xaq ahayn, oo aan sinaysan, ciddii sidaas fasha dambi ayay la timid. Waxaana loo laalaabayaa cadaabka maalinta qiyaamaha, wuuna ku waarayaa isagoo dullaysan. Ciddii toobad keenta oo rumaysa oo fasha camal suubban mooyee, kuwaas xumaantoodii wanaag ayuu Alle ugu beddelaa, waana dambi dhaaf badane naxariis badan. Ruuxii toobad keena oo fala camal wanaagsan Ilaahiis ayuu u soo noqday noqosho.)
Haddii uu gabadhaas guur ka doonayo waxaa ku waajiba in uu sugo inta ay dhiig caado ka helayso hal mar, markii ay dhiiggaas ka daahir noqoto wuu mehersan karaa, haddiise ay caddaato inay uur leedahay ma bannaana inuu nikaaxsado ilaa ay ka dhasho, innagoo dabbaqayna xadiiska Rasuulka ee ahaa:
(Rasuulku wuxuu reebay inuu ninku manidiisa ku waraabiyo abuur (uur) aanu lahayn.)

Guurkaani ma ansaxayaa?
Su’aasha 139aad: Ma bannaan tahay in aan gabadhayda u guuriyo aabbahay abtigiis, mase bannaan tahay in aan guursado ina adeertay oo aan naas wada nuugnay hal maalin ama maalin barkeed?

Jawaab: Su’aasha hore haddaan ka jawaabno kuuma bannaana in aad gabadhaada u guurisid aabbahaa abtigiis, sababtoo ah aabbahaa abtigiis waa abtigaa oo kale isaga iyo wixii ka farcamaba iyo wixii kasii farcamaba Allaahna wuxuu yiri ()
Abtigu maxram ayuu u yahay walaashiis gabadhceda, iyo wixii kasii farcamaba.
Su’aasha labaad haddaan u gudubno, haddii nuugmadaasi ay tahay mid gaaraysa shan jeer iyo wixii ka badan waqtiga nuugmadaasina ay ahayd labada sano ee ilmaha la nuujiyo, waxay noqonaysaa nuugmo kala xaaraantinimaynaysa, umana bannaana in uu guursado ina adeertiis naas la nuugtay isaga walaalihiis mid ka mid ah, haddiise nuugmadaasi ay ka yar tahay shan jeer, ama waqtigaas uu nuugay ahaa markii da’diisu gaartay laba sano intii ka dambeysey wax saamayn ah ma yeelanayso.
Nuugmada sharcigu nuugmo ka soo qaadayo waa midda ilmaha naaska afka loo galiyo markii uu ka tagana waxaa laga soo qaadayaa hal nuugmo, haddii uu mar labaad ku noqdana waxaa laga soo qaadayaa nuugmo labaad, sidaas ayayna ku soconaysaa ilaa ay shan nuugmo ka gaarto.
Halkaas waxaa nooga caddaaday in meesha wax laga eegayaa ay tahay nuugmada ee aysan ahayn maalmaha, waxaana dhici karta in ilmuhu saacad in ka yar ay ugu dhamaystiranto nuugmadii sharcigu oggolaa, waxaa dhacda shan maalmood iyo in ka badan inaysan ugu dhamaystirmin nuugmadaasi.

Naag nin kale u doonan mala dooni karaa
Su’aasha 140aad: Ma bannaan tahay nin inuu doono naag nin kale u doonan?

Jawaab: Waxay isku raaceen afarta imaam inaysan bannaanayn in haweeney nin u doonan laga dul doono. Imaamka Bukhaari kitaabkiisa waxaa ku qoran inuu Nabigu yiri:
(Ninna uma bannaana inuu doono naag nin kale u doonan, iyo inuu ka dul baayaco badeecad uu nin kale baayacay (oo la isku af gartay).)
Waxay culimadu ka doodeen haddii ay dhacdo oo nin ka duldoono haweeney uu doonay nin kale oo uu guursado, in guurkaasi ansaxayo iyo in kale, Maalik iyo Axmed (labadiisa qawl mid ka mid ah) waxay yiraahdeen guurkaasi ma ansaxayo.
Abii Xaniifa iyo Shaafici iyo Axmed qawl kale oo laga wariyey waxay qabaan inuu ansaxayo guurkaasi, waxayna yiraahdeen waxa xaaraanta ah waa doonitaanka.
Culimada oranaysa ma ansaxayo guurkaasi waxay iyagu qabaan nikaaxaas inuu soo galayo xaaraantinimayntii hore, hase yeeshee iskuma ay khilaafin in ninkaasi uu dambaabey oo ku caasiyey Alle iyo Rasuulkiisa, in kasta oo qaarkood ka doodeen arrintaas, haddana qofku haddii uu dambi uu og yahay ku kaco waxay dhaawacaysaa diintiisa iyo caddaaladdiisa iyo mas’uuliyaddii uu Muslimiinta u qaban lahaa.

Xiriirka dhex mara guurdoonka
Su’aasha 141aad: Gabar ayaa waxay doonaysaa in ay ogaato waxa ay diintu ka qabto xiriirka dhex mara ruux dumar ah iyo nin guur ka doonaya?

Jawaab: Haddii uu xiriirkaas gabadhu ay ula jeedo nikaaxa kaddib intuusan la aqal galin dhib kuma sugna waayo waa xaaskiisii haddiise uu yahay intaan nikaaxu dhicin ma bannaana inay xiriir yeeshaan oo uu ku raaxaysto hadalkeeda ama aragti ay is arkaan ama in uu la kali noqdo sababtoo ah Nabigu wuxu yiri:
(Ninna yuusan la gooni noqon ruux dumar ah kaligiis, haweentuna kaligeed yaysan safrin inuu maxram la socdo mooyaane.)
Haddii xiriirkaas iyo wada kulankaas yahay nikaaxa kaddib dhib kuma sugna, haddiise uu yahay inta aan nikaaxu dhicin waa xaaraan oo ajnabi ayay kala yihiin ilaa uu ka nikaaxsado.

Wuxuu ka dhaartay isagoon nikaaxsan
Su’aasha 142aad: Nin ayaa naag reerkoodii ka doonay kaddibna aabbaheed ayay is af dhaafeen oo isku xanaaqeen wuxuuna ku dhaartay inay hooyadii oo kale ka tahay gabadhaasi kaddibna waa ay heshiiyeen gabadhiina waa lagu daray meher go’anna waa lagu heshiiyey, miyay haddaba dhaartiisii hore saamaynaysaa, mise kafaaaro gud buu bixinayaa muxuuse yahay kafaaregudkaasi?

Jawaab: Maadaama dhaartaasi ay nikaaxa ka horraysey kuma yeelanayso saamayn guurkiisa kumana waajibayso kafaaro gudkii dihaarku (dihaarku waa kafaara gudka ku waajibta haddii ninku naagtiisa yiraahdo hooyaday baad iga tahay iyo wixi la mid ah) maadaama ay dhaartaasi ka horreysey nikaaxa, waxaase ku waajiba kafaaro gudkii dhaarta Allaahna wuxuu yiri:
(Kuwa xaqa rumeeyow ha xarrimina wanaagga (xalaasha) Allaah idiin banneeyey hana xadgudbina, Allaah ma jelca kuwa xad gudbee. Waxna ka cuna wuxuu idinku arsaaqay Allaah isagoo xalaal fiican ah, kana cabsada Allaah oo ah midka aad rumaysantihiin. Allaah idiin ma qabto dhaar danla’aaneed (laqwi) laakiin wuxuu idiin qaban dhaartaad u qasaddaan, kafaaragudkeeduna waa quudin toban miskiin (oo siisaan) kan ugu dhexdhexaadsan waxaad ku quudisaan ehelkiinna ama arrad bixintooda ama xorayn qoor, ciddaan heli karinna waxay soomi saddex maalmood, taasaana ah kafaarada dhaartiinna markaad dhaarataan, ee dhawra dhaartiinna saasuuna idiinku caddayn Allaah aayaadkiisa, waxaadna mudan tihiin in aad ku mahdisaan.)
Wuxuu kaloo Alle yiri:
(Nabiyow maxaad u xarrimi wax Allaah kuu xalaaleeyey si aad u raalli geliso haweenkaaga, Allaah waa dambi dhaafe naxariiste ah. Allaah waa idiin caddeeyey waxa aad dhaartiinna kaga xalaaloobaysaan, waana wax walba oge falsan.)
Waxaa ku waajiba inuu quudiyo toban miskiin oo siiyo cunto dhexdhexaad ah oo aan liidan, miskiin kasta waxaa la siinayaa saac barkii ama wax la mid ah ama toban miskiin ayuu dhar siinayaa, ama wuxuu xoraynayaa addoon, haddii uu intaas midna waayo wuxuu soomayaa saddex maalmood oo isku xigta.

Sidee u dooranayaa ninkii aan guursan lahaa?
Su’aasha 143aad: Maxay yihiin arrimaha ugu muhiimsan ee aan ku dooranayo ninka guurka iga doonaya, dambise ma iga saaran yahay haddii aan nin wanaagsan diido anigoo eegaya arrimo adduunyo?

Jawaab: Waxyaalaha ugu muhiimsan ee ay habboon tahay inay haweenku ragga soo doonaya ay ku doortaan waa akhlaaqda iyo diinta, wixii intaas ka soo hara tix gelin weyn ma leh sida maalka iyo nasabka, arrinta ugu muhiimsan waa inuu ninka gabadha soo doonayaa ku sifoobo dabci wanaagsan iyo diin, sababtoo ah hadduu ninku diin iyo dabci isku darsado haweentu khayr ka waayi mayso oo hadduu qabo wanaag ayuu ku haysanayaa haddii uu furayana si wanaagsan ayuu u siidaynayaa, tan kale ruuxa diinta iyo dabciga wanaagsan leh khayr iyo barako lagama waayo carruurteeduna waxay ka baranayaan diin iyo dhaqan wanaagsan, haddii ninka labadaas laga waayo waa inay gabadhu iska ilaaliso, gaar ahaan kuwa salaadda fududaysta, ama kuwa khamriga, iyo wixi la mid ah isticmaala Allaah hanaga nabad geliyee.
Kuwa aan iyagu salaaddaba tukan diinta way ka baxeen kumana xirmayso haweeney mu’minad ah waxaana loo baahan yahay inay haweentu ahmiyad dheeraad ah siiso ninka diinta iyo dabciga wanaagsan leh, nasabkana hadduu ku darsado oo ay noqdaan dad kuf isu ah way ka sii fiican tahay, Rasuulkuna wuxuu yiri:
(Hadduu idiin yimaado nin aad diintiisa iyo dabcigiisa ka raalli tihiin u guuriya.)

Guurka naag uur leh
Su’aasha 144aad: Muxuu yahay xukunkiisu nin nikaaxsaday naag uur leh uurkaasina uu marayo bishii 8aad, Nikaaxaasi ma waxaa laga soo qaadayaa mid aan jirin oo faasid ah mise waa mid sax ah? Arrintaasna waxaa ku dooday laba shiikh oo nala jooga, labadaas shiikh midkood baadil ayuu ka dhigay nikaaxaas midna wuu ansixiyey, wuxuuse yiri looma galmoon karo ilaa ay ka dhasho?

Jawaab: Haddii uu ninku guursado naag uur garac ah sidda nikaaxaasi waa baadil, waana ka xaaraan inuu u galmoodo waxaana u daliila Ilaahay qowlkiisa ah:
(Ha u qasdina xiridda guurka inta ay ka gaarayso ciddadu waqtigeeda.)
Iyo aayadda kale ee uu ku yiri:
(Haweenka uurka leh ciddadoodu waa inay ummulaan.)
Iyo qawlka Rasuulka ee ah:
(Uma bannaana nin Muslim ah inuu manidiisa ku shubo naag sidda uur uusan lahayn, ee nin kale leeyahay.)
Xadiis kale ayaa wuxuu ahaa:
(Looma galmoodo (lama guursado) xaamilada ilaa ay ka dhasho.)
Waana sida ay qabaan Imaamu Maalik iyo Axmed. Waxaan iyagu sidaas qabin Imaamu Shaafici iyo Abuu Xaniifa qawlashiisa mid ka mid ah waxayna yiraahdeen wuu ansaxayaa nikaaxaasi, inkastoo Abuu Xaniifa uu xaaraantinimeeyey in loo galmoodo ilaa ay ka dhasho isagoo daliilsanaya axaadiistii aan soo xusnay, Imaamu Shaafici wuu banneeyey in loo galmoodo wuxuuna yiri: Sinada manideedu xurmo ma lahan ilmahaas uu sinada ku dhalayna abtirsiinyo kuma raacayaan, Nabigu wuxuu yiri:
(Saanigu waxba ma helayo [ilmaha uu sinada ku dhalay ma sheegan karo xaqna kuma leh, nasabna kuma raacayaan].)
Sidoo kale ilmahaasi abtirsiinyo kuma raacayaan ninka guursaday (iyadoo uur leh), waayo waxay xilihiisa noqotay iyadoo uur leh, halkaasna waxaan ka garanaynaa khilaafka labada sheekh ay is khilaafeen inuu ku salaysnaa mad-habaha ay kala haystaan, waxaana ugu saxsan qowlka hore oo ah (in aan guurkaasi bannaanayn) waana sida ay caddaynayaan labada aayadood iyo axaadiistii diideysey arrintaas.

Guurka haweenka Ahlu-Kitaabka ah
Su’aasha 145aad: Ma u bannaan tahay nin Muslim ah oo guursaday gabar Ahlu-Kitaab ah (Yuhuud ama Kiristaan) inuu guurkiisa kaniisadda iyo baadarigeeda ogeysiiyo, isagoo nikaaxaasi markii hore si sunnada waafaqsan u dhacay, laguna dhigay nikaaxaas xafiis loogu tala galay dadka Muslimiinta ah danahooda kuna yaal waddanka Ingiriiska?

Jawaab: Uma bannaana ninka Muslimka ah in uu guurkiisa gabar Muslimad ah ama Ahlu-Kitaab ah ogeysiiyo kaniisadda iyo qasiiskeeda toona, xataa ogaysiintaasi haddii ay tahay markii uu nikaaxu u dhacay si sunnada waafaqsan kaddib, sababtoo ah arrintaas waxaa ka dhalanaysa shabbihid la isku shabbahayo ficilka ay Kiristaanku sameeyaan oo ah inay guurkooda kaniisadda ogeysiiyaan iyo waynayn caadooyinkooda iyo kaniisadahooda la weyneynayo iyo xurmayn la xurmaynayo culimadooda iyo cibaadadooda, Rasuulkuna wuxu yiri:
(Qofku cidda uu isku shabbaho ayuu ka tirsan yahay.)

Guurka nin Ahlu-Kitaab ah gabar Muslimad ah
Su’aasha 146aad: Maxay diinta Islaamku ka qabtaa nin Kiristaan ah oo guursaday gabar Muslimad ah? Haddii ay carruur u dhasho muxuu xukunkoodu noqonayaa?

Jawaab: Guurka nin Kiristaan ah uu guursaday gabar Muslimad ah waa baadil, Allaah wuxuu yiri:
(Isuma xalaal aha.)
Haddii uu guursado guurkaasi wuxuu noqonayaa baadil, carruurta ay u dhashana wacallo ayay noqonayaan nasabna kuma raacayaan ninka, waxaana loogu abtirinayaa hooyadood, laakiin haddii markii ay is guursanayeen jaahil ka ahaayeen xukunka sharciga ee guurkaas, xaaladda jaahiliintu waa si kale oo nikaaxaasi waa baadil ilmahase waxaa loogu abtirinayaa aabbahood iyadoo loogu cudurdaarayo jahliga, macnaha haddii labadooduba ay jaahiliin ahaayeen nikaaxu wuxuu noqonaya baadil ilmahana aabbahood ayaa loo aqoonsanayaa oo loogu abtirinayaa iyadoo loogu cudurdaarayo jahliga iyo galmoodkaas shubhadu soo gashay, haddii ay ogaayeen xukunka Islaamka ee guurkooda laakiin ay iska fududaysteen oo xukunka Allaah ku tunteen iyagoo og, markaas caruurta ay isu dhalaan waxay noqonayaan wacallo, ninkana loogu abtirin maayo oo waxaa loogu abtirinayaa hooyadood oo kaliya, waana la edbinayaa ninkaas iyadoo lagu oogayo xadka sharciga ah galmoodka uu u galmooday Muslimad si xaq darro ah, sidaas ayaana waajib ah markii dawladda Islaamka ahi ay awooddo, markaas kaddib haddii Allaah soo hanuuniyo oo islaamo wuxuu ku guursanayaa nikaax cusub.

Nin la waayey oo xaaskiisii la guursaday kaddibna so noqday
Su’aasha 147aad: Nin ayaa xaaskiisa ka maqnaa muddo dheer ilaa laga quustay oo loo maleeyey inuusan dib u soo noqonayn, xaaskiisii nin kale ayay guursatay waxayna u dhashay wiil, sannado kaddib waxaa soo noqday ninkeedii hore, haddaba guurkeeda ninka dambe sidiisii miyuu ku soconayaa mise wuu fasakhmayaa, ninkii hore ma u bannaan tahay inuu xaaskiisa soo ceshado haddii ay u bannaan tahay nikaax cusub miyuu samaynayaa?

Jawaab: Mas’aladaan waxaa laga cabbir qaadanayaa haweenta ninkeeda la waayey, oo haddii ninka la waayo oo ay dhammaato muddadii la raadinayey kaddibna la xugmiyo inuu dhintay haweentiisuna ay asay qaaddo oo ciddadii dhammaysato nin kalena guursato, markaas haddii uu yimaado ninkii hore ee la waayey waxaa la kala dooransiinayaa in guurka xaaskiisa la guursaday sidiisa loo daayo iyo in xaaskiisa loo soo celiyo, haddii guurka labaad ee haweentaas la guursaday sidiisa loo daayo arrintu waa caddahay oo markii horeba waxaa lagu nikaaxiyey si sharciga waafaqsan, haddii uu arrintaas ku raali noqon waayo oo doonayo in xaaskiisa loo soo celiyo (xaq ayuu u leeyahay) waana loo soo celinayaa xaaskiisa laakiin uma galmoon karo ilaa ay ka dhammaysanayso ciddada guurka labaad, umana baahna in meher labaad lagu celiyo marka loo soo celinayo ninkeedii hore sababtoo ah ma jiraan nikaaxiisii hore wax buriyey oo ku khasbaya inuu nikaax cusub sameeyo.
Wiilka ay u dhashay ninka labaad waa ilmo xalaal ah oo si sharciga waafaqsan iyo nikaax xalaal ah ku dhashay waxaana loogu abtirinayaa aabbihiis.

Eegmada haweenku ay ragga eegaan
Su’aasha 148aad: Muxuu yahay xukunka eegmada haweenku ay ragga eegaan, haddii ay noqoto teleefishinka ama ragga kale ee jidadka maraya?

Jawaab: Eegmada haweentu ay eegto ragga, haka eegato taleefishin ama meel kale, labo xaaladood ayay mid noqon kartaa.
1. Eegmo qasdigeedu yahay shahwo iyo ku raaxaysi: waana xaaraan eegmada caynkaas ah fitnada iyo fasaadka ka imaan kara awgeed.
2. Eegmo caadi ah oo aan shahwo iyo ku raaxaysi midna looga qasdin. Eegmada caynkan oo kale ah dhib kuma sugna sida ay culimadu sheegeen, wayna bannaan tahay, Bukhaari iyo Muslim waxay qoreen in Caa’isha Alle ha ka raalli noqdee ay eegatay niman Xabashi ah oo ciyaaraya Nabiguna uu asturayey oo gadaashiisa ay taagnayd arrintaasna kuma uu qoonsan wuuna uga raalli noqday, haweenkuna waagii Nabiga dariiqyada ayay mari jireen raggana way eegi jireen iyagoo xijaaban, ragga waa ka xaaraan inay haweenka eegaan laakiin haweenku ragga way eegi karaan haddii aysan shahwo ahaan u eegayn fitnana ka imaanayn oo markaas xaaraan ayay noqonaysaa eegmadoodu haddii ay tahay taleefishin ama meel kale.

Cutubka Sagaalaad – Udxiyada

UDXIYADA
Udxiyada haweenku way qali karaan
Shanlaysiga timaha qof doonaya inuu Udxiyo qalo

Udxiyada haweenku way qali karaan
Su’aasha 109aad: Haddii la gaaro xilligii udxiyada reerkana ninkii uu ka maqan yahay, ma u bannaan tahay haweenta inay udxiyadii qasho?

Jawaab: Way u bannaan tahay inay haweentu udxiyada qasho, haddii ay duruufi keento, lana buuxiyo shuruudihii kale ee udxiyada.
Waxaa sunne ah marka la biraynayo in la magacaabo qofka laga qalayo udxiyadaas, haddii aan la magacaabin oo qalbiga laga niyaysto dhib ma lahan oo way ansaxaysaa, haddii qofkii laga qalayey qof aan ahayn si aan ula kac ahayn loogu magacaabo, iyaduna way ansaxaysaa oo Alle niyadda ayuu daalacanayaa.

Shanlaysiga timaha qof doonaya inuu Udxiyo qalo
Su’aasha 110aad: Haweentu haddii ay doonayso inay udxiyada xoolo qasho, waajib miyay ku tahay inaysan shanlayn timaheeda, iyadoo waliba dhibaato kala kulmaysa shanlo la’aanta tobankaas maalmood?

Jawaab: Waxaa jira xadiis saxiix ah oo Ummu Salama Alle ha ka raalli noqdee laga wariyey inuu Nabiga yiri:
(Haddii la gaaro tobanka maalmood [ee Dul-Xijjah ugu horraysa] oo qofkiin doono in uu udxiyaysto, yaanu waxba ka goyn timihiisa iyo jirkiisa.)
Warin kale ayaa waxay ahayd:
(Ha daysto timihiisa iyo ciddiyihiisa.)
Culimadu waxay yiraahdeen: Ujeeddadu waa in aan timaha la suulin sida in la xiiro ama la gooyo ama la gubo iyo wixi la mid ah, sidaas awgeed shanlaynta iyo timaha oo la hagaajiyo ma soo galayaan waxa la diiday, sidoo kale waa la mayri karaa timaha oo la kala bixin karaa, haddii sidaas timo ku go’aan iyadoon loola qasdin dhib ma keenayso, haween tana way u bannaan tahay inay timaha shanlaysato haddii ay u baahato waana isku mid udxiyadaasi inay tahay mid sunne ah ama aan ahayn.

Cutubka Siddeedaad – Xajka

XAJKA
Haweenta caadada qabta iyo labada ragcadood ee Ixraamka
Haweentu marka ay xajka gudanayso wajigeeda ma feydeysaa
Wajiga in la feydo marka la dhunkanayo Xajarul Aswad
Haweeney aan maxram lahayn xaj kuma wajibayo
Nin haween taabtay isagoo dawaafaya
Dhiig ayay heshay intaysan cumradii dhammaystiran, umana suurtagelayso inay sugto inta ay daahir noqonayso
Wakiilashada tuuryada Jamaraadka qof carruur wata
Wakiilashada tuuryada Jamaraadka
Ruuxa ixraamani haddii uu kabo ama sharabaado xirto
Gabar caado heshay oo ka xishootay inay sheegto oo xajiday
Musdalifa ayay ka timid intaan habeenka kala barkiisa la gaarin, maxram la’aanna way ku soo xajiday
Jidda ayay aaddey iyadoo xajiyaysa
Haweeney Xaj Tamatuc ah soo ixraamatay oo caado heshay
Ma xajiyi karaa ninkayga oon ii idmin
Timaha ka go’a haweenka ixraaman
Miiqaadka ayay soo dhaaftay iyadoo caado qabta
Musdalifa oo laga baxo goor hore
Qof maal leh oo geeriyooday isagoon xajkii gudan 

Haweenta caadada qabta iyo labada ragcadood ee Ixraamka
Su’aasha 91aad: Sidee ayay u tukanaysaa haweeney caado qabta labada ragcadood ee ixraamka?

Jawaab: Haweenta caadada qabtaa ma tukanayso labada ragcadood ee Ixraamka waxayna ixraamanaysaa salaad la’aan, ragcadahaasina waajib ma ahan ee waa sunno, ahlu cilmiga qaarkood waxay qabaan inaysan xataa sunno ahayn, sababtoo ah Rasuulka lagama warin wax salaad ah inuu ku khaas yeelay ixraamashada, jamhuurka culimadu waxay qabaan inay sunne tahay waxayna soo daliilsadeen axaadiis sheegaysa in Ilaahay Nabiga ku yiri:
(Ku tuko waadigaan barakaysan oo dheh cumro iyo xaj wada jira.)
Waadigaasi waa Al-Catiiq, markaasna waxay ahayd xajkii sagootinta oo ahaa xajkii ugu dambeeyey ee Nabigu xajiyo, saxaabada qaarkoodna waxaa laga wariyey inuu Nabigu tukaday kaddibna ixraamtay, sidaas darteed ayay jamhuurku u arkaan inay sunne tahay in la ixraamto salaad gadaasheed, salaaddaasi sunne iyo waajib middii ay doonto ha noqoto, haweenka dhiigga qaba maadaama salaad aysan tukanayn waxay ixraamanayaan salaad la’aan, mana qallaynayaan labadaas ragcadood markii ay daahir noqdaan.

Haweentu marka ay xajka gudanayso wajigeeda ma feydeysaa
Su’aasha 92aad: Waxaa jirta haweenta jirkeeda oo idil inuu cawro yahay, wixii aan ka ahayn wajiga iyo calaacalaha markii ay tukanayso, haddaba haweentu haddii ay xajiyayso ama safar tahay oo rag badan ajnabi ka ah ay la tukanayso, miyay feydeysaa wajiga iyo calaacalaha mise way asturaysaa, si aan raggaas ajaanibta ka ahi u arkin, xaramkana sidoo kale miyay wajiga iyo calaacalaha daboolaysaa?

Jawaab: Haweenta xorta ah jirkeeda oo dhan waa cawro sida saxiixa ah, waana xaaraan inay wajigeeda iyo calaacalaheeda ku feydo ragga ajnabiga ka ah hortooda waana isku mid haddii salaad ay tukanayso ama ay xajiyayso, ama ay xaalad caadi ah ku sugan tahay, Caa’isha (Alle ha ka raalli noqdee) waxaa la wariyey inay tiri:
(Annagoo Rasuulka la xajiyayna ayaa waxaa dhici jirtey inay nasoo ag maraan niman geel iyo fardo saaran, markaas wajiga ayaan dadan jirney markay noo soo dhawaadaan, markii ay na dhaafaanna waan faydi jirney.) Waxaa wariyey Axmed, Abuu Daawuud iyo Ibnu Maajah.
Haddaba haddii ay sidaasi ahayd xaaladdii ixraamka oo haweenka ay mamnuuca ka ahayd inay wajiga daboolaan waxaa ka sii mudnaan badan waqtiyada kale, Allaahna wuxuu yiri:
(Haddii aad wax weydiinaysaan (haweenka Nabiga), ka weydiiya asturka gadaashiisa, sidaas ayaa quluubtiina iyo quluubtoodaba u fiican.)

Wajiga in la feydo marka la dhunkanayo Xajarul Aswad
Su’aasha 93aad: Ma bannaan tahay inay haweentu wajigeeda feydo marka ay dhunkanayso xajarul aswad iyadoo rag ku hareeraysan yahay?

Jawaab: Dhagaxa dhunkashadiisu waxay ka mid tahay sunnooyinka dawaafka ee la adkeeyey waadna dhunkanaysaa haddii ay si fudud kuugu suurto gasho, laakiin haddii meesha aad la isugu ciriirinayo oo dhib kaa soo gaarayo, waxaa waajib ah in aad iska deysid dhunkashadiisa oo aad kor ka salaantid (gacanta kor u qaaddid calaacashana xagiisa u jeedisid halkii aad ka dhunkan lahayd).
Xaaladdaani haweenka si gaar ah ayay saamayn ugu leedahay, sababtoo ah jirkooda oo dhami waa cawro, ciriirigaasna waa ku dhib mudanayaan, sidoo kale haddii ay helaan fursad ay ku dhunkadaan dhagaxa iyadoon ciriiri jirin, uma bannaana inay wajiga feydaan waxayna dhunkanayaan iyaga oo aan wajigooda feydeyn haddii rag ajnabi ka ahi arkayo.

Haweeney aan maxram lahayn xaj kuma waajibayo
Su’aasha 94aad: Waxaan ahay haweeney reer Saba’ ah da’daydu waa meel dhexaad weynaan xigta waxaa la igu yaqaan wanaag iyo dhawrsanaan maalna waan leeyahay, waxaan doonayaa in aan xajiyo maxramna ma lihi, waxaase jira nin ahlu diin ah oo wanaagsan oo doonaya inuu soo xajiyo ayna la socdaan haween uu maxram u yahay, waxaan doonaya in aan haweenkaas raaco ninkuna uu mas’uul naga wada ahaado, haddaba ma ii bannaan tahay in aan dadkaas la xajiyo? Haddiise aanay ii bannaanayn waajibnimadii xajku ma iga dhacaysaa? Su’aashaas dad ayaan isku khilaafnaye jawaab shaafiya naga siiya?

Jawaab: Haweentu haddii aysan lahayn maxram kuma waajibayo xajku sababtoo ah awood uma ay lahan, Allaahna wuxuu yiri:
(Allaah wuxuu dadka ku waajibiyey inay u xajiyaan Kacbada, qofkii awooda.)
Shuruudaha xajku ku waajibayo waxaa ka mid ah inuu qofku awoodo, haweenkana safarku waa ka xaaraan maxram la’aan sidaas awgeed ayaysan uga mid noqonayn dadka xajku ku waajibayo waxaana sidaas qaba Xasan, Nakhaci, Isxaaq, Ibnu Mundir iyo rag kale, waana sida saxiixa ah Rasuulkuna wuxuu yiri:
(Uma bannaana inay haweentu u safarto maxram la’aan meel habeen iyo maalin loo socdo.)
Bukhaari iyo Muslim waxay wariyeen inuu Ibnu Cabbaas ka maqlay Rasuulka Alle oo leh:
(Ninna yaanu haweeney la gooni noqon iyadoo aanu la joogin qof maxram ah, haweentuna yaanay safrin maxram la’aan.)
Nin ayaa markaas kaddib istaagay oo yiri:
(Raskuulkii Allaahow haweentaydii xaj bay u baxday anigana waxaa la igu qoray duullaanka meel hebla u baxaya, markaa ayuu Nabigu wuxuu yiri:
(Orod oo xaaskaaga la xaji.)
Waxaa jirta Imaamu Shaafici iyo Maalik iyo Awsaaci (Allaah ha u naxariistee) inay arrintaas khilaafeen (oo banneeyeen inay haweentu xajido maxram la’aan) midkastana wuxuu soo daliilsaday waxaan xujo noqon karin.
Ibnu Mundir wuxuu yiri:
Waxay ka tageen xadiiska macnihiisa daahirka ah, mid kastana wuxuu la yimid shardi aan daliil lahayn.

Nin haween taabtay isagoo dawaafaya
Su’aasha 95aad: Nin ayaa isagoo dawaafaya xajka dawaafkiisii, meeshana aad la isigu ciriirinayo wuxuu jirkiisu taabtay haween jirkeed haddaba dawaafkiisii ma ka burayaa, sida weysada oo kale?

Jawaab: Sida saxiixa ah dawaafka iyo weysada midna kuma burayo haween taabashadeed haddii ay meeshu ciriiri tahay iyo haddii kaleba, in kastoo culimadu ka doodeen taabashada dumarka inay weysadu ku burayso iyo in kale, waxay kala yiraahdeen weysadu way ku buraysaa iyo kuma burayso, iyo way ku buraysaa haddii shahwo ahaan loo taabto, waxaana ugu raajixsan inaysan weesadu ku burayn.
Ninku haddii uu naag taabto ama uu dhunkado weysadu kama burayso sida saxiixa ah, sababtoo ah Rasuulku intuu haweenkiisa qaar ka mid ah dhunkaday ayuu haddana tukaday isagoon weysaysan, waxayna arrintaasi daliil cad u tahay weysadu inaysan taabasho iyo dhunkasho toona ku burayn, mana bannaana in la yiraahdo weyso ayay burinaysaa in daliil cad loo keeno mooyaane, daliilkaas oo tusinaya in haweenka taabashadooda oo idil weysadu ku burayso.
Taabashada haweenka ee aayaddu sheegtay waxaa loola jeedaa galmood (jimaac), Ibnu Cabbaas iyo jamaaco kalena waxay yiraahdeen macnaha aayadda waxaa loola jeedaa galmoodka, mana aha taabasho kaliya sida uu wariyo Ibnu Mascuud sida saxiixa ahna waa in aayadda macnaheeda loola jeedo galmoodka, sida uu yiri Ibnu Cabbaas iyo koox kale oo culimada ka mid ah.
Waxaan halkaas ka ogaannay ninkii haween taabta isagoo dawaafaya in dawaafkiisu ansaxayo weysaduna aanay ka burayn haddii ibtiisa aan wax qoyaan ahi ka iman.

Dhiig ayay heshay intaysan cumradii dhammaystiran umana suurta gelayso inay sugto inta ay daahir noqonayso
Su’aasha 96aad: Naag ayaan u soo kaxeeyey Cumro, markii aan Makka soo gaarnay ayay dhiig caado heshay, anigana iima suurta gelayso in aan sugo inta ay daahir ka noqonayso, cid kalena Makka uma joogto, see ayuu xukunkeedu noqonayaa?

Jawaab: Haddiii ay arrintu sidaas u dhacday haweentuna aysan Makka ku lahayn maxram, ninkii wadeyna aysan duruuftu u saamaxayn inuu sugo intay ka daahir noqonayso, markaas shardigii daahir ahaanshuhu meesha waa ka baxayaa, waxayna xiranaysaa suufka dhiigga loo xirto (timbooni), kaddibna waxay la imanaysaa dawaafkii iyo sacyigii Safa iyo Marwa sidaas ayayna cumradeedii ku dhammaystiranaysaa, haddiise meesha ay ka timid dhowdahay ama duruuftu dhaqaale ahaan u saamaxayso waxaa haboon inay soo noqoto iyadoo maxram ama ninkeedu la socodo markii ay daahir noqoto, markaasna ay dhammaystirato dawaafkii cumrada iyadoo daahir ah.
Allaah subxaanahu watacaalaa wuxuu yiri:
(Allaah fudayd buu idinla doonayaa ee culays idinla dooni mayo.)
Wuxuu kaloo Alle yiri:
(Allaah ruuxna kuma kallifo wax uu awoodo mooyee.)
Aayad kale wuxuu Alle ku yiri:
(Diinta kama yeelin dhib.)
Wuxuu kaloo Alle yiri:
(Allaah ka cabsada intaad kartaan.)
Rasuulkuna wuxuu yiri:
(Haddii aan amar idin faro, intii aad kartaan ka sameeya.)
Wayna badan yihiin aayadaha iyo axaadiista tilmaamaysa fududaynta dadka loo fududeeyey wixii caqabad ku noqda ee is hortaaga, waxaana sidaas qaba koox ahlu cilmiga ka mid ah sida Ibnu Taymiya iyo ardaygiisii Ibnu Qayim (Allaah ha u naxariistee).

Wakiiilashada tuuryada Jamaraadka qof carruur wata
Su’aasha 97aad: Haweeney ayaa xaj waajib ah gudanaysey, si wanaagsan ayayna u gudatay wixii aan ka ahayn tuurashadiii jamaraadka oo ay cid kale u wakiilatay sababtoo ah ilmo yar ayay wadatey, sidee ayuu xajkaasi noqonayaa?

Jawaab: Waxaa jira in lala kulmo ciriiri aad u daran marka jamaraadka la tuuranayo, haweenkana aad ayay halis ugu tahay, gaar ahaan kuwa caruurta wata, sidaa darteed dhib kuma sugna inay cid kale u wakiilato tuurashada jamaraadka, xajkeeduna wax nuqsaan ah ma leh.

Wakiiilashada tuuryada Jamaraadka
Su’aasha 98aad: Ma bannaan tahay inay haweentu wakiilato qof u tuuryeeya jamaraadka iyadoo xaj waajib ah gudanaysa kana cabsanaysa ciriiriga jamaraadka?

Jawaab: Way bannaan tahay haweentu inay tuuryaynta jamaraadka cid kale u wakiilato, haddii ay jirran tahay ama tabar yar tahay ama ay uur leedahay, si aan dhibaato u soo gaarin nafteeduna halis u gelin.

Ruuxa ixraamani haddii uu kabo ama sharabaado xirto
Su’aasha 99aad: Haddii ruuxa ixraaman xirto kabo ama sharabaado isagoo og ama jaahil ka ah, ama hilmaansan, miyuu xajkiisu burayaa?

Jawaab: Waxaa sunno ah in ruuxa labka ahi ku ixraamto labo go’ iyo kabo furan, sidaas ayuuna Rasuulku amray, wuxuuna yiri:
(Raggu ha ku ixraamto hoos gunti iyo go’ iyo kabo furan.)
Waxay noqon karaan dacas, sandal iyo wixi la mid ah. Haddii uu kabo furan waayo wuxuu gashan karaa kabo daboolan wuxuuna ka goynayaa inta canqowga ka hoosaysa si aanu u caga gubyoon qodaxda iyo qabowgana uga badbaado. Nabiguna wuxuu yiri:
(Qofkii aan helayn kabo furan ha xidho kabo daboolan hana ka gooyo inta canqowga ka hoosaysa.)
Nabigu khudbaddii ugu dambeysey ee uu jeediyey xajkii ugu dambeysey ee uu xajiyey, Xajatul Wadaac, wuxuu amray qofkii aan helayn kabo furan inuu xidho kabo daboolan mana uu amrin in la gooyo, culimaduna arrintaas way isku khilaafeen qaarkoodna wuxuu yiri: Amarkii hore ayaa la nasakhay kabaha daboolanna iyagoo aan la goyn ayaa la xiranayaa, qaar kale oo culimada ka mid ahina waxay yiraahdeen, lama nasakhin amarkii hore ee waa sunne oo waajib ma ahan waxaana u daliila arrintaas (sida ay culimadaasi qabaan) aamusitaanka Nabigu ka aamusay arrintaas markii uu Carafaat ka khudbadaynayey.
Waxaa raajix ah (inshaa Allaah) goynta kabaha in la nasakhay sababtoo ah Nabigu wuxuu u khudbeeyey dadkii oo idil reer miyi iyo reer magaalba dadkaas oo waliba aan joogin khudbaddii uu ka jeediyey Madiina oo ku amray in la gooyo kabaha, haddiina ay goynta kabuhu tahay waajib ama ayba bannaan tahay wuu u caddayn lahaa umadda, aamusitaanka uu arrintaas ka aamusay waxay tusinaysaa in amarkaas la nasakhay Allena – Subxaanahu watacaalaa – uu ka cafiyey oo ka saamaxay addoomadiisa goynta kabaha oo ay ku jirtey kabaha daboolan oo la khasaarinayo.
Haweenku way xiran karaan sharabaadada sababtoo ah luguhu waa cawro, waxayse iska ilaalinayaan labo shay oo kala ah: Gacmo gashiga iyo shareerka wajiga, Rasuulkuna wuxuu yiri:
(Haweenku yaysan xiran shareerka wajiga, iyo gacmo gashi.)
Shareerka wajigu waa marada wajiga lagu qariyo haweenkuna ma xiran karaan marka ay xajka ixraaman yihiin, waxaana u bannaan inay wajiga ku qariso wixii ay doonto marka rag ajnabi ka ah arkayo waayo wajigu waa cawro, markii ay ragga ka fog tahay wajigeeda way faydaysaa umana bannaana inay daboosho, sidoo kale uma bannaana markay xajka gudanayso inay xirato gacmo gashi waxayse gacmaheeda ku asturaysaa wixii kale ay doonto.

Gabar caado heshay oo ka xishootay inay sheegto oo xajiday
Su’aasha 100aad: Gabar ayaa waxay sheegtay inay soo xajiday isla markaana ay caado heshay, kaddibna ay ka xishootay inay u sheegto dadkii ay la socotay oo dawaafkii iyo sacyigii ay martay, haddaba maxaa ku waajiba oo laga doonayaa?

Jawaab: Uma bannaana haweeney qabta dhiig caado iyo mid dhalmo inay salaad tukato iyadoo ku sugan Makkah Al-Mukarramah ama waddankeeda ama meel kaloo ay noqotaba waxaana u daliil ah qawlkii Nabiga ee ahaa:
(Miyaysan salaadda iyo soonka ka tagin markii ay caado hesho [haweentu].)
Muslimiintu way isku raacsan yihiin inaysan u bannaanayn haweeney dhiig qabta soon iyo salaad toona, gabadha ficilkan samaysay waa inay Allaah u toobad keento oo ay dambi dhaaf weydiisato, dawaafkiii ay Kacbada dawaaftayna waa midaan ansax ahayn, sacyigii Safwa iyo Marwa ee ay martayse waa u jiraa oo sida saxiixa ah way bannaan tahay in sacyiga dawaafka laga soo hor mariyo marka la xajinayo, waxaana ku waajiba inay ku celiso dawaafkii xajka sababtoo ah Dawaafka Ifaadadu (Dawaafka Xajka) waa rukni ka mid ah arkaanta xajka qofkuna aanu xajkiisa si buuxda uga xalaaloobi karin la’aantiis, sidoo kale haddii la qabo ninkeedu uma galmoon karo haddii ay inan tahayna lama nikaaxin karo ilaa ay dawaafkii xajka ku celiso.

Musdalifa ayay ka timid intaan habeenka kala barkiisa la gaarin, maxram la’aanna way ku soo xajiday
Su’aasha 101aad: Nin reer Masar ah oo Sucuudiga deggan ayaa wuxuu ku qaabilay garoonka diyaaradaha ee Jidda hooyadiis oo Masar ka timid xajna u socota, kaddibna Makkah ayay tageen waxayna guda galeen gudashadii xajka iyagoo la socda mid ka mid ah shirkadaha dadka xajisiiya (mudawif), markii ay Musdalifa marayeen mar qura ayay tukadeen salaaddii maqrib iyo tii cishe, kaddibna shirkaddii xajisiinaysey ayaa waxay ku khasabtay inay u kicitimaan Muna inta aan habeenka kalabarkiisaba la gaarin, halkaana waxay ku seegeen ku dhixitaankii Musdalifa, sidaas ayayna xajkoodii ku guteen, hooyadiis Masar ayay ku noqotay duruuftuna uma saamaxayso inay soo noqoto markii horana waxay soo xajiday maxram la’aan, maadaama ay diyaarad ku timid arrintaasi ma bannaan tahay?

