Xadiiska 28aad

DARDAARAN

عَنْ أَبِي نَجِيحٍ الْعِرْبَاضِ بْنِ سَارِيَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: “وَعَظَنَا رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم مَوْعِظَةً وَجِلَتْ مِنْهَا الْقُلُوبُ، وَذَرَفَتْ مِنْهَا الْعُيُونُ، فَقُلْنَا: يَا رَسُولَ اللَّهِ! كَأَنَّهَا مَوْعِظَةُ مُوَدِّعٍ فَأَوْصِنَا، قَالَ: أُوصِيكُمْ بِتَقْوَى اللَّهِ، وَالسَّمْعِ وَالطَّاعَةِ وَإِنْ تَأَمَّرَ عَلَيْكُمْ عَبْدٌ، فَإِنَّهُ مَنْ يَعِشْ مِنْكُمْ فَسَيَرَى اخْتِلَافًا كَثِيرًا، فَعَلَيْكُمْ بِسُنَّتِي وَسُنَّةِ الْخُلَفَاءِ الرَّاشِدِينَ الْمَهْدِيينَ، عَضُّوا عَلَيْهَا بِالنَّوَاجِذِ، وَإِيَّاكُمْ وَمُحْدَثَاتِ الْأُمُورِ؛ فَإِنَّ كُلَّ بِدْعَةٍ ضَلَالَةٌ”. 

[رَوَاهُ أَبُو دَاوُدَ]، وَاَلتِّرْمِذِيُّ [رقم:266] وَقَالَ: حَدِيثٌ حَسَنٌ صَحِيحٌ.

Waxaa laga wariyey Abuu—Najiix al—Cirbaad ibn Saariya (Allaha ka raalli noqdee), in uu yiri:
Waxaa na wacdiyey Rasuulkii Alta (s.c.w.), wacdi qalbiga dhalaaliyey oo indhaha ka ilmeysiiyey, markaasaan ku niri Rasuulkii Allow wacdigaagani wuxuuu u eg yahay wacdi sagootin ah ee inoo dardaaran. Markaasuu yiri: waxaan idinkula
dardaarmayaa cabsida Allaha casiiska ah ee weyn iyo maqal iyo adeecid madaxdiinna, xataa haddii uu madaxiinnu yahay nin addoon ah, ninkiinna noolaadana wuxuu arki doonaa khilaaf fara badan, si aad uga badbaaddaan khilafkaa waxaan idinkula dardaarmayaa inaad raacdaan jidka Nebigiin iyo jidka Khulafadiisii hanuunsanaa, jidkaa ku dhega oo gowsaha ku qabsada, kana digtoonaada arrimaha soo dirrin doona, maxaa yeelay, wax kasta oo Diinta lagu soo dirriyey waa bidco, bidcaduna waa baadinnimo, qofkii ku socdaana waa ahlu—naar.
Waxaa weriyey Abuu—Daawuud iyo at-Tirmidif wuxuuna yiri waa xadiis Xasan ah oo saxiix ah.

Sharaxa
Xadiiskani wuxuu caddeynayaa arrimo ka mid ah kuwii Nebigu (s.c.w.) u dardaarmay ummaddiisa, waxaanu ku wacdiyey wacdi qalbigooda dhaqaajiyey, wuxuu kula dardaarmay in ay llaahay ka cabsadaan oo ay ku dadaalaan dhowridda iyo ku—dhaqanka sharciga, wuxuu faray in amarka dawladda, Islaamka dhaqankeedu yahay la adeeco, xataa hadduu yahay ninka madaxda ah qof addoon ah. Mar haddii aannu wax diinta khilaafsan idin fareyn. Wuxuu xadiisku ka warramay waxyaalo dhici doona oo ah ninkii noolaada in uu la kulmi khilaaf fara badan. Marka wuxuu yiri Nebigeennii suubbanaa (s.c.w.) haddii waxaasi dhacaan raaca jidka Nebiga iyo Khulafadii hanuunsanayd ku joogeen. Khulafada waxa loola jeedaa Abuubakar As-Sadiiq, Cumar Ibni—Khadaab, Cusmaan ibni—Caffaan, Cali Ibni— Abii—Daalib, jidkaas baa xaq ah ee ha lagu dhego, cidii heystana ha lala garab iyo gaashaan noqdo.
Wuxuu uga digay in ay ku kalsoonaadaan waxyaalaha diinta lagu kordhin doono oo aan ka mid aheyn, ama laga naaqusin doono ee ah bidcada, bidcaduna waa baadi dadka naarta u jiideysa, marka bidcada waxaa loola jeedaa in llaahay lagu caabudo wax aannu ji-
deynin oo aan nebigu farin, sida werdi aannu nebigu sheegin inaan ku werdinno ama sa- laad aan lagu farin ama goortii lagu faray goor aan aheyn aad tukatid ama si aan laguu farin u tukatid ama aad u jeesato meel aan qi- blada aheyn ama aad dawaaftid meel aan Kacbada llaahay ahyn iwm. Bidcaduna waa laba nooc, bidco lagu gaaloobayo ^ida ku dawaafidda qabuuraha ama baryada awliyada mootan iyo gargaar ugu wacashadooda, Iyo bidco aan lagu gaaloobeyn; ha yeeshee dem¬bi sida carrabbaabidda niyada salaadda oo aad tiraahdo usallii faradal salaata iwm.
Markaad ku kacayso fal cibaado ah, waa inaad ogaatid halka uu falkaas salka ku hayo, maxaa yeelay, cibaado ma aha inaad iska fashid sidaad jeceshahay ee waa sida lagu faro, haddiise aad llaahay ku caabuddo wax aannu kuu diran waa tacab khasaaray if iyo aakhiraba, marka iska hubso intaad dhowdahay oo camalkaaga la socodsii sharciga Islaamka runta ah.
1. In llaahay la dhowro sharcigiisa;
2. In amarka dawladda Islaamka wax ku xukumeysa la adeeco, haddii kale fidnaa dhaceysa;
3. Marka khilaafku bato xagga diinta waa in la raaco jidkii rasuulka (SCW) iyo khulafadiisa;
4. Dadka ku carnal fala bidcada abaalkoodu waa tacab khasaar ifka iyo cadaab aakhiro, maxaa yeelay, wejigaa lagaga soo tuurayaa camalkooda, aakhirana waa lagu ciqaabayaa, sababtoo ah intuu weydaartay jidkii Rasuulka ayuu ku carnal falay cibaado aan la farin, inkastoo uu is—leeyahay kheyr baad heleysaa, wuxuu la mid yahay qofkaasi sidii asaga oo leh jidka Rasuulka ma fiicna ee anigaa jid ka fiican oo llaahay kuu dhoweynaya samaynaya, jidkaas baana naarta geeya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *