Xadiiska 25aad

WARDIGU WAA SADAQO

[arabic-font]عَنْ أَبِي ذَرٍّ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ أَيْضًا، “أَنَّ نَاسًا مِنْ أَصْحَابِ رَسُولِ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم قَالُوا لِلنَّبِيِّ صلى الله عليه و سلم يَا رَسُولَ اللَّهِ ذَهَبَ أَهْلُ الدُّثُورِ بِالْأُجُورِ؛ يُصَلُّونَ كَمَا نُصَلِّي، وَيَصُومُونَ كَمَا نَصُومُ، وَيَتَصَدَّقُونَ بِفُضُولِ أَمْوَالِهِمْ. قَالَ: أَوَلَيْسَ قَدْ جَعَلَ اللَّهُ لَكُمْ مَا تَصَّدَّقُونَ؟ إنَّ بِكُلِّ تَسْبِيحَةٍ صَدَقَةً، وَكُلِّ تَكْبِيرَةٍ صَدَقَةً، وَكُلِّ تَحْمِيدَةٍ صَدَقَةً، وَكُلِّ تَهْلِيلَةٍ صَدَقَةً، وَأَمْرٌ بِمَعْرُوفٍ صَدَقَةٌ، وَنَهْيٌ عَنْ مُنْكَرٍ صَدَقَةٌ، وَفِي بُضْعِ أَحَدِكُمْ صَدَقَةٌ. قَالُوا: يَا رَسُولَ اللَّهِ أَيَأْتِي أَحَدُنَا شَهْوَتَهُ وَيَكُونُ لَهُ فِيهَا أَجْرٌ؟ قَالَ: أَرَأَيْتُمْ لَوْ وَضَعَهَا فِي حَرَامٍ أَكَانَ عَلَيْهِ وِزْرٌ؟ فَكَذَلِكَ إذَا وَضَعَهَا فِي الْحَلَالِ، كَانَ لَهُ أَجْرٌ”. [/arabic-font]
[arabic-font][رَوَاهُ مُسْلِمٌ].[/arabic-font]

 

Waxaa laga weriyey Abuu—Darr (Allaha ka raalli noqdee), inuu yiri:
Dad Asxaabtii Rasuulka (s.c.w.), ka mid ah ayaa ku yiri Nebiga (s.c.w.): Rasuulkii Allow dadkii maalqabeenka ahaa ayaa ajarkii la wada tagey, sidaan u tukanno ayey u tukanayaan, sidaan u soomno ayey u soomayaan, waxay nagu dhaafeen in ay sadaqaystaan xoolahooda dheeraadka ah. Markaasuu Nebigu yiri (s.c.w.): Miyaan llaahay idin siin wax aad sadaqaysataan.? Tasbiixad kastaa (Subxaanallaah), waxay idiin tahay sadaqo, Takbiirad kastaa (Allaahu Akbar) waxay idiin tahay sadaqo, Taxmiid kastaa (Alxamdu Lillaah) waxay idiin tahay sadaqo, Alla mideyn kastaa (Laa llaaha lllal—laah), waxay idiin tahay sadaqo, wanaagga la is—faraa waa sadaqo, xumaanta layska reebaa waa sadaqo, galmada ooridiinnu waa sadaqo. Markaas bay yiraahdeen: Rasuulkii Allow ma nin baa xaajada uu gudanayo lagu ajar siinayaa? Markaas buu yiri: waxaad iiga warrantaa haddii uu naag xaaraan ah u tegi lahaa sow dembi kuma dhaceen? Sidoo kale hadduu u tago ooridiisa xalaasha ah wuxuu leeyahay ajar.
Waxaa weriyey Muslim.

SHARAXA
Xadiiskani aad buu muhiim u yahay, maxaayeelay, wuxuu inoo caddeynayaa inaan cibadadu ku koobnayn salaadda iyo waajibaadka xagga llaahay ee waxaa ka mid ah kheyr kasta oo dadka loo faa’ideeyo.
Waxaa kale oo xadiisku sheegay inaan sadaqadu ku koobneyn xoola—bixinta oo keli ah, ee werdigu geli karo halkii sadaqada, ninkii aan xoolo lahayn.
Waxaa la sadaqayn karaa xoogga llaahay ku siiyey, carrabkaaga waad ku werdin kartaa, laakiin, waxaa shardi ah erayada aad ku werdinaysaa in ay kuwa sharcigu na faray ay yihiin, sida kuwa ku xusan xadiiskan, mana bannaana inuu jeebkiisa ka keensado wardi aan sharciga lagu sheegin, sida aanay u bannaaneyn in uu tukado salaadda aan sharcigu farin ama si aannu sharciga u farin, waxaa kale oo carrabka laga sadaqayn karaa in dadka wax loo sheego, lagu hauuniyo jidka toosan, loogadigo jidka qalloocan. Waxaa kaloo xadiisku inoo faa’ideeyey in fal kasta oo wanaagsan qofka laga ajar siinaayo haba noqdo wax uu dantiisa gaarka ah u qabtay sida galmada xaaskiisa.
1. Siday Asaxaabtu kheyrka ugu tartami jireen, innaguna waa inaan kaga dayanno;
2. Sadaqadu inaanay xoolo la bixiyo oo keli ah ku koobnayn ee xoogagga kala duwan ee llaahay inoogu deeqay la sadaqaysan karo;
3. Cibaadadu in ay ku koobneyn arkaanta Islaamka ee ay tahay kheyr kasta oo loo sameeyo aadamiga sida waafaqsan sharciga;
4. Galmada xalaasha ah, waxaa laga helayaa ajar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *