Xadiiska 17aad

NAXARIISTA

[arabic-font]عَنْ أَبِي يَعْلَى شَدَّادِ بْنِ أَوْسٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ عَنْ رَسُولِ اللَّهِ ﷺ قَالَ: “إنَّ اللَّهَ كَتَبَ الْإِحْسَانَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ، فَإِذَا قَتَلْتُمْ فَأَحْسِنُوا الْقِتْلَةَ، وَإِذَا ذَبَحْتُمْ فَأَحْسِنُوا الذِّبْحَةَ، وَلْيُحِدَّ أَحَدُكُمْ شَفْرَتَهُ، وَلْيُرِحْ ذَبِيحَتَهُ”. [/arabic-font]
[arabic-font][رَوَاهُ مُسْلِمٌ].[/arabic-font]

Waxaa laga weriyay Abii Yaclaa Shaddaad ibn Aws (Allaha ka raalli noqdee), inuu yiri Rasuulkii llaahay ﷺ:
Wax walba waxaa llaahay u waajibiyay samafal, haddii aad wax dileysaan si wanaagsan wax u dila oo ha ku silcinina nafta waxa la dilayo, haddii aad wax gowraceysaan si wanaagsan u gowraca, qofka wax gowracaya waa inuu middida soofeeyo uu neefka u raaxeeyo.
Waxaa weriyay Muslim.

SHARAXA
Wuxuu ka hadlayaa xadiiskani sida islaamku naxariista ugu dadaalayo, maxaa yeelay, qofkii muteystay in la dilo waa in islaamnimada loogu naxariisto oon nafta lagu silcin, marka waa in qalabka lagu dilayo yahay mid dhaqso nafta uga qabanaya, Naxariistaasi kuma koobna dadka ee waxaa loo naxariisanayaa xoolaha iyagana waa in loo fududeeyo oo lagu gowraco middi aad u afweyn oo markiiba u raaxeysa.

FAA’IIDADA XADIISKA
1. Qiimaha naxariistu ku leedahay Diinta Islaamka,
2. Qofka la ciqaabaayo waa inaan si xun oo silic ah loo ciqaabin,
3. In xoolaha loo naxariisto,
4. Marba haddii loo ixsaan falayo qofka nafta laga qabanaayo marka kan noolna waa in loo ixsaan falo oo laga dhowro dhibka, cadaadinta, qallooca iyo dulmiga.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *