Xadiiska 14aad

WAXYAALAHA DHIIGGA MUSLIMKA BANNEYNAYA

[arabic-font]عَنْ ابْنِ مَسْعُودٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ “لَا يَحِلُّ دَمُ امْرِئٍ مُسْلِمٍ [ يشهد أن لا إله إلا الله، وأني رسول الله] إلَّا بِإِحْدَى ثَلَاثٍ: الثَّيِّبُ الزَّانِي، وَالنَّفْسُ بِالنَّفْسِ، وَالتَّارِكُ لِدِينِهِ الْمُفَارِقُ لِلْجَمَاعَةِ”. [/arabic-font]
[arabic-font][رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ][/arabic-font]
[arabic-font]، [وَمُسْلِمٌ][/arabic-font]

Waxaa laga weriyay ibn Mascuud (Allaha ka raalli noqdee), inuu yiri Rasuulka llaahay ﷺ wuxuu yiri:
Qof muslim ah ma bannaana in dhiiggiisa la daadiyo haddaanu saddexda arrin midkood uusan ku kicin:
1) Qofkii isagoo reer leh, ama horay reer u yeeshay ee dhilleysta;
2) Kii qof muslim ah dila;
3) Qofka diinta ka baxa ee ururka muslimka ka faquuqma.
Waxaa weriyay al-Bukhaari iyo Muslim.

Sharaxa
Xadiiskani wuxuu caddeynayaa halka islaamku ka taagan yahay dembiyada foosha xun, maxaa yeelay, dhiigga islaamku aad buu qaali u yahay mana oggola Muslimku in dhayal lagu daadiyo, marka waxaa loo banneeyay dhiigga qofka dembiyadaa midkood falay waa iney yihiin dembiyo halis ah oo halbowlaha goynaya xasilloonaanta iyo nabadgelyada bulshada muslimka ah ee ku dhisan isku kalsoonaanta iyo iskaashiga.

FAA’IIDADA XADIISKA
1. In seddexdaa dembi ee dhiigga muslimka xalaaleynaya yihiin keli ah sinada uu falo qofka reerka yeeshay iyo qofkii dilay ruux muslim ah iyo qofkii ridoobay;
2. Sida islaamku u ilaaliyo nasabka iyo sharafta qofka muslimka ah;
3. Ilaalinta nabadgelyada iyo wixii bulshada qas gelinaya.

One thought on “Xadiiska 14aad

  1. Pingback: Afartanka Xadiis

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *