Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan

HORDHAC

Sida la og yahay ummad kasta oo af, dhaqan iyo hidde wadaagta waxay leedahay murti iyo suugaan u gaar ah oo ay ku hirtaan. Hal-abuurayaasha dejiya suugaantaasna waxaa la og yahay iney door weyn ka cayaaraan isuduwidda, kicinta iyo horumarinta ummaddaas.

Sayid Maxamed wuxuu ka mid yahay abwaannada waaweyn ee taariikhda Soomaalida meel ka galay. Taasna waxaa u aqoonsan dadkiisa iyo dadyowga kale markay u sugnaatay inuu ahaa geesi waddani ah, gabyaa aftahan ah, buuni cilmi leh, siyaasi xirribbo badan. Intaaba waxaa marag u ah gabayadiisii jaad walba leh, waxaana garan kara qofkii murtidiisa dhuuxa marka laga eego xagga suugaanta, siyaasadda, wadaninnimada iyo aftahannimada ku jirta.

Diiwaankan waxaa ku qoran 120 gabay oo Sayid Maxamed tiriyey intii u dhexeysay 1904tii – 1920kii, iyo 16 gabay oo gabayada Sayidka xiriir la leh. Guud ahaan waxay gabayadaasi muujinayaan dhaqankii Soomaalida iyo heerkii suugaantu waqtigaas joogtay. Wixii gabay, geeraar iyo jiifto Sayidka laga hayey, oo saddex cay ah oo gaaban nisbadooduna aynan sugnayn ma’ahee, intii kale halka ayey ku dhan yihiin.

Marka waxbarasho guud mooyee, waxay gabayadu albaab weyn u furayaan qoraalka suugaanta af-Soomaaligu hodonka ku yahay. Waxayna dhaxal u noqon doonaan dadka danbe ee wax qori doona. Kuwaas oo buuggan ka heli doona tusaalooyin badan oo waxtar u leh.

Odayaashii tan iyo muddo dheer u guntaday inay uruuriyaan ka dibna qoraan buuggan, waxaa sharaf iyo abaalmarinba ugu filan inay wariyeen wixii mahadho Sayidka laga hayey, anaguna waxay naga mutaysteen mahad iyo ammaan.

Jaale Maxamed Aadan Sheekh
Xoghayaha Dowladda
Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

___________________

TUSMADA DIIWAANKA

Gabayada ku socda xarafka “A”
Gabayada ku socda xarafka “B”
Gabayada ku socda xarafka “T”
Gabayada ku socda xarafka “J”
Gabayada ku socda xarafka “X”
Gabayada ku socda xarafka “D”
Gabayada ku socda xarafka “R”
Gabayada ku socda xarafka “S”
Gabayada ku socda xarafka “SH”
Gabayada ku socda xarafka “DH”
Gabayada ku socda xarafka “C”
Gabayada ku socda xarafka “G”
Gabayada ku socda xarafka “F”
Gabayada ku socda xarafka “Q”
Gabayada ku socda xarafka “K”
Gabayada ku socda xarafka “L”
Gabayada ku socda xarafka “M”
Gabayada ku socda xarafka “N”
Gabayada ku socda xarafka “W”
Gabayada ku socda xarafka “H”

54 thoughts on “Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan

    1. Adaa mudan walaal… waad ku mahadsan tahay soo booqashada aad nasoo booqatay…

    2. Run ahaati wa taarikh aad u adgty si fudud in lagu soo ururiyo
      Lkn riyo ayaad rumeesy
      Alle haa ku barkeeyo

  1. Waxaan halkan uga baahanahay in aan helo gabayadan oo lagu luuqaynayo.

  2. Aad iyo aad ayaan uga mahadcelinayaa walaalaha soo celiyay xikmadihii Sayidka, waxaana dheefle qof walba oo raaca xikmadihii raggii usoo halgamay Soomaali dalkeeda iyo dadkeeda.

  3. Waad ku mahadsan tihiin dadaalka aad ugasheen noolaynta taariikhda Sayidka iyo uruurinta gabayadiisa.

  4. Asc…
    Aad baad ugu mahadsan tihiin sida xilkasnimada ah ee aad diiwaan ugu samayseen halyeeygii Soomaaliyeed Sayid Maxamed maasha-Allaah, waa dhaxal wanaagsan oo bulshada Soomaalida iyo guud ahaan reer Afrika ku faani karaan.

  5. Maamulka Diiwaanka:
    Software ama buug inaad ka dhigtaan talo ahaan aad bay u fiicnaan lahayd.
    Mahadsanid mar kale sidaad ugu hagar baxdeen qoraalka Diiwaanka Gabayada Sayidka.
    MCX

  6. Aad baad ugu mahadsan tihiin tixgelinta afkaarta bulshada… pdf/doc na ballan qaadkiina waan ku kalsoonahay inaad soo gelinaysaan… Allaah ha idin ka abaal mariyo

  7. Waa talo aad iyo aad u wanaagsan. Buugga isagoo PDF iyo DOC ah waan haynaa, waan soo gelinaynaa inshaa-Allaah…

    1. Maamule waxaan u malaynayaa in aan wali pdf kii buugan web soo galin. Fadlan hadaad karto maad iigu soo gudbin kartaa email kan riyo21@yahoo.com. Mahadsanid
      Cabdillaahi

  8. Illaa iyo hadda ilama aha in Soomaali dhamaan laga heli karo nin Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo kale. Ta 2aad waxaa la dhihi karaa waa ninka Soomaalida ugu caqliga badnaa (horaan, hadda iyo mustaqbalkaba) taa cidi ka muransan ma jidho.

  9. Walaal aad ayaad ugu mahadsan tihiin dadaalkiina waanad dadaasheen runtii halkaana ka sii wada. Midda kale walaal waxaa fiicnaan lahayd inaad Application ka dhigtaan buug isku xidhan.

    1. Adaa mudan, walaal Mukhtaar…
      Waa talo fiicaan, akhristayaasha qaarna ay soo jeediyeen, waana isku dayeynaa inaan buug walba isagoo isku dhafan soo gelinno…

  10. Aad baad u mahadsan tihiin sida quruxda badan eed noogu soo dhigteen shaashada gabayada Sayidka. Walaalayaal iyagoo video lagu luqaynayo ahna noo raadiya. Mahadsanidiin.

  11. Aad baad u mahadsan tihiin sida quruxda badan ee noogu soo dhigteen gabayada Sayidka. Fadlan walaalayaal iyagoo video lagu luuqadaynayana noo raadiya, gabayada Sayidka aad baan u jeclahay waana dhagaystaa in badan intaan ka hayo. Mahadsanidiin.

  12. mahadsanidiin, waxaana iiga tala ah in aad isku daydiin taariikhda tirtirmaysa in aad reebtaan maxaa yeelay ma jirto ilaa iyo hadda cid ka reebtay qoraal dhamaystiran markale iyo maraar kalaba isdhiiba wax wayn ayaan ka baranay

  13. Aad iyo aad ayaan uga mahadcelinayaa walaalaha soo celiyay xikmadihii Sayidka
    Waad ku mahadsan tihiin dadaalka aad ugasheen noolaynta taariikhda Sayidka iyo uruurinta gabayadiisa.

  14. Walaal waad ku mahadsan tahay juhdigaad noosoo gelisay diiwaanka
    Gabayada Sayid Maxamed C/lle Xasan. Waxaan kaa codsanayaa innaad
    ka dhigtaan PDF iyo DOC haddii ay suuragal tahay.

    1. Adaa mudan walaal. Mar baan soo gelinnay, laakin khaladaad badan baa ku jiray. Hadda turxaanbixin iyo tifaftir baa ku socda. Dhawaan naga filo, inshaa-Allaah…

  15. Waad ku mahadsan tihiin dadaalka aad ugasheen noolaynta taariikhda Sayidka iyo uruurinta gabayadiisa.

  16. Maasha Allaah, waad ku mahadsan tihiin dadaalka iyo juhdiga aad soo geliseen diiwaankan.
    Waxaanse kasii jeclaan lahaa in qaab fudud oo lagu soo rogan karo aad ka dhigtaan, maadaama ay adagtahay in mid mid la minguuriyo.

    Mahadsanidiin

  17. Asc.
    Aad ayaad umahadsan tihiin walaalayaal bahda soo tabisay gabayadaan waan jeclaan lahaa inaad ku soo dartaan gabay hooyo wiilkeeda uqaadi.
    Thanks alot.

  18. Gabayadaan in la ilaaliyo waa shay qaali ah. Waxaana fiican inaan si fudud ku heli karno iyagoo cod ah.

  19. Maashaa Allaah. Aad baan ugu mahadcelinayaa dhammaan aqayaartii na soo gaarsiisay diiwankan iyo taariikhaha kale ee la xiriira dadkeenii haldoorka ahaa sida Sayid Maxamed Cabdille Xasan, runtii wuxuu ahaa Shiikh fidiya diinta Islaamka, siyaasi xeeldheer oo soo hogaanshay halgankii xurnima raadinta dadkeena iyo dalkeena, sidaasi si lamida waxa uu ahaa Abwaan wax weyn ku kordhiyay taariikhda sooyaalka suugaaned ee afka Soomaaliga, waa seddex kaalin oo cajiiba dadkuna aysan isku wada helin badankood. Alla ha u naxariisto Sayid Maxamed Cabdille Xasan.

  20. mashaAllah aad iyo aad ayaanu idiinka mahad celinaynaa sida dhamayska ah ee aad usoo qorteen amaba usoo ururiseen xikmadihii zeyid m.cabdulle Ilaah haw naxariistee.

  21. Aad baad umahadsantihiin walaalayaal waxaan gabay sayidka ee mar uu marayey gobolada koofueed uu qabaa’ilka ku hal qabsanayo sida abgaal gabayga magaciisa igu caawiya

    1. umaleyn mayo walaal, waayo waa hore ayaa la daabacay buugga, daabacaadda 1aad 1974, tan 2aadna 1999

  22. waad ku mahadsan tahay walaal inaad noo soo diyaarisay gabayadii Sayidka Alle ha u naxariisto isaga iyo dhammaan abwaanadii kalaba. laakiin walaal qormada gabayada waxaan ku arkay in meel kastoo ay ku jirto xarafka DH aad ka dhigtay xarafka R sidaas awgeed waxaan jeclaan lahaa sidii dhawaaqa uu ku keenay abwaanku in loo tixgeliyo. waa fikirkayga walaal. mar labaaadna waad mahadsan tahay

Leave a Reply to Cabdirashiid Axmed Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *