Waa Duni

Gu’ga xaraame-cune la baxay deyrtii ka horreysay, ayaa dagaalkii Ingiriis iyo Daraawiish ka dhex socday istaagey, taas waxaa ugu wacnaa Ingiriis oo xeebta isugu tegay, markaasaa waxaa batay salowlihii iyo socotadii, tuugadii iyo dhicii, dhinac kasta ha ka yimaadeen ama ha u socdaane, taasu waxay keentay nin walba ninkuu arko inuu dilo. dhaco ama xado.
Sayidku isagoo taa la fajacsan ayaa waxaa war lagu soo gaarsiiyay in Ingiriis doonaayo waanwaan iyo heshiis. Wadaaddiina heshiiskaas waaba u riyaaqeen, qaarkoodna waxayba yiraahdeen inaannu gaalada xiriir la yeelanno waa bannaan tahay.
Haddaba, Sayidku usagoo tilmaan ka bixinaya wixii uu hortii la yaabbanaa iyo warkaa loo keenay iyo saxariirta, silaca iyo xumaatada joogtada ah, ayuu gabay tiriyay, wuxuuna yiri:

Xuseenoow Allahaynoo sahlee, saancaddaa timiye
Maandhow siqiir iyo kabiir, sida la yeelaayo
Hadba suufiyey qaban intaan, soogsadoo kaco e

Surinkii aan joogaba dhulkaan, samay ku jeexaaye
Salaadda sunniyo waajibikii, waa sahwiyayaaye
Subicii quraankiyo wardigii, seegay waayaha e

Ma siraadna dhaayuhu haddaan, meel ka sowlixiye
Ban saliid la moodiyo waddadu, surin ma dhaamaane
Sogsogtaan maraa sida indhuhu, nimay saruurmeene

Maandhow nin caro suursanoo, saaqsan baan ahaye
Sarduubkaa i joogee qalbigu, way saddamayaaye
Suukaaya ciil baan arlada, sulugle meeraaaye

Suxullada uun baan labada law, suran alleykiiye
Surmadaan ku kuudadaay, tan iyo saaca waabberiye
Surkii bay igu jabay, foorarkaan seban u yaallaaye

Sidii soocan baydada ma hado, saakin iyo jiife
Sardhadaan laamandhoodsado hurdada, waa ka salalaaye
Goortay Sahuuraddu1 dhacdaan, suluf iraahdaaye

Saqda dhexe alleylkii markii, sahalka loo jiifay
Saxalkiyo2 Mariikhii3 haddii, la igu soo suurshay
Sawaxa iga soo baxay miyaa, Suurkii4 la i mooday

Sidii saxal najuumeed markaan, saxaha eegaayey
Ma Samuuladkaan5 sida ayaxa, samada uugaanshay
Ma saxaabka duuliyo cirkaan, sare u weydaartay

Sakar roob daruuraha salliban, saymo curanaaya
Sarka dhabanta fiidkii markey, samadu ceegaatay
Goortay suxuurtii ahayd, sarab miyaa fuulay

Goortii sawaaxiga gudgude, duni la saameelay
Onkodka iyo sowdkii markay, samadu xiimaysay
Hillaacii sabaaraha ka baxay, Sibi6 miyuu muujay

Ma sagaashankii baa go’uu, sagal ku geylaamay
Dirirkoo siddeed maray miyuu, bar u siyaadeeyay
Sammadiyoo kulaykii miyaa, saxansax loo dhaafshay

Saaq xamasha sooniyo7 cambuul8, saani iyo waadhi
Arligii sabaanigu ka dhacay, sarac miyaa fuulay
Sanqaraara udugii miyaa, lala sumbaaxooday

Afartaa sifeeyoo ka dhigay, suufka oo kale e
Waa mowjad seylaami iyo, saacad gaw tiriye
Sawd kalena waa duniyadeer, si aan ka faalleeyay

Waa dunida uu kala sunsumi, salowlaheediiye
Waa dunida subaxii baryaba, sare timaaddaaye
Waa duni samaan iyo xumaan, sooran ay tahaye

Waa duni sir iyo tuugo iyo, saanji loo kiciye
Waa dunida saami ugu dhacay, saabir iyo cayre
Waa dunida siirkeedu yahay, siifad iyo hooge

Waa duni ninkaad saxarsataa, seedda kuu jaariye
Waa dunida uu kugu sabbixi, seeddigaa dhabiye
Waa duni aan saxariir cadaw, laga siqoonayne

Waa dunida sowraca kufriga, la isku saaweyne
Waa duni sakaarkii lahaa, laga sabaayaaye
Waa duni sagaal Talamugge, samanka taagaane

Waa dunida gaal lagu sallibay, sanac la’aaneede
Waa duni sarwaan lagaga guri, sado ammaneede
Waa duni sabaan aakhiroo, silic ka joogaaye

Waa duni ninkii sadar bartaa, sababi diinkiiye
Waa duni siyaarada la siin, haaf sarkaaliya e
Waa duni sarkaalkiyo ardadu, wada sinjaaraane

Waa dunida Soomaalidii, laga xantaagaaye
Waa dunida sareedada la qubi, sulux caanoode
Waa dunida saaq lagu gataa, salaba guud dheere

Waa dunida loo suuladaa, sakharra naareede
Waa dunida soon laga tegiyo, sadaqad iideede
Waa duni safkii laga bexee, gaal la saacidaye

Waa duni simaadhii jannada, suus aan ku lahayne
Waa dunida saab ferenji iyo, Saaxil9 loo kiciye
Waa duni la saacidi kufriga, saaxir kuu colahe

Waa duni aan lagu soorahayn, siira kuu timiye
Waa duni sokeeye iyo xidid, kala sawaaleyne
Waa duni abaal laga samree, samo la diidaaye

Waa duni subayrdaarraddii10, lagu salaamaaye
Waa duni subbeyhiintu11 tahay, saadadoo kalee
Waa duni siyaalaha la fali, laga sujuudaaye

Waa duni ninkaad boqol sidka ah, siiro ugu yeesho
Waa duni inuu kuu sallimo, laga sugaaleyne
Waa duni sun loo shubi ninkii, kuu saddiiq noqone

Waa duni sunbulaheeda dhici, lala sureeraaye
Waa duni sirgaxanoo iblays, saababkuu rogaye
Allahayoow subxaan qaaddiroow, naga salaameyso

Afartaa intaan saxay miyaan, siinka ka higaadshay
Surmadiisa lama seejiyee, surin ma qaadsiiyey
Meeshaan ku kala sooci jirey, soohdin mow mariyay

Nimanbaa suxuurta u kallaha, sabaq cadaadeede
Oo suudi kulul marahayiyo, sool abaar badane
Surmo iyo harraad bay ku tegi, Sibil12 dushiisiiye

Waxay suran sintaaraha xashimo, qaara siiqa ahe
Dhirta ay saloolanahayaan, suumahaa go’a e
Sogsogta iyo qodaxdaa ku jabi, suxulladoodiiye

Sebaan iyo sebaan bay maqnaan, saayid weheshaaye
Sugukuun-Aallow bay ku immaan, soonfur dabadeede
Salka intayan meel dhiginna, waa saafurahayaane

Awrkii sadaadaha lahaa, saaddambay rariye
Sebaanka waxaa loo kaxayn, Saaxil iyo Ceege13
Saddex iyo sagaal bay u dhici, suuqyada belede

Siirkii muxuu joogay bay, kugu salaamaane
Subaxay galaan bay ku gadan, sicirka maantaase
Saddex hadday hoyaadaan ratiga, saaray qalabkiiye

Sumbulaha xaggaa bay ku lumi, siisihii Gubane
Subaac iyo libaax iyo dugaag, saaruq iyo haayir
Walidkood sursuur bay galaan, surin cayriiryoone

Hadalkaa sagtaa aan ku xiray, sadarka laabtayda
Intii gabay su’aashiisa qabtay, saxa kalaankayga
Sowdkaasna duulkaan ku wado, siinka ka higaadsha

Nimanbaa shareecada sirayoo, gaalka saacidaye
Oo shalay safkii nagaga baxay, seymihii dhacaye
Oo saarashada ferenjigiyo, saanjiguu xilaane

Awgii siyaarada lahaa, selel hadduu qaaday
Oo ay sahwiday culimadii, saxal marikhowday
Saxariirka aakhiro hadday, sax u ogaan weyday

Saqiir iyo kabiir waa la geyn, saqara naareede
Soon iyo salaad iyo sakada, sadaqadii iiddda
Sawaab kama helahayaan, waxay camal samaystaane

Saasna waxaa ugu wacan kufriga, saab la leeyahaye
Saaxiibkaa wuxuu kugu furaa, soohdintuu dego e
lyagaan ka saahidin wallee, saamax baan jirine

Sunnihii jidkii Eebbe waa, laga sawaalaaye
Sallallaahu Nebigii rag baa, saaxirow yiriye
Oo saalixiintii la dhacay, sulubkii dheeraaye

Hadalkaa sagtaa aan ku xiray, sadarka laabtayda
Intii gabay su’aashiis qabtay, saxa kalaankeyga
Sowdkaasna duulkaan ku wado, siinka ka higaadsha

Niman baa cilmiga saahiday, oo diinta saakubaye
Oo aan sidii Eebbe yiri, sadarna moogayne
Subaca iyo wardiga kama tagaan, saacadaha leyle

Waa wada sijaac geesiyaan, sabab ka laabmayne
Waa sakhi kurtood deeqsiya, soof hadday bixine
Suuraddooda iyo nuurku waa, saaca waaberiye

Sarkaalka iyo Hindiga waa dilaan, uma sujuudaane
Surkana waa ka gooyaan, dadkii saaxirka ahaaye
Soomaalidii uma turaan, saaruqa ahayde

Hadalkaan sagta aan ku xiray, sadarka laabtayda
Intii gabay su’aashiis qabtay, saxa kalaankeyga
Sowdkaasna duulkaan ku wado, siinka ka higgaadsha.

Waxaan ka qoray Aw-Cabdille Axmed, Xuseen Aabi iyo Xaaji Cabdiraxmaan Sayid Maxamad.
1.Sahra: Xiddig qurux badan oo aad u ifa, Soomaalidu waxay u taqaan Waxaxir, Waabberi iyo Cirjeex.
2.Saxal: Waa xiddig fogaan badan oo 21ka rugood, rug walba ku wareega laba sano iyo badh.
3.Mariikh: Xiddig guduudan oo iftiin badan oo 21ka rugood, ku wareega laba sano in ka yar. Soomaaliduna waxay u taqaan Farraarre.
4.Suur: Suurku waa buunka qiyaamaha, uunka qabriga jiif a lagu toosiyo.
5.Sammuulad: Waa xilli gala lixda bilood ee bilo Dirir bishooda shanaad habeenka ay tahay 11 ama 12.
6.Waa dhul togga Faafan galbeed ka xiga.
7.Soone: Waa geed ubax cad oo qurux badan leh oo mirahiisa iyo xididkiisaba wax lagu dhayo.
8.Canbuul: Qodax buuran oo ka baxda Galoolka iyo Sarmaanta oo markii dabayli ku dhacdana u foorida sida siiriga.
9.Saaxil: Waa magaalada Berbera magac labaad oo la oron jiray.
10. Subaydaar: Waa nin meel madax ka ahaa, in kastaba darajadiisu ha gaadhee.
11.Subbeehi: Waa dablaha, Soomaaliduse waxay u taqaannay jaajuuska.
12.Sibi: Dhul u dhexeeya togga Faafan iyo laagga ka soo farcama webi Sammane.
13.Geeg: Waa meel miyi ah, dadkii horena dhisay oo Burco koonfur-bari ka xigta.

2 thoughts on “Waa Duni

  1. Walaal, Sahra (Eng: Venus) waa sidaad u sheegtay oo Soomaalidu waxay u taqaan Waxaraxir ama Xidig-Waabberi, Laakin se Cirjeex waa meere kale oo Mushtarna loo aqaan (Eng: Jupiter).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *