Xumaanta Qabyaaladda

Gabaygaan waxaa tiriyey abwaan Cabdullaahi Suldaan Timacadde, isagoo caan ku ahaa la dagaalanka qabyaaladda. Mar uu ceebaheeda tilmaamay, waxaa uu gabaygan soo socda ka tiriyey Hargeysa 1964kii, wuxuuna yiri:

1. Dawladahaan laga qeyliyee qaaq wax kaga siiyey
2. Nin waliba mar buu qaadan jiray qaanso iyo leebe
3. Qarfo iyo marbuu seexan jiray qalanqal hoosteede
4. Ha yeeshee quluub wadajirtaa qaniya sheekhoowe
5. Qalalaase meel lagu lumiyo qeylo iyo oohin
6. Qoraxdii dhacdaba teenu wey kala qaxeysaaye
7. Qod la riday qudhaaxyada gashaa qoob dad waa u halise
8. Hadduu geed qalalo roobku waa u qamac kaliileede
9. Dirxiga qudhunka uma soo uree waabu quudsadaye
10. Qasdi jeeray wadayo yelatoo qawlka ku heshiiso
11. Qabyo weeye Soomaaliyeey qiiradaadaniye
12. Qof qalbi la’ Quraankii uu akhriyey qaaf dheh ku haraadye
13. Kutaabtaa sidii lagu qariyey qiil la’ aakhiro e
14. Qeyrkii ka hare waa ninkii qalay walaalkiiye.

SHARAXA EREYADA

Qaaq wax kaga siiyey: kaga oohiyey.
Qarfo: dibed
Qalanqal: geed magacii, ujeeddadu waa baadiye.
Quluub wadajirta: midnimo, iskaashi.
Qalalaase: shaqaaqo.
Qoraxdii dhacdaba: maalin kastaba.
Teenu: Soomaalideennu.
Qamac: kuleyl.
Kaliil: dabayaaqada jiilaalka.
Qasad: ujeeddo.
Qawl: hadalka.
Qabyo weeye: wey kala dhiman tahay.
Qeyrkii ka hare: asaagii ka hare.

WEYDIIMO

  1. Gabaygu marka uu leeyahay “Nin waliba marbuu qaadan jiray qaanso iyo leebe,” muxuu uga jeedaa?
  2. Ujeedada gabayga haddii aynu eegno maxaa hore loogu mari karaa?
  3. Abwaanku Soomaalidii markaa joogtay muxuu ku canaantay?
  4. Muxuu u ekeysiiyey gabyaagu qofka qabyaalada jecel?
  5. Gabyaagu wuxuu si duurxul ah u tilmaamay in uu Soomaalida waanadeeda ku daalay, waa kee tuduca arrintaa sheegaya?

One thought on “Xumaanta Qabyaaladda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *