Xadiiska 12aad

HA FARA GELIN WAX AADAN KU SHAQA LAHAYN

[arabic-font]عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ “مِنْ حُسْنِ إسْلَامِ الْمَرْءِ تَرْكُهُ مَا لَا يَعْنِيهِ”.[/arabic-font]
[arabic-font]حَدِيثٌ حَسَنٌ، رَوَاهُ التِّرْمِذِيُّ [رقم: ٢٣١٨] ، ابن ماجه [رقم:٣٩٧٦].[/arabic-font]

Waxaa laga weriyay Abuu Hureeyra (Allaha ka raalli noqdee) inuu yiri Rasuulkii llaahay ﷺ wuxuu yiri:
“Qofka Islaam wanaaggiisa waxaa ka mid ah inaanu faraha lagelin arrimo aanu shaqa ku laheyn.”
Waa xadiis Xasan ah. Waxaa weriyay Tirmidi iyo kuwa kale.

Sharaxa
Xadiiskani waa edbinta nafta iyo la xisaabtankeeda, sababtoo ah waxaa dhab ah in dadku u badan yahay inay waqtigooda qaaliga ah badankiisa ku tabiyaan wax aaney waxba ugu jirin, marka waa in qofku miisaamo falkiisa iyo hadalkiisa waa inuu ogaado sidey arrimuhu xiriir ula leeyihiin noloshiisa, kaddib wixii wax u taraya adduunkiisa ama aakhiradiisa uu ku dhaqaaqo, wixii aan waxba faa’ido u laheynna waa inuu ka gaabsado, waa in aanu faraha la gelin arrimaha dadka kale khuseeya ee u gaarka ah.

FAA’IDADA XADIISKA
1. In qofku ilaaliyo ficilkiisa iyo hadalkiisa kuna abbaaro meel ku habboon;
2. Inaan faraha lala gel in arrimo aaney waxba kaa gelin;
3. Inuu qofku u jeediyo awooddiisa wax isaga anfacaya ama dadka kale wax u taraya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *