Xadiiska 18aad

LA DHAQANKA DADKA

[arabic-font]عَنْ أَبِي ذَرٍّ جُنْدَبِ بْنِ جُنَادَةَ، وَأَبِي عَبْدِ الرَّحْمَنِ مُعَاذِ بْنِ جَبَلٍ ، عَنْ رَسُولِ اللَّهِ  قَالَ: “اتَّقِ اللَّهَ حَيْثُمَا كُنْت، وَأَتْبِعْ السَّيِّئَةَ الْحَسَنَةَ تَمْحُهَا، وَخَالِقْ النَّاسَ بِخُلُقٍ حَسَنٍ” .[/arabic-font]
[arabic-font]رَوَاهُ التِّرْمِذِيُّ [رقم:1987] وَقَالَ: حَدِيثٌ حَسَنٌ، وَفِي بَعْضِ النُّسَخِ: حَسَنٌ صَحِيحٌ.[/arabic-font]

Waxaa laga weriyay Abuu Dar, Jundub ibn Junaada — iyo Abu Cabd ar-Raxmaan Mucaad ibn Jabal , iney ka weriyeen Rasuulkii llaahay  inuu yiri:
Alla ka cabso, meel kasta oo aad joogtid, xumaantana raaci samaan tirtirta, dadkana dabeecad fiican kula dhaqan.
Waxaa weriyay Tirmidi. Wuxuuna yiri waa xadiis Xasan ah.

Sharaxa
Xadiiskani wuxuu ka hadlayaa anshaxa qofka muslimka ah, xagga llaahay iyo xagga aadamigaba, xagga llaahay waa inuu iska dhowro meel kasta oo uu joogo ku xad— gudubka sharciga iyo xuduudda llaahay, haddii uu xumaan sameeyo
uu ku xad—gudbo wax ka mid ah sharciga waa inuu is—gaaro oo uu ka noqdo xumaantii, haddii uu sidaa yeelo waa laga tirtirayaa ciqaabtii dembiga uu galay.
Xagga dadka wuxuu faray xadiiskani in qofka muslimka ah ,,kula dhaqmo dadka dabeecad wanaagsan, taasoo ah inaad dadka nabad geliso oon dhibkaaga gaarin kaddibna aad wax u tartid dadka kale adigoon wax abaalgud ah ka sugin, waa in dadka dheeftaadu gaarto dhibkaaguna gaarin waa sidaas dabeecadda fiican.

FAA’IDADA XADIISKA
1. Cabsida llaahay inay waajib tahay,
2. In qofku iska dhowro ku xadgudbidda sharciga,
3. Qofkii xumaan falaa waa inuu is—gaaro uu xumaantii wanaag ku beddelo,
4. Qofka Muslimka ah waa inuu dabeecad fiican dadka kula dhaqmaa,
5. Qofku waa inuu ahaado wax tare aan waxyello laheyn.

 

One thought on “Xadiiska 18aad

  1. Pingback: Afartanka Xadiis

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *