Xadiiska 22aad

WAXA JANNADA LAGU GALO

[arabic-font]عَنْ أَبِي عَبْدِ اللَّهِ جَابِرِ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ الْأَنْصَارِيِّ : “أَنَّ رَجُلًا سَأَلَ رَسُولَ اللَّهِ فَقَالَ: أَرَأَيْت إذَا صَلَّيْت الْمَكْتُوبَاتِ، وَصُمْت رَمَضَانَ، وَأَحْلَلْت الْحَلَالَ، وَحَرَّمْت الْحَرَامَ، وَلَمْ أَزِدْ عَلَى ذَلِكَ شَيْئًا؛ أَأَدْخُلُ الْجَنَّةَ؟ قَالَ: نَعَمْ”. [/arabic-font]
[arabic-font][رَوَاهُ مُسْلِمٌ].[/arabic-font]

Waxaa laga weriyay Abuu Cabdullaah Jaabir ibn
Cabdullaah — al-Ansari : In nin weydiiyey Rasuulka Ilaahay :
Haddaan tukado salaadda oon soomo Ramadaanka oon baneesto xalaasha oon iska reebo xaaraanta intaana aanan waxna ka siyaadin ma gelayaa Jannada? Wuxuu ku jawaabay Nebigii , “Haa.”
Waxaa weriyay Muslim.
Macnaha aan ka reebtoonaado xaaraanta waa aan ka dheeraado xaaraan oo idil.
Macnaha baneysto xalaasha waa aan ku dhaqmo waxa xalaasha ah anigoo rumeysan xalaalnimadooda.

Sharaxa
Xadiiskani wuxuu inooga warramay waxa tagu muteysanayo Jannada taasoo ah in qofku guto waajibaadka lagu farad yeelay kana dheeraado waxyaalaha laga xaaraantimeeyay oo aad ugu yar dunida sida Doofaarka, Khamrada iyo xaqa dadka kale, iyo inuu cuno wixii Ilaahay u xalaaliyay oo ah wixii ka soo haray xaaraanta.

FAA’IIDADA XADIISKA
1. Oogidda salaadda, soomidda,
2. Ka dheeraanshaha xaaraanta,
3. Ku dhaqanka xalaasha,
4. In camalka fiican lagu helayo Jannada.

One thought on “Xadiiska 22aad

  1. Pingback: Afartanka Xadiis

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *