Xadiiska 15aad

ANSHAXA WANAAGSAN

[arabic-font]عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ ﷺ قَالَ: “مَنْ كَانَ يُؤْمِنُ بِاَللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ فَلْيَقُلْ خَيْرًا أَوْ لِيَصْمُتْ، وَمَنْ كَانَ يُؤْمِنُ بِاَللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ فَلْيُكْرِمْ جَارَهُ، وَمَنْ كَانَ يُؤْمِنُ بِاَللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ فَلْيُكْرِمْ ضَيْفَهُ”. [/arabic-font]
[arabic-font][رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ][/arabic-font]
[arabic-font]، [وَمُسْلِمٌ][/arabic-font]

Waxaa laga weriyay Abuu Hureeyra (Allaha ka raalli noqdee), inuu yiri Rasuulkii llaahay ﷺ wuxuu yiri:
“Qofkii rumeeyay Alla iyo maalinta qiyaamaha ha ku hadlo kheyr ama ha iska aamuso, qofkii Alla iyo qiyaamaha rumeeyay ha xurmeeyo deriskiisa, qofkii Alla iyo qiyaamaha rumeeyay ha soo dhoweeyo martidiisa.”
Waxaa weriyay al-Bukhaari iyo Muslim.

SHARAXA

Xadiiskani wuxuu ina barayaa dhaqanka wanaagsan ee ku habboon sharafta qofka muslimka ah, hadalku waa qalabka kowaad ee dadka kuu soo dhoweynaaya ama kaa fogeynaaya, marka qofku waa inuu ku fakiro waxa uu ku hadlayo inta hadalka ku jiro afkiisa marka haddii uu rabo inuu ku hadlo wax kheyr leh oo waxtar leh ha ku hadlo, haddiise uu yahay mid shar ah oo dhibaato u soo jiidaya qofka naftiisa amase cid kaleba waa inuu iska aamusaa.
1. In qofku fikiro intuuna hadlin;
2. Inuu kheyr ku hadlo sharkana ka af—haysto;
3. Inuu dhowro xuquuqda jaarka;
4. In la sooro martida.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *