Xadiiska 24aad

REEBIDDA DULMIGA

عَنْ أَبِي ذَرٍّ الْغِفَارِيِّ عَنْ النَّبِيِّ فِيمَا يَرْوِيهِ عَنْ رَبِّهِ ، أَنَّهُ قَالَ: “يَا عِبَادِي: إنِّي حَرَّمْت الظُّلْمَ عَلَى نَفْسِي، وَجَعَلْته بَيْنَكُمْ مُحَرَّمًا؛ فَلَا تَظَالَمُوا. يَا عِبَادِي! كُلُّكُمْ ضَالٌّ إلَّا مَنْ هَدَيْته، فَاسْتَهْدُونِي أَهْدِكُمْ. يَا عِبَادِي! كُلُّكُمْ جَائِعٌ إلَّا مَنْ أَطْعَمْته، فَاسْتَطْعِمُونِي أُطْعِمْكُمْ. يَا عِبَادِي! كُلُّكُمْ عَارٍ إلَّا مَنْ كَسَوْته، فَاسْتَكْسُونِي أَكْسُكُمْ. يَا عِبَادِي! إنَّكُمْ تُخْطِئُونَ بِاللَّيْلِ وَالنَّهَارِ، وَأَنَا أَغْفِرُ الذُّنُوبَ جَمِيعًا؛ فَاسْتَغْفِرُونِي أَغْفِرْ لَكُمْ. يَا عِبَادِي! إنَّكُمْ لَنْ تَبْلُغُوا ضُرِّي فَتَضُرُّونِي، وَلَنْ تَبْلُغُوا نَفْعِي فَتَنْفَعُونِي. يَا عِبَادِي! لَوْ أَنَّ أَوَّلَكُمْ وَآخِرَكُمْ وَإِنْسَكُمْ وَجِنَّكُمْ كَانُوا عَلَى أَتْقَى قَلْبِ رَجُلٍ وَاحِدٍ مِنْكُمْ، مَا زَادَ ذَلِكَ فِي مُلْكِي شَيْئًا. يَا عِبَادِي! لَوْ أَنَّ أَوَّلَكُمْ وَآخِرَكُمْ وَإِنْسَكُمْ وَجِنَّكُمْ كَانُوا عَلَى أَفْجَرِ قَلْبِ رَجُلٍ وَاحِدٍ مِنْكُمْ، مَا نَقَصَ ذَلِكَ مِنْ مُلْكِي شَيْئًا. يَا عِبَادِي! لَوْ أَنَّ أَوَّلَكُمْ وَآخِرَكُمْ وَإِنْسَكُمْ وَجِنَّكُمْ قَامُوا فِي صَعِيدٍ وَاحِدٍ، فَسَأَلُونِي، فَأَعْطَيْت كُلَّ وَاحِدٍ مَسْأَلَته، مَا نَقَصَ ذَلِكَ مِمَّا عِنْدِي إلَّا كَمَا يَنْقُصُ الْمِخْيَطُ إذَا أُدْخِلَ الْبَحْرَ. يَا عِبَادِي! إنَّمَا هِيَ أَعْمَالُكُمْ أُحْصِيهَا لَكُمْ، ثُمَّ أُوَفِّيكُمْ إيَّاهَا؛ فَمَنْ وَجَدَ خَيْرًا فَلْيَحْمَدْ اللَّهَ، وَمَنْ وَجَدَ غَيْرَ ذَلِكَ فَلَا يَلُومَن إلَّا نَفْسَهُ”. [رَوَاهُ مُسْلِمٌ].

Waxaa laga weriyey Abii—Dar al—Gafaari , in Nebigu , uu ka weriyey Rabbigiisa oo yiri:
“Addoomaheygiyow anigu waan ka xaaraantimeeyey nafteyda dulmiga, waxaan ka dhigay dhexdiinna xaaraan, idinku ha is—dulminina. Addoomaheygiy- ow dhammaantiin baadi baad tihiin, qofkii aan hanuuniyo ma ahee, marka soo doonta hanuun aan idin hanuuniyee. Addoomah- eygiiyow dhammaantiin waad baahan tihiin soo doonta quud aan idin quudiyee. Addoomaheygiiyow dhammaantiin waa arradan tihiin soo doonta hu aan idin arrad tiree. Addoomaheygiiyow habbeen iyo dharaarba waad gefeysaan, dembiga dhammaantiina anigaa dtiaafa, marka dembi— dhaaf dalba aan idiin dembi — dhaafee. Addoomaheygiiyow haddaad i dhibi lahaydeen ma awoodi kartaan, haddaad wax ii tari lahaydeen ma awoodi kartaan. Addoomaheygiiyow haddii dadkoo dhammi kii loogu hor—uumay ilaa kii ugu dambeeyey Jinni iyo Insiba oo ay dhammaantood la mid noqdaan qofka dadka ugu Alla ka cabsi iyo cibaado badan, waxba hantideyda ku kordhin meysaan. Addoomaheygiiyow haddii dadka oo dhan kii loogu hor uumay ilaa kii ugu dambeeyey Insi iyo Jinniba ay la mid noqdaan ninka dadka ugu caasi badan, waxba hantideyda ka dhimimeysaan Addoomadeydiiyow haddii dadka kii u horreeyey iyo kii u dambeeyey Insi iyo Jinba hal meel ay isugu yimaadaan oo ay dhammaantood i weydiistaan waxa ay doonayaan oon mid hasta siiyo wuxuu warsaday waxba hantideyda ka dhimi maayaan, waxaan ka ahayn irbad bad la geliyey ay ka dhinto biyaha badda. Addoomaheygiiyow, waxaan idiin hayaa camalkiinnii oon idiin keydiyey, si waafi ahna idiinka abaalmarinayo, marka ninkii kheyr la kulma llaahay ha u mahad—-naqo, kii shar la kulma naftiisa keli ah ha canaanto.”
Waxaa weriyey Muslim.

SHARAXA
Xadiiskan waa Xadiis Qudsi ah, Nebigu  Ilaahay ka weriyey.
Dulmiga waxa loola jeedaa in dadka gardarro iyo xasad lagula kaco ama xoolahooda xaq—darro loo qaato, marka llaahay wuu ka dhowrsoon yahay dulmiga, dadkana wuxuu amray inaanay js—dulmin, wuxuu llaahay inoo sheegay wax jira oo ah in dadku dunida yimaado, iyagoon aqoon lahayn, iyagoo qaawan, iyagoo sabool ah, marka llaahay baa irsaaqda, hanuunka iyo aqoontaba ugu deeqa dadkiisa, waana in laga dalbo isaga keli ah oon laga baryin cid aan arrimahaas gacanta ku haysan, maxaa yeelay, qofna ma bixin karo wax aannu hanan. Wuxuu sheegay llaahay dabeecadda aadamigu leeyahay oo ah inuu mar kasta gefaf ku dhaco, marka qofkii gefaa waa in uu llaahay cafis warsado oo uu u toobad keeno, jidka toosanna raaco.Waxaanu llaahay u ballanqaaday qofkii dembi— dhaaf warsada, jidka qumanna ku toosa inuu cafin doono. Waxaa kale oo llaahay inoo sheegay inaan caasinnimada dadku llaahay waxba u dhimayn, xataa haddii uunkoo dhammi ku caasi garoobaan.
Sidoo kale daacadda badan waxba llaahay u kordhin maayaan, xataa haddii uunkoo dhammi wada daacad taqi ah noqdaan, macnahoo ah khalqiga llaahay waxna uma tari karaan waxna ma yeeli karaan, llaahay isagaa dunida abuuray, waanu ka deeqtoon yahay sida lagu caddeeyey aayado badan oo Qur’aanka ah, marka uunku isagaa u baahan llaahay, waxaana u roon in ay amarkiisa fuliyaan, si ay u gaaraan danahooda.
Waxaa sidaa caddeeyey qowlka leh: “Haddii dadkoo dhan oo jinkuna la jiro qof kastana wuxuu ka doono dunida i warsado oon dhammaantood qof waliba siiyo wuxuu warsaday hantida llaahay waxba ka dhimmi maayaan, sida aanay badda waxba uga dhimayn haddii irbad la geliyo oo laga soo saaro.”
Ugu dambeyntii xadiisku wuxuu sheegayaa in dadka lagu abaalmariyo qofba wuxuu fashay, marka qofkii ku gabood falay sharciga, hawada naftiisana raacay waxaa loogu abaalgudayaa cadaab. qofkiise amarka ftabbi raacay ee sharciga ku camal—falay, waxaa loogu abaalgudayaa Jannada. Marka qofkii naar mutaysta ha canaanto naftiisa oo keli ah, maxaa yeelay, iyadaa ka dhumisay jidka toosan.

FAA’IIDADA XADIISKA
1. In dulmigu xaaraan yahay;
2. Hanuunka waa in la warsado llaahay oo keli ah, asbaabtana lala yimaado sida salaadda, ku xirnaanta masjidka, akhrisashada qur’aanka iyo xadiiska nebiga (SCW),la xiriirka dadka wanaagsan sida culumada, akhyaarta, dadka Islaamka iyo siday kalimada Alla kor u ahaan laheyd ku howlan lana jeclaado iwm ;
3. Khalqigu dhib iyo dheef midna llaahay ma gaarsiin karaan;
4. Dadka waxaa lagu abaalmariyaa qofba wuxuu fashay;
5. Qofka Muslimka ah waa in uu llaahay ka baryo hanuunka, kheyrka, dembidhaafka iyo wuxuu doonaba ee aannu ka codsanin arrimahaas cid aan waxba uga tarayn;
6. Qofku waa in uu Alla uga mahadnoqo nicmooyinka faraha badan ee aan la soo koobi karayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *