Hunguri Subeer

Gabaygani wuxuu ka mid yahay gabayadii Halacdheere ku saabsanaaa, Hobyana ka billowday, loona waddamiyey bari, galbeed, koonfur iyo waqooyi, Sayidka oo la yiri wuu ka qaybqaatay wuxuu yiri:

Hunguri Subeer wuxuu ka ridi, hogobyo shaydaane
Mar haddaanu heeg dheer lahayn, ama hoggaan ceeja
Wax hubaal ah waa inuu ka iman, haradi ciideede

Waa waxaan habaaroo Ilaah, heeray boqontiiye
Hidyaa wadatay wiilkii, hadduu hilinka soo qaaday
Huwan muu u kaco kuma qaddeen, hodon qabeenkiiye

Hartidaba wax badan baa ku nool, hilib ugaareede
Koluu hiirad oo kale noqdoo, ibilka haaneedo
Bal maxaa Hobyuu u dhigay, arladu kala hoyaad roone

Hargawaaxiddii baan ku dilay, tuugga haysha lehe
Hanqarkii rasaastaa wadnuhu, la halcanaaye
Guutooyinkii loo humeey, hadafka raaceene

Hanbo kaa sugaa ama hoheey, kugu haguugaaba
Hanta nimaan lahayn looma tago, holaca jiilaale
Haaweyda aan dhacay maxaa, haatufka u geeyey?

Iyaguba halaaggaan badey, la hundhuraayaane
Daraawiish hinfirinimay wax badan, hanatay reerkiise
Waxay ka hanfariireenba waa, huubo dooro lehe

Hawiye iyo Daaroodba waa, hayb ka gooniyahe
Ma way sooryadiin helin karaan, ma hagranayaane
Miyey hadi karaayaan wax bixin, heliba maayaane!

Nin hammuunta kaa bi’inahayaa, lagu haddoomaaye
Mar hadduu hadaadumo, xarrago haybaddeed malehe
Haadaa qabiil nimaan ahayn, hibo miyuu dhiibi?

Qamaanow1 hiddada meel san baa, lagu hagaajaaye
Hadku waa hadkii idin khatalay, Haraddigeedkiiye
Hannaankiina nimankii yiqiin, weydinkii huraye

Haddaad diinta soo haybisaan, kuma hungowdeene
Haadaan waiaa idinku guray, habaski gaabnaaye
Hadalka Keenadiid buu maqlay, hayaad kale mooge

Haddeer iyo haddeer goor qallaa, halaba keenaaba
Haamaan idiin shubi lahaa, halab karuurkeede
Haleelooyinkaa idinku filan, hootanuugta ahe

Hareerihiinna waa dhigi, waxaad ku himbilyootaane
Intaad higis dhan soo qaadataan, halacna too raacsha!

Waxaan ka qoray Xuseen Aabi Cilmi Xaasey l965kii.
1. Qamaan: Qamaan Bulxan Yuusuf oo ahaa gabayaa caan ah.

3 thoughts on “Hunguri Subeer

  1. Aad baan idin ku mahad celinayaa shaqada fiican ee aad inoo qabateen.
    Waxaan qabaa in yar oo cabasho oo ah aad buuga u isticmaasheen lahjada koonfurta ninkanina reer waqooyi buu ahaa sidaa dartèed erayada qaar baa macnohoodu lumayaa haddii sida koonfurta loogu dhawaaqo marka waxay ahayd in aydaan bedelin lahjada ee tii ku mariyey aad ku qortaan.

    Cali c/raxman jooga Taleex

  2. Gabaygan waxa tiriyey Xuseen Dhiqle , ninka laga qoray ee Cilmi Xaasey na waa isla reerkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *