Miyi iyo Magaalo

Reer Miyi iyo Reer Magaal: Gabay

Qodobada Soomaalidu ka gabaydo oo aad caanka u ah waxaa ka mid ah xifaalada. Gabayada xifaaladu waxay ka yimaadaan dhinacyo badan oo kala duwan, gabayada noocaasi ahi waxay qani ku yihiin suugaannimo xeelad dheer. Gabaygan soo socda waxaa isku xifaalaynaya laba nin oo reer miyi iyo reer magaal ah, waana kan gabaygii:

Ninkii reer magaalka ahaa baa ninkii reer miyiga ahaa ku yiri:

Walee daacuflow reer miyaan doocna garaneyne
dab la shiday aroortii hadduu daamanka is dhaafsho
doqonimo waa wuxuu cadkiis doc uga in u-ujaaye
haddii roob Ilaah shubo ooy dunji barwaaqowdo
oo doobi caana ah riyaha looga dalaf siiyo
oo rodol uu doon doon ku helay uga dambaysiiyo
isagiyo duqdiisii markaa dawlad la ismoodye
dam damtiyo hangoolkii majiroo diriri maayaane
maantaas ninkii dan ulahow day so hadalkaaga.
Jawaabtii ninkii reer miyiga ahaana waxay haeyd

Dunuunucaye goortuu qaxwaha dibinta saaraayo
duuf lulaye goortuu kaluun labada daan buuxsho
dayn qaatc mccshii nin rag ah debar ka maalaayo
duryan xum< markuu deega buu dunidnnaye
diintiyo wuxuu caayayaa eebbe daayin e
dat wad aan lagaaraneyn sheegto

daryeelaaye
ah
deeqdana haddii loogu daro darajo weeyaane
waxaa dowrada magaaliyo ninkii degelkeed
waa joogay

Weydiimo

  1. Doodan gabayga ah ee labada nin dhex martay keebaad isleedahay waa lagu jilciyey? Waayo?
  2. Labada nin mid waliba sagaal tuduc buu tiriyey, tuducii kastaba midka u dhigma la doono.
  3. Doqonimo waa wuxuu cadkiis doc uga
  4. muujaaye, muxuu gabyaagu tuducaasi uga
  5. jeedaa?
  6. Dunuunuc • cabasho
  7. I3uuf lulaye
  8. Durian
  9. Deeg
  10. Darash
  11. Dowdar
  12. siin badaxie
  13. buuq
  14. wax la’aan
  15. belaayo/waxyeelo
  16. meherad laawe

One thought on “Miyi iyo Magaalo

  1. Alxamdulilaah waxa ay mahadi u sugnaatay Ilaaha xaqa lagu caabudo e’ qalinka, qoraalka iyo aqrintaba hagar la’aan inoo baray. Intaa ka dib waxaa mahad naq mudan qof kasta oo ku hawlan weelaynta maaxdii abwaanadii Soomaaliyeed dhaxal ahaan inooga tageen, si gaarana waxaan ugu mahad naqayaa walaalkayga gabaygan miyi iyo magaalo ee aan hadda faalada ka bixinayo qolkan inoogu weeleeyay.
    Hadaba anigu faaladaydan waxaan kusoo jeedinayaa gabaygani waxa uu jiraa manhajka dugsiyada dhexe ee JSL isagoo sida hada u qoran, lana xusin abwaankii curiyay tuducyadan mac ee xeel iyo xirab maskaxeedba kaga idlaadeen. Waxaana iswaydiin mudan marka manhajkan miyaan culayska lasaarin intaan gabayga la qorin in la ogaado magaca abwaanka?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *