Hanfi Iyo Hunriga Soo Dhaca

Markii Taleex la dhisay ee ay Daraawiishna xarun u noqotay, magacoodii iyo maalkoodiina kor u kacay oo ay taawiyeen in Ilaah mooyee aan aadane wax ka tarayn, murtidii iyo gabayadii si aan qiyaas lahayn ayay u soo baxeen, Daraawiishta ammaan iyo aflagaaddaba gabayo badan ayaa loo soo mariyey. Cali Jaamac Haabiil oo ay Sayidka xafiiltan lahaayeen raggii Daraawiish ka soo horjeedayna ka mid ahaa, ayaa dhowr gabay oo ceebayn ah Sayidka u soo diray. Inkastoo Sayidku gabaygan dadoo dhan wada mariyey, haddana ujeeddada ugu weyni waxay ahayd Cali Jaamac in loogu hal daro. U fiirso, gabaygan wuxuu ina tusaayaa in murti, aftahannimo iyo hadal aqoontii, Eebbe weyne, hoodo uga dhigay Sayid Maxamcd Cabdulle Xasan. Wuxuuna Sayidku yiri:

Hanfi iyo hunguri soo dhiciyoo, hinif dabayl baa leh
Hanqar iyo hillaac biligliyo, halac roob baa leh
Cir habqamay hareed laga harqaday, Haradigeed baa leh

Xiin hawle iyo heega curan, hogol daruuraa leh
Hir doogliyo caleen hamasha iyo, habatac ciid baa leh
Maal hooray ciir laga hanfaqay, seben hagaagaa leh

Caana had iyo jeera iyo, heeshi ramag baa leh
Qumbo lala hagoogtiyo hilbiyo, hawl yar ari baa leh
Hiyinnimo wax lagu qaato iyo, ku hinji awr baa leh

Habaqliyo harraad iyo kulayl, hilin abaar baa leh
Haddii hadowgu geedood engago, horasho ceel baa leh
Haga hagi hunguri duulayiyo, hogo kaliil baa leh

Harac iyo qabow lala herjado, hadh iyo raaxaa leh
Hawo iyo hilow gacalo iyo, hurud nabdoon baa leh
Hanfariir in loo kala ordiyo, hunuf dareen baa leh

Lugi waa higlishee himmiyo, halabsi neef baa leh
Haad iyo haldhaa roori iyo, huguf gammaan baa leh
Gorgor samada heehaabi iyo, huguguf Dhooddaa1 leh

Hanfaf booddo iyo xoog sengiyo, hadafa buubaa leh
Himbiriirsi meel foga magaan, higigifleeyaa leh
Haddii nadigu haaraha ku dhigo, haawis Xamar baa leh

Aar soo hingoodiyo bad iyo, hoobsi guluf baa leh
Hamham iyo hamsiga reenka iyo, higilla guutaa leh
Hannas weerar iyo qaylo iyo, hirif colaad baa leh

Heeraa in la isula bixiyo, heegan dirir baa leh
Hirey iyo wirey maalintay, humuro joogtaa leh
Haadaa qabiilnimo nimaan, lagu holayn baa leh

Hawa beena Soomaalidaa, hadafka raacdaa leh
Hadal ruma Daraawiishta iyo, weli hanoonaa leh
Raggii diinta hooyga u noqdiyo, hanad shirshooraa leh

Hulqihii dad bari soo baxshiyo, hoogay dumar baa leh
Wixii habar Majeerteen iyo, halamash naagaa leh
Xaar laysku heylaamiyiyo, halalac Mooraa leh

Hammuunaan damayn iyo, hunguri lala hadaaqaayo
Handadka iyo heemada markuu, hadawga leefaayo
Warsangeligu heybtuu yihiyo, horor dugaag baa leh

Hoobaaq laguu qodahayiyo, hagar shisheeyaa leh
Hundhur iyo caloolxumo ninkii, cadawgii heeraa leh
Hankuugyo uurgulguluc ninkii, hiijo qabay baa leh

Inaad luqunta hoogaamisiyo, hogosho ciil baa leh
Meeshiyo habeen aakhiraad, hibasho maag baa leh
Haakaalle Eebbow ninkii, libin hoyaadshaa leh

Hoh! iyo caku iyo ninkii, hawkar galay baa leh
Halaaka iyo laandeyr ninkii, marin habaabaa leh
Hinji iyo habaar Waaq ninkii, huray astaadkaa leh

Heeggaa in loo maro arlada, habi la’aan baa leh
Hor Ilaah in loo jeensadiyo, haajir culumaa leh
Haawiyadaa naareed ninkii, fereenji haystaa leh

Iiddoorka hoosada Berbera, ka hawisaa hey! leh
Harag uraya Muuse Carrihii, hoodhi jiray baa leh
Hadduu niriggu heeryada ka rido, hoogay! Arab baa leh

Xaal hadura Habaryoonis iyo, Herer nin joogaa leh
Ciisaha baqtiga hiigaayiyo, haqay midgaan baa leh
Huuraale Cali Jaamac2 iyo, huluq dameer baa leh

Xididnimo habbonkeed ninkii, lagu hirtaa baa leh
Hargaamooyin iyo ceeb ninkii, gun u hoyaadaa leh
Hiddo xumo gobey heerle iyo, horinta Cawl baa leh

Hub wanaagsan heensiyo fardiyo, haybad iyo luuli
Hodyo deeqa hoo iyo waxsiin, hor Alle geystaa leh
Hannaan quruxsan haashaar gobeed, hodon Dariiqaa leh

Horweynkiyo haleellada nirgaha, loo hintiqinaayo
Haamaha karuurkee la shuban, holac jiilaalka
Heel xoola laga buuxiyiyo, hibana Eebbee leh

Hal madow higgaad iyo Qur’aan, H iyo W reebban
Harannimiyo hooyaale gabay, heello iyo maanso
Nin kaleba naftiisa ha hafree, hooda anigow leh!

Waxaan ka qoray Xaaji Axmad Aaden Surgo sannadkii 1956kii.
1.Dhooddi: Faras qurux iyo dheerayn caan ku ah.
2.Cali Jaamac: Cali Jaamac Habiil, wuxuu ahaa gabyaa caan ah oo ka mid ahaa raggii u gabayay Sayidka.

3 thoughts on “Hanfi Iyo Hunriga Soo Dhaca

  1. adeer taariilhda ama ha kula xumaato ama ha kula wacnaatee ha qaldin gabayga

    1. Xittaa qabiilada uu ka kala tagay warsangali dhulbahante iyo samaroon weyku jireen gabayga isaaq iyo ciise ayuunbu udan lahaa kani

  2. Warsan gali iyo dhulbahante maxaad ugareebtay gabayga wayku jireene xittaa samaroon (isaaq iyo ciise ayuunbad ujeeday ee maaha gabay ururinsidani)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *