Xadiiska 16aad

CARADA

[arabic-font]عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ  أَنْ رَجُلًا قَالَ لِلنَّبِيِّ  أَوْصِنِي. قَالَ: لَا تَغْضَبْ، فَرَدَّدَ مِرَارًا، قَالَ: لَا تَغْضَبْ” [/arabic-font]
[arabic-font][رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ].[/arabic-font]

Waxaa laga weriyay Abii Hureeyra (Allaha ka raalli noqdee) in nin u yimid Nebiga  kuna yiri: “Ii dardaaran.”

Markaasuu Nebigu  yiri, “Ha caroonin,” markaasuu ku cel celiyay erayga “Ha caroonin.”
Waxaa weriyey al-Bukhaari.

Sharaxa
Caradu waxay ka mid tahay jirrooyinka xun xun ee qofka jarka ka tuura, dembiyo waaweynna u soo jiida, lamana celin karo carada oo waa wax ku abuuran qofka oo marka lagula kaco wax aanu ralli ka aheyn dhiiggiisa dhaqaajiya, marka Nebigu wuxuu ugu yeerayaa muslimiinta iney is celiyaan intay caro burburayaan, waa inaan qofku u hoggaansamin waxay caradu u yeereyso, xadiis kale wuxuu Nebigu ku waaniyay qofka caradu qaadqaadeyso inuu weysa qaato ama xaalka uu ahaa beddelo oo hadduu taagnaa fariisto hadduu fadhiyey jiifsado. Marka xadiiskani wuxuu kuugu yeerayaa inaan caradu xadka kaa saarin.

FAA’IIDADA XADIISKA
1. Waa inuu xusuusto qofku waxa ka dhalanaya carada,
2. Waa inuu qofku isceliyo haddii uu caroodo, oo wax kale ku caro burburo,
3. Inuu ka dheeraado inuu qaado tillaabo ama go’aan isagoo careysan, maxaa yeelay, wuxuu ka shalayn doonaa markay caradu ka baxdo.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *