FALKA KHEYRKA
[arabic-font]عَنْ أَبِي مَالِكٍ الْحَارِثِ بْنِ عَاصِمٍ الْأَشْعَرِيِّ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ “الطَّهُورُ شَطْرُ الْإِيمَانِ، وَالْحَمْدُ لِلَّهِ تَمْلَأُ الْمِيزَانَ، وَسُبْحَانَ اللَّهِ وَالْحَمْدُ لِلَّهِ تَمْلَآنِ -أَوْ: تَمْلَأُ- مَا بَيْنَ السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ، وَالصَّلَاةُ نُورٌ، وَالصَّدَقَةُ بُرْهَانٌ، وَالصَّبْرُ ضِيَاءٌ، وَالْقُرْآنُ حُجَّةٌ لَك أَوْ عَلَيْك، كُلُّ النَّاسِ يَغْدُو، فَبَائِعٌ نَفْسَهُ فَمُعْتِقُهَا أَوْ مُوبِقُهَا”. [رَوَاهُ مُسْلِمٌ].[/arabic-font]
Waxaa laga weriyay Abuu Maalig al—Xaaris ibn Caasim Al—Ashcari , Inuu yiri: Rasuulkii Alla wuxuu yiri:
Nadaafaddu waa iimaanka barki, xamdiga Allana wuxuu buuxiyaa miisaanka — Ereyada Subxaana Laah… Al—xamdu Lillaah, waxay buuxiyaan cirka iyo dhulka dhexdooda, salaaddu waa nuur, sadaqadu waa burhaan (xujo), sabarku waa iftiin, Qur’aanku xujo ayuu kuu noqdaa amaa kugu noqdaa, dadka oo dhammi wey kallahaan naftoodey iib geeyaan, qaar wey xureeyaan, qaama wey halaagaan.”
Waxaa weriya Muslim.
Sharaxa
Xadiiskani wuxuu ina tusayaa arrimo aad u qiimo weyn: Nadaafadda waxaa looga jeedaa in qalbiga laga safeeyo xaasidnimada, xinka iyo jirrooyinka
qalbiga gala ee faraha badan. Marka qofkii llaahay rumeeya waxaasna ka nadiifiyo qalbigiisa ayuu iimaanku mid dhan noqonayaa. Ereyga mahad—naqa ee ah (al Xamdu Lillaah) ajarkiisu wuxuu^ buuxinayaa miisaanka lagu miisaamo kheyrka iyo sharka oo llaahay og yahay inta uu la eg’yahay, sidoo kale labada eray oo wada jira ee kala ah (Subxaana llaahi walxamdu Lillaah) waxay buuxinayaan ajarkoodu ama abaal—gudkoodu cirka iyo dhulka dhexdooda, waa siyaalo llaahay oo keli ah uu qiyaasi karo.
Salaaddu waxay u noqonaysaa qofka nuur uu ku hanuuno, sadaqadu waxay u noqoneysaasummad muujisa qofka islaam—nimadiisa iyo siduu xoolahiisa, xooggiisa iyo aqoontiisa ugu caawiyay walaalihiisii u baahnaa, sabrigu waa ku adkeysiga xaqa,iyo ku adkeysiga iska celinta iyo ka fogaanshaha wixii ilaahay xaaraantimeeyey, iyo u sabarka wixii dhib ku soo gaara ee Alla uu kuu qaddaray, marka adkeysiga qofku u adkeysanayo dhibaatada ka soo gaarta fulinta sharciga islaamka
waxaa loogu abaalgudayaa in loo.iftiimiyo jidka toosan ee Jannada loo maro marka dadka kale mugdiga lagu daboolo.
Qur’aanku isagu waa xujo, qofkii ku camalfala wuxuu u yahay xujo u marag kacda daacadnimadiisa, haddii aanu ku dhaqmin wuxuu ku noqonayaa xujo ku caddeysa ceebihiisa iyo jembiyadiisa.
Qof kasta subaxii wuxuu u kallahaa danahiisa /vuxuu iib geynayaa camalka naftiisa, marka ladduu wax kheyr ieh sameeyo naftiisa wuxuu ka urtay cadaabkii Alla, haddii uu ku kaco shar laftiisii ayuu ku riday cadaab. Marka qofka isagaa a siiyay awood inuu kala doorto meesha uu laftiisa geynayo Janno iyo Naar hadba tuu u carnal asho.
FAA’IIDADA XADIISKA
1. In qofka muslimka ah ku dadaalo siduu lalbigiisa uga nadiifin lahaa waxyaalaha xun xun,
2. In falalka dadka miisaan lagu qiyaasi doono,
3. Faa’idada sabarka iyo ajar badnaantiisa,
4. Sida Qur’aanka dadka ugu shafaaca qaadayo haddii lagu carnal falo,
5. Qof kasta naftiisuu u shaqo tegayaa nin Naar u jeeda iyo nin Janno u jeeda ayaa loo qeybsamayaa, marka naftaada Janno u jiid,
6. Qiimaha sadaqada iyo salaaddu u leedahay maalinta xisaabta qofkii hormarsaday.