Jawaab: Xajkeedu waa ansaxayaa haddii ay arrintu sidaas u dhacday oo lagu khasbay inay Musdalifa ka baxaan oo Muna u kicitimaan intaan habeenka kalabarkiisa la gaarin, sababtoo ah ikhtiyaarkeeda kuma ay yeelin sidaas.
Arrinta labaad oo maxram la’aanta ah: Ma bannaana inay haweenku soo xajiyaan maxram la’aan, waana inay Allaah uga toobad keento dambigaas, xajkeeduna waa ansaxayaa, sidaasna kuma burayo.

Jidda ayay aaddey iyadoo xajiyaysa
Su’aasha 102aad: Haweeney ayaa xaj ka soo ixraamatay meesha la yiraahdo Al-Sayl iyadoo dhiig caado qabta, markii ay Makkah timid waxay u gudubtay Jidda si ay dan uga soo qabsato sidaas ayayna ku daahir noqotay iyadoo Jidda ku sugan kaddibna way mayratay timaheediina way shanlaysatay waxayna soo aadday Makkah xajkeediina way dhammaysatay, haddaba maxaa ku waajibaya?

Jawaab: Dhib ma keenayo safarka ay Jidda ku tagtay iyadoo dhiig qabta, waxna loo raacan mayo.

Haweeney Xaj Tamatuc ah soo ixraamatay oo caado heshay
Su’aasha 103aad: Naag ayaa waxay soo ixraamatay xaj tamatuc ah waxayna heshay dhiig caado intaysan Makkah soo gaarin, haddaba maxay falaysaa? Miyay xajiyaysaa inta aanay Cumraysan?

Jawaab: Ixraamkeedii Cumrada ayay ku joogaysaa, haddiise ay daahir noqoto inta ka horraysa maalinta sagaalaadka Cumrada way dhammaystiraysaa haddii ay ka gaari karto, kaddibna xaj ayay xiranaysaa waxayna aadaysaa Carafaad si ay u dhammaystirto xajkeeda.
Haddii aysan daahir noqon inta ka horraysa maalinta sagaalaadka, waxay is dhex gelinaysaa xaj iyo cumro iyadoo oranaysa:
(Allahumma innii axramtu bixajjin maca cumratii.)
Ilaahow xajbaan ixraamtay oo aan cumradaydii ku daray.
Waxay sidaas ku noqonaysaa qaarin, sidaas ayayna xajkeeda iyo cumradeeda u wada gudanaysaa, waxaana ku filan hal dawaaf iyo hal sacyi oo ay marto maalinta ciidda ama maalmaha ka dambeeya (tashriiqa) iyadoo u niyaysanaysa xajkeedii iyo cumradeediiba, waxaa kaloo ku waajibaya hadyigii qiraanka sida ruuxa mutamatica ah oo kale.

Ma xajiyi karaa ninkayga oon ii idmin
Su’aasha 104aad: Waxaan ahay haweenay da’ weyn oo maal qabeen ah ninkaygana in ka badan hal mar ayaan usoo bandhigay in aan xajiyo iimana oggolaan iyadoo aysan jirin wax sabab ah, waxaa jira walaalkay iga weyn oo inuu xajiyo doonaya, haddaba miyaan la xajiyaa walaalkay mise ninkayga ayaan addeecayaa oo waan iska joogayaa?

Jawaab: Xajku waa ku waajib qofkii awooda oo shuruudihiisa buuxin kara, haweentaasina maadaama ay haysato maal ay ku xajido awoodna ay u leedahay, maxramna haysato waxaa ku waajiba inay sida ugu dhaqso badan u xajido, ninkeedana waa ka xaaran inuu is hortaago xajkeeda sabab la’aan.
Waxaa u bannaan inay walaalkeed raacdo oo la xajido xataa haddii aanu ninkeedu u oggalayn haddii arrintu u jirto sida ay sheegtay, sababtoo ah waxay gudanaysaa waajib Allaah saaray oo sida salaadda iyo soonka oo kale ah, Allaah xaqiisaana ka mudan wax walba in laga hor mariyo, ninkaaguna xaq uma lahan inuu kuu diido gudashada xajka waajibka ah, sabab la’aan kumana addeecaysid.

Timaha ka go’a haweenka ixraaman
Su’aasha 105aad: Maxay samaynaysaa haweenta ixraaman haddii madaxeeda timo ka soo go’aan iyadoo ula qasdin?

Jawaab: Haddii haweenta ixraaman madaxeeda timo ka soo go’aan iyadoo weysaysanaysa ama qubaysanaysa amaba ay ciddi ka jabto, waxaas oo dhami waxba uma dhimayaan xajkeeda, waxaase xaaraan ah in si ula kac ah loo gooyo, ninkuna waa sidoo kale haddii ciddiyihiisa ama garkiisa ama shaarubadiisa wax ka soo ga’aan haddii aan kas loo goyn, timaha taabashada ku soo go’aya waa timo aan markii horeba meel haysan, dhibna ma lahan soo go’iddoodu.

Miiqaadka ayay soo dhaaftay iyadoo caado qabta
Su’aasha 106aad: Gabar ayaa soo cumraysatay waxayna miiqaadkii soo dhaaftay iyadoo dhiig qabta, waxay ku negaatay Makka ilaa ay ka daahir noqotay, Makka dhexdeeda ayayna ka ixraamatay, haddaba arrintaasi ma bannaan tahay maxaase ku waajibay?

Jawaab: Arrintaasi ma bannaana, haweentii cumro doonaysa uma bannaana inay miiqaadka soo dhaafto iyadoon soo ixraaman, xataa haddii ay dhiig qabto way ixraamanaysaa wuuna ansaxayaa ixraamkeedu, waxaa arrintaas daliil u ah, markii ay dhashay Asma bintu Cumays Alle ha ka raali noqdee oo ahayd xaaskii Abuu Bakar, Rasuulkuna joogey Dul-Xulayfa isagoo u socda xajkii uu umadda ku sagootiyey ayay Asmaa Nabiga farriin u soo dirtay iyadoo weydiinaysa waxa ay falayso illeen xaj inay ixraamato ayay u socotay Rasuulku wuxuu ku yiri: Qubeyso oo hoosta dhiiggu ka imanayo maro isaga xir kaddibna ixraamo, dhiigga umuluhu wuxuu la mid yahay kan caadada marka sidaas darteed haweenta dhiigga qabta marka ay soo gaarto miiqaadka way qubaysanaysaa halka uu dhiiggu ka imaanayayna way awdaysaa, (waxay xiranaysaa timbooni iyo wixi la mid ah), kaddibna marka ay Makka soo gaarto ma imaanayso xaramka mana dawaafayso ilaa ay ka daahir noqoto, Nabigu Caa’isha markii ay dhiigga heshay iyadoo cumro soo xiratay wuxuu yiri:
(Samee falalka uu xaajigu samaynayo oo dhan wixii aan dawaafka Kacbada ka ahayn ilaa aad ka daahir noqotid.)
Bukhaari wuxuu intaas ku sii daray: Caa’isha Alle ha ka raali noqdee markii ay daahir noqotay kaddib ay Kacbada dawaaftay sacyigiina ay martay, taasina waxay daliil u tahay haweentu haddii ay xaj ama cumro xirato iyadoo dhiig qabta ama inta aanay dawaafin ay dhiig hesho inaysan u bannaanayn inay dawaafto ama sacyido ilaa ay ka daahir noqonayso, haddiise ay dawaafto iyadoo daahir ah kaddibna ay dhiig hesho, markaas way dhammaystiraysaa oo sacyiga way maraysaa iyado dhiiggeeda qabta timihii madaxana way gaabinaysaa cumradiina halkaa ayay kaga xalaaloobaysaa sababtoo ah sacyiga Safa iyo Marwa marka la marayo qofku inuu daahir yahay shardi ma ahan.

Musdalifa oo laga baxo goor hore
Su’aasha 107aad: Waxaa jirta in Rasuulku dadka tabarta daran u fasaxay inay Musdalifa ka baxaan marka uu dayaxu dhaco si ay Muna u tagaan inta aan dadku isku soo ciriiriyin oo ay jamaraadka u tuurtaan haddaba haweenka oo dhami miyay rukhsadaas Rasuulka ku camal falayaan oo Musdalifa ay ka baxayaan marka dayuxu dhaco?

Jawaab: Haweenka oo dhami ma tabar darna, tabar darraduna waa tilmaan rag iyo dumarba ay yeelan karaan, awoodduna waa sifo rag iyo dumarba yeelan karaan, Caa’isha Allaah ha ka raali noqdee waxay ka shallaayi jirtey inaysan Rasuulka weydiisan inay raacdo dadka tabarta daran sidii ay u weydiisatay Sawda Alle ha ka raalli noqdee, sidaas darteed arrintaani waxay ku xiran tahay qofka xaaladdiisa oo qofka tabarta daran ayaa loo oggol yahay rukhsaddaas inuu ka faa’ideysto sida saxiixa ahna marka ay Muna tagaan dadkaasi khasab kuma ahan inay sugaan qorraxda soo bixitaankeeda ee horay ayay ka tuuranayaan haddii ay doonaan, haddiise ay sugaan qorrax soo baxa sidaas ayaa fadli badan kumase waajib ahan, waayo markii horeba ujeeddada laga lahaa inay soo guureeyaan waxay ahayd inaysan saxmadda iyo ciriiriga dadka dhib kala kulmin, haddii ay soo gaarto Muna intaan qorraxdu soo bixin oo ay doonto inay tuurato dhib kuma sugna, laakiin qofka xoogga leh ee awooda kama soo bixi karo Musdalifa illaa uu salaadda subax tukado sidii uu yeelay Nabiga.

Qof maal leh oo geeriyooday isagoon xajkii gudan
Su’aasha 108aad: Haweeney ayaa geeriyootay iyadoon xajiyin waxayna ka tagtay maal iyadoo ay joogaan ninkeedii iyo aabbaheed iyo walaalaheed waxayna isku khilaafeen in maalka laga bixiyo intaan la qaybin lacag loogu xajiyo iyo in kale waxayna door bideen inay culimada waydiiyaan, waxayna idin ka doonayaan jawaab?

Jawaab: Haddii sida aad u sheegtay arrintu tahay waxay ka bixinayaan maalka wax ku filan in loogu xajiyo oo loogu cumraysto, waase haddii ay awood u lahayd markii ay noolayd inay xajido, haddiise ay faqiir ahayd oo aanay awoodin, kuma waajibayo xaj iyo cumro toona, maalka ay ka tagtay haddii dayn lagu lahaa dayntaa laga bixinayaa wixii soo harana waxaa laga dhigayaa laba qaybood ninkeedu nus buu qaadanayaa inta soo hartana aabbahaa la siinayaa, walaaluhuna waxba kuma lahan aabbahaana ka hor istaagay dhaxalka.

Cutubka Toddobaad – Sakada

SAKADA
Sakada meherka
Waxaan haystaa dahab aanan sako ka bixin shan sano.
Sakada Dahabka
Dahabkeedii ayay iibisey iyadoon sakadii ka bixin
Sakada oo la siiyo hooyada
Sakada oo la siiyo mujaahidiinta

SEKADA
Sakada meherka
Su’aasha 85aad: Naag ayaa meherkeedii lagala daahay oo ninkeedu aanu siin, laba sano kaddib ayuuna siiyey, haddaba miyay seko ka bixinaysaa sanadihii tagey, mise marka meherka la siiyo oo ay sano ka soo wareegto bay seko bixinaysaa?

Jawaab: Mas’aladaan culimadu way isku khilaafeen qaarkood waxay qabaan sida Imaamu Axmed iyo Imaamu Shaafici iyo qaar kale in sako la bixinayo labadii sano ee tagey, xaalad kasta oo uu ninku ku sugnaa, waxay kaloo yiraahdeen, sanadihii tagey sako ayaa la bixinayaa haddii uu ninku awood u lahaa, oo uu xoolahaas hayey.
Imaamu Maalik iyo Imaamu Axmed waxay yiraahdeen hal sano ayaa waajib ah in la bixiyo sanadihii tagey, waxaa kaloo laga wariyey Abuu Xaniifa iyo Axmed inay yiraahdeen, waxba laga bixin mayo sanadihii tagay si kastoo ay xaaladdu ahayd.
Waxaa u daciifsan qolada waajibisey in sako la bixiyo sanadihii tagey, xataa haddii aan maalkaasi ninka gacan ugu jirin oo aanu hayn, waana qowl baadil ah, waajibintaas lagu waajibiyey wax aan gacan ugu jirin shareecada kuma bannaana, haddii waqtiga maalkaas haweenta ka maqan yahay dheeraado markaas sekadii ayaaba maalkii ka badanaysa.
Waxaa xaq u dhow qolada tiri sako lama bixinayo sannadihii tagey, ilaa meherkeeda la siiyo oo ay sano ka soo wareegto, ama qoladii tiri sanadihii tagey hal mar ayaa sako laga bixinayaa marka uu maalku gacanteeda soo galo, waana sida ay yiraahdeen, Maalik iyo Abii Xaniifa iyo Axmed oo labada qawlba wax ku leh.

Waxaan haystaa dahab aanan sako ka bixin shan sano
Su’aasha 86aad: Haweeney ayaa haysatey in muddo ah dahab gaaray xadkii Sakada, waxayna ogaatay inay sako ku waajibtay shan sano kaddib, markii ay ogaatay arrintaas waxay doontay inay sekadii bixiso hase yeeshee ma ay haysan wax lacag ah oo ay dahabka sekada uga guddo inay dahabka qudhiisa qaar ka iibiso oo sekada ku guddo mooyaane, haddaba sidee ayay u gudaysaa sannadihii tagey sakadoodii? Dahabka miyay qaar iibinaysaa? Sanooyinka soo socda sidee ayay u bixinaysaa? Haddii ay isku daydo inay hal mar guddo sekada sannadihii shanta ahaa ee la soo dhaafay ma awooddo inay dahabka qaarkiis iibiso sannad kasta mooyaane, wax kale oo dakhli ahna ma soo galo ha yaraado ama ha badnaadee?

Jawaab: Waxaa ku waajiba inay sekada bixiso sannadaha soo socda haddii dahabkeedu gaaro xadkii sekadu ku waajibaysey, xadkaas oo ah 92 garaam, waana inay sekadaas waajibka ah bixiso xataa haddii ay wax kale weydo waxay iibinaysaa dahabka qaarkiis ama hanti kale oo ay leedahay si ay sekada u bixiso, haddii ninkeeda ama aabbaheed ka bixiyo iyadoo laga idan qaatay dhib kuma sugna wayna ka gudaysaa, haddiise aysan sidaas yeelin sekadii dayn ayay ku ahaanaysaa ilaa ay ka guddo.
Sanadihii la soo dhaafay oo aysan ogayn waajibnimada sekada waxba ma bixinayso maadaama ay jaahil ka ahayd xukunkaas, culimada qaarkood iyagu waxayba qabaan in aan seko ku waajibin dahabka loo haysto in la xirto oo la isku qurxiyo ee ganacsiga ahayn, laakiin sida raajixa ah dahabku haddii uu seko gooyo sannadna ka soo wareego seko ayaa ku waajibaysa sida ku xusan kitaabka Allaah iyo sunnada Nabiga.

Sekada Dahabka
Su’aasha 87aad: Seko ma laga doonayaa dahabka ay dumarku u haystaan inay isku qurxiyaan oo ay xafladaha ku tagaan?

Jawaab: Sida saxiixa ah sakadu waajib ayay ku tahay dahabka haweentu ku labisato Allaahna wuxuu yiri: 
(Kuwa kaydsada dahabka iyo fiddada oon ku bixinayn jidka Alle ugu bishaaree cadaab daran.)
Nabigu wuxuu yiri:
(Qof kasta oo dahab haysta oo aan ka gudin xaqii lagu lahaa maalinta qiyaamaha waxaa dahabkii laga dhigaa sida alwaaxyo balballaaran oo kale markaa ayaa lagu soo kululeeyaa naarta Jahannamo kaddibna waxaa looga feereeyaa dhinacyada iyo wajiga iyo dhabarkaba, markastoo ay qabowdo waa lagu celiyaa, maalin dhererkeedu le’eg yahay konton kun oo sano illaa dadka la kala xukminayo, kaddibna waxaa la tusayaa jidkiisii oo janno ah ama naar ah.)
Axaadiista sida gaarka uga hadashay dahabka iyo waxyaalaha la xidho waxaa ka mid ah xadiiskii Cabdullaahi ibnu Cumar ibnu Caas uu kaga warramayey qisadii haweeney Nabiga u timid iyadoo ay la socoto gabar yar oo ay dhashay oo gacanta laba jinjimood oo dahab ahi ugu jireen. Rasuulku wuxuu yiri: “Dahabkaan sakada maka bixisaa?” Waxay tiri, “Maya.” Markaasuu Rasuulku yiri, “Maku farxi lahayd in Alle kuu xiro iyagoo naar ah?”
Ibnu Xajar isagoo xadiiskaas ka warramaya inuu saxiix yahay ayuu kitaabkiisa Buluuq Al-Maraam wuxuu ku yiri, “Senedkiisu waa xoog badan yahay,” wuxuuna sheegay axaadiis kale oo u markhaati kacaysa.
Waxaan halkaas ka garanaynaa in sida raajixa ah ay sakadu ku waajibayso dahabka ama qalinka ay haweenku quruxda u haystaan haddii ay gaaraan qaddarka sakada lagu bixiyo kaas oo ah 85 garaam dahabka, qalinku waxaa sako laga bixinayaa markii culayskiisu u dhigmi karo 56 riyaal oo Sucuudi ah oo qadaadiic ah (595 garaam), sidaas darteed haweentii haysata dahab gaaraya 85 garaam seko ayaa ku waajibtay inay ka bixiso, haddii munaasabadaha kaliya ay u labisato iyo haddii ay mar kastaba labisatana waa isku mid.

Dahabkeedii ayay iibisey iyadoon sakadii ka bixin
Su’aasha 88aad: Waxaan iibiyey dahab aan muddo isticmaalayey anigoon sakadii ka gudin. Waxaan idinka rajaynayaa in aad ii bayaanisaan sida ay noqonayso dahabkaas sakadiisu, waxaana dahabkaas ku iibiyey afar kun oo Riyaal Sacuudi ah?

Jawaab: Haddii aad jaahil ka ahayd oo aadan ogayn in dahabkaas sako ku waajibtay ilaa aad ka iibisey waxba laguu raacan mayo, laakiin haddii aad ogayd in sako ku waajibtay markaas lacagta aad ka bixisay dahabka ayaad sako ka bixinaysaa, sakadaas oo ah kunkiiba 25 halkii sano, sanooyinkii tageyna waa sidoo kale iyadoo loo eegayo hadba qiimaha uu dahabku suuqa ka joogey, waxaana waajiba in laga bixiyo (rubucul cushur), iyadoo lagu bixinayo sakada lacag ka mid ah lacagaha la yaqaan, haddii waajibnimada sakada aad ogaatay sannadkii ugu dambeeyey markaas waxaad bixinaysaa sakada sannadkii ugu dambeeyey oo keliya.

Sakada oo la siiyo hooyada
Su’aasha 89aad: Ma bannaan tahay in qofku sakadiisa siiyo hooyadiis?

Jawaab: Ruuxa Muslimka ah uma bannaana inuu sakada siiyo waalidiintiis iyo caruurtiisa, waxaana ku waajiba inuu ka quudiyo maalkiisa haddii ay u baahan yihiin isaguna uu awoodo.

Sekada oo la siiyo mujaahidiinta
Su’aasha 90aad: Waxaa jira nin lagu kalsoon yahay oo ii sheegay nin sheekh ah oo lagu kalsoon yahay oo sakada gaarsiin kara Mujaahidiinta, haddaba anigoo ah qof waayeel ah oo ay ku adag tahay in aan baadi goobo dadkii sakada xaqa u lahaa ma ku bixiyaa sakada dahabkayga halkaas mise waxaa jira meelo kale oo ka fadli badan oo lagu bixin karo?

Jawaab: Haddii ruux lagu kalsoon yahay qofka u sheego in uu sakada u geynayo mujaahidiinta ama uu u dirayo isagoo qofkaasi yahay mid lagu kalsoon yahay way ku baxaysaa sakadu, tan kale way ansaxaysaa sakada in la siiyo mujaahidiinta la dagaalamaysa gaalada cadawga ah sida ay culimadu sheegeen, qofka sakada bixiyeyna waajibkii sakadu waa ka dhacayaa ajarkeedana Allaah ayaa siinaya.

Cutubka Lixaad – Soonka

SOONKA
Dib u dhigidda qallaynta soonka
Sannadihii ugu horeeyey ee qaangaarka qof aan soomin
Haweeney la hadalkeed iyo gacanteeda oo la taabto maalin bil Ramadaan
Haweentiisi ayuu u galmooday maalin bil Ramadaan
Xaamiladu haddii ay afurto soonka way qallaynaysaa
Qallaynta soonka
Daahir noqoshada salaadda subax gadaasheeda

SOONKA
Dib u dhigidda qallaynta soonka.
Su’aasha 78aad: Muxuu yahay Xukunka dib u dhigidda qallaynta soonka ilaa Ramadaan kale laga gaaro?

Jawaab: Qofkii Ramadaan u afura jirro ama safar iwm awgood waxaa ku waajiba inuu qalleeyo intaan la gaarin Ramadaanta kale labada Ramadaan inta u dhexaysana Allaah wuu noo ballaariyey, qofkii qallayn waaya soonka inta aanu soo galin Ramadaanka kale waxaa ku waajibaya qallayn iyo quudin miskiin maalin kasta oo maalmahaas lagu leeyahay ka mid ah.
Waxaa sidaas laga wariyey koox ka mid ah asxaabtii Nabiga ﷺ, quudintaasna qaddarkeeda waxaa lagu qiyaasay kiilo iyo bar cuntada waddanka laga cuno ah, sida Bariis, Timir iwm, haddiise uu qalleeyo soonka inta aan la gaarin Ramadaanta kale wax quudin miskiin ah kuma waajibin.

Sannadihii ugu horeeyey ee qaangaarka qof aan soomin
Su’aasha 79aad: Muddo toban sano laga joogo ayay ahayd markaan isku arkay calaamadihii qaangaarka, sannadkii ugu horreeyey ee qaangaarkayga bil Ramadaan ayaan soo haleelay mana soomin, wax cudurdaar ahna ma lahayn oo aan ka ahayn jaahilnimo iga haysey inuu igu waajib yahay soonku, haddaba imminka masoo qallaynayaa soonkaas? Mase la iga doonayaa kafaare gud?

Jawaab: Waxaa kugu waajiba in aad qallaysid bishaas rabbina aad u toobad keentid dambi dhaafna weydiisatid, waxaana sidoo kale kugu waajiba kafaaro gud ah in aad quudisid miskiin, oo siisid kiilo iyo bar cunto waddanka laga cuno ah, sida Bariis ama Timir iwm, maalin kasta oo ka mid ah maalmahaas qallahooda lagugu leeyahay, haddiise aad faqiir tahay oo aadan heli karin cuntadaas waxaa kugu waajiba qallaynta soonka oo keliya.

 

Haweeney la hadalkeed iyo gacanteeda oo la taabto maalin bil Ramadaan
Su’aasha 80aad: Waxaa jirta in goobaha ganacsiga badankooda haweenku ay gacanta ku hayaan, haddaba iyadoo arintaasi jirto muxuu yahay xukunka in haween lala hadlo ama gacanteeda la taabto maalin bil Ramadaan?

Jawaab: Haddii ninku haweenta la hadlo isagoo xumaan uga dan lahayn oo aan doonayn inuu hadalkeeda ku raaxaysto, sida haddii uu wax ka gadanayo ama uu wax weydiinayo ama si aan ula kac ahayn gacantiisu u taabato, dhibaato maleh bisha Ramadaan iyo bilaha kaleba, haddiise uu la hadalkeeda uga dan leeyahay inuu ku raaxaysto uma bannaana bisha Ramadaan iyo bilaha kaleba, bisha Ramadaanna way ka sii xag jirtaa.

 

Haweentiisi ayuu u galmooday maalin bil Ramadaan
Su’aasha 81aad: Muxuu yahay xukunka nin u galmooday xaaskiisa maalin bil Ramadaan?

Jawaab: Ninkii u galmooda xaaskiisa maalin bil Ramadaan isagoo caqligiisu taam yahay qaan gaarna ah, rabbi iyo rasuulkiisii ayuu caasiyey, waxaana ka ratibmaya falkiisaas inuu qalleeeyo maalintaas uu soonkeeda buriyey iyo kafaaro gud ah inuu addoon xoreeyo, haddii uu waayana wuxuu soomayaa laba bilood oo xiriir ah oo aanu maalin ka afurin, haddii uu awoodi waayo wuxuu quudinayaa lixdan miskiin isagoo siinaya miskiin kasta hal Suus (mud) oo cuntada waddankaas loogu isticmaal badan yahay ah.

 

Xaamiladu haddii ay afurto soonka way qallaynaysaa
Su’aasha 82aad: Haweeney xaamilo ah ayaa afurtay bil Ramadaan kaddibna way qallaysay maalmihii ay afurtay fidyana way bixisay, haddana mar kale ayay uur yeelatay bil Ramadaan, way afurtay waxayna soontay laba bilood oo isku xigta, oo qallihii bisha Ramadaan ah, haddaba fidyo miyaa laga doonayaa?

Jawaab: Haweenta xaamilada ahi haddii ay nafteeda ama ilmaha u cabsato, way afuraysaa fidyana bixin mayso, waxayse qallaynaysaa maalmihii ay afurtay, waxayna la mid tahay ruuxa jirran oo kale, Allaahna wuxuu yiri:
“Qofkii idinka mid ah oo jirran ama safar ku jira wuxuu soomayaa maalmo kale (bedelka maalmaha uu afuray).”

 

Qallaynta soonka
Su’aasha 83aad: Gabar ayaa waxay leedahay intii soonku igu waajibay waan soomayey bisha Ramadaan hase yeeshee ma aanan qallayn jirin maalmaha iga taga inta aan macduurka ahay, waxayna imminka doonaysaa inay ogaato xukunka sharciga ah ee arrintaas ka ratibmaya iyo waxa ku waajibka ah iyadoon aqoon tirada maalmahaas ay afurtay?

Jawaab: Run ahaantii waa arrin laga murugoodo in sidaas oo kale ay yeelaan hablaha muslimiinta ah, sababta arrintaas keentayna waa laba middood, jaahilnimo ama fududaysi labadooduna waa laba musiibo, sababtoo ah jaahilnimada daawaynteedu waa in wax la barto iyo in culimada wax la weydiiyo, fududaysiga gudashada cibaadooyinkana waxaa daawo u ah Allaah oo laga cabsado ciqaabkiisana laga digtoonaado laguna dadaalo wixii raalli galinaya.
Waxaa ku waajiba haweeneydaas inay Allaah u toobad keento dambi dhaafna ka weydiisato wixii ay fashay ayna ku dadaasho hadba sidii ay awooddo inay u soonto ilaa ay ka xaqiijinayso inay soontay maalmihii lagu lahaa oo dhan, waxaana rajaynayaa inuu Alle subxaanahu wa tacaalaa uu toobaddeeda ka aqbalayo.

 

Daahir noqoshada salaadda subax gadaasheeda
Su’aasha 84aad: Haddii haweentu ay daahir noqoto oo mayrato salaadda subax kaddib, isla markaasna ay salaaddii tukato ayna soonto maalintaas miyay qallaynaysaa?

Jawaab: Haddii ay haweentu dhiigga ka daahir noqoto dillaaca waaga wax yar ka hor daqiiqadna ha noqotee ayna xaqiijiso inay daahir noqotay way soomaysaa haddii ay Ramadaan tahay, dibna u qallayn mayso maalintaas waayo waxay soontay iyadoo daahir ah dhibna malahan haddii aysan qubaysan ilaa salaadda subax laga gaaro, sida ninkuba marka uu galmood sameeyo ama uu isku junuubo aysan dhib u lahayn inuu suxuurto kaddibna salaadda subax u soo gasho isagoo qasligii aan ka mayran.
Waxaan rabaa haweenka in aan ku baraarujiyo arrin kale oo ah: Haweenka qaarkood haddii ay dhiig helaan afurka kaddib intaysan cishaha tukan waxay u maleeyaan in soonkoodii maalintaas ka buray, arrintaasna mid asal leh ma ahan balse haddii ay dhiig hesho qorraxdu markay dhacdo, daqiiqad kaddibna ha ahaatee soonkeedii waa u jiraa.

Cutubka Shanaad – Jinaasada

 

JINAASADA
Salaadda jinaasada iyo haweenka
Dhib ma leh ninku inuu xaaskiisa mayro
Haweenka wuu bud dhigi karaa nimaan maxram u ahayn
Waxa anfacaya maydka marka uu dhinto kaddib
Xukunka baroordiiqda
Oohinta loo ooyo qofka dhintay
Dhabanada oo la iska tumo iyo dharka oo la iska jeex jeexo marka musiibo timaaddo
Haweenku qubuuraha ma booqan karaan?

JINAASADA
Salaadda jinaasada iyo haweenka
Su’aasha 70aad: Waxaa dhacay in masjidka xaramka iyadoo la joogo lagu dhawaaqo salaad jinaaso ah haddaba ma u bannaan tahay habluhu inay salaaddaas wax ka tukadaan?
Jawaab: Haweenku ragga ayay kala mid yihiin tukashada jinaasada, wax daliil ah oo haweenka u diidayana lama hayo waxayna ka helaysaa ajarka ninku ka helayo oo kale. Ragga taariikhda islaamka wax ka qoraa waxay sheegeen waagii Nabiga inay haweenku salaaddaas tukan jireen oo ay ragga gadaashiisa safan jireen, sidaas darteed dhib kuma sugna, waana arrin loo baahan yahay haddii jinaaso la keeno qofkii dumar ah ee markaas joogta inay wax ka tukato salaaddaas.
[Ibnu Cutheymiin 57]

Dhib ma leh ninku inuu xaaskiisa mayro
Su’aasha 71aad: Waxaan dadka caamada ah ka maqalnaa in badan ninka inay ka xaaraan tahay inuu eego xaaskiisa marka ay geeriyooto, marka iilka la dhigayana aanu soo geli karin qabriga gudihiisa si uu u bud dhigo, haddaba arintaasi sax miyaa? Nooga jawaaba Allaah ha idin barakeeyee?
Jawaab: Daliilka sharciga ah wuxuu tusinayaa in aan dhib ku sugnayn inay haweentu ninkeeda mayrto oo ay jirkiisa eegto, ninkuna sidoo kale wuu mayri karaa xaaskiisa wuuna eegi karaa, Asmaa binti Cumays Allaah ha ka raalli noqdee waxay mayrtay ninkeedii Abubakar As-Siddiiq Allaah ha ka raalli noqdee, sidoo kale Faadumo Allaah ha ka raalli noqdee waxay ka dardaarantay in uu mayro Cali oo ninkeedii ahaa Allaah dhammaantood ha ka raalli noqdo.
[Ibnu Baaz 76]

Haweenka wuu bud dhigi karaa nimaan maxram u ahayn
Su’aasha 72aad: Waxaan ahay nin lug go’an xaaskaygii ayaa muddo xanuunsanayd kaddibna isbitaal ayay ku dhimatay, markii la aasayey waxaa bud dhigay rag ajaanib ka ah, aniguna waan la joogey oo ma aanan awoodin in aan bud dhigo lugta i go’an awgeed, arintaasna waan ka wal walsanahay, sidee ayuu arrintaas xukunkeedu noqonayaa?
Jawaab: Dhib malahan haweenka inuu bud dhigo nin aan maxram u ahayn, maxramkuna wuxuu khuseeyaa haweenku markay safar gelayaan iwm.
[Ibnu Baaz 1-366]

Waxa anfacaya maydka marka uu dhinto kaddib
Su’aasha 73aad: Nin ayaa markuu dhintay xaaskiisa u dardaarmay inaysan waxba u sadaqayn, Qur’aanna loo akhrin, wuxuuna sheegtay Qur’aan in ku filan inay laabtiisa ku jirto, haweentiisuna kuma aanay ogayn inuu Qur’aanka xifdiyo, haddaba maku saxan yahay dardaarankaas? Waxay haweentiisu doonaysaa inay wax u hadiyayso ee ma u bannaan tahay?
Jawaab: Dardaarankaas waa la oofinayaa waayo waxaa bidco ah in la kiraysto dad maydka Qur’aan u akhriya oo u hibeeya, ummaddaan horraankeedii qof ka mid ahna lama warin in uu sidaas yeelay ama fasaxay, qofka Qur’aanka dadka bara oo lacag ku qaata culimadu way isku khilaafsan yihiin, (wayna ka duwan tahay arintaani), waxay culimadu isla soo qaadeen oo ka wada hadleen qofka Qur’aanka Allaah dartiis u akhrinaya kaddibna qof dhintay u hadiyaynaya (ee islamaba soo qaadin kan ujrada ku qaadanaya oo qof dhintay u hibaynaya).
Sababtoo ah Qur’aan akhriska haddii ujro lagu qaato waxay arintu noqonaysaa wax kala bedelasho ajarna lagama helayo, qofkii dhintayna waxba ka gaari mayaan maydkana waxaa gaari kara wixii camal suuban ah.
Haweentu haddii ay doonayso inay ninkeeda wax u tarto ha u sadaqayso maalkii ay siin lahayd dadka Qur’aanka u akhrinaya, sababtoo ah sadaqadu waa gaaraysaa qofka dhintay sida ay culimadu isku raacsan yihiin, wayna haboon tahay haddii ay ku sadaqaysato dad masaakiin ah oo ahlu Qur’aan ah, si ay Qur’aan akhrintooda ugu kaalmaystaan, maydkana Allaah wuu ku anfacayaa.
[Ibnu Taymiya 193]
Xukunka baroordiiqda
Su’aasha 74aad: Marka maydka la aaso muxuu yahay xukunka in saddex maalmood baroordiiq la isugu yimaado oo Qur’aan la akhriyo?
Jawaab: Guriga laga dhintay in la isugu yimaado iyadoo cunto iyo cabitaan ama Qur’aan akhris loo imaanayo waa arrin bidco ah, sidoo kale haddii guriga la isugu soo ururo in loo duceeyo maydka waa arrin bidco ah, dadka laga dhintay waxaa loogu yimaadaa in loo tacsiyeeyo oo la sabirsiiyo loona duceeyo oo maydkooda dhintay Allaah naxariis loo weydiiyo, laakiin in la isugu yimaado guriga laga dhintay oo ducooyin gaar ah la akhriyo ama Qur’aan la akhriyo oo lagu negaado halkaas waa arrin aan diinta asal ku lahayn, haddii ay arintaasi khayr tahayna waxaa nooga hor mari lahaa muslimiintii ceelalyada inoo ahayd ee naga horraysey oo noolayd qarniyadii fadliga badnaa (Salafu Saalix), Nabiguna ma yeelin sidaas markii la dilay Jacfar bin Abi Daalib iyo Cabdullaahi bin Rawaaxa iyo Zayd bin Xaaritha oo dhammaantood lagu dilay dagaalkii Mu’tah Nabigu markii waxyigu u yimid oo loo sheegay dhimashadooda ayuu saxaabada ogaysiiyey geeridooda, wuuna u duceeyey wuuna ka raalli noqday, dadkana ma uu kulmin mana uu dhigin tacsi, arrimahaas oo dhan ma uu samayn, iyadoo raggaas geeriyooday ay ka mid ahaayeen kuwa saxaabada ugu khayr badan uguna fadli badan, markii uu geeriyooday Abubakar As-Sidiiq looma dhigin tacsi wuxuuna ugu fadli badnaa saxaabada Nabiga, waxaa la dilay Cumar wax tacsi ah looma dhigin dhimashadiisii Qur’aanna looma akhrin, waxaa la dilay Cismaan iyo Cali, loomana dhigin tacsi, dadkuna markaas kaddib ma ay samaysan maalin go’an oo loo duceeyo oo Allaah naxariis loo weydiiyo ama cunto loo sameeyo.
Waxaa sunno ah dadka laga dhintay in cunto loo soo sameeyo oo cuntada ay u sameeyaan qaraabadoodu ama dariskoodu (halkii iyaga cunto loo soo doonan lahaa), sidii uu Nabigu sameeyey markii geerida Jacfar loo soo sheegay, wuxuuna ku yiri ehelkiisii:
(Reer Jacfar arrin mashquulisa ayaa ku timide cunto u sameeya). Dadka laga dhintay masiibada ku dhacday ayay mashquul ku yihiin, waxaa sunno ah in cunto la sameeyo oo loo geeyo, laakiin in balaayadii ku dhacday balaayo kale loogu sii daro oo lagu kallifo inay dadka cunto u sameeyaan waa arrin bidco ah oo sunnada khilaafsan.
Waxaa la wariyey Jariir bin Cabdullaahi Al-Bajali inuu yiri:
(Maydka marka la aaso kaddib in la isu yimaado oo cunto la sameeyo waxaan ku tirin jirney inay tahay baroordiiq), waana la xaaraantinimeeyey in maydka loo ooyo iyadoo codka kor loo qaadayo, maydkana qabriga ayaa lagu cadaabaa haddii loo ooyo, marka sidaas awgeed waa in laga digtoonaado arrintaas, waxaase jirta haddii qofku ilmeeyo isagoon codkii oohintu ka soo baxayn inaysan dhib lahayn. [Ibnu Baaz 78]

Oohinta loo ooyo qofka dhintay
Su’aasha 75aad: Ma bannaan tahay in maydka loo ooyo, iyadoo oohintaasi tahay mid hinraag iyo cod ka soo baxayo, oo waliba qofkaasi dhabannada iska dharbaaxayo dharkana iska jeex jeexayo, haddaba oohinta caynkaas ah maydka ma saamaynaysaa?
Jawaab: Ma bannaana oohinta iyo baroordiiqdu, sidoo kale ma bannaana in dhabannada la iska tumo oo dharka la iska jeex jeexo iwm, Bukhaari iyo Muslim waxay qoreen xaddiis uu warinayo Ibnu Mascuud oo Nabigu yiri:
(Naga mid ma ahan qofkii (markii musiibo ku dhacdo) dhabannada iska tuma oo dharka iska jeex jeexa, oo sidii gaaladii jaahilka ahayd u dhawaaqa), waxaa kaloo Nabigu laga wariyey inuu lacnaday tan u ooyda maydka iyo tan dhegeysataba.
Waxaa saxiix ah oo Nabiga laga wariyey inuu yiri:
(Maydka waxaa lagu cadaabaa qabriga oohinta loo ooyey sababteeda). Waxaa kaloo laga wariyey Nabigu inuu yiri:
(Maydka waxaa loogu cadaabaa qabrigiisa oohinta ehelkiisu u ooyeen darteed).
[Guddiga Iftaha Sucuudiga 79]
Dhabannada oo la iska tumo iyo dharka oo la iska jeexjeexo marka musiibo timaado
Su’aasha 76aad: Muxuu yahay xukunka sharciga ah ee haweenka marka laga dhinto dhabannada iska dharbaaxa oo dharka iska jeexjeexa?
Jawaab: Ma bannaana marka musiibo dhacdo in dhabannada la iska tumo oo dharka la iska jeexjeexo oo la ooyo, dhammaan arimahaas oo dhan waa xaaraan waxaana u daliil ah qawlka Nabiga ee ah:
(Naga mid ma ahan qofkii (markii musiibo ku dhacdo) dhabannada iska tuma oo dharka iska jeex jeexa, oo sidii gaaladii jaahilka ahayd u dhawaaqa), xaddiiskan waa la isu waafaqay saxiixnimadiisa (Bukhaari iyo Muslim). Waxaa kaloo Nabigu yiri:
(Anigu bari ayaan ka ahay tan qaylisa iyo tan xiirata iyo tan dharka iska jeex jeexda (marka musiibo ku dhacdo)).
Wuxuu kaloo Nabigu yiri:
(Afar arimihii jaahiliga ah umadayda ayaa ku sugan kamana tagayaan, qabiilka oo lagu faano iyo nasabka oo la duro iyo xiddigaha oo lagu roob doono iyo maydka oo loo ooyo).
Wuxuu kaloo Nabigu yiri:
(Haweenta u ooyda maydka haddii intay nooshahay aysan toobad keenin, waxaa qiyaamaha la soo saarayaa iyadoo xiran qamiis daamur ah iyo mid cadho ah).
Marka musiibo dhacdo waxaa waajiba in la sabro oo ajar la xisaabsado, lagana digtoonaado waxyaalaha aan haboonayn ee munkarka ah Allaahna looga toobad keeno wixii horay u dhacay, Allaah wuxuu Qur’aanka kariimka ah ku yiri:
(U bishaaree kuwa sabra oo markii musiibo ku dhacdo yiraahda Allaah ayaa na leh xaggiisa ayaana u noqonaynaa).
Ilaahay khayr badan ayuu u yaboohay dadka sidaas yeela wuxuuna yiri:
(Kuwaasi waxay helayaan deeq Allaah iyo naxariistiisa, waana kuwa hanuunsan).

Haweenku qubuuraha ma booqan karaan.
Su’aasha 77aad: Muxuu yahay xukunka booqashada qubuuraha ee haweenka?
Jawaab: Uma bannaana inay haweenku siyaartaan qubuuraha rasuulkuna wuu lacnaday haweenka qubuuraha siyaarta, sababtoo ah haweenka sabirkoodu waa yar yahay Allaahna naxariistiisa iyo ixsaankiisa ayuu haweenka uga xaaraantinimeeyey inay qubuuraha booqdaan si aysan ugu fitnoobin waxna u fidnayn. [Ibnu Baaz 1-357]