Haddii Dunida Lagu Waarayo

Nin gabyaa ahaa oo ku magac dheetaa ina-Cabdulle Muuse lana oran jiray Yuusuf Cabdulle Muuse ayaa gabaygaan curiyey. Yuusuf markii uu arkay in uu da’ noqday ayaa waayo aragnimadiisa tustay in uu dadka raad kaga tago oo uu la dardaarmo, wuxuuna dadka kala sii dardaarmayey waxyaabo nolosha ku haboon ee dunida la xiriira wuxuuna yiri:

1. Haddii dunida lagu waarayooy daayin noqoneyso
2. Waxaan laga dileen nebiyadii laysu soo diraye
3. Asxaabihii baan degeen daahirka ahaaye.
4. Faadumo iyo dirkeedii ay aan dumug yidhaahdeene
5. Daahaa ku noolaan lahaa delegyadoodiiye
6. Anse waxaan daliishaday inaan laga dambeyneyne
7. Dowliilka uun baan arkiyo diray arwaaxdiiye
8. Durdurkii makaad iyo xajkaan daalib leeyahaye
9. Deeblahabkaan geela iyo ariga waa dalaal marane.
10. Daaraha la weegaarayaa waa aduun dumaye.
11. Udadaala diintiyo waqtiga daacadna ahaada.
12. Cabdalaha dushiisiyo ayuu deyro kale sheegan.
13. Darkii odayadii hore xidheen dalwgu yuu gonin.
14. Doqon xaajo waa kaa dilaa dibadaba u tuura.
15. Shisheeyuhu hadduu idin danqaro dogob u
16. Rag idaaya kaaama tagee dab u fagaareeya.
17. Meeshii daleelaa musaka bahalku doontaaye
18. Duldliabaha waxa loo saarayaa yaan dugaag marine.
19. Is dugsada walaal kala durkaa dagan dharaartaase.
20. Anna dulka aan celinayiyo daaddka aan raoosi
21. Dal shisheeye waagaan tagee idinka duukeeyo
22. Amase mowdku igu soo dagee dabaqa laysaaro.
23. Dadbtiyo aloolkaan ahaa dib u shalaantooda,

SHARAXA EREYADA

Asxaabihii baan dageen: asxaabihi baan dhinteen
Faadumo: waa inantii Nebi Muxamed dhalay (NNKH)
Dirkedii: caruurteedii
Damug yiraahdeen: madheen
Daaha: Nebi Muxamed
Degaladoodii: guryahoodi
Dowliilka: bidhaanta
Daleel maran: dhalanteed
La meegaarayaa: la dhisayaa
Idin danqaro
Darku: waa wadaanta ceelka biyaha lagaga dhuro
Duldhabaha: waa ooda badan
Is dugsada: waa isku tiirsada
Idinka duukeeyo: idinka tago
Dabaqa ley saaro: luxudka lay saaro

WEYDIIMO

  1. Firkadda guud ee gabaygaan ma dhismaha nolosha dunida ayey taageeraysaa mise tan aakhiro?
  2. Tacabka nolosha dunida dhismahooda lagu jiro muxuu gabyaagu ka qabaa?
  3. Daaha muxuu ahaa? Ka hadal.
  4. Dowliilka uun baad arkiye diray arwaaxdiiye, si kooban u sharax tuducan.
  5. Gardarrada shisheeyuhu muxuu ka qabaa in lagaga hortago? Maku raacsan tahay? Waayo?
  6. Gabyaagu talooyin buu soo jeediyey. Caddee inta aad is leedahay nolosha wax bay ka tarayaan iyo inta aan waxba ka tareyn?

8 thoughts on “Haddii Dunida Lagu Waarayo

  1. in la dhimanayo oon dunida lagu waareyn ayuu umadda xasuusiye, Alla ha ka ajir siiyo. Waxa kale oon ka faa’idnay waa in aan isdusanno haddii aannahay Soomaali.

  2. Asc, Dhamaan qorayaasha bogaan, waxaan idin weydiinayaa micnaha :
    Meeshii daleelaa musaska bahalku doontaaye

  3. Dowliilka Uunban Arkiyo Diray Arwaaxdiiye😢😭😭

    Tuduc MuruGo badan wata.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *