Maana-Faay

Maana-Faay

Qiso

Maxamed D. Afrax

 

Hordhac

uu daabacaddii koowaad 1981 u qoray Maxamed Aadan Sheekh, Guddoomiyihii Jaamacadda Ummada, Soomaaliya.

 

Qisada Maanafaay iyo qiimeheeda taariikhiga ah inta aynaan u galin, horta aan is weydiinno qisoy maxaad tahay? Runtii wax badan baa fasiraad laga bixiyey, siyaalo badanna loo rogrogey, inta ay nooc leedahayba. Hase yeeshee annaga, Soomaali ahaan, ahmiyad gaar ah ayaa bilowgeedu noo leeyahay. Waa marka horee afkeenna qoriddiisu dhoweyd, welina dihin, waa u tijaabo sida farshaxan qurxoon qoraal ahaan loogu bandhigi karo, ama sida afku dareen kasta u cabbiri karo.

Waa tan labaade, dadweyneheennu ma baran akhriska sheekooyin casri ah, maxaa yeelay af-maal bay bulshadeennu ahayd, welina kama guurin, oo isagana tijaabo cusub bay u tahay. Waa tan saddexaade, bulshadeennu uma baran sawirka nolosheeda oo loo soo hordhigo sidii muraayad ay iska daawaneyso, kana arkayso ceebaheeda, xumaheeda iyo wanaaggeeda. Waxaan shaki ku jirin in haddii aan hore sheekooyinkeenna u qori lahayn, ama curiyayaal badani qisooyin casri ah noo hal-abuuri lahaayeen, wax weyn ayaa iska bedeli lahaa dhaqankeenna iyo aragtideenna nolosha.

Si kastaba ha ahaatee, waa nasiibwanaag haddii dhalinyaradeennu ay u soo jeesteen hal-abuurka noocaas ah, oo kaalin weyn ka qaadanaya koritaanka wacyiga iyo dhaqanka bulshadeenna. Ninna ma mooga, bay ila tahay, in dadaal badan oo dhinacaas ah ay duruufo gaar ihi hakiyeen: waxa ugu yar kuwa ku lug leh xagga dhaqaalaha iyo xagga farsamada, oo qoraa kasta u baahan yahay in laga kaaliyo, marka uu hawshiisa wado. Waxaa hubaal ah in ay markan lagama maarmaan tahay in tallaabooyin cusub laga qaado arrimahaas, mar haddiiba afkeennii uu si sugan ugu xididdeystey maamulka, warbaahinta, dugsiyada iyo miyiga, uuna noqday saldhigga aqoonta, waxbarashada iyo cilmi baarista dalkeenna.

Qisada maanta ina hortaal, Maana-Faay, waxay ugu horraysaa tijaabooyinka cawada yeeshay oo nooca loo baahnaa ah, waxeyna ku soo banbaxday markii, iyada oo taxane ah, ay Xiddigta Oktoobar ku soo bixi jirtey, sannadkii 1979kii.

Dadweynuhu, Muqdisho iyo meel kasta oo Xiddigtu gaartaba, wuxuu u muujiyey xiisayn iyo soo dhoweyn aad u ballaaran oo aan hore loo arag, ilaa xad Wargeysku codsigii dadweynaha buuxin kari waayey, tiro kastoo lagu kordhiyey ee dhawr jeer la laba jibbaaray oo saddex jibbaaray! Bixiddaas faraha badan iyo xiisahaas xad-dhaafka ah maxaa keenay? Waxa ugu dhow oo loo malayn karaa waa in sheekadani si waaqici ah u dhex-gashay nolosha bulshada; qoys iyo qof, yar iyo weyn, wiil iyo gabar, intuba dareemeen in ay hab-nololeedkooda taabaneyso, iney uga dardaar werineyso fal-celiska dhaqankooda sii doorsoomaya, una sii tilmaameyso cawaaqibkiisa. Sidoo kale, waxay waalidku ka dhex arkayaan khaladaadka qaarkood ka galaan barbaarinta ubadka iyagoo wax toosi is leh.

Bal u sii fiirsada hiddaha nolosha qoyska Maana-Faay, doodda dhexmareysa Axmed iyo Kulmiye, ruqaansiga Aay-Caddey iyo aragtideeda, tartanka dhalinyarada iyo figradaha kala duwan ee raggu dumarka ka qabo dumarkuna ragga ka qabo, sida waalidku u qasbo rabidda da’da cusub, iyo ugu dambaynta, dhibaatada ay martay nolosha Maana-Faay, oo ah shakhsiyadda sheekada oo dhan xiriirisa.

Runtii waxaa qisadan summad gaar ah u ah, in ay dadka ay ku socotaa kuwo caadi ah yihiin, ee aad noocooda maalin walba suuqa iyo guryaha kula kulmi kartid, inaan hadalkooda is-muujin iyo erayo culusi ku jirin; in murtida buuggu xambaarsan yahay ay dadweynaha ka soo maaxeyso.

Darsiga ugu weyn ee qiso ina soo hordhigi kartaana, ka sokow inaan akhriskeeda ku raaxaysanno ama ku madadaalanno, waa inay nagu qasabtaa, waliba si doqonima-garato ah, inaan gudaheenna iyo habka nolosheenna dib u dhuganno waxna ka beddello.

Waxaan qabaa in qoraaga buuggan, Maxamed Daahir Afrax, oo tijaabadan cusub sida xalladda iyo kartida leh u gudbey, uu kulligeen naga mudan yahay hambalyo iyo mahadnaq ballaaran.

Dr. M. Aadan Sheekh

 

TUSMADA

Mahadcelin
Xubinta 1aad
Xubinta 2aad
Xubinta 3aad
Xubinta 4aad
Xubinta 5aad
Xubinta 6aad
Xubinta 7aad
Xubinta 8aad
Xubinta 9aad
Xubinta 10aad
Xubinta 11aad

25 thoughts on “Maana-Faay

      1. Intee ka helikaraa sidaa uraadinaye wnba daalaye lkn ilaa hada kama samrin oo wali goobayaa

  1. Maashaa Allaah aad ayan oga helay. Waxaan dhageysan jiray anigoo aad u yar, maantana akhriskeeda waa ii gabagabooway. Mahadsanidiin.

  2. War nimanyahow sheekadan wan ku wareeray meel ay ka bilaabaneyso ma arko sidoo kale waxan garan la’ahay qaabka ay isugu xigto bal i fahansiiya idinkoo mahadsan.

    1. السلام عليكم…

      Walaal waxaad isticmaashaa fallaaraha ku hoos yaal qormada si aad u akhrisid waxa ku xiga.

      Maktabadda Af-Soomaaliga

    1. Duubista codka waa hawl adag, waqti dheerna qaadanaysa. Hadda wuxuu dadaalkeennu ku eg yahay dhigaal.

      Duubista Maxamed Xaaji Xuseen Raage waxay ku eg tahay Xubinta 6aad qeybta 2aad. Labo sano kahor ayuu joojiyay duubista, sidaad ku arki kartid boggiisa Yuutuub-ka.
      halkan ka eeg:
      https://youtu.be/n0h_vV8Vq68

      ama duubista Xasan Kaafi Qoyste:
      https://youtu.be/Dww3-NB0d5E

  3. 𝐀𝐬𝐜 𝐖𝐚𝐥𝐚𝐥 𝐰𝐚𝐧𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐥𝐚𝐦𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐚 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐮𝐝 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚𝐦𝐚𝐧 𝑜𝑜 𝑗𝑜𝑜𝑔𝑎 Somalai garahane Magaalada Muqdisho Walal maheli karaa Maana-Faay Pdf ah Haddii aad heli karo wlal Aad ban uga baahanahy

Leave a Reply to maamule Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *