Gogoldhig

Diiwaankan Sayid Maxamed wuxuu ka kooban yahay 120 gabay oo ka mid ah gabayadii Sayidka. Gabayadaas oo jaad walba leh, waxaa soo ururiyey Sheekh Jaamac Cumar Ciise oo ka mid ah Guddiga Af Soomaaliga. Sheekh Jaamac wuxuu kaloo ka mid yahay ragga gabayada, taariikhda Sayidka iyo Dhaqdhaqaaqii Daraawiishta dhab u yaqaan kuwa ugu fiican.

Gabayadu waxay muujinayaan taariikhdii weyneyd ee Sayidka iyo halganki Daraawiishta. Waxay kaloo tusayaan heerka sare ee Sayidku murtida iyo suugaanta Soomaalida ka joogay iyo sida uu suugaanta ugu xeel dheeraa.

Diiwaankan waxaa Guddiga Af Soomaaliga u soo gudbiyey Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo Akadeemiyada Dhaqanka si ay isha u mariyaan, waxay u la ekaataba uga soo yiraahdaan. Dabadeed haddii guddigu eegay, aad buu ugu bogey gabayada iyo habka wanaagsan ee loo uruurshay labadaba.

Sidaas darteed, waxaa uu Guddigu gartay in diiwaankan sida uu yahay degdeg loogu daabaco.

Guddiga Af Soomaaliga

Xamar, 01.01.1974

One thought on “Gogoldhig

  1. Wow maansha Allaah thanks this is nice.
    Waxaan mahad balaaran u dirayaa akhyaarta iyo aqoonyahanada noosoo aruurshey kana shaqeeyey fursadaan qaaliga ah inaan sariirteyda ka kor akhristo.
    Jazaakumulaah kheeran

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